Xisaabiyaha/Kalkulaytarka Go'doominta iyo Karantiilka

This page is being reviewed for updates. The Washington State Department of Health has updated its guidance for what to do if you are sick with COVID-19 or were exposed to COVID-19. This page may have content that is inconsistent with the new guidance.

Go'doominta iyo Karantiilka loogu talagalay COVID-19 :: Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington (kaliya ah Ingiriis)

Fadlan hoos ka fiiiri sida loo xisaabiyo muddada isgo'doomintaada ama karantiilkaaga. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa la sameeyo inta lagu guda jiro isgo'doominta, fadlan ka eeg Waxa aad sameyneyso haddii lagaa helo cudurka COVID-19 (PDF). Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan waxaa la sameeyo haddii aad ka ag dhawaato qof qaba COVID-19, fadlan eeg Waxa la sameeyo haddii aad si suurtagal ah ugu bayla noqotay qof qaba COVID-19 (PDF).

Haddii aad tahay qof difaaca jirkiisa uu aad u liita ama uu si xun ula xanuunsaday COVID-19, xisaabiyeyaashan/kalkulaytaradaan waxay u badan yihiin in aysan khusayn xaaladaada. Fadlan ka eeg Waxa la sameeyo haddii lagaa helo cudurka COVID-19 (PDF) si aad u hesho wixii macluumaad dheerad ah.

Haddii aad joogto ama aad ka shaqaynayso goob khatarteeda aad uu sarrayso xisaabiyayaashan/kalkulaytaradaan looma adeegsan karo xaaladaada. Goobaha khatarta sare leh waxaa ka mid ah: xarumaha daryeelka caafimaadka, xarumaha dhaqancelinta, xarumaha xabsiga, gabaadyada hoylaawayaasha, gur-siinta ku meel gaarka ah, goobaha ganacsiga ee badda (tusaale, markabka ganacsiga, markabka xamuulka, markabka dalxiiska), guri-siinta shaqaalaha ku meel gaarka ah, ama goobaha shaqada ee dadka badan leh halkaas oo aysan suurtagal ahayn kala fogaanshaha jireed sabab la xiriirta nooca shaqada (tusaale ahaan, bakhaarrada, warshadaha, baakadeynta cuntada iyo warshadaha habeynta hilibka). Fadlan eeg Waxa la sameeyo haddii lagaa helo cudurka COVID-19 (PDF) si aad u hesho wixii macluumaad ah ee ku saabsan muddada isgo'doomintaada iyo Waxa la sameeyo haddii aad si suurtagal ah ugu bayla noqotay qof qaba COVID-19 (PDF) si aad u hesho wixii macluumaad ee ku saabsan muddada karantiilka.

Waxaa la iga helay fayraska waxaana leeyahay ama lahaa astaamaha caabuqa: xisaabi muddada aan go'doonka ku jirayo

Isgo'doomin 5 maalmood ah

Muddada isgo'doominta 5-ta maalmood ah waxaa ay habboon tahay haddii:

  • Astaamahaaga ay soo fiicnaadeen, IYO
  • 24 saacadoodna laga joogo markii u dambaysay ee aad qandhato ama aadan cunin daawada qandho jabinta, IYO
  • Aad awoodo inaad xirato maaskaro si fiican kuula eg marka aad joogta agagaarka dadka kale

Haddii shuruudahan lagu dhaqmo maalintaada ugu dambeysa ee BUUXDA EE isgo'doominta waa:
Isgo'doomintaada waxay DHAMAANAYSAA markay tahay:

Xaqiiji inaad xirato maaskaro marka aad joogtid agagaarka dadka kale mudda 5 maalmood oo dheeraad ah (ilaa ) kana fogow hawlaha aadan u xiran karin maaskaro. Waa inaad sidoo kale ka fogaataa inaad ag joogtid dadka khatarta sare ugu jira caabuqa ilaa . Fiiri Socdaalka |CDC (Ingiriis oo Kaliya) si aad u hesho xog ku saabsan socdaalka.

Haddii aad qaadanayso baaritaanka unugyada difaaca jirka, waxaad sii yarayn kartaa halistaada aad ku qaadsiin karto dadka kale adiga oo qaadanaya baaritaanka maalinta 5-aad ee isgo'doominta. Haddii cudurka lagaa waayo, waxaad soo afjari kartaa isgo'doominta ka dib maalinta 5-aad, laakiin sii wad xirashada maaskarada marka aad la joogta dadka kale ilaa muddo 5 maalmood oo dheeraad ah (ilaa ). Haddii cudurka lagaa helo, waa inaad sii waddaa inaad isgo'doomiso ilaa .

Isgo'doominta 10-ka Maalmood ah

Haddii shuruudaha kor ku xusan aysan adiga ku khuseynin, markaa waa inaad isgo'doomisaa ilaa muddo 10 maalmood ah.

Haddii aad isgo'doomineyso ilaa muddo 10 maalmood ah, maalintaada ugu dambaysa ee BUUXDA EE isgo'doominta waa:
Isgo'doomintaada waxay DHAMAANAYSAA markay tahay:

Haddii astaamahaaga aysan soo fiicnaanin ama aad isku sii aragto inay ku heyso qandho (ama aad u baahan tahay daawooyinka qandhada jabiya) markay tahay , sug si aad u dhammayso isgo'doomintaada ilaa ay astaamahaaga ka soo fiicnaadaan oo aad iska weydo qandho ilaa muddo 24 saacadood ah adigo oo aan isticmaalin daawooyinka qandhada jabiya.

Waxaa la iga helay fayraska laakiin waligay ma yeelanin wax astaamo ah: xisaabi mudada aan isgo'doominta ku jirayo

Isgo'doomin 5 maalmood ah

Muddada isgo'doominta 5-ta maalmood ah waxaa ay habboon tahay haddii:

  • Aad awoodo inaad xirato maaskaro si fiican kuula eg marka aad joogta agagaarka dadka kale

Haddi aadan waligaa isku arkin astaamo oo aad awoodi karto inaad xirato maaskaro si fiican kuula eg marka joogto agagaarka dadka kale, maalintaada ugu dambaysa ee BUUXDA ee isgo'doominta waa:
Isgo'doomintaada waxay DHAMAANAYSAA markay tahay:

Xaqiiji inaad xirato maaskaro marka aad joogtid agagaarka dadka kale mudda 5 maalmood oo dheeraad ah (ilaa ) kana fogow hawlaha aadan u xiran karin maaskaro. Waa inaad sidoo kale ka fogaataa inaad ag joogtid dadka khatarta sare ugu jira caabuqa ilaa . Fiiri Socdaalka |CDC (Ingiriis oo Kaliya) si aad u hesho xog ku saabsan socdaalka.

Haddii aad qaadanayso baaritaanka unugyada difaaca jirka, waxaad sii yarayn kartaa halistaada aad ku qaadsiin karto dadka kale adiga oo qaadanaya baaritaanka maalinta 5-aad ee isgo'doominta. Haddii cudurka lagaa waayo, waxaad soo afjari kartaa isgo'doominta ka dib maalinta 5-aad, laakiin sii wad xirashada maaskarada marka aad la joogta dadka kale ilaa muddo 5 maalmood oo dheeraad ah (ilaa ). Haddii cudurka lagaa helo, waa inaad sii waddaa inaad isgo'doomiso ilaa .

Isgo'doominta 10-ka Maalmood ah

Haddii shuruudaha kor ku xusan aysan adiga ku khuseynin, markaa waa inaad isgo'doomisaa ilaa muddo 10 maalmood ah.

Haddii aad isgo'doomineyso ilaa muddo 10 maalmood ah, maalintaada ugu dambaysa ee BUUXDA EE isgo'doominta waa:
Isgo'doomintaada waxay DHAMAANAYSAA markay tahay:

Waxaan kulannay qof qaba caabuqa COVID-19 (la ii aqoonsaday qof u dhawaaday qof qaba caabuqa): xisaabi muddadayda karantiilka

Waxaad la joogtay qof laga helay cudurka COVID-19, laakiin ma qabtid wax astaamo ah..

Eeg hagitaanka Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakameynta iyo Kahortaga Cudurka) (kaliya ah Ingiriis) si aad u ogaato haddii aad la jaanqaadsan tahay tallaalada cusub ee COVID-19. Haddi aadan la jaanqaadsaneyn tallaalada cusub ee COVID-19, waa inaad joogtaa guriga oo aad iskarantiishaa.

Karantiilka 5-ta Maalmood ah

Muddada karantiilka ee 5-ta maalmood ah ayaa habboon haddii:

  • Aadanla jaanqaadsaneyn tallaalada cusub ee COVID-19, IYO
  • Aad awoodo inaad xirato maaskaro si fiican kuula eg marka aad joogta agagaarka dadka kale

Ay tahay inaad guriga joogtid oo aad iskarantiisho ilaa muddo ugu yaraan 5 maalmood oo buuxda ah (xitaa haddii lagaa waayo cudurka inta lagu jiro wakhtigan). Maalintaada ugu dambaysa ee BUUXDA ee karantiilka waa:
Karantiilkaaga waxaa uu DHAMAANAAYAA markay tahay:

Xiro maaskaro si fiican kuula eg (kaliya ah Ingiriis) marka aad ag joogtid dadka kale, ka fogow hawlaha aadan u xiran karin maaskarada, iskana ilaali inaad joogtid agagaarka dadka khatarta sare ugu jira cudurrada aadka u daran ilaa muddo 5 maalmood oo dheeraad ah (ilaa ). Arag Safarka | CDC (kaliya ah Ingiriis) si aad u hesho wixii macluumaad dheerad ah ee ku saabsan safarka.

Waa in sidoo kale lagu baaro, xitaa haddii aysan kaa soo bixin astaamo. Isbaar ugu yaraan 5 maalmood kadib marki u dambeysay ee aad la kulantay qof qaba COVID-19 (markay tahay ama ka dib ). Haddii baaritaankaaga yahay mid cudurka lagaaga helay, waa inaad guriga joogtaa oo aad dadka kale iska go'doomisaa (wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan isgo'doominta, fadlan ka eeg Waxa la sameeyo haddii lagaa helo cudurka COVID-19 (PDF)).

Karantiilka 10-ka Maalmood ah

Muddada karantiilka ee 10-ka maalmood ah waxay habboon tahay haddii:

  • Aadanla jaanqaadsaneyn tallaalada cusub ee COVID-19, IYO
  • Aadan awoodin inaad xirato maaskaro si fiican kuula eg marka aad joogta agagaarka dadka kale

Ay tahay inaad guriga joogtid oo aad iskarantiisho ilaa muddo ugu yaraan 10 maalmood oo buuxda ah (xitaa haddii lagaa waayo cudurka inta lagu jiro wakhtigan). Maalintaada ugu dambaysa ee BUUXDA ee karantiilka waa:
Karantiilkaaga waxaa uu DHAMAANAAYAA markay tahay:

Marka la gaaro taariikhdaan, waxaad dib u bilaabi kartaa hawlahaaga caadiga ah laakiin wali waa inaad qaado tallaabooyinka aad ku yaraynayso khatartaada (Tusaale ahaan, la soco wixii macluumaad ah (Ingiriis oo Kaliya) oo ku saabsan COVID-19, xiro maaskaro adoo raacaya tallaabooyinka iyo/ama shuruudaha, iska ilaali meelaha aan lahayn hawada, badanaa dhaq gacmahaaga; Eeg sida loo ilaaliyo naftaada iyo mid dadka kale | CDC (kaliya ah Ingiriis) si aad u hesho xog dheeraad ah).

Karantiil Ma Jiro

Haddi aad la jaanqaadsan tahay (kaliya ah Ingiriis) tallaalada cusub ee COVID-19, uma baahnid inaad guriga joogtid marka laga reebo haddii astaamo kaa soo baxaan. Waa inaad weli xirataa maaskaro si fiican kuula eg marka aad la joogid dadka kale ilaa oo aad iska baarto, xitaa haddii aadan yeelan wax astaamo ah. Isbaar ugu yaraan 5 maalmood kadib markii udambeysay ee aad la kulantay qof qaba COVID-19 (markay tahay ama ka dib ).

Haddii uu kugu dhacay COVID-19 intii lagu jiray 90-kii maalmood ee la soo dhaafay (lagaa helay cudurka iyada oo la adeegsanaayo baaritaanka fayraska (kaliya ah Ingiriis)), uma baahnid inaad guriga joogto marka laga reebo haddii aad isku aragto astaamo. Waa inaad weli xirataa maaskaro si fiican kuula eg marka aad la joogtid dadka kale ilaa oo iska baar cydyrja adiga oo adeegsanaayo baaritaanka unugyada difaaca jirka (ma aha baaritaanka PCR) ugu yaraan 5 maalmood ka dib markaad xiriir dhaw la yeelatay qof qaba COVID-19 (markay tahay ama ka dib ).

Haddii aad xiriir dhow la lahayd qof laga helay cudurka COVID-19 oo aad leedahay astaamo, fadlan eeg Waxa la sameeyo haddii si suurtagal ah aad ugu bayla noqotay qof qaba COVID-19 (PDF).