Sida cabashada loo soo gudbiyo
Takoorku wuxuu kasoo horjeedaa Sharciga
Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka ee Washington) waxay u hogaansamaysaa dhamaanba shuruucda kahortagga takoorka ee federaalka, oo ay kujiraan Title V ee Civil Rights Act (Xeerka Xaquuqaha Bulshada), Americans with Disabilities Act (ADA, Xeerka Naafada Maraykanka), iyo xeerarka kale ee ku saabsan kahortagga takoorka. DOH ma samayso takoor ku salaysan isirka, midabka, wadanka uu qofku kasoo jeedo, naafanimada, ama nooc kale oo uu diidayo sharciga federaalku.
Intaas waxaa dheer, DOH waxay u hogaansantahay Washington Law Against Discrimination (Sharciga Kahortagga Takoorka ee Washington) (Revised Code of Washington (RCW, Xeerka Dib loo eegay ee Washington) 49.60) mana samayso cunsurinimo ku salaysan isirka, midabka, diinta, waddanka uu qofku kasoo jeedo, maraxaladda soogalootinimada ama muwaadinimada, da'da, naafanimada, jinsiga, muuqaalka iyo aqoonsiga jinsiga, rabitaanka nooca galmada, marxaladda guurka, marxaladda qoyska, diinta, marxaladda sharafta halyaynimo ama milatari, ama adeegsiga tilmaamaha ayy tababaran ama adeegyada xayawaanka ee uu adeegsado qofka naafada ah.
DOH waxay si adag u mamnuucaysaa aargoosiga iyo cabsigelinta ka dhanka ah qofka gaysta ficilada la ilaaliyay, sida soo gudbinta cabashada takoorka ama ka qaybqaadashada baaritaanka. Civil Rights & ADA Program (Barnaamijka Xaquuqaha Bulshada iyo ADA) wuxuu dib u eegis ku samayn doonaa aargoosiga iyo/ama cabashooyinka cabsigelinta ah ee ay soo gudbiyaan macaamiisha DOH ayagoo kasoo gudbinaya shaqaalaha iyo adeegbixiyeyaasha DOH.
Si waafaqsan 40 Code of Federal Regulations (C.F.R., Xeerka Shuruucda Federaalka) Qaybaha 5 iyo 7, DOH sidoo kale ma samaynayso takoor ayadoo ku salaynaysa jinsiga marka la joogo barnaamijyadeeda waxbarashada ama shaqooyinka ay qabato. DOH waxay xaqiijinaysaa in qofna aan la faquuqin ama aan loola dhaqmin si ka duwan dadka kale ayadoo sabab looga dhigaayo qodobadaan.
Adeegyo iyo Kaalmooyin Bilaash ah
Washington State Department of Health waxay adeegyo iyo kaalmooyin bilaash ah siisaa dadka naafada ah si ay si fiican noogula hadlaan, sida:
- Tarjumaanada luuqadda dhagooleyaasha oo ay bixinayaan xirfadleyaal
- Macluumaad qoraal ah oo qaabab kale ah (xarfaha waaweyn, dhegaysi, qaab elektoroonig ah oo la adeegsan karo, qaabab kale)
Washington State Department of Health waxay sidoo kale adeegyo luuqadeed oo bilaash ah siisaa dadka luuqaddooda koowaad aysan luuqadda Ingiriisiga ahayn, sida:
- Tarjumaano xirfadleyaal ah
- Macluumaad ku qoran luuqado kale
Haddii aad u baahantahay in laguugu caawiyo adeegyadaan, kala xiriir Javier Ruiz halkaan:
DOH Civil Rights & ADA Program
PO Box 47890 Olympia, WA 98504-47890
(833) 428-3703
Iimayl ugu dir Civil Rights Program: Civil.Rights@doh.wa.gov
Iskuduwaha Kahortagga Takoorka
DOH waxay u xilsaartay Javier Ruiz, oo ah Maamulaha Civil Rights & ADA Program, iskuduwaheeda kahortagga takoorka si loo hubiyo u hogaansamidda waajibaadka xaquuqaha bulshada ee DOH, oo ay kujiraan wax ka qabashada cabashooyinka takoorka. Macmiil walba oo DOH ay leedahay wuxuu la xiriiri karaa Javier Ruiz wixii su'aalo ha oo la xiriira u sinaanta helitaanka adeegyada DOH iyo waajibaadka xaquuqaha bulshada ee DOH.
Cabashooyinka Takoorka
Haddii aad aaminsantahay in DOH ku guuldaraysatay inay adeegyadaan ku siiso ama ay ku kacday takoor ku salaysan isirka, midabka, wadanka aad kasoo jeedo, da'da, naafanimada, jinsiga, ama nooc kale oo la ilaaliyay, waxaad cabasho ugu gudbin kartaa Civil Rights & ADA Program 180 maalmood gudahood marka ay dhacdadu dhacdo.
Cabashooyinka waxaa lagu soo gudbin doonaa qaab qoraal ah foomka cabashada, ayadoo lagu soo dirayo iimaylka, boostada, qaab fool-ka-fool ah, ama teleefoonka.
- Foomka Cabashada Takoorka – Nuqulka oonlaynka ah
- Foomka Cabashada Takoorka – Nuqulka daabacan ama iimeylka (PDF)
- Iimaylka: Civil.Rights@doh.wa.gov
- Boostada: DOH Civil Rights & ADA Program, PO Box 47890, Olympia, WA 98504-47890
- Taleefoonka: (833) 428-3703
Baro wax badan oo ku saabsan hanaanka cabashada takoorka.
Ikhtiyaarada Cabasho soo gudbinta ee Dheeraadka ah
U.S. Department of Health and Human Services (HHS)
Waxaad cabashada xaquuqaha madaniga ah u gudbin kartaa HHS Office for Civil Rights (HHS Xaafiiska Xaquuqaha Madaniga ah) adigoo usii marinaya Barta Cabashooyinka Office for Civil Rights (Ingiriisi), ama boostada ama teleefoonka:
U.S. Department of Health and Human Services
200 Independence Avenue SW, Room 509F, HHH Building, Washington, D.C. 20201
1-800-368-1019, 800-537-7697 (TDD)
Ka baro wax badan oo ku saabsan sida cabasho loogu soo gudbiyo HHS (Ingiriisi).
U.S. Environmental Protection Agency (EPA)
Haddii cabashadu la xiriirto qof hela maalgalinta Envirnmental Protection Agency (EPA, Wakaaladda Ilaalinta Bii'ada), waxaad caabshada EPA ugu diri kartaa;
U.S. Environmental Protection Agency
Office of External Civil Rights Compliance
1200 Pennsylvania Avenue, N.W., Washington, DC 20460
Iimaylka: Title_VI_Complaints@epa.gov
Ka baro wax badan oo ku saabsan sida cabasho loogu soo gudbiyo EPA.
Washington State Human Rights Commission (WSHRC)
WSHRC waxay dhaqangalisaa Washington Law Against Discrimination, cutubka 49.60 RCW. Waxaad cabashada kusoo gudbin kartaa barta onleenka ah ee WSHRC (Ingiriisi iyo Isbaanish), ama barta:
Washington State Human Rights Commission
PO Box 42490 Olympia, WA 98504-2490
Iimaylka: frontdesk@hum.wa.gov
Ka baro wax badan oo ku saabsan sida cabasho loogu soo gudbiyo WSHR (Ingiriisi iyo Isbaanish).