Neefsashada qiiqu qofna uma fiicna. Qof walba waa inuu qaadaa tallaabooyin lagu yareynayo u-baylahidda oo uu la socdaa calaamadaha inta lagu jiro iyo kadib dhacdooyinka qiiqa.
U-baylahidda qiiqa dabku waxay sababi kartaa ama ka sii dari kartaa dhibaatooyin caafimaad oo dhowr ah, kuwaas oo u dhexeeya kuwo fudud ilaa kuwo daran. Marka heerarka qiiqu kordhaan, saameyntu way ka sii dari kartaa oo waxay noqon kartaa mid daran, gaar ahaan dadka u nugul qiiqa - eeg hoos. Qof kasta wuxuu yeelan karaa calaamado ama dhibaatooyin caafimaad.
Calaamadaha qaarkood waxaa ka mid ah:
- Cuncunka indhaha, sanka, iyo cunaha (indhaha oo gubta, sanka oo dareera, qufac).
- Daal.
- Madax-xanuun.
- Hiinraag iyo neefta oo ku qabata.
- Calaamadaha xaaladaha jira oo kordha, gaar ahaan cudurrada sambabada iyo wadnaha (weerarrada neefta, xanuunka laabta, garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn).
- Walaacyada caafimaadka maskaxda iyo walbahaarka.
Raadi daryeel caafimaad haddii aad yeelato calaamado daran, sida xanuunka laabta ama neefsashada oo kugu adkaata, inta lagu jiro dhacdooyinka qiiqa dababka kaymaha iyo toddobaadka ka dambeeya.
Dadka Sida Gaarka ah ugu Nugul Qiiqa
Marka heerarka qiiqu kordhaan, saameyntu way ka sii dari kartaa oo waxay noqon kartaa mid daran, gaar ahaan kooxaha u nugul. Dad badan ayaa halis dheeraad ah ugu jira saameyn caafimaad oo daran, oo ay ku jiraan:
- Dadka qaba cudurrada sambabada, sida neefta ama cudurka sambabada ee xannibaadda daba-dheeraada (COPD), boronkiitada daba-dheeraada, iyo sambab-bararka.
- Dadka qaba caabuqyada neef-mareenka ee hadda jira ama dhowaan ku dhacay, sida COVID-19, oof-wareenka, boronkiitada ba’an, boronkiyoolaytis, hargab, ama ifilo.
- Dadka qaba dhibaatooyin wadnaha ama wareegga dhiigga oo hore u jiray, sida wadne-gabka dhiig-istaagga leh ama cudurka halbowlayaasha wadnaha.
- Dadka leh taariikh wadne-qabad ama faalig.
- Dadka qaba sonkorowga, sababtoo ah waxay u badan tahay inay qabaan cudur ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga oo aan la ogaan.
- Dadka jira 18 sano iyo kuwa ka yar, sababtoo ah sambabadooda iyo marinnada hawadu weli way kobcayaan, waxayna neefsadaan hawo ka badan qofka weyn marka loo eego rodol kasta oo miisaanka jirkooda ah.
- Dadka jira 65 sano iyo kuwa ka weyn, sababtoo ah waxay u badan tahay inay qabaan cudurro wadnaha ama sambabada ah oo aan la ogaan.
- Dadka uurka leh, sababtoo ah qofka uurka leh iyo uurjiifkuba waxay halis dheeraad ah ugu jiraan saameyn caafimaad.
- Dadka qaba baahiyaha helitaanka adeegyada iyo shaqaynta ee laga yaabo inay u baahdaan kaalmo dheeraad ah sababo la xiriira xaalad kasta oo xaddidi karta awooddooda wax-ka-qabashada xaalad degdeg ah.
- Dadka sigaarka cabba ama hore u cabbi jiray, sababtoo ah waxay u badan tahay inay horeba u lahaayeen shaqada sambabada oo hooseysa iyo/ama cudurro sambabada ah.
- Dadka bannaanka ka shaqeeya, sababtoo ah badanaa wakhti badan ayay bannaanka ku qaataan, waxaana laga yaabaa inay qiiqa u baylahaan muddo dheer.
- Bulshooyinka dadka midabka leh, sababtoo ah badanaa waxay la kulmeen sinnaan-la’aan bulsho iyo dhaqaale oo kordhisa halista saameynta caafimaad ee xun ee qiiqa.
- Xubnaha Qabiillada iyo dadka Asaliga ah, sababtoo ah badanaa iyaga ayaa ugu horreeya uguna daran ee ay saameeyaan khataraha isbeddelka cimilada, oo uu qiiqu ku jiro.
- Dadka dakhligoodu hooseeyo, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inay ku adkaato helitaanka daryeel caafimaad ama awoodidda tallaabooyinka lagu yareynayo
u-baylahnimada. - Dadka aan guri ama hoy lahayn, sababtoo ah wakhti badan oo bannaanka lagu qaato wuxuu kordhin karaa u-baylahidda qiiqa, waxaana laga yaabaa inaysan helin adeegyada bulshada iyo caafimaadka.