Naftaada iyo Dadka Kale Ka Ilaali

Neefsashada qiiqu qofna uma fiicna. Baro wax dheeraad ah oo ku saabsan walaacyada caafimaad ee neefsashada qiiqa dabka.

Qof walba waa inuu qaadaa tallaabooyin lagu yareynayo u-banbixidda. Hoos waxaa ku qoran tallaabooyin aad qaadi karto si aad naftaada, qoyskaaga, xayawaankaaga rabaayadda ah, iyo xoolahaaga uga ilaaliso qiiqa dabka marka aad bannaanka ama gudaha joogto. Haddii aad qabto neef ama cudurro kale oo sambabada ah, raac talada dhakhtarkaaga ama qorshahaaga wax-ka-qabashada neefta, haddii aad mid leedahay.

Bannaanka

Marka aad bannaanka joogto, xaddid muddada iyo xoogga dhaqdhaqaaqa jirka. Haddii ay khasab tahay inaad bannaanka joogto muddo kooban, xiro qalab neefsasho oo qurubyada ka hortaga oo si habboon kuu le’eg, ayna ansixisay National Institute for Occupational Safety and Health (NIOSH, Machadka Qaranka ee Badbaadada iyo Caafimaadka Shaqada), sida maaskaro N95 ah.

Marka aad bannaanka u baxayso xilliyada qiiqa, xusuusnow inaad hubiso boggayaga ilaha tayada hawada.

Icon - Mask

Adeegsiga Maaskaro

Marka aadan iska ilaalin karin inaad bannaanka u baxdo xilliga qiiqu jiro, maaskarooyinka N95 waxay ku siin karaan xoogaa ilaalin ah. Maaskarooyinkani waxay sifeeyaan inta badan qurubyada yaryar ee qiiqa, laakiin ma sifeeyaan gaasaska waxyeellada leh, sida kaarboon monoksaydh. Maaskarooyinka N95 waxaa laga heli karaa dukaamo badan oo qalabka dhismaha ah, dukaamada dayactirka guryaha, iyo farmashiyeyaasha.

Maaskarooyinka N95 waxay u baahan yihiin cabbir iyo le’ekaansho habboon si loo helo dabool adag oo bixiya ilaalin. Haddii si khaldan loo xirto, waxay bixin karaan ilaalin yar. Tusaale ahaan, garka iyo timaha wejigu waxay ka hortagaan dabool adag, taasoo keenaysa ilaalin yar. Daawo muuqaalkan (kaliya af Ingiriis) ku saabsan sida habboon ee loo adeegsado maaskaro N95 ah.

Maaskarooyinka N95 ee cabbirka yar ee dadka waaweyn waxay u badan tahay inay le’egaan carruurta jira 7 sano iyo kuwa ka weyn, hase yeeshee cabbirro ka yar lama heli karo, N95-yadana looma tijaabin isticmaalka guud ee carruurta.

Eeg tilmaamaha Western States PEHSU (PDF) si aad u hesho talooyin dheeraad ah oo ku saabsan adeegsiga maaskarada ee carruurta. (kaliya af Ingiriis)

Xirashada maaskaro waxay neefsashada ka dhigtaa mid aad u adag. Qof kasta oo qaba cudur sambabada ah, cudur wadnaha ah, ama xanuun daba-dheeraada waa inuu la tashadaa dhakhtar kahor inta uusan adeegsan maaskaro.

Goobaha gudaha ah ee aadan daaqadaha ku xiri karin ama hawada gudaha ku sifeyn karin, xirashada maaskaro N95 ah muddo kooban way ku caawin kartaa haddii heerarka qiiqa bannaanku sarreeyaan. Tusaalooyinka goobahan gudaha ah waxaa ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo dhismayaasha ganacsiga ama dadweynaha.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegsiga iyo le’ekaanshaha habboon iyo sida lagu garto in maaskaro ay tahay mid ay ogolaatay NIOSH:

Icon - exercising outdoors

Jimicsiga

Jimicsigu aad ayuu muhiim ugu yahay caafimaadka. Hase yeeshee, marka aad jimicsato, hawada aad qaadanayso way kordhaysaa, taasoo ka dhigan inaad neefsanayso wasakhow badan marka tayada hawadu xun tahay. Inta lagu jiro dhacdooyinka qiiqa, isku day inaad gudaha ku jimicsato. Haddii hawada gudahaagu xun tahay, dhaqdhaqaaqyadaada fududee. Tilmaan guud ahaan, haddii aad qiiqa u nugushahay, waa inaad xaddiddaa dhaqdhaqaaqyadaada marka tayada hawadu ku jirto Qaybta Kooxaha Nugul ee Aan Caafimaad u Wanaagsanayn (Oranji, AQI 101-150) ama ka sii daran. Haddii aad u nugushahay iyo haddii kaleba, waa inaad la socotaa calaamadaha. Qof walba waa inuu xaddidaa dhaqdhaqaaqyada marka tayada hawadu ku jirto heerka Aan Caafimaad Wanaagsanayn (Casaan) ama ka sii daran (AQI 151 ama ka sarreeya).

Dadku si aad u kala duwan ayay uga falceliyaan heerarka qiiqa ee hooseeya iyo kuwa sarreeya, waxaana muhiim ah inaad fiiro gaar ah u yeelato calaamadahaaga oo aad dhaqdhaqaaqyadaada u habayso sida loogu baahdo. Xusuusnow, xitaa haddii aad fiicnaan dareento inta aad hawsha samaynayso, u-baylahidda qiiqu weli waxay waxyeelleyn kartaa caafimaadkaaga, waxaana laga yaabaa inaad calaamado yeelato saacado ama maalmo kadib.

Dadka qaarkood ayaa si gaar ah ugu nugul heerarka hoose ee qiiqa, waxaana laga yaabaa inay calaamado yeeshaan marka tayada hawadu ku jirto heerka Dhexdhexaad (Jaalle, AQI 51-100), sida dadka qaba neefta iyo xaaladaha sambabada iyo wadnaha. Haddii aad si gaar ah ugu nugushahay heerarka hoose ee qiiqa, waxaan kugula talinaynaa inaad qaaddo tallaabooyin lagu yareynayo u-baylahidda heerkaas.

Waa inaad sidoo kale ka ilaalisaa xayawaankaaga rabaayadda ah jimicsiga bannaanka xilliyada tayada hawadu xun tahay. Xayawaanka rabaayadda ah bannaanka ugu saar oo keliya waqtiyo kooban oo ay ku saxaroodaan ama ku kaadiyaan.

Icon - Car

Wadista

Ka fogow wadista marka ay suurtagal tahay. Haddii ay khasab tahay inaad baabuur waddo, daaqadaha xir. Adeegso qaboojiyaha oo sifeynta u deji inay dib u wareejiso hawada. Baabuurta badankoodu waxay dib u wareejin karaan hawada gudaha baabuurka, taasoo ka caawinaysa in hawada qiiqa leh bannaanka lagu hayo; hase yeeshee, heerarka kaarboon laba ogsaydhku way kordhi karaan oo waxay sababi karaan lulmo. Waxaa laga yaabaa inaad mararka qaarkood ka beddesho dib-u-wareejinta hawada oo aad soo geliso hawo cusub.

Dayactir miirayaasha hawada soo gelisa baabuurkaaga, oo raadi adeeg dayactir marka loo baahdo. Qiiqu wuxuu sidoo kale saameyn karaa aragtida, waxaana laga yaabaa inaad u habaysato wadista si la mid ah khataraha kale ee cimilada si aad si badbaado leh u waddo.

Gudaha

  • Xir daaqadaha iyo albaabbada, haddii aanay aad u kululayn in heerkul ammaan ah la joogteeyo. Xiriirinta qaybta hoose.
  • Hawada ku sifee nidaamka HVAC, qalabka sifeynta hawada ee la qaadi karo ee HEPA, (kaliya af Ingiriis) ama miiraha marawaxadda sanduuqa ee DIY.
  • HVAC u deji habka dib-u-wareejinta ama xir meesha hawada bannaanka/cusub laga soo geliyo.
  • Ha kordhin wasakhowga gudaha. Ka fogow:
    • shididda shumacyada, fooxa, iyo qoryaha.
    • adeegsiga buufinnada, saliidaha lagama maarmaanka ah ee la faafiyo, ama carfiyeyaasha hawada.
    • dubista ama shiilidda cuntada, oo xaddid adeegsiga shooladaha ama foornooyinka gaaska ama propane-ka.
    • adeegsiga foornooyinka ama kululeeyayaasha gaaska ama propane-ka.
    • sigaarka ama sigaarka elektaroonigga ah ku cabbidda gudaha.
    • xaaqidda ama faakuumayn, haddii faakuumkaagu uusan lahayn miiraha HEPA.
  • Ka faa’iidayso xilliyada tayada hawadu hagaagto, sida xilliga roobka ama dabayshu jihada beddesho, si aad daaqadaha u furto oo nidaamkaaga HVAC ugu dejiso inuu soo geliyo hawo cusub. Tani waxay si gaar ah waxtar u leedahay inta lagu jiro dhacdooyinka qiiqa ee muddada dheer (3-4 maalmood ama ka badan). Xusuusnow inaad mar kale xirto daaqadaha oo aad damiso soo gelinta hawada cusub marka tayada hawadu xumaato.
  • Haddii aadan daaqadaha xiri karin ama hawada gudaha sifeyn karin, xirashada maaskaro N95 ah muddo kooban way ku caawin kartaa haddii heerarka qiiqa bannaanku sarreeyaan. Tusaalooyin: gaadiidka dadweynaha iyo dhismayaasha ganacsiga ama dadweynaha.
  • Haddii aan guriga lagu ilaalin karin hawo nadiif ah, aad meel kale, sida guriga xubin qoys ama saaxiib, goob dadweyne oo gudaha ah, ama meel aan qiiqu saameyn.
  • Gurigaaga ka samee qol hawo nadiif ah Environmental Protection Agency (EPA, Hay’adda Ilaalinta Deegaanka) (kaliya af Ingiriis) oo loo diyaariyay in heerarka qiiqu hooseeyaan inta lagu jiro dhacdo qiiqa dababka kaymaha ah.
  • Daawo muuqaal (kaliya af Ingiriis) oo baro sida loo sameeyo qol hawo nadiif ah.
Icon - Hot

Kulayl iyo Qaboojiye La’aan

Way adkaan kartaa in qiiqa bannaanka lagu hayo marka cimiladu kulushahay, gaar ahaan haddii aan la haysan qaboojiye ama nidaam qaboojin dhexe. Fiiro gaar ah u yeelo heerkulka sii kordhaya, maadaama jirrada kulaylku si degdeg ah u dhici karto oo ay nafta halis gelin karto. Haddii gudaha uu kulul yahay marka tayada hawadu xun tahay, tallaabooyinkan ayaa kaa caawin kara inaad qabow ahaato:

Xir daaqadaha, daahyada, iyo daahyada qorraxda maalintii, oo adeegso marawaxado la qaadi karo. Yaree adeegsiga shooladda iyo foornada inta lagu jiro qaybaha maalinta ee ugu kulul.

Macluumaadka ku saabsan kahortagga jirrada kulaylka la xiriirta, raac Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) tilmaamaheeda badbaadada cimilada kulul (kaliya af Ingiriis) ama Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) Kahortagga Jirrada Kulaylka La Xiriirta. (kaliya af Ingiriis)

  • Qaado qubays ama mayrasho biyo qabow ah. Ka taxaddar isbeddellada heerkulka ee aadka u daran, kuwaas oo sababi kara dhibaatooyin nafta halis geliya.
  • Adeegso xirmooyin baraf ah ama cagahaaga geli biyo qabow. Marooyin qoyan saar dhabarka qoortaada ama biyo isku buufi adigoo ag fadhiya marawaxad.
  • Cab dareere kugu filan, gaar ahaan biyo. Ka fogow cabbitaannada sonkorta leh ama khamriga, maadaama ay sababi karaan fuuqbax.
  • Aad meel gudaha ah oo ka qabow – xitaa haddii ay tahay dhowr saacadood oo keliya. Macluumaadka cusub ee xarumaha qaboojinta ee bulshadaada, booqo Washington 2-1-1.
  • La soco tayada hawada oo fur daaqadaha marka tayada hawadu hagaagto. Waxay waxtar yeelan kartaa inaad eegto macluumaadka “Trend” ee dareemayaasha ku jira khariidadda EPA Fire and Smoke si aad u hesho macluumaad cusub oo tayada hawada ah.
  • Daaqadaha fur oo keliya marka bannaanku ka qabow yahay gudaha. Daaqad furan waxay ugu waxtar badan tahay marka albaab ama daaqad kale la furi karo si ay hawadu isaga gudubto. Macluumaad dheeraad ah, eeg Qaboojinta Goobaha Gudaha Iyadoo Aan La Isticmaalin Qaboojiyaha Hawada (PDF). (kaliya af Ingiriis)
  • Qaado tallaabooyin aad ku sifeynayso hawada gudaha - eeg qaybta hoose ee "Hagaaji Sifeynta Hawada Gurigayga".
Icon - Air Filter
Hagaaji Sifeynta Hawada Gurigayga

Sifeynta hawada gurigaaga waxay hagaajin kartaa tayada hawada gudaha waxayna yareyn kartaa u-baylahiddaada qiiqa. Hoos waxaa lagu sharaxay saddex ikhtiyaar oo sifeyn ah. Maskaxda ku hay in mid kasta oo ka mid ah ikhtiyaarradan uu leeyahay tixgelinno iyo agab kala duwan. Isku day inaad iibsato agab kasta oo loo baahan yahay kahor xilliga dababka kaymaha, maadaama agabku si degdeg ah u dhammaan doono marka qiiqa dababka kaymahu yimaado. Xilliga qiiqa dababka kaymaha badanaa wuxuu bilaabmaa Luuliyo ama Agoosto, laakiin wuxuu bilaaban karaa Maajo.

1. Haddii aad leedahay nidaamka kululaynta, hawo-siinta, iyo/ama qaboojinta (HVAC), adeegso miire loogu talagalay saarista qurubyada. Tani waxay yareyn doontaa qurubyada yaryar ee qiiqa dababka kaymaha ee gurigaaga oo dhan.

  • La tasho buugga nidaamkaaga HVAC ama xirfadle HVAC kahor intaadan hagaajin ku samayn.
  • Adeegso miire lagu qiimeeyay MERV 13 ama miiraha ugu qiimeynta sarreeya ee nidaamkaagu qaadi karo. Dooro miiraha leh laablaabka ugu qoto dheer ee nidaamkaagu qaadi karo si looga hortago culays dheeraad ah oo ku yimaada nidaamka. Miiruhu waa inuu si adag ugu le’ekaadaa. Macluumaad dheeraad ah, eeg Waa maxay qiimeynta MERV ee EPA? (kaliya af Ingiriis)
  • Marawaxadda nidaamka u deji inay dib u wareejiso hawada oo si joogto ah ugu shaqeyso habka marawaxadda. (Hubi in nidaamkaaga loo dejiyay “on”, oo aan loo dejin “auto”)
  • Haddii aadan haysan miiraha MERV 13, xir meesha hawada cusub laga soo geliyo si qiiqu uusan u soo gelin. Dib u fur marka tayada hawadu hagaagto.
  • Xusuusnow inaad beddesho miiraha marka uu wasakhoobo ama sida ku cad tilmaamaha soo-saaraha ama xirfadlaha HVAC. Miiraha waxaa loo baahan doonaa in marar badan la beddelo inta lagu jiro muddada dheer ee qiiqa socdo.

2. Qalabka sifeynta hawada ee la qaadi karo ee HEPA wuxuu hagaajin karaa tayada hawada gudaha isagoo qolka keliya ama goob cayiman ka saaraya qurubyada qiiqa. Qalabka sifeynta hawada ee HEPA ee ay ku jiraan miirayaasha kaarboonku wuxuu sidoo kale hawada gudaha ka saari karaa qaar ka mid ah gaasaska waxyeellada leh.

Dooro qalab sifeynta hawada oo la qaadi karo (kaliya af Ingiriis) kaas oo ah:

  1. Miire keliya – aan lahayn teknoolojiyada ionic, ozone, ama ultraviolet (UV).
  2. Miiraha High Efficiency Particulate Air (HEPA).
  3. Cabbirka ku habboon qolkaaga.
  4. Aan aad u qaylo badnayn.

Macluumaad dheeraad ah eeg:

3. Samaynta miiraha marawaxadda sanduuqa (oo sidoo kale loo yaqaan miiraha marawaxadda sanduuqa ee DIY) waxay noqon kartaa ikhtiyaar kharashkiisu yar yahay oo lagu sifeeyo hawada laguna hagaajiyo tayada hawada gudaha ee qol keliya ama goob cayiman.

  • Dooro marawaxad sanduuqeed oo caadi ah oo 20” x 20” ah (2012 ama ka cusub)
    • Waxa laga fiirinayo marawaxadda sanduuqa:
      • Raadi marawaxad faahfaahinta alaabteeda lagu sheegay UL ama ay ogolaatay ETL. Moodooyinka cusub waxaa lagu daray astaamo badbaado.
      • Marawaxadaha sanduuqa ee la sameeyay kahor 2012 waxay keeni karaan halis dab. Haddii aad adeegsato marawaxad moodal hore ah, ha uga tegin cid la’aan, hana adeegsan adigoo hurda.
      • Waxay waxtar leedahay inaad doorato marawaxad ay dejimaha xakamaynta iyo fiilada korontadu ku yaallaan geeska bannaanka ee marawaxadda, si loo gaari karo kadib marka miiraha lagu xiro.
  • Ku xir miiraha MERV 13 ee 20” x 20” ah marawaxadda sanduuqa. Haddii aad adeegsanayso 1 miire MERV ah, waxaad adeegsan kartaa xarig laastik ah, qabsatooyin, cajalad, ama boolal iyo tiirar si aad miiraha ugu xirto marawaxadda. Macluumaad dheeraad ah halkan ka eeg:
  • Waxaad sidoo kale tixgelin kartaa inaad adeegsato laba miire ama ka badan. Adeegsiga miirayaal badan wuxuu yareyn karaa culayska saaran matoorka marawaxadda. Halkan ka eeg tusaale miiraha marawaxadda sanduuqa ee DIY oo leh 2 miire:
  • Halkan ka eeg tusaale miiraha marawaxadda sanduuqa ee DIY oo leh 4 ama 5 miire MERV:
  • Raac tilmaamaha soo-saaraha marawaxadda sanduuqa, oo ay ku jiraan
    • Ha uga tegin carruurta cid la’aan marka la adeegsanayo.
    • Ha adeegsan qalabka qaybisada korontada.
  • Miiraha marawaxadda sanduuqa dhig qolka aad qorshaynayso inaad wakhtigaaga intiisa badan ku qaadato oo aad daaqadaha iyo albaabbada xiri karto. Wuxuu waxtar badan ku yeelan doonaa qolalka yaryar iyo meelaha albaabbada qolalka kale la xiri karo.
    • Miiraha dhig ugu yaraan hal fuudh meel ka fog darbiyada, alaabta guriga, ama walxaha kale, si socodka hawada marawaxadda aan loo xannibin.
    • Ha ku shaqaysiin daaqad dhexdeeda.
    • Puget Sound Clean Air Agency (Hay’adda Hawada Nadiifta Puget Sound) waxay ogaatay inay qaadato ugu yaraan 10 ilaa 15 daqiiqo in la nadiifiyo qol yar (15’ x 15’).
  • Daaqadaha iyo albaabbada xir.
  • Beddel miiraha marka uu wasakhoobo. Tani waxay dhici kartaa marar badan inta lagu jiro dhacdooyinka qiiqa.

Marka aad samaynayso miirahaaga marawaxadda sanduuqa, waxaa muhiim ah inaad fahanto xaddidaadihiisa. Inkastoo tijaabada ay UL la samaysay EPA aanay wax walaac badbaado ah ka helin marawaxadaha la sameeyay 2012 ama wixii ka dambeeyay, marawaxadaha sanduuqa looguma talagelin inay ku shaqeeyaan miire ku xiran, waxtarkooduna wuxuu ku kala duwan yahay naqshadda iyo agabka la doortay. EPA kuma talinayso inay noqdaan beddel joogto ah oo loo adeegsado alaabada waxqabadkooda la yaqaan, sida qalabka sifeynta hawada ee la qaadi karo ee HEPA ee ganacsi ahaan loo heli karo.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sidii hawada gudaha qiiq looga ilaalin lahaa, eeg Xaashida Xaqiiqooyinka Sifaynta Hawada Gudaha ee EPA (PDF). (kaliya af Ingiriis)

Ilaali Carruurta iyo Ardayda Inta lagu Jiro Xaaladaha Qiiqa

Carruurta iyo dhallinyaradu waxay aad ugu nugul yihiin saameynta caafimaad ee qiiqa, sababtoo ah marka loo eego dadka waaweyn waxay neefsadaan hawo badan marka loo eego miisaanka jirkooda. Tani waxay kordhisaa wadarta wasakhowga hawada ee ay neefsadaan. Intaa waxaa dheer, habdhiska neef-mareenku wuxuu kobcaa ilaa qiyaastii da’da 21.

Carruurta iyo dhallinyarada qaba xaalado caafimaad (sida neefta iyo cudurrada kale ee sambabada, cudurka wadnaha, iyo sonkorowga) waxay halis sare ugu jiraan booqashooyinka qaybta xaaladaha degdegga ah iyo isbitaal-dhigista marka loo eego carruurta iyo dhallinyarada aan qabin xaalado caafimaad. Dhammaan carruurta iyo dhallinyaradu waxay sidoo kale halis ugu jiri karaan hoos-u-dhac ku yimaada waxqabadka waxbarashada, dhibaatooyinka koboca neerfaha, iyo xaaladaha daba-dheeraada ee qaangaarnimada, kuwaas oo ka dhasha u-baylahidda qiiqa.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadka carruurta iyo qiiqa dababka kaymaha, eeg: Caafimaadka Carruurta iyo Dabka Kaymaha oo ay bixiyeen Western States Pediatric Environmental Health Specialty Units (PEHSU) (kaliya af Ingiriis)

Icon - Family

Waalidiinta iyo Macallimiinta

Hoos waxaa ku jira ilo ka caawinaya carruurta inay wax ka bartaan qiiqa dabka iyo sida uu u saameeyo.

Icon - School

Dugsiyada, Xarumaha Daryeelka Carruurta, iyo Xeryaha Xagaaga

Hagaha Waxqabadyada Carruurta iyo Dhallinyarada ee Washington (PDF) wuxuu bixiyaa talooyin carruurta iyo dhallinyarada looga ilaalinayo qurubyada yaryar ee qiiqa (PM2.5).

Waxaa lagu dabaqi karaa dugsiga, daryeelka carruurta, tababarrada iyo ciyaaraha isboortiga, barnaamijyada kahor iyo kadib dugsiga, xeryaha, safarrada waxbarashada, iyo barnaamijyada iyo hawlaha kale ee bannaanka. Hagahan wuxuu sidoo kale leeyahay macluumaad ku saabsan la socodka tayada hawada bannaanka iyo gudaha, oo ay ku jiraan dareemayaasha kharashkoodu yar yahay. Raac tilmaamaha lagu yareynayo qiiqa gudaha dugsiyada iyo dhismayaasha ganacsiga:

Caafimaadka Xayawaanka Rabaayadda ah iyo Xoolaha Ilaali Marka Qiiqu Jiro

Qiiqu wuxuu sidoo kale saameyn karaa caafimaadka xayawaanka. La soco xayawaanka marka tayada hawadu xun tahay, gaar ahaan kuwa qaba xaaladaha wadnaha ama sambabada. Haddii xayawaankaagu muujiyaan calaamadaha cuncunka qiiqa, la xiriir dhakhtarka xoolaha:

  • Qufac ama hunqaaco.
  • Neefsashada oo ku adkaata, oo ay ku jiraan afka oo furan lagu neefsado, dhawaaqa neefsashada oo kordha, xawaaraha neefsashada oo kordha, ama dhammaan saddexda.
  • Dheecaan sanka ka yimaada.
  • Daal ama tabar-darro.
  • Jahawareer ama turunturro.
icon-pets

Xayawaanka Rabaayadda ah

  • Gudaha ku hay inta ugu badan ee suurtagalka ah, kana ilaali jimicsiga bannaanka.
  • Wakhtiyada ay bannaanka ugu baxayaan kaadida ama saxarada ka dhig kuwo gaaban.
  • Wakhti kula qaado gudaha oo la ciyaar ciyaaro si maskaxdooda iyo jirkoodu u firfircoonaadaan.
  • Shimbiraha rabaayadda ah ayaa si gaar ah ugu nugul qiiqa iyo tayada hawada xun oo waa in aan loo oggolaan inay bannaanka u baxaan.

Macluumaad dheeraad ah, eeg Xayawaankaaga Rabaayada ah Ka Ilaali Qiiqa Dabka Kaymaha, EPA (kaliya af Ingiriis)

Icon-livestock

Xoolaha

  • Xaddid jimicsigooda, oo mar walba biyo nadiif ah oo badan dhig meel u dhow quudkooda ama cawskooda.
  • Qooy cawska si looga hortago inay neefsadaan qurubyo boodh ah oo sii cuncunin kara marinnada hawada.
  • Xaddid u-baylahidda boodhka adigoo siinaya quud boodhkiisu yar yahay ama aan boodh lahayn, oo biyo ku rusheeya ama ku buufiya goobta xoolaha lagu hayo.

Xooluhu waxay u baahan karaan dhowr toddobaad inay kasoo kabtaan kadib dhacdo tayada hawadu xun tahay. Kala hadal dhakhtarka xoolaha sida ugu habboon ee loola socdo xayawaankaaga iyo goorta dib loogu noqonayo jimicsiga, maaraynta, raridda, ama gaadiid ku qaadidda.

Macluumaad dheeraad ah, eeg Xayawaankaaga Waaweyn iyo Xoolaha Ka Ilaali Qiiqa Dabka Kaymaha (PDF). (kaliya af Ingiriis)

Ilaali Caafimaadkaaga Maskaxda

Muddada dheer ee qiiqu waxay saameyn kartaa caafimaadka maskaxda iyo habdhaqanka. Qiiqa iyo masiibooyinka dababka kaymahu waxay saameeyaan hawl-maalmeedkeenna, oo ay ku jiraan xaddididda wakhtiga aan bannaanka ku qaadanno iyo beddelidda hawlaheenna. Dadka qaarkood waxay dareemi karaan go’doon maadaama ay gudaha joogaan ama murugo ka dhalata qorrax la’aanta. Qiiqu sidoo kale wuxuu khatar toos ah ku yahay caafimaadka iyo badbaadada. Ilaalinta caafimaadka maskaxda iyo jirka labaduba aad bay muhiim u yihiin.

Kuwani waa waxyaabo aad u samayn karto caafimaadkaaga maskaxda inta lagu jiro dhacdooyinka qiiqa:

  • Xiriirka bulshadu waa muhiim. Aqoonso qof aad caawimo weydiisan karto iyo qof kale oo laga yaabo inuu u baahan yahay caawimadaada. La xiriir dadka aad jeceshahay iyo deriska.
  • Wakhti kula qaado dadka aad jeceshahay qaybaha guriga ee hawadoodu nadiif tahay, ama wadajir u aada goob dadweyne oo gudaha ah oo hawadeedu nadiif tahay, sida maktabad, suuq weyn, ama meel kale oo hawada gudaha la sifeeyo.
  • Wadajir u sameeya miirayaasha marawaxadda sanduuqa ee DIY. (kaliya af Ingiriis)
  • Gudaha ku samee xoogaa jimicsi fudud.
  • Wakhti la qaado oo gudaha kula ciyaar xayawaankaaga rabaayadda ah si ay iyaguna jimicsi u helaan.
  • Wax badan ka akhri La Tacaalidda Walbahaarka Qiiqa Dabka Kaymaha (PDF). (kaliya af Ingiriis)

Ilo Dheeraad ah