Waxaad ku kalsoonaan kartaa talaalka COVID-19!
Neguse waa Magaalo ka tirsan Seattle Xidhiidhka Bulshada ee Bulshada Bariga Afrika. Neguse wuxuu ku hadlaa Ingirisi, Axmaariga, iyo Tigreeyga, wuxuuna ahaa xubin muhiima oo caawinaya bulshooyin badan oo ka baqaya talaalka cisbitaalka Caruurta ee Seattle (Seattle Children's Hospital.)
Neguse wuxuu soo gudbiyey in bulshadiisu ka cago jiidayso waayo aad uma yaqaanaan isticmaalka talaalka ee dhaqankooda, lakiin way qaadan doonaan talaalka haddii xubnaha aamisan ee bulshadu wakhti ku bixiyaan barita iyo siinta gadiidka u diyaarka ah goobaha talaalka.
Inta badan dadka ku dhaqan Maraykanka ayaa qorshaynaaya inay qaataan talaalka ka dhanka ah COVID-19, laakiin qaar ayaa dooni kara xog dheeraad ah kahor intaysan qaadan talaalka. Tani waa wax gabi ahaanba caadi ah. Waxaan kuligeen doonaynaa inaan kalsooni u helno go'aan kasta oo saamaynaaya nolosheena.
Si aan kalsooni u helno, waxaan u baahan nahay xog aan ka helno ilo aan ku kalsoon nahay. Ka caawi saaxiibadaa iyo ehelkaaga inay kala saaraan xanta iyo xaqiiqada la xariirta talaalka COVID-19.
Waxaad ka caawin kartaa dadka inay ku kalsoonaadaan go'aankooda qaadashada talaalka. Waxaad arintaan ku samayn kartaa:
- Adoo waqti gelinaaya walaacyada ay qabaan saaxiibadaada ama xubnaha qoyskaaga.Ka fiiri Tusmada Ka hadalka Talaallada (Ingiriiis Kaliya) si aad u hesho tilmaamo la xariira sida dadka loogala hadlo talaallada.
- Ka jawaabida su'aalahooda. Haddii aadan aqoon jawaabta, waxaad soo jeedin kartaa inay la hadlaan dhakhtarkooda daryeelka.
- Markaad go'aansato in lagu talaallo, la wadaag sababta aad u go'aansatay. Sheekadaada shaqsiga ah ayaa saamayn awood badan ku yeelanaysa ehelka iyo bulshada.
Waxaad awood u leedahay inaad saamayso dadka kugu xeeran adoo ku saamaynaaya waxa aad sheegto iyo waxa aad samayso. Ka fiiri tilmaamahaan lifaaqa Sida loogala hadlo talaallada COVID-19 saaxiibada iyo ehelka (Ingiriiis Kaliya).
Akhri xaqiiqooyinka talaalka ee hoose lana wadaag dadka aad taqaano. Waxaan u qaybinay mawduucyada ugu caansan.
Consulte los datos sobre las vacunas que aparecen a continuación y compártalos con sus conocidos. Los hemos clasificado en áreas temáticas populares.
Badbaadada iyo Waxtarka
Maxaa muhiim ka dhigaaya haddii aan qaato ama aanan qaadan talaalka COVID-19?
Gabi ahaanba waa ikhtiyaarkaaga inaad qaadato talaalka COVID-19 iyo in kale, laakiin waxaan u baahan nahay in dadka ugu badan ee macquulka ah ay talaalka qaataan si aan usoo afjarno aafadaan. Way ku adkaan doontaa fayraska COVID-19 inuu faafo marka dad badan oo bulshada ay helaan difaac ka dhan ah – ayagoo qaatay talaalka ama uu dhawaan caabuqu haleelay. Hadba intay sareeyaan tirada dadka qaata talaalka, ayay yaraanaysaa dadka caabuqu ku dhaco.
Dadka aan qaadan talaalka ayuu wali ku dhici karaa fayrasku waxayna ku faafin karaan dadka kale. Dadka qaar ma qaadan karaan talaalka sababo caafimaad awgood, arintaan ayaana ka dhigaysa kuwo si gaar ah ugu nugul COVID-19. Haddii aadan talaalka qaadan, waxaad sidoo kale khatar wayn ugu jirtaa in isbitaal lagu dhigo ama aad u dhimato fayraska COVID-19 (Ingiriiis kaliya). Qaadashada talaalku kuma difaacayso keligaa, laakiin waxay sidoo kale difaacaysaa ehelkaaga, dariskaaga, iyo bulshadaada.
Maxaan u qaadanaysaa talaalka COVID-19 haddii inta badan dadku fayraska ka badbaadeen?
Dad badan oo uu ku dhacay COVID-19 ayaa dareema xanuun yar keliya. Hase yeeshee, fayraska ayaa ah midaan gabi ahaanba la qiyaasi karin, waxaana og nahay in qaar kamid ah faracyada COVID-19 ay u badan tahay inay xanuun daran kugu ridaan. Dadka qaar ayaa aad u jiran kara ama u dhiman kara COVID-19, xataa da'yarta aan qabin xanuunnada caafimaad ee xun. Dadka kale, oo loo yaqaano "dadka uu COVID muddo dheer hayo" ayaa qaadi kara cilado socon kara bilo saamayna kara tayada noloshooda. Sidoo kale ma naqaano wali dhammaan ciladaha muddada fog ka imaan kara COVID-19 maadaama uu yahay fayras cusub. Qaadashada talaalka ayaa ah difaaceena ugu fiican ee kahortaga fayraska.
Talaalladu ma yihiin kuwo ammaan ah ama waxtar u leh si dhab ah?
Haa, talaalada COVID-19 waa kuwo badbaado iyo waxtar leh. Saynisyahannada ayaa talaalka ku tijaabiyey tobanaan kun oo qof oo ka qaybgalay tijaabooyinka caafimaadka. Talaalladu waxay buuxiyeen heerarka u degsan U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawada ee Maraykanka) ee badqabka, waxtarka, iyo tayada soo saarida ee loogu baahnaa in lagu helo oggolaanshaha isticmaalka degdega ah. Waxaa la ogaaday inay dhammaantood aad ugu habboon yihiin ka difaacida dadka inay xanuun ka qaadaan COVID-19. Muddadaas kadib, talaalladaan ayaa si badqab leh loo siiyay malaayiin dad ah.
Daawo muuqaalladaan si aad xog badan uga hesho sida talaallada COVID-19 loo sameeyay:
Talaalku badqab ma u leeyahay ilmahayga?
Haa. Talaalka Pfizer waxaa lagu tijaabiyay kumanaan dhalin yaro ah waxaana la ogaaday inuu badqab leeyahay. Sidoo kale waa mid waxtar badan – ma jiro qof kamid ah dhalinta talaalka qaadatay oo uu ku dhacay COVID-19. Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada) ayaa ku talinaysa in talaalka COVID-19 la siiyo qof kasta oo jira 6 bilood sano iyo kuwa kasii wayn (Ingiriiis Kaliya).
Sidee ayaan u aamini karaa in talaalladu badbaado leeyihiin?
Si loo xaqiijiyo in tallaalada caabuqa COVID-19 ay yihiin kuwo badqab leh, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) waxay ballaarisay oo ay xoojisay awooda wadanka uu u leeyahay inuu la socdo badqabka tallaaka. Sidaa awgeed, khuburada kuxeeldheer badqabka tallaalka ayaa la socon kara oona ogaan kara arrimaha laga yaabo inaanan lagu ogaanin inti la sameynayey tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka caabuqa COVID-19.
Ma ka qaadi karaa COVID-19 talaalka COVID-19?
Maya, kama qaadi kartid cudurka COVID-19 talaalka. Tallaada COVID-19 kuma jiro fayraska keena COVID-19.
Miyaan u baahan nahay inaan qaato talaalka haddii aan horay u qaaday caabuqa COVID-19?
Haa, wali waa inaad qaadato talaalka haddii aad horay u qaaday COVID-19. Xogta ayaa muujineysa inay tahay wax aan caadi aheyn in markale qofku qaado cudurka COVID-19 90 maalmood gudahood kadib markii cudurka uu kugu dhacay. Tani waxay ka dhigan tahay inaad difaac ka heli karto COVID-19 (oo loo yaqaano difaaca dhex-dhexaadka) intii muddo ah. Si kastaba ha noqotee, ma naqaano inta uu difaaca jirka ee dabiiciga ah shaqeyn karo. Xog badan ka ogoow sababta aad wali ugu baahan tahay inaad qaadato talaalka COVID-19 (Ingiriiis Kaliya).
Waa maxay farqiga u dhexeeya talaalka iyo difaaca cudurka?
Difaaca dabiiciga ah ee ka yimaada caabuqa ayaa ku siinaaya isla difaaca ka dhanka ah caabuqa oo markale kugu dhaca laakiin waa muhiim in la sheego in caabuqa koobaad ee shaqsiyaadka aan talaalka qaadan uu kordhinaayo khatarta daran ee xanuunka xun, isbitaal dhigsita, iyo dhimashada. Inkastoo dadka qaar ay difaac ka dhan ah caabuqa ka heli karaan qaadista COVID-19, dadka qaar kale ayaan ka heli doonin. Dadka qaar kamid ah difaaca hela kadib caabuqa, ma jirto qaab lagu ogaado sida difaacu yahay, inta uu jiraayo ama xataa nooca uu difaacu ka hortagi karo.
Sabab la xariirta inaanaan ku tiirsanaan karin difaaca dabiiciga ah si looga hortaga caabuqa oo soo laabta ama xanuunka daran ee ka yimaada COVID-19, inaad qaadato talaallada saxda ah ayaa wali ah difaaca ugu fiican iyo xeelada rasmiga ah ee kahortaga caabuqyada SARS-COV-2, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo faafintiisa.
Caafimaadka Taranka
Miyaan awoodi doonaa inaan carruur dhalo haddii aan qaato talaalka COVID-19?
Haa. Walaacyada ku xeeran caafimaadka ilmo qaadista iyo talaallada ayaa la fahmi karaa. Halkaan ayaad ka helaysaa waxaan ognahay: ma jirto caddayn saynis oo sheegaysa in talaalladu keenaan ma dhalaysnimo ama dhalmo days. Marka talaalladu galaan jirkaaga, wuxuu kala shaqeeyaa habka difaaca jirka si loo abuuro difaacyada la dagaalamaaya korona fayraska. Shaqadaan wax saamayn ah kuma lahan unugyadaada dhalmada.
American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG, Machadka Maraykanka ee Dhakhaatiirta Dhalmada iyo Taranka) ayaa ku talinaaya in talaalka COVID-19 la siiyo qof kasta oo doonaaya inuu uur qaato mustaqbalka ama hadda uur leh ama naas nuujinaaya. Dad badan oo qaatay talaalka ka dhanka ah COVID-19 ayaa talaalka kadib uur yeeshay ama dhalay ilmo caafimaad qaba.
Si aad u hesho ilo dheeraad ah oo kusaabsan qaadashada tallaalka caabuqa COVID-19 markii aad uur leedahay iyo naasnuujinta, Fadlan ka eeg xogtii ugu dambeysay webseedka Hal Tallaal, Labo Naf.
Talaalku badqab ma u leeyahay dadka uurka leh?
Haa, waxaad qaadan karta talaalka haddii aad uur leedahay, American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG) (Ingiriiis Kaliya) ayaana ku talinaaya in la talaallo dadka uurka leh. Ma jirto caddayn sheegaysa in talaalka COVID-19 uu keeno dhibaatooyin ku dhaca uurka, kobaca ilmahaaga, dhalista, ama taranka.
Si aad u hesho ilo dheeraad ah oo kusaabsan qaadashada tallaalka caabuqa COVID-19 markii aad uur leedahay iyo naasnuujinta, Fadlan ka eeg xogtii ugu dambeysay webseedka Hal Tallaal, Labo Naf.
Talaalku badqab ma u leeyahay dadka ilmaha naas nuujinaaya?
Haa, haddii aad naas nuujinayso waad qaadan kartaa talaalka. Uma baahnid inaad joojiso naas nuujinta haddii aad talaalka qaadanayso. Xaqiiqdii, warbixinnada hordhaca ah ayaa muujinaaya in talaalku uu ka caawin karo jirkaaga inuu difaacyada jirka u gudbiyo cunugaaga markaad naaska u dhigayso. Daraasaado badan ayaa loo baahan yahay, laakiin haddii tan la xaqiijiyo, waxay gacan ka gaysan doontaa ka difaacida cunugaaga COVID-19.
Akhri xog badan oo ku saabsan sida talaalka COVID-19 u difaacaayo hooyooyinka iyo ilmaha dhashay (Ingiriiis Kaliya).
Talaalku ma badali doonaa mareegtayda dhiiga caadada?
Dadka qaar ayaa soo sheegay isbadello ku dhacay mareegtooda dhiiga caadada kadib markay qaateen talaalka, laakiin ma jirto xog hadda la hayo oo cadaynaysa in ciladahaan yihiin kuwo muddo dheer jiri doona. Mareegaha dhiiga caadada ayaa isbadali kara sabab la xariirta waxyaabo badan oo kaladuwan, sida walaaca.
Maadooyinka
Waa maxay maadooyinka ku jira talaallada?
Waxaad arki kartaa qaar kamid ah xanta iyo madooyinka beenta ah oo lagu qoraayo oonleenka ama baraha bulshada. Kuwaani guud ahaan waa been abuur. Maadooyinka ku jira tallaalada COVID-19 (Ingiriiis kaliya) waa kuwa caadiga ah ee talaallada. Waxaa ku jira maadooyinka saxda ah ee mRNA ama adenovirus wax laga badalay oo ay la socdaan maadooyin kale sida dufan, cusbo, iyo sonkor oo difaacaaya maadada falgalka samaynaysa, kana caawinaaya inay jirka si fiican ugu shaqayso, difaacaayana talaalka inta la kaydinaayo iyo marka la dhoofinaayo.
Tallaalka Novavax COVID-19 waa tallaal ku saleysan unugyo hoosaadka barotiinka caabuqa oo ka kooban walxo lagu daray, oo ay wehliyaan dufan iyo sokor si ay gacan ooga geystaan inuu tallaalka si fiican ugu shaqeeyo jirka dhexdiisa. Tallaalku ma isticmaalo mRNA.
Arag liiska buuxa ee maadooyinka ku jira xaashiyaha xaqiiqada ee Pfizer, Moderna, Novavax iyo Johnson & Johnson.
Talaalka Johnson & Johnson ma waxaa ku jiro cad ilmo uur ku jira lagasoo qaaday.
Talaalka Johnson & Johnson COVID-19 waxaa lagu abuuray isla tiknoolajiyad la mid ah kuwa tallaalada kale loo isticmaalay.Tallaalka kuma jiraan qaybo ka mid ah uurjiifka ama unugyada uurjiifka. Hal qayb oo kamid ah talaalka ayaa ka kooban koobiyada shaybaarka lagu sameeyay ee unugyada asal ahaan ka yimid qaybo lagasoo doortay ilmo la iskasoo riday oo dhacday 35 sano kahor. Markaas kadib, laymanka unugyada talaalladaan waxaa lagu hayaa shaybaarka. Ilo dheeraad ah oo laga keenay unugyada uurjiifta looma adeegsan in lagu sameeyo talaalladan. Tan ayaa noqon karta xog ku cusub dadka qaar. Hase yeeshee, talaallada bus-buska, jadeecada, iyo cagaarshoowga A ayaa loo sameeyay isla qaabkaas.
Talaallada ma waxaa ku jira aaladaha wax basaasa?
Maya, talaallada kuma jirto aalad wax basaasta ama dadka dabagasha. Talaallada waxaa keliya ku jira maadooyin shaqaynaaya oo ka caawinaaya jirkaaga abuurista difaacyada la dagaalanka COVID-19, oo wata cadad baruur ah, cusbo, iyo sonkor.
Talaalka COVID-19 ma iga dhigayaa qof magnadku qabsanaayo?
Maya, ma noqonaysid mid magnadku qabsado haddii aad qaadato talaalka COVID-19. Talaallada kuma jiraan maadooyinka abuuri kara goob magnadka korontada soo jiita, kumana jirana biro. Waxaad arki kartaa liiska buuxa ee maadooyinka ku jira xaashiyaha xaqiiqada ee Pfizer, Moderna, iyo Johnson & Johnson wixii xog dheeraad ah.
Walaacyada Caafimaadka
Dhiig xiran ma ka qaadi karaa talaalka?
Khatarta qaadista dhiig xinjiroowga ayaa aad u yar. Tirada dadka dhiig xiranka ka qaaday kadib talaalka Johnson & Johnson ayaa yaraa marka laga fiiriyo malaayiinta qof ee qaadatay talaalka aana qaadin dhiig xiran. Marka la isbarbardhigo, Khatarta ayaa aad uga yar tan qaadashada joojiyaasha dhalmada, taasoo malaayiin haween ah maalin kasta isticmaalaan. Hel jawaabaha su'aalahaaga ku saabsan xakamaynta dhalmada iyo talaalka Johnson & Johnson COVID-19 iyo xog kale (Ingiriiis kaliya).
Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga khatarta kugu imaan karta. Cilada dhiig xinjiroowga ayaa keliya lagu arkay talaalka Johnson & Johnson COVID-19, laguma arkin talaallada Pfizer ama Moderna. Haddii aad walaac ka qabto qaadashada talaalka Johnson & Johnson, ka codso dhakhtarkaaga inuu kuugu badallo talaalka Moderna ama Pfizer.
Ma tahay inaan ka walwalo xanuunnada myocarditis ama pericarditis?
Dhibaatooyinka myocarditis (hulaaq ku dhaca murqaha wadnaha) iyo pericarditis (hulaaqa halbawlayaasha wadnaha) kadib qaadashada talaalka COVID-19 ayaa aad u yar. Keliya tiro yar oo dad ah ayay ku dhici kartaa talaalka kadib. Dadku uu ku dhaco, inta badan kiisaska ayaa ku dhaca kurayda iyo dhalin yarada, ciladaha ayaa aad u fudud inta badan dadka, dadka ayaana caadiyan degdeg uga bogsoodo si iskood ah marka daawo yar la siiyo. Myocarditis iyo pericarditis ayaa aad ugu badan dadka ku jirada COVID-19.
Laga bilaabo Luuliyo 30, 2021, marka laga eego tirada ka yar 1500 ee warbixinood ee loosoo gudbiyay Vaccine Adverse Event Reporting System (VAERS, Nidaamka Dhibaatooyinka Ka dhashay Talaalka), waxaa jira keliya 699 kiis oo laga helay Maraykanka (Ingiriiis kaliya), halka in ka badan 177 milyan oo qof ay qaateen ugu yaraan hal kamid ah kuurada talaalka COVID-19.
Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga khatarta kugu imaan karta. Haddii aad qabto wax astaamo ah kadib talaalka, waxaad kusoo gudbin kartaa nidaamka VAERS (Ingiriiis kaliya).
Xog badan ka ogoow myocarditis iyo pericarditis kadib qaadashada talaalka COVID-19 (Ingiriiis kaliya).
Miyaan qaadan karaa talaalka haddii aan qabo xanuunka uur ku jirta?
Inta badan dadka qaba xanuunnada uur ku jirta ayaa qaadan kara talaallada COVID-19. U sheeg dhakhtarkaaga dhammaan xasaasiyaadka iyo xaaladaha caafimaadka ee aad qabto. Xaqiiqdii, xanuunno badan oo uur ku jirta ah ayaa khatar wayn kuu gelinaaya dhibaato kaasoo gaarta xanuunka COVID-19, marka talaalka ayaaba xataa muhiim kuusii noqonaaya si aad iskaga ilaaliso xanuunka.
Kooxahaan gaarka ah ee dadka ayaa qaadan kara talaalka COVID-19:
- Dadka qaba HIV iyo dadka nidaamyadooda difaacu daciifeen.
- Dadka qaba xanuunnada difaaca waxyeeleeya.
- Dadka horay usoo maray xanuunka Guillain-Barré syndrome (GBS, Xanuun Sababa in Nidaamka Difaaca Jirka uu Weeraro Neerfayaasha).
- Dadka horay usoo maray xanuunka Bell's palsy.
Haddii aad qabto taariikhda xasaasiyad xun ama aad isleedahay waxaad xasaasiyad xun ka qaadi kartaa maado ku jirta talaalka, akhri Talaallada COVID-19 ee dadka qaba xasaasiyadaha (Ingiriiis kaliya). Anaphylaxis kadib talaalka COVID-19 (Ingiriiis kaliya) ayaa ah mid dhif ah wuxuuna ku dhacay ku dhawaad 2 illaa 5 qof milyankii qof ee qaatayba talaalka gudaha Maraykanka.
Xogtaan (Ingiriiis kaliya) waxay diirada saaraysaa inay ka caawiso dadka kooxaha kore ku jira inay gaaraan go'aan faahfaahsan oo la xariira qaadashada talaalka COVID-19.
Talaalku ma badeli doonaa DNA gayga?
Maya, talaallada COVID-19 ma baladayaan ama ma saamaynayaan DNA gaaga. Talaallada ayaa tilmaamo siiya unugyada jirkeena si ay u bilaabaan difaac ka dhan ah fayraska keena COVID-19. Talaalku ma galo qaybo kamid ah unugta oo DNA gu ku jiro. Taas badalkeeda, talaallada ayaa la shaqeeya difaacyada dabiiciga ah ee jirka si loo dhiso difaaca jirka. Xog badan ka ogoow mRNA (Ingiriiis kaliya) iyo faraca fayraska ee talaallada (Ingiriiis kaliya) COVID-19.
Talaalku ma sababaa wax cilado muddo dheer soconaaya?
Waxaan haynaa xog badan oo sayniska la xariirta kuna saabsan talaallada COVID-19 iyo cudurada kale. Ayadoo laga eegaayo xogtaas, khubarada ayaa kalsooni ku qaba in talaalladaan noqdaan kuwo aad u badqab badan. Ku dhawaad dhammaan xasaasiyadaha ka dhasha talaalka COVID-19 ayaa ahaa kuwo fudud, sida daal ama xanuunka gacanka, waxayna socdeen keliya dhawr maalmood. Xasaasiyadaha daran ama muddada dheer ayaa aad dhif u ah.
Cilado kasta oo muddo dheer socda ayaa badanaa dhacaaya sideed asbuuc gudahood kadib talaalka. Tani waa sababta shirkadaha sameeyay talaalku qasab uga dhigeen in la sugo ugu yaraan sideed asbuuc kadib tijaabooyinka talaalka kahor intaysan ka codsan Oggolaanshaha Isticmaalka Degdega ah U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawada ee Maraykanka). Khubarada ayaa sidoo kale sii wada inay isha ku hayaan talaallada COVID-19 si loo hubiyo ciladaha badqabka. FDA ayaa baaraysa warbixinno kasta oo sheegaaya cilado daran ama xasaasiyado.