Ilaha Tayada Hawada

Ilaha hoose waxay kaa caawin karaan inaad hesho xogta hadda jirta iyo saadaasha tayada hawada ee Gobolka Washington, iyo sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo kaa caawinaya inaad la socoto walaacyada caafimaad ee suurtagalka ah ee ka dhasha qiiqa dabka. Baro wax dheeraad ah oo ku saabsan sida aad naftaada iyo qoyskaaga uga ilaalin karto qiiqa dabka. 

  • Washington Smoke Blog - Hubi goobaha hadda jira iyo kuwa la saadaaliyay ee dababka kaymaha iyo qiiqa. Kani waa meesha keliya ee laga helo dhammaan macluumaadkaaga inta lagu jiro xilliga qiiqa dababka kaymaha (badanaa Luuliyo-Sibteembar, laakiin wuxuu bilaaban karaa Maajo, wuxuuna dhammaan karaa Oktoobar). (Ingiriis keliya)
  • Department of Ecology (Waaxda Deegaanka) boggeeda Khariidadda Tayada Hawada Washington - Macluumaadka tayada hawada ee hadda jirta iyo tan la saadaaliyay sannadka oo dhan. (Ingiriis keliya)
  • AirNow - Ka eeg tayada hawada ee hadda jirta iyo tan la saadaaliyay sannadka oo dhan, oo ogow wasakheeyaha hawada ee ugu weyn deegaankaaga. (Ingiriis keliya)
  • Hagaha Tayada Hawada Washington ee Wasakhowga Qurubyada (PDF) - Shaxdani waxay bixisaa talooyin caafimaad oo ku salaysan Tusmada Tayada Hawada (AQI) ee Environmental Protection Agency (EPA, Hay’adda Ilaalinta Deegaanka) ee PM2.5.
  • Adeegso ablikeeshinnadan moobilka si aad tayada hawada uga hubiso wakhti kasta, meel kasta:
    • Air Quality Washington - Ablikeeshinkan wuxuu adeegsadaa macluumaadka Ecology’s Washington Air Quality Network (Shabakadda Tayada Hawada Washington). Websaydka Washington Air Quality Network wuxuu sidoo kale kuu oggolaanayaa inaad soo dejisato ablikeeshinka webseedka. (Ingiriis keliya)
    • AirNow - Ablikeeshinka moobilka EPA's AirNow wuxuu bixiyaa meel lagu hubiyo macluumaadka tayada hawada ee hadda jirta iyo tan la saadaaliyay. Ablikeeshinku wuxuu si otomaatig ah u soo bandhigaa AQI-ga (Tusmada Tayada Hawada) hadda ee deegaankaaga ama meel kasta oo aad rabto inaad hubiso. Qiiqa, adeegso qaybta “Smoke (Qiiqa)”. V
  • Hay’adda tayada hawada ee deegaankaaga iyo hay’adda wararka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay hayaan ilo kaa caawinaya inaad xog-ogaal ahaato.

Ilo Dheeraad ah

Ilaha Department of Ecology

(Ingiriis keliya)

Ilaha Environmental Protection Agency

(Ingiriis keliya)