Helitaanka agabyada baaritaanka
- Xagee ayaan ka heli karaa agabka baaritaanka COVID-19?
-
Fadlan dooro ikhtiyaarada soosocda:
- Inta ay sahayda taalo/dhammaanin, ka dalbo agabka baaritaanka oo lacag la'aan ah Dheh HAA! Baaritaanka COVID (Af-Ingiriis ahaan) ama wac lambarka 1-800-525-0127 kadibna riix # si aad u hesho caawimaada luuqada. Ugu badnaan hal dalab qoyskiiba.
- Ka dalbo agabka baaritaanka oo lacag la'aan ah barnaamijka Federaalka halkaan COVIDTests.gov (webseet Af-Ingiriis ku qoran). Kuxadidan hal dalab qoyskiiba.
- Kasoo iibso agabka cudurka guriga la isaga baaro tafaariiqlayaasha maxalliga ah iyo farmashiyaasha.
- Haddii aad leedahay caymiska caafimaadka, caymis bixiyaasha inta badan waxa ay dib kuusiinayaan bishiiba lacagta illaa 8 xabo oo agabka cudurka guriga la isaga baaro ah, oo ah qofkasto oo kujiro qorshahaada caymiska. Ka akhri macluumaad dheeraad ah halkaan (webseet Af-Ingiriis ku qoran).
- Ka hel baaritaan Goobta Baaritaanka ee adiga kuudhaw (webseet Af-Ingiriis ku qoran).
Haddii aad u bahaantahay caawimaad ah inaad hesho goob kuu dhaw oo aad iska tallaasho, ka hubi waaxda caafimaadka maxalliga ama degmada (webseet Af-Ingiriis ku qoran). Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-800-525-0127 kadibna riix #. Marka ay kaa qabtaan wicitaanka taleefanka, sheeg/dheh luuqadaada (Soomaali) si aad u hesho adeegyada tarjumaada luuqada.
- Ma heli kari khadka interneetka / Webseetka luuqadeyda kuma qorno. Sidee ayaan ooga dalban karaa agabka la isku baaro oo lacag la'aan ah gudaha ablikeeshinka WA?
-
Fadlan wac 1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqadda ayaa la heli karaa. Xarunta wicitaanka ayaa kuu dalbeyso baddalkaada/wakiil kaa ah ayagoo adeegsanaayo ablikeeshinka WA iyo madalada oonleenka ah ee federaalka.
- Waxa aan u baahanahay in aan ka ogaado barta oonleenka ah ee barnaamijka Say Yes! COVID Test?
-
Barnaamijkaan waa dadaal iskaashi oo u dhexeeya Gobalka Washington, National Institutes of Health (Machadka Qaran ee Caafimaadka) iyo Centers for Disease Control and Prevention (Xarumaha Xarumaha a iyo Kahortagga Cudurrada). Inta agabka la heli karo, dadka ku dhaqan gobalka Washington ayaa codsan kara labo kiishadaha baaritaanka COVID-19 ee degdega ah, oo si toos ah ay Amazon ugu gaynayso gurigooda.
Keliya labo dalab ayay soo dirsan karaan qoys kasta/guri kasta, bishii, halkii dalabna waxaa ku jira 5 baaritaannada degdega ah. Dhammaan dalabaadka iyo soo qaadista shixnaduhuba waa lacag la'aan.
Si aad u hesho su'aalo la xariira baaritaanka qudihiisa ama sida loo sameeyo, booqo aalada Kaalmada Dhigitaalka ah ee Say Yes! COVID Test ama wac 1-833-784-2588.
- Ma ka codsan kartaa labadaba baaritaanka Say Yes! COVID Test ee ay bixiso DOH iyo kiishada baaritaanka ee Federaalka?
-
Haa, haddii aad ku nooshahay gobalka Washington, waxaad ka dalban kartaa labadaba webseedka Say Yes! COVID Test iyo Webseedka Federaalka si aad u hesho kiishadaha baaritaanka COVID-19 ee degdega ah ee guriga laguugu keenaayo.
- Xagee ayaan galayaa haddii aan qabo su'aalo dheeraad ah?
-
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka DOH Say Yes! COVID Test program (Barnaamijka Baaritaanka COVID ee Dheh Haa! Ee Waaxda Caafimaadka), booqo bogga Su'aalaha inta badan la isweydiiyo ama wac laynka tooska ah ee COVID-19 ee DOH oo aad ka helayso 1-800-525-0127 (caawimaada luuqada ayaa la heli kara). Si aad u hesho su'aalo ah oo ku saabsan barnaamijka baaritaanka ee Federaalka, booqo bogga Su'aalaha inta badan la isweydiiyo.
- Goormee ayaan heli doonaa agabka la isku baaro oo lacag la'aan ah?
-
Agabka la isku baaro oo lagu codsaday labada barnaamij midkood (Say YES! COVID Test (Dheh HAA! Baaritaanka COVID) ama Federal Program (Barnaamijka Federaalka)) waxaa inta badan lagu keeni doonaa muddo 1-2 asbuuc gudahooda ah marka la dalbado.
- Kadib marki aan raacay dhammaan ikhtiyaaradi baaritaanka ee la igula taliyey, wali meelna kama heli karo agabka baaritaanka. Maxay tahay inaan sameeyo haddii aan umaleeyo inaan qabo COVID-19?
-
- Waan ka xunahay waxaa kugu adag helitaanka goobta baaritaanka COVID-19, waxaan ogsoonahay in sahayda ay hadda xadidan tahay wadanka oo dhan.
- Haddii aad dareemeyso astaamaha COVID-19 ama lagu soo gaarsiiyey/udhawaatay COVID-19 oo aadna ka walaacsan tahay inaad cudurka qabto, waxaan kugula talineynaa waxyaalaha soo socdo:
- Raac isla tilmaamaha loogu talagalay waxa aad sameyneyso haddii lagaa helo COVID-19.
- Haddii aadan awoodin inaad isgo'doomiso/iskaliyeesho, waa inaad sameysaa waxyaalaha soo socdo:
- Xiro afxirka/maaskaro kaas oo sifiican udaboolaayo sankaada iyo afkaada waqti kasta oo aad la joogto dad kale meel kabaxsan gurigaada (waxaa la doorbidayaa afxirka nooca KN95, KF-94 ama afxirka 3-laabka qalniinka, haddii ay suurtagal tahay).
- Kafogoow/ujirso dadka kale ugu yaraan 6 fiit/2 mitir oo masaafo jireed ah.
- Si joogto ah Gacmo dhaqo/farxalo.
- Ka fogoow goobaha dadka badan ay iskugu yimaadaan iyo kulamada waaweyn.
- Waxaa jira in ka badan afar qof oo ku nool gurigayga. Sidee ayaan ku helayaa baaritaannada dhammaan xubnaha qoyska?
-
- Waxaad ka helaysaa kiishad baaritaan (oo ay ku jiraan 5 baaritaan) webseedka barnaamijka Washington ee Say YES! COVID Test.
- Waxaad heli kartaa kiishada baaritaanka oo dheeraad ah (oo ay ku jiraan 4 baaritaan) oo aad ka helayso barnaamijka Federaalka oo aad ka helayso COVIDtests.gov.
- Waxaad iibsan kartaa baaritaannada dheeraadka ah ee guriga ood ka helayso tafaariiqleeyda iyo farmashiyaasha maxaliga ah ama kuwa oonleenka ah.
- Waxaad baaritaanka PCR ka helaysaa Goobta Baaritaanka ee kuugu dhow. Halkaan ka hel mid.
- Sidee ayaan u adeegsanayaa kiishada baaritaanka?
-
Waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha ku jira kiishada baaritaannada degdega ah ee guriga lagu sameeyo si aad u hesho natiijooyinka ugu saxan. La xariir shirkada samaysa baaritaanka (xogtooda ayaa ku qornaan doonta bokiska) si aad u waydiiso su'aalo kasta oo gaar ah.
Baaritaanka beenta ah ee sheegaaya inaadan cudurka qabin ayaa ka dhaca baaritaannada degdega ah. Qaar kamid ah kiishadaha baaritaanka waxaa ku jiri kara labo baaritaan (waa inaad raacdaa tilmaamaha ku qoran bokiska marka aad isbaareyso).
Baaritaanka guud
- Qofkee ayay tahay in la baaro?
-
Isbaar markaad jiran tahay. COVID-19 ayaa leh heerarka kaladuwan ee astaamaha, marka haddii aadan caafimaad dareemayn, waxaa ugu fiican inaad isbaarto sida ugu dhakhsaha badan.
Isbaar marka aad la joogtay qof laga helay caabuqa COVID-19. Isbaar isla markaba haddii aad leedahay astaamaha fayraska. Haddii aadan lahayn astaamaha, sug shan maalmood kadib markaad qofka la joogtay kadibna sug.
Ganacsiyada iyo goobaha munaasabadaha ee Washington ku yaala ayaa lahaan kara shuruudaha baaritaanka iyo/ama talaalka kahor intaan qofku gelin goobta ama munaasabada.Xili hore wac ama ka fiiri webseedkooda kahor intaadan booqan.
Waxaad u baahan kartaa inaad isbaarto kahor iyo/ama kadib markaad safarto. Fiiri tusmadii ugu danbaysay ee socdaalka ee Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakameynta iyo Kahortaga Cudurada).
Markaad la kulmayso koox dad ah, gaar ahaana dadka khatarta ugu jira xanuun daran ama aan qaadan talaaladooda buuxa ee COVID-19.
- Maxaa dhacaya haddii la iga helo cudurka?
-
Raac hagitaanadii ugu danbeeyey ee Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) iyo tilmaamaha DOH oo isku go'doomi/isku kali yeel guriga, meel kafog dadka kale. Dhammaan udhawaanshaha dhaw ee cudurka waa in la karantiilaa.
- Qofkasta oo loo maleynaayo ama la xaqiijiyey inuu qabo COVID-19 waa inuu guriga joogaa oo uuna iska go'doomiyaa/kafogaadaa dadka kale ugu yaraan 5 maalmood oo buuxdo (maalinta 0 waa maalinta ugu horreyso astaamaha ama taariikhda maalinta looga helay tijaabada fayraska dadka aan qabin astaamaha cudurka). Waa inay xirtaan afxirka marki ay guriga iyo goobaha dadweynaha la joogaan dadka kale 5 maalmood oo dheeraad ah.
- Haddii qof uu helaayo baaritaan oo uuna rabo inuu isbaaro, qaabka ugu wanaagsan waa inuu isticmaalaa baaritaanka unugyada difaaca dhammaadka muddada 5-ta maalin ee go'doonka. Soo qaado saambalka/muunada baaritaanka kaliya haddii aadan qandho dareemin muddo 24 saacadood ah adiga oo aanan isticmaalin daawooyinka qandho jabinta oo ayna astaamahaada kale ay soo hagaageen (urta iyo dhadhan lumitaanka waxa ay sii jiri karaan asbuucyo ama bilo kadib kasoo bogsashada cudurka mana loo baahna inay dib dhigaan/sii dheereeyaan muddada isgo'doominta/iskali yeelida).
- Haddii baaritaankaada lagaaga helo cudurka, waa inaad sii wadaa inaad isasii karantiisho/kaliyeesho ilaa maalinta 10-aad.
- Haddii baaritaankaada lagaaga waayo cudurka, waad joojinka kartaa isgo'doominta/iskaliyeelidda, laakiin siiwad inaad xirato afxir sifiican kuula eg marki aad dadka kale la joogto gurigaada iyo goobaha dadku isugu yimaado ilaa maalinta 10 aad.
Si aad usoo sheegto baaritaanka guriga la isaga baaro qof looga helay cudurka oo uuna uhelo qofka adeegyada daryeelka caafimaadka, fadlan ka wac Khadka Tooska COVID-19 ee Gobolka Washington 1-800-525-0127. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.
Haddii aad horay ula soo dagtay/download-gareysay WA Notify (Ablikeeshinka Ogeysiiska Soogaarista/Udhawaanshaha Cudurka ee Washington) ama aad ka furatay taleefankaada casriga ah, waxaad ablikeeshinkaan u isticmaali kartaa inaad sidoo kale kusoo sheegto qof laga helay cudurka.
Xog dheeraad ah waxaa laga heli karaa halkaan: Waxa aad sameyneyso haddii lagaa helo cudurka.
- Kadib markuu la joogay fayras sidaha, goorma ayaa qofka laga heli karaa fayraska?
-
Marka qofka laga helo COVID-19, baaritaanka PCR ayaa laga yaabaa inuusan muujin jiritaanka fayraska muddo shan maalmood kadib markuu qofku fayraska qaaday. Marka, waad qabi kartaa fayraska, laakiin baaritaanka ayaan muujin karin intii muddo ah. Waqtiga ayaa muhiim u ah helitaanka natiijada baaritaanka cudurka lagaaga helo. Haddii aad la joogtay qof qaba COVID-19 laakiin aadan jiranayn, waxaa ugu haboon inaad isbaarto ugu yaraan 5 maalmood kadib markii u danbaysay ee aad fayraska u dhowayd. Baaritaanka degdega ah ayaa badanaa ah kan ugu saxan marka dadku leeyihiin astaamaha laakiin waxaa loo adeegsan karaa dadka aan lahayn astaamaha xaaladaha qaarkood.
- Muddo intee le'eg ayay natiijadu qaadataa?
-
Waxay ku xiran tahay nooca baaritaanka, iyo meesha sanbalka loogu diray baaritaan. Natiijooyinka baaritaannada degdega ah ayaa lagu heli karaa 10 daqiiqo. Baaritaannada PCR ka, waxay qaadan kartaa dhawr maalmood.
- Baaritaankee ugu fiican in la qaato?
-
Baaritaanka ugu fiican waa midka koobaad ee aad heli karto. Taasi waxay ka dhigan tahay haddii aad haysato baaritaanka guriga, isticmaal asaga. Haddii aad aragto balan aad ka helayso goob baaritaan, qabso. Hal shardi oo la reebaayo waa marka baaritaan gaar ah loogu baahdo xaalad gaar ah (tusaale safar).
- Ma kaydsan karaa baaritaannada?
-
Waa fikir wanaagsan inaad dhawr baaritaan. Dalbo baaritaannada inta laga heli karo webseedyada dawlada. Haddii aad dukaamaysi aado aadna aragto baaritaanno la heli karo, iibso dhawr. Laakiin noqo daris wanaagsan oo adeegso fikir saliim ah. Kaysiga baaritaanno badan waxay ka hor istaagaysaa dadka kale ee u baahan waxaadna khatar u galaysaa in baaritaankaagu dhaco kahor intaadan ba isticmaalin.