Qof walba oo aaminsan inuu la kulmay takoor ama aargoosi sabab la xiriirta talaabooyinka Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka), ama shaqaalaheeda ama adeegbixiyeyaasheeda, wuxuu cabasho usoo gudbin karaa Civil Rights & ADA Program (Barnaamijka Xaquuqaha Bulshada iyo ADA) 180 maalmood gudahood markay dhacdadu ku dhacdo. Haddii cabashadu ka baxsantahay wakhtigaan, qofku wuxuu wali la xiriiri karaa Javier Ruiz (Maamulaha Civil Rights & ADA Program) si uu u hago.
Soo gudbinta Cabashada
Cabashooyinka waxaa lagu soo gudbin doonaa qaab qoraal ah foomka cabashada (PDF), ayadoo lagu soo dirayo iimaylka, boostada, qaab fool-ka-fool ah, ama teleefoonka. DOH waxay dadaal weyn ku bixin doontaa sidii ay u caawin lahayd dadka naafada ah, aan Ingiriisiga ku hadli karin, iyo dadka kale wajahaya caqabada buuxinta cabashada.
Markii aad cabasho qorayso, waxaa ku caawinaysa inaad ku darto macluumaadka soo socda:
- Magaca, ciwaanka, lambarka teleefoonka, iyo iimaylka
- Tafaasiisha habdhaqanka ama dhacdada iyo taariikhda ay dhacday
- Sharaxaada sababta aad u aaminsantahay in takoor bilaa sharci ah uu dhacay, oo ay kujirto sababta aad u aamnisantahay in habdhaqanka ama dhacdadu la xiriirto dhinac difaac haysta
- Tafaasiisha talaabooyinka aad aaminsantahay in DOH looga baahanyahay inay qaado si ay dhibaatada u xaliso
Waxaad isticmaali kartaa foomka cabashada (PDF) DOH, kaasoo loo diyaariyay inuu kaa caawiyo inaad bixiso macluumaadka DOH kaaga baahantahay si ay cabashadaada u qiimayso.
Washington State Department of Health Civil Rights & ADA Program
PO Box 47890 | Olympia, WA 98504-47890
(833) 428-3703 | Civil.Rights@doh.wa.gov
Hanaanka Cabashada
Markii cabashada la helo, xubin shaqaalaha ka tirsan oo ka socota Civil Rights & ADA Program ayaa la xiriiri doona qofka cabanaya 15 maalmood gudahood si ay arinka uga wadahadlaan. Kahor inta aysan baaritaanka bilaabin, Civil Rights & ADA Program ayaa dib u eegis ku samayn doona cabashada si uu go'aan uga gaaro inuu awood u leeyahay iyo in kale. Haddii Civil Rights & ADA Program uu baaritaan bilaabo, wuxuu dib u eegis ku samayn doonaa dhamaanba cadaymaha khuseeya, waraysan doonaa marqaatiga, wuxuu la tashan doonaa khubarada muhiimka ah si uu go'aan uga gaaro talaabada saxda ah iyo xalka suurtagalka ah. Natiijada baaritaanka waxaa lagu bixin doonaa qaab qoraal ah, waxaana kujira gunaanadka natiijooyinka, go'aaminta in takoor dhacay, iyo talaabo kasta oo saxniin ah, haddii ay jirto.
Xalka aan Rasmiga ahayn
Mar kasta Civil Rights & ADA Program waxaa laga yaabaa inuu iskudayo xalinta cabashada asagoo adeegsanaya heshiisiin iyo xal labada dhinacba ku qanci karaan. Hanaankaan xalka aan rasmiga ahayn ah meesha kama saarayo mana diidayo xaquuqaha qofka cabashada gudbinaya uu u leeyahay inuu sii wado cabashadiisa rasmiga ah asagoo usoo gudbinaya DOH Civil Rights & ADA Program ama hay'ad kale oo sharci oo dibadda ah.
Xiliyada u cayiman Qabashada Cabashada
Cabashooyinka takoorka iyo aargoosiga waxaa sida caadiga ah lagu xalinayaa 90 maalmood gudahood markii lasoo gudbiyo. Haddii wakhti dheeraad ah loo baahdo, shaqaalaha Civil Rights & ADA Program ayaa ku wargalin doona qofka cabashada soo gudbinaya qaab qoraal ah.
Xulashooyinka Cabashada ee Dheeraadka ah
Haddii jawaabta waaxdu aysan u xalin arinta si qofka cabashada soo gudbiyay uu ku qanacsanyahay, waxaa loo sheegi doonaa xaquuqda uu u leeyahay inuu cabasho u gudbiyo wakaaladaha kale ee ay khusayso, sida U.S. Department of Justice (Waaxda Cadaaladda Maraykanka), U.S. Environmental Protection Agency (Wakaaladda Ilalainta Bii'ada ee Maraykanka), Department of Health and Human Services (Waaxda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada), ama Washington State Human Rights Commission (Guddiga Xaquuqul insaanka ee Gobolka Washington).
Aargoosiga
Civil Rights & ADA Program wuxuu sidoo kale dib u eegis ku samayn doonaa cabashooyinka ku saabsan eedaha aargoosiga, kuwaasoo qofku kala kulmay cawaaqib xun ama talaabo aan wanaagsanayn oo ay qaaday DOH, ama shaqaalaheeda ama adeegbixiyeyaasheeda, taasoo qayb ka ah ka qaybqaadashada howsha la difaacayo. Howsha la difaacayo waxaa kamid noqon kara, tusaale ahaan, in lasoo gudbiyo cabashada takoorka, ka qaybqaadashada baaritaanka, ama xaqiijinta xaquuqaha uu siinayosharciga madaniga ah qofka.
Xalka Cabashada
Ugu danbayntii, Civil Rights & ADA Program wuxuu dusha kala socon doonaa hanaanka xalinta si loo hubiyo in talaabo kasta oo la iksu waafaqo lagu sameeyo wakhtiga loo cayimay.