Tusmada waxaa la cusboonaysiiyay Diisambar 9, 2022
Inaad qaadato kuurooyinka xoojinta ah isla marka aad u qalanto ayaa ah difaacaaga ugu fiican ee ka dhanka ah xanuunka daran iyo dhimashada ka dhalata COVID-19.
Center for Disease Control and Prevention (CDC) ayaa tallooyinka kuurada xoojinta u ah tallaalka u cusbooneysiisay sidan soo socota:
- Carruurta jira 6 bilood-5 sano ee qaatay talaalka asalka ah ee monovalent Moderna COVID-19 ayaa hadda u qalma inay qataan kuurada cusub ee xoojinta ah bivalent labo bilood kadib dhamaystirka taxaneyaasha aasaasiga ah.
- Tallaalka COVID-19 ee Pfizer ee carruurta jiraa 6 bilood-4 sano ayaa hadda lagu darayaa kuurooyinka monovalent Pfizer iyo hal kuurada bivalent Pfizer.
- Carruurta jira 6 bilood-4 sano ee aan wali bilaabin taxaneyaasha aasaasiga ah ee 3 kuuro ee Pfizer ama aan weli qaadan kuurada saddexaad ee taxaneyaashooda aasaasiga ah ayaa hadda qaadan doona taxaneyasha cusub ee Pfizer.
- Carruurta jira 6 bilood-4 sano ee horey u dhamaystay taxaneyaasha 3 kuuro ee aasaasiga ah ee Pfizer ayaan u qalmi doonin kuurooyinka dheeriga ah ama xoojinta ah waqti xaadirkaan
- Xoojiyayaasha tallaalka COVID-19 ee Novavax ayaa loo heli karaa dadka qaangaarka ah haddii ay dhammeystireen wareegyada taxanaha ee aasaasiga ah laakiin aanay horay uqaadan xoojisada tallaalka COVID-19—iyo haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA.
Haddii aad qaadatay… | Cidda ay tahay iney qaadato tallaalka xoojinta ah | Tallaalka xoojinta ee la qaadanayo | Goorta ay tahay in la qaato tallaalka xoojinta ah |
---|---|---|---|
Pfizer-BioNTech | Dadka da'doodu tahay 5 sano iyo kasii weyn |
Carruurta jira 5 sano ee dhamaysta Pfizer ayaa keliya qaadan kara kuurada xoojinta ah ee cusub ee bivalent. Dadka da'doodu tahay 6 sano iyo kasii weyn waa inay qaataan bivalent Pfizer ama Moderna ayadoo aan laga eegayn nooca taxaneyaasha aasaasiga ah ee ay qaateen. |
Ugu yaraan 2 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad ama kuurada hore ee xoojinta ah |
Dadka jira 18 sano iyo kaweyn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. | Novavax: Ugu yaraan 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad | ||
Moderna | Dadka da'doodu tahay 6 biloodiyo kasii weyn |
Carruurta 6 bilood-4 sano jirada ah waa inay qaataan kuurada cusub ee bivalent taasoo ah isla nooca taxaneyaashooda aasaasiga ah. Dadka da'doodu tahay 5 sano iyo kasii weyn waa inay qaataan bivalent Pfizer ama Moderna ayadoo aan laga eegayn nooca taxaneyaasha aasaasiga ah ee ay qaateen. |
Ugu yaraan 2 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad ama kuurada hore ee xoojinta ah |
Dadka jira 18 sano iyo kaweyn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. | Novavax: Ugu yaraan 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad | ||
Novavax | Dadka da'doodu tahay 12 sano iyo kasii weyn | Dadka da'doodu tahay 12 sano iyo kasii weyn waa inay qaataan bivalent Pfizer ama Moderna ayadoo aan laga eegayn nooca taxaneyaasha aasaasiga ah ee ay qaateen. | Ugu yaraan 2 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad ama kuurada hore ee xoojinta ah |
Dadka jira 18 sano iyo kaweyn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. | Novavax: Ugu yaraan 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad | ||
Johnson & Johnson* | Dadka da'doodu tahay 18 sano iyo kasii weyn | Dadka jira 18 sano iyo ka wayn waa inay qaataan kuurada xoojinta cusub ee bivalent Pfizer ama Moderna. | Ugu yaraan 2 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad ama kuurada hore ee xoojinta ah |
Dadka jira 18 sano iyo kaweyn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. | Novavax: Ugu yaraan 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koowaad |
*Tallaalada mRNA ayaa la door bidaa, laakiin tallaalka COVID-19 ee Johnson & Johnson ayaa weli la heli karaa haddii aadan awoodin ama aadan dooneyn inaad qaadato tallaal kale.
Kuurooyinka dadka difaacooda jirku liito
Haddii difaacaaga jirku liito heer dhexe ama heer daran, tilmaamaha lagu siinaayo ayaa kaladuwanaan doona.
Haddii aad qaadatay... | Miyaan qaataa qiyaas dheeraad ah? | Miyaan qaadan karaa kuuro xoojin ah? |
---|---|---|
Pfizer: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 21 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 5 sano iyo ka wayn | Haa, dadka jira 5+ sano ee nidaamkooda difaaca jirku liito heer dhexe ilaa heer daran waa inay qaataan kuuro dheeraad ah 28 maalmood kadib kuuradooda 2aad. |
Haa, tallaalka xoojisa ee tallaalka mRNA-da bivalent ayaa lagula talinayaa 2 bilood ka dib tallaalka ugu dambeeya si dadka 5 iyo ka weyn ay u yeeshaan difaac buuxa. Carruurta jira 5 sano ee dhamaysta Pfizer ayaa keliya qaadan kara kuurada xoojinta ah ee cusub ee bivalent. Dadka jira 18 sano iyo kasii wayn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koobaad haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. |
Pfizer: Saddex qiyaasood/doos ayaa la siiyaa carruurta 6 bilood ilaa 4 sano jir ah. Labada qiyaasood ee ugu horreeya waa in la qaataa muddo u dhaxaysa 21 maalmood oo qiyaasta/dooska saddexaadna waa in la qaataa 8 toddobaad ka dib marka la qaatay qiyaasta labaad. | Maya, carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 4 sano jir kuwaas oo difaaca jirkoodu uu si dhexdhexaadka ah ama si daran difaaci u yahay waa in aanay qaadan qiyaas/doos dheeraad ah oo tallaalka aasaasiga ah wakhtigan. | Maya, xoojiye mRNA laguma talinayo carruurta 6 bilood ilaa 4 sano jir ah ee hore u dhammaystay taxanaha aasaasiga ah ee Pfizer wakhtigan. |
Moderna: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 28 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 6 bilood iyo ka wayn | Haa, dadka jira 6 bilood + sano ee nidaamkooda difaaca jirku liito heer dhexe ilaa heer daran waa inay qaataan kuuro dheeraad ah 28 maalmood kadib kuuradooda 2aad. |
Haa, kuurada xoojinta ah ee talaalka bivalent mRNA ayaa lagu talinayaa 2 bilood kadib kuurada ugu danbaysa si dadka jira 6 bilood iyo ka wayn u helaan difaac buuxa. Carruurta jira 5 sano ee qaata Moderna ayaa qaadan kara kuurada xoojinta ah ee cusub ee Moderna ama Pfizer. Dadka jira 18 sano iyo kasii wayn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koobaad haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. |
Johnson & Johnson: Hal kuuro, ayaa la siinayaa da'daha 18 sano iyo ka wayn* | Haa, dadka jira 18+ sano ee nidaamkooda difaaca jirku liito heer dhexe ilaa heer daran waa inay qaataan kuuro dheeraad ah oo talaalka mRNA ah 28 maalmood kadib kuurada 1aad ee talaalka J&J. |
Haa, kuurada xoojinta ah ee talaalka bivalent mRNA ayaa lagu talinayaa 2 bilood kadib kuurada ugu danbaysa si dadka jira 18 sano iyo ka wayn u helaan difaac buuxa. Dadka jira 18 sano iyo kasii wayn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koobaad haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. |
Novavax: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 21 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 12 sano iyo ka wayn | Maya, dadka difaaca jirkoodu uu si dhexdhexaadka ah ama si daran daciif u yahay waa in aanay qaadan qiyaas/kuuro dheeraad ah oo tallaalka aasaasiga ah wakhtigan. |
Haa, tallaalka xoojisay ee tallaalka mRNA-ga bivalent ayaa lagula talinayaa 2 bilood ka dib tallaalka ugu dambeeya si dadka 12 sano jir iyo ka weyn ay u yeeshaan difaac buuxa. Dadka jira 18 sano iyo kasii wayn waxa ay sidoo kale dooran karaan inay qaataan xoojisada tallaalka ee Novavax 6 billood kadib dhammeystirka wareegyada koobaad haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA. |
*Tallaalada mRNA ayaa la door bidaa, laakiin tallaalka COVID-19 ee Johnson & Johnson ayaa weli la heli karaa haddii aadan awoodin ama aadan dooneyn inaad qaadato tallaal kale.
Su'aalaha inta badan la isweydiiyo
- Miyaan u baahanahay in aan qaato tallaalka halka sumad leh oo isku midka ah oo ah garoojada xoojinta?
-
Carruurta 6 bilood-4 sano jirada ah waa inay qaataan kuurada cusub ee bivalent taasoo ah isla nooca taxaneyaashooda aasaasiga ah. Carruurta jira 5 sano ee dhamaysta Pfizer ayaa keliya qaadan kara kuurada xoojinta ah ee cusub ee bivalent. Carruurta jira 5 sano ee qaata Moderna ayaa qaadan kara kuurada xoojinta ah ee cusub ee Moderna ama Pfizer. Dadka da'doodu tahay 6 sano iyo kasii weyn waa inay qaataan bivalent Pfizer ama Moderna ayadoo aan laga eegayn nooca taxaneyaasha aasaasiga ah ee ay qaateen. Xoojiyayaasha tallaalka COVID-19 ee Novavax ayaa loo heli karaa dadka qaangaarka ah haddii ay dhammeystireen wareegyada taxanaha ee aasaasiga ah laakiin aanay horay uqaadan xoojisada tallaalka COVID-19—iyo haddii aysan qaadan karin ama qaadan doonin xoojisada la cusbooneysiiyey ee mRNA.
- Maxay tahay sababta kuurooyinka xoojinta ah ay muhiimka u yihiin?
-
Kuurooyinka xoojinta ah ayaa ka caawinaaya inay sii wadaan ka-hortagga cudurrada daran ee dadka halista sare ugu jira COVID-19 daran. Qiyaasaha/doosaska tallaalka xoojiyaha ah ayaa markii hore lagula talinayey kaliya dadka halista sare ugu jira COVID-19 ka daran, laakiin talo soojeedintii waa la ballaariyey si loogu daro qof kasta oo jira 6 bilood iyo kasii weyn si ay gacan uga geystaan kordhinta ka hortagga ka dhanka ah xannuunka COVID-19.
Tani si gaar ah ayey muhiim ugu tahay sare ukaca noocyada faafa iyo kiisaska COVID-19 ee kusii kordhaya Mareykanka oo dhan.
Tallaalada COVID-19 ee la oggolaaday ama laga ansixiyey gudaha Mareykanka ayaa wali aad waxtar ugu leh yaraynta halista cudurka daran, isbitaal dhigida, iyo dhimashada ka timaadda COVID-19, xitaa yaraynta noocyada cudurka. Wali, tallaalada hadda la isticmaalo waxaa laga yaabaa inuu hoos udhaco kahortagidooda cudurka muddo kadib. Kuurooyinka xoojinta ah waxa ay kordhin doonaan kahortaga uu keenay tallaalka ka dhanka ah COVID-19 waxa ayna gacan ka geystaan difaaca jirku inuu sii jiro muddo dheer.
- Weli miyaad dadka ku tallaalaysaan tallaalka aasaasiga ah?
-
Haa. Helitaanka qof kasta oo u qalma in lagu tallaalo taxanaha billoowga ah (garoojada 1 aad ee Johnson & Johnson ee COVID ama garoojada 2 aad ee Pfizer ama Moderna) weli waxay haysataa mudnaanta koowaad. Heerarka isbitaal dhigida ayaa 10 illaa 22 jeer ka sarreeysa dadka waaweyn ee aan la tallaalin marka loo barbardhigo dadka waaweyn ee la tallaalay. Dadka la tallaalay aad bay u yar yihiin in ay si aad ah ula xanuunsadaan (ama gabigoodaba u xanuunsadaan) COVID-19, marka la barbardhigo kuwa aan la tallaalin. Tallaalku waxa kale oo uu kaa caawin karaa ka hortagga shakhsiyaadka inay xanuunsadaan oo ay yeeshaan calaamadaha muddada dheer ee ay soo sheegaan illaa 50% kuwa la xanuunsada COVID-19.
- Haddii aan u baahanahay irbado xoojin ah, taasi miyay ka dhigan tahay in tallaallada aysan shaqayneynin?
-
Maya. Tallaalada COVID-19 ee hadda aan ku hayno gudaha Mareykanka waxay si wanaagsan ugu shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xanuunka daran, isbitaal dhigista, iyo dhimashada, xitaa ka dhanka ah noocyada. Si kastaba ha noqotee, khubarada caafimaadka dadweynaha waxay arkayaan difaaca la dhimay ee lagaga hortagaayo xannunada fudud iyo dhex-dhexaadka ah ee COVID-19, gaar ahaan dadyowga khatarta sare ugu jira.
Xoojiyayaasha tallaalka ee la cusbooneysiiyey waxaa loo sameeyey inay gacan kageystaan xoojinta difaaca jirka iyo inay si wanaagsan uga ilaaliyaan faraca caabuqa Omicron. Waa muhiim in la qaato dhammaan kuurooyinka lagu taliyey ee la heli karo si loo helo ilaalinta ugu wanaagsan.
- Haddii aanan qaadanin kuuro xoojin ah, aniga weli si buuxda miyaan u tallaalanahay?
-
Waxaad la socotaa tallaaladi ugu dambeeyey ee caabuqa COVID-19 haddii aad dhammeystirtay taxanaha wareegyada koowaad ee tallaalka COVID-19 oo aadna qaadatay kuurada xoojinta tallaalka ee ugu dambeysay ee ay kugula talisay CDC.
- Sideen kuu muujiyaa inaan u qalmo kuuro xoojin ah?
-
Adiga ayaa is-sheegi kara inaad u-qalantid kuurada xoojinta. Uma baahnid inaad soo bandhigto tallo bixin ka socoto dakhtar.
Fadlan u qaado kaarkaaga tallaalka ballanta kuurada xoojiyahaaga si daryeel-bixiyaha u xaqiijiyo inaad qaadatay laba-qiyaas oo taxanaha tallaalka Pfizer. Haddii aadan haysanin kaarkaaga, bixiyaha wuxu ka fiirin kara diiwaankaaga.
- Waa maxay farqiga u dhexeeya tallaalka garoojada dheeraadka ah iyo garoojada tallaalka xoojiyaha?
-
- Kuuro dheeraad ah ayaa la siinayaa bukaannada qaar (arag shax hoose) oo dhamaystay taxaneyaasha talaalka aasaasiga ah laakiin aan lahayn difaaca jirka oo ku filan.
- Garoojada xoojinta waxaa loogu talagalay bukaanada marka ay u badan tahay in difaacooda kadib taxanayaasha tallaalka bilawga ah uu ku baaba'ay waqti yar kadib.
- Maxay la macnatahay inaad ahaato mi difaaca jirkiisa hooseeyo?
-
Dadka oo uu difaaca jirkoodu hooseeyo (Ingiriiska oo kaliya) oona qaatay labada kuuro ee talaalka mRNA Covid-19 ama halka kuuro ee talaalka J&J.
Haddii aad qabto mid kamid ah xaaladaha caafimaad ee soo socda waxaa laguu aqoonsanayaa qof difaaca jirkiisu liito si dhexdhexaad ah ilaa xaalad halis ah waxaana ka faa'iideysan kartaa tallaalka kuuro seddexaad oo COVID-19 ah. Tani waxaa ku jira dadka:
- Qaadanayo daaweynta kansarka firfircoon ee burooyinka ama kansarrada dhiigga
- Isku tallaalay xubin kale oona qaadanayo daawooyin si loogu qasbo in la oggoleysiiyo nidaamka difaaca jirka
- Isku tallaalay jirrid unug qof kale 2 sano udanbeysay ama qaadanayo daawo si loogu qasbo in la ogoleysiiyo nidaamka difaaca jirka
- Qaba difaaca jirka liita aasaasiga ah ee dhexdhexaad illaa xaalad halis ah (sida xaaladda DiGeorge, xaaladda Wiskott-Aldrich)
- Qaba caabuq hormarsan ama aan la daaweyn ee HIV
- Qaadanaya daawo socota oo kuuro sare leh oo ah kuwa yareeya alarjiga ama daawooyinka kale ee laga yaabo inay cadaadiyaan falcelinta difaaca jirka.
In kasta oo tallaallada aan haysanno ay 90% wax ku ool u yihiin inta badan noocyada fayraska, haddana daraasaduhu waxay muujinayaan in shaqsiyaadka dhexdhexaadka ilaa kuwa aadka u daran oo difaaca jirkoodu liito mar walba aysan sameysan difaac adag. Kuurada saddexaad looma tixgeliyo xoojiso, laakiin kuuro dheeraad ah oo loogu talagalay kuwa aan sameysan difaac ku filan wareegga labada kuuro.
- Waa maxay xaaladahacaafimaadka ee hooseeya?
-
Dadka da' kasta joogo oo leh xaaladaha hoos ku taxan (Ingiriiska oo kaliya) waxay aad ugu dhow yihiin inay si daran ula xanuunsadaan COVID-19. Xanuunka daran waxaa loola jeeda waa in qofka qaba COVID-19 laga yaabo:
- In isbitaal la dhigo
- Inuu u baahdo daryeel degdeg ah
- Inuu u baahdo hawo-qaade si uu ugu caawiyo inay neefsadaa
- Inuu dhinto
Tallaalada COVID-19 (garoojooyinka hore iyo xoojiyeyaasha) iyo tallaabooyinka kale ee ka hortagga COVID-19 waa muhiim, gaar ahaan haddii aad da' wayn tahay ama aad leedahay xaalado caafimaad oo badan ama aad u daran oo ay ku jiraan kuwa liiskan ku jira. Liiskaan kuma jiraan dhammaan xaaladaha suurtagalka ah ee kugu meeleynaayo khatar sare oo xanuun daran oo ka timaada COVID-19. Haddii aad qabto xaalad aan halkaan lagu soo darin, kala hadal bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo xaaladaada oo aad naftaada uga ilaaliso COVID-19.
- Kansarka
- Cudurka keliyaha ee muddada-dheer
- Cudurka beerka ee muddada-dheer
- Cudurka sambabaha ee muddada-dheer
- Cudurka dhimirka ama xaaladaha kale ee neerfaha
- Sonkoroowga (nooca 1 aad ama 2 aad)
- Xanuunka Down syndrome
- Xaaladaha wadnaha
- Caabuqa HIV
- Xaaladda difaaca jirka oo liito (nidaamka difaaca oo daciifay)
- Xaaladaha caafimaadka dhimirka
- Miisaanka xad dhaafka ah iyo buurnida
- Xaamilo
- Xanuunadda ku dhaca unugyada dhiiga cas ama thalassemia
- Sigaar dhuuqida, hadda ama waa hore
- Xubin adag ama unugyada tarma ee dhiiga
- Istoroog ama cudurka maskaxda, kaas oo saameeya socodka dhiigga ee maskaxda
- Dhibaatooyinka isticmaalka walxaha
- Qaaxa
- Dadka sida dhexdhexaadka ah ama sida daran uu difaaca jirkooda u liito miyey u baahan doonaan qoraalka/qorista dhakhtar ama warqad kale si ay u qaataan garoojooyinkan?
-
Maya, shakhsiyaadka ayaa is-aqoonsan kara oona kasoo qaadan kara dhammaan garoojooyinka meel kasta oo tallaalada lagu bixiyo. Tani waxay ka caawin doontaa xaqiijinta in aysan jirin caqabado dheeraad ah oo ka hortaagan helitaanka dadyowgaan. Haddii shakhsiyaadka difaaca jirkooda uu aadka u liito ay qabaan su'aalo ku saabsan xaaladooda caafimaad ee gaarka ah, waxay kala hadli karaan haddii qaadashada garoojo dheeraad ah ay u habboon tahay ayaga bixiyayaashooda daryeel caafimaadka.