Tallaalida Dhallinyarada

Decorative

Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada) waxay ku talinaysaa qof kasta oo jira 6 billood iyo wixii ka weyn inuu helo ugu yaraan hal qiyaas/doos oo ah tallaalka COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024. 
12ka Sebtembar, 2023 - Iyadoo la raacaayo tallaabada sharciga Food and Drugs Administration (FDA, Maamulka Daawooyinka iyo Cuntada), Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada) waxay ku talisay in tallaalada mRNA ee COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024 la siiyo qof kasta oo jira 6 billood iyo wixii ka weyn tallaalkaas oo bar-tilmaameedsada nooc-hoosaadka omicron oo ah XBB .1.5.Tallaalada laba-geesoodka ah ee COVID-19 hadda lagama oggola ama lagama helo Maraykanka. Tallooyinka cusub ee COVID-19 waa sida soo socota:

  • Carruurta 6 bilood – 4 sano jir ah ee aan la tallaalin waxaa lagula talinayaa inay qaataan 3 qiyaasood oo ah tallaalka mRNA Pfizer oo la cusboonaysiiyay ama 2 qiyaasood oo ah mRNA Moderna oo la cusboonaysiiyay.
  • Carruurta 6 bilood – 4 sano jir ah ee hore loo soo tallaalay waxaa lagula talinayaa inay qaataan 1 ama 2 kuurood oo ah tallaalka mRNA COVID-19 ee la cusboonaysiiyay (waqtiga iyo tirada qiyaasaha la bixinayo waxay ku xiran yihiin xilliga ay qaateen tallaalkii hore ee COVID-19).
  • Qof kasta oo 5 jir ah ama ka weyn iyadoon loo eegin qaadashada tallaalkii hore waxaa lagula talinayaa inuu qaato 1 kuuro oo ah tallaalka mRNA COVID-19 oo la cusboonaysiiyay ugu yaraan 2 bilood kadib tan iyo markii ugu dambeysay ee uu qaatay tallaal kasta oo COVID-19 ah.
  • Shakhsiyaadka da'doodu tahay 12 sano iyo wixii ka weyn ee hore loogu tallaalay tallaalka COVID-19 (kuwaas oo aan lagu tallaalin tallaalka mRNA COVID-19 ee dhowaan la cusboonaysiiyay) waxay tixgelin karaan qaadashada 1 qiyaas oo ah tallaalka Novavax COVID-19 ee 2023-2024, Kahortag ah, ugu yaraan 2 bilood kadib tan iyo markay qaateen qiyaastoodii ugu dambaysay ee tallaalka COVID-19.
  • Shakhsiyaadka da'doodu tahay 12 sano iyo wixii ka weyn ee aan la tallaalin waxay tixgelin karaan qaadashada 2 kuuro oo ah tallaalka Novavax COVID-19 ee 2023-2024, Kahortag ah, oo u kala dhaxeeya 3 toddobaad.

Booqo Aalada Muujisa Goobta talaalka (Vaccine Locator) si aad u hesho una qabsato balan adoo adeegsanaaya nidaamka shaandheynta si aad u aragto xarumaha caafimaadka ee carruurta siiya talaalka.

Caawimaad ma u baahan tahay? Wac 1-833-VAX-HELP (833-829-4357), kadibna riix #. Waxaa la heli karaa caawimaada luuqada. Sidoo kale waxaad lambarka boostada kusoo diri kartaa 438-829 (GET VAX) ama 822-862 (VACUNA) si ay u helaan xarumaha talaalka ee kuu dhaw.

Badqabka iyo Waxtarka Tallaalka

Qaadashada canugaada ee tallaalka ka dhanka ah COVID-19 waxa uu:

  • Ka caawin karaa hoos udhigidda halista kasoo gaareysa COVID-19
  • Yareyn karaa fursadii ay si aad ah ula xanuunsan lahaayeen, haddii uu ku dhaco COVID-19
  • Yareyn karaa fursadii in isbitaalka la dhigo waxa uuna hoos u dhigaa halista ah in ay u dhintaan COVID-19
  • Ka caawiyaa kahortagidda inuu kudhaco noocyada cusub ee COVID-19
  • Kordhiyaa tirada dadka ka dhawrsan inuu kudhaco COVID-19 —taas oo adkeyneysa in xanuunku sii faafo
  • Yareeyaa carqaladeynta waxbarashada tooska ah iyo waxqabadyada isaga oo ka caawinaya xakameynta isugudbinta COVID-19 ee bulshada dhexdeeda
Decorative

Su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan Waalidiinta iyo Mas'uuliyiinta

Maxaan ooga walaacayaa inuu canugeygu kudhaco COVID-19?

Tan iyo billoowgii musiibada caabuqa, in ka badan 15 milyan oo caruur ah oo kunool Mareykanka ayuu ku dhacay COVID-19. Noocyada kala duwan, cusub ee COVID-19 ayaa hadda mas'uul ka ah inta badan caabuqyada iyo dadka isbitaalada la dhigayo ee gudaha Mareykanka.  

Iyadoo COVID-19 uu khafiif u yahay carruuta marka loo eego dadka waaweyn, haddana caruurta ayaa sidoo kale aad ula xanuunsan kara oona ku faafin kara saaxiibadooda iyo qoyskooda kuwaas oo difaaca jirkoodu liito ama siyaabo kale u nugul. Kala bar dhimashooyinka carruurta ee COVID-19 ee laga soo wariyay Mareykanka waxay ahaayeen carruur aan qabin xaalado caafimaad oo daba-dheeraaday.

Carruurta uu kudhaco COVID-19 ayaa yeelan kara “COVID-19 daba dheeraaday” ama astaamaha joogtada ah kuwaas oo ay badanaa kujiraan maskax falluuq, daal, madax xannuun, cajis iyo neef qaadashada oo ku adkaata. Tallaalku waa habka ugu fiican ee looga dhigayo carruurta kuwa caafimaad qaba oo badbaadsan.

Carruurta uu kudhaco COVID-19 waxaa laga yaabaa in ay halis weyn ugu jiraan Multisystem Inflammatory Syndrome (MIS-C, Caabuqa habdhisyada kala duwan ee jirka carruurta) (webseed kaliya ah Af-Ingiriisi). MIS-C waa xaalad halkaasoo qeybaha kala duwan ee xubnaha jirka ay noqon karaan kuwa leh caabuq, oo ay ku jiraan wadnaha, sambabada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha, ama xubnaha mindhicirada caloosha. Iyadoo wali aan la ogeyn waxa sababa MIS-C, carruur badan oo qaba MIS-C ayaa qabay COVID-19, ama ka agdhawaa qof qaba COVID-19. MIS-C ayaa halis noqon kara, xitaa dhimasho keeni kara, laakiin badanaa carruurta laga helay xaaladaan ayaa kasoo boqsaday markii ay heleen daryeel caafimaad.

Sideen ku ogaan karnaa in tallaaladu yihiin kuwo badbaado iyo waxtar u leh carruurta?

Si loo xaqiijiyo in tallaalada caabuqa COVID-19 ay yihiin kuwo badqab leh, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) waxay ballaarisay oo ay xoojisay awooda wadanka uu u leeyahay inuu la socdo badqabka tallaaka. Sidaa awgeed, khuburada ku xeeldheer badqabka tallaalka ayaa la socon kara isla markaana ogaan kara arrimaha laga yaabo inaanan lagu ogaanin intii la sameynayey tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka caabuqa COVID-19.

Tallaal miyaa looga baahan yahay ardada K-12 ee gelitaanka dugsiga?

Washington State Board of Health (Guddiga Caafimaadka Gobolka Washington), ma aha Department of Health (Waaxda Caafimaadka), ayaa awood u leh inay shuruudaha tallaalka u sameeyaan carruurta ku jira dugsiyada K-12 Revised Code of Washigton (RCW, Xeerka La Cusbooneysiiyey ee Washington) 28A.210.140. Ma jirto shuruud la xiriirta tallaalka COVID-19 ee loogu talagalay dugsiyada ama xarumaha xannaanada carruurta wakhti xaadirkaan.

Ma inaan bixiyaa kharashka tallaaka?

Maya, Dhammaan carruurta da'doodu tahay 18 sano iyo kuwa kasii yar waxay heli karaan tallaallada COVID-19 iyagoo isticmaalaya Childhood Vaccine Program (Barnaamijka Tallaalada Carruurta), tallaaladaas oo bukaanada lagu siiyo si lacag la’aan ah.

Haddii aad leedahay caymiska caafimaadka dawliga ah ama mid gaar ah, bixiyahaaga adeegga tallaalka ayaa kharash dul saarayo si dib loogu magdhabo khidmadda maamulidda tallaalka.

Waa maxay waxyeelada badanaa ka dhalata qaadashada tallaalka COVID-19 ee carruurta?

Khatarada caafimaadka ee soo gaaraya carruurta haddii uu kudhaco COVID-19 ayaa aad ooga badan halista waxyeelada kasoo gaarta qaadashada tallaalka.

Sida tallaalada kale, waxyeelooyinka ugu badan ee tallaalka waxaa ka mid ah meesha la durey oo xanuunta, daal, madax xanuun, iyo murqo xanuun. Astaamahaan badanaa waa kuwa iska fudud.

Tijaabooyinka Caafimaadka (kaliya ah Ingiriisi) carruur badan ayaa soo tabisay in saameynta ka dhalata tallaalka kadib kuurada labaad ay kabadan tahay marka loo fiirsho kuurada koobaad Waxyeelada kadhalata tallaalka waa mid guud ahaan udhaxeysay khafiif illaa dhex-dhexaad xagga halis ahaanta waxa ayna dhaceen labo maalmood gudahood kadib qaadashada tallaalka, inta badana waxa ay ku baaba'een hal maalin ilaa labo maalmood gudahood.

Waa maxay maadooyinka ku jira tallaalka mRNA?

Maadooyinka ku jira tallaalka mRNA waa kuwo caadi u ah talaallada. Talaalku waxaa ka kooban yahay maadooyinka firfircoon ah ee mRNA oo ay la socdaan maadooyin kale sida dufan, cusbo, iyo sonkor oo difaacaaya maadada falgalka samaynaysa, kana caawinaaya inay jirka si fiican ugu shaqayso, difaacaayana tallaalka inta la kaydinaayo iyo marka la safrinaayo.

Tallaalka mRNA maku jiro wax kamid ah jir dadeed (oo ay ku jiraan unugyada ilmaha uurka ku jira), fayraska COVID-19, leexada caanaha, waxyaabaha cuntada qurmidda kadhawra, ama maadooyinka kale ee noolaha ayna ku jiraan maadooyinka hilibka khaansiirka ama gelatin. Tallaalada laguma koriyo ukumaha dhexdooda mana kujiraan wax waxsoosaar ukun ah.

Eeg tan bogga webseedka ee Children's Hospital of Philadelphia (Isbitaalka Carruurta ee Philadelphia) (kaliya ah Ingiriisi) haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan maadooyinka kujira.

Waakee nooca tallaalka uu canugaygu qaadan karo?

Waqti xaadirkan, tallaalka Pfizer-BioNTech (Pfizer) iyo noocyada tallaalka Moderna ee COVID-19 ayaa loo oggolaaday carruurta da'doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn. Tallaalka Novavax ayay heli karaan 12+ sano jirka sida ku cad EUA. Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood-4 sano waa in ay qaataan tallaal isku mid ah ee dhammaan qiyaasaha/doosaska. Carruurta da'doodu tahay 5 sano iyo wixii ka weyn waxay qaadan karaan tallaalada soo saaryaasha kala duwan ama sumadaha ganacsi ee kala duwan leh ee hadda la heli karo, iyadoon loo eegin qiyaasihii tallaal ee ay hore u qaateen.

Cunugayga miyuu u baahan doonaa kuuro la cusboonaysiiyay ka dib qaadashadiisa taxanaha hore?

Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada) waxay ku talinaysaa qof kasta oo jira 6 billood iyo wixii ka weyn inuu helo ugu yaraan hal qiyaas/doos oo ah tallaalka COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024.Tallaalka la cusboonaysiiyay waa in la bixiyaa ugu yaraan laba bilood kadib qaadashada qiyaastii ugu dambaysay haddii qofka yahay qof hore loo tallaalay. Carruurta da'doodu tahay 6 bilood-4 sano jir waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay qaataan qiyaaso/doosas badan iyadoo ku xiran tirada qiyaasaha/doosaska ee ay hore u soo qaateen.

Immisa kuuro ayuu canugeyga u baahanyahay?
  • Carruurta da'doodu tahay 6 bilood- 4 sano jir waxay qaadanayaan 3 qiyaas/doos oo taxanaha tallaalka Pfizer ah ama taxanaha 2-da doos ah ee tallaalka Moderna
  • Carruurta da'doodu tahay 5 sano jir iyo wixii ka weyn waxay qaadanayaan hal kuuro oo ah tallaalka Pfizer ama Moderna

Carruurta da'doodu tahay 6 bilood+ kuwaas oo habdhiska difaaca jirkooda uu si dhexdhexaad ah ama si daran daciif u yahay waa inay qaataan taxane 3 doos/qiyaasood ah waxaana laga yaabaa inay qaataan qiyaaso dheeraad ah ugu yaraan 2 bilood kadib markii ay qaateen qiyaastoodii ugu dambeeysay. Fadlan dib u eeg tilmaamaha Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) ee dadka difaaca jirkoodu hooseeyo. 

Yaan kala hadlayaa haddii aan qabo su'aalo kusaabsan tallaalka?

Kala hadal dhakhtarka daryeelka canugaaga ama bixiye caafimaad oo la aamini karo, kala hadal shaqaale qaabilsan caafimaadka bulshada, ama ka akhri macluumaadka kusaabsan halkaan www.CovidVaccineWA.org.

Halkee ayaan geyn karaa canugeyga si uu uqaato tallaalka?

Gobolka Washington waxa uu si bilaash ah ku bixiyaa dhammaan tallaalada lagu taliyey ee loogu talagalay carruurta illaa da'da 18 sano. Weydii daryeelaha canuugaaga ama rugtaada caafimaadka joogtada ah haddii ay bixiyaan tallaalka COVID-19.

Qoysaska aan durba haysan daryeel-bixiye caafimaad waxay wici karaan khadka caawinta ee Help Me Grow WA 1-800-322-2588 ama waxay booqan karaan websaydka ParentHelp123.org si ay u helaan daryeel-bixiye caafimaad, rug caafimaad, ama macluumaad kale oo la xiriira caafimaadka. Adeegaan waa lacag la'aan iyo caawimaada luuqadeedna waa la heli karaa.

Waxaad sidoo kale booqan kartaa VaccineLocator.doh.wa.gov oo aadna isticmaali kartaa filtarka si aad u aragto liiska meelaha kuugu dhow ee laga helo tallaalka carruurta.Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa khariidadda adeeg-bixiyeyaasha si aad u aqoonsato bixiyeyaasha helay tallaalada dadwaynaha la siiyo iyada oo loo marayo Childhood Vaccine Program (Barnaamijka Tallaalada Carruurta) iyo Adult Vaccine Program (Barnaamijka Tallaalada Dadka Waaweyn). Si hormaris ah ula xiriir adeeg-bixiyaha si aad uga ogaato wixii ku saabsan helitaanka sahayda iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadaha la xiriira xaruntooda.

Canugeygu ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 markii uu qaato tallaalada kale sida kan hergabka?

Haa. Canugaadu waxa uu qaadan karaa tallaalka COVID-19 isla marka uu qaato tallaalada kale.

Uma baahnid inaad jadwal usameyso canugaada tallaalada la iska rabo iskuulka (kaliya ah Ingiriisi) ama tallaalada kale ee lagu taliyo ee goonida ka ah tallaalka COVID-19. Ballanta tallaalka COVID-19 waa fursad kale uu canugaada kuheleyo dhammaan tallaalada lagu taliyey.

Miyaa looga baahnaan doonaa canugeyga tallaalka COVID-19 si uu ooga qeyb galo daryeelka carruurta ama xerooyinka maalintii ah?

Washington State Board of Health (kaliya ah Ingiriisi) ayaa go'aamiya nooca tallaalada looga baahan yahay iskuulada iyo xarumaha daryeellka caruurta. Majiro iskuul ama daryeelka carruurta oo shardi kadhigaayo tallaalka COVID-19 wakhtigaan.

Kaamamka/xerooyinka maalintii ah, ka hubi ururka maamulaya kaamka si aad u ogaato shuruudahooda waxa ay yihiin.