Baaritaanka Dugsiyada

Maxaa Loo baarayaa?

Baaritaanku waxa uu muhiim uyahay dugsiyadeena K-12 halkaas oo arday badan aysan wali uqalmin tallaalka. Iyada oo ay la socdaan tallaabooyinka kale sida tallaalka, xirashada maaskarada iyo kala fogaanshaha bulshada, baaritaanku waa hab muhiim ah oo la xaqiijiyey in uu xadidaayo faafitaanka COVID-19.

Iskaashiga ayaa Xamilaya Culeyska Dugsiyada

Washington State Department of Health (Waaxda Gobalka Washington uqaabilsan Caafimaadka) ayaa la shaqeynaysa la-hawlgalayaasha si ay gacan oga geystaan in ay sameeyaan jawi ammaan u ah waxbrashada fool kafoolka ah iyada oo loo maraayo Learn to Return program (Baro Ku laabashada Barnaamijka). Learn to Return (kaliya Igiriis) ayaa ka caawiya dugsiyada in ay bixiyaan baaritaanada fudud ee COVID-19 oo loogu talagalay ardayda goobta jooga.

DOH waxa ay wada shaqeyn la leedahay Washington Office of the Superintendent of Public Instruction (OSPI, Xafiiska Washington ee Kormeeraha Guud ee Waxbarashada Dadweynaha) iyo hay'ada faa'iido doonka ahayn ee Health Commons Project si ay Learn to Return ugu keenaan in ka badan 300 dugsiyo oo dagmada ah, oo ayna ku jiraan dugsiyada gaarka loo leeyahay, jaartarka, iyo dugsiyada qabaa'ilka ee gobolka oo idil kajira.

Marka Dugsiyada la joogo

Learn to Return:

Si aad wax badan ubarato, maamulayaasha dugsiyada iyo shaqaalaha waxa ay booqan karaan Learn to Return Bogga Maamulayaasha & Shaqaalaha (kaliya Ingiriis).

Dugsiga degmadaadu ha bilaabo diiwaan gelinta (kaliya Ingiriis)

Helitaanka dhammaan heerarka barnaamijka Learn to Return ayaa fure u ah xaqiijinta guusha dugsiga ee baaritaanka. Si loo hormariyo kaqeyb qaadasho sahlan, Public Readiness and Emergency Preparedness Ac (sharciga u -diyaargaroowga Dadweynaha iyo u diyaargarowga Degdegga ah) (Sharciga PREP - kaliya Ingiriis) ee federaalka Intaa waxaa dheer, sharciga PREP ayaa ka ilaalinaya iskuullada hubsiimo la'aanta sharciga iyo halista iyada oo loo maraayo ilaalinta difaac ballaaran oo ka dhan ah dacwadda iyo mas'uuliyadda.

Waalidiinta/Mas'uuliyaasha iyo Ardayda

Learn to Return:

  • Waxaa loogu talagalay in aysan wax qarash ka bixin qoysaska
  • Waa ikhtiyaari
  • Waxa ay gacan ka geysaneysaa ilaalinta canugaada marka uu joogo iskuulka
  • Waxa ay kadhigtaa dugsiyadu kuwo ufuran waxbarashada fool kafoolka ah
  • Waxa ay u oggolaanaysaa ka -qaybgalka joogtada ah ee isboortiska iyo kuwa manhajka ka baxsan
  • Waxa ay kadhigeysaa aqoonsiga canugaada mid khaas ah
  • Waxa ay adeegsataa baaritaanada suufka sanka lagalinayo oo sahlan, iyadoo maskaxda lagu hayo jawiga canugaada

Si aad wax badan ubarato, waalidiinta iyo ardayda waxa ay booqan karaan Learn to Return bogga Waalidiinta & Ardayd (kaliya Ingiriis).

Ka socota xafiiska wararka ee Washington State Department of Health (kaliya Ingiriis)