Tusmada Muuqata ee Saraakiisha Gobalka Washington Caddaynta Talaalka COVID-19

Ganacsiyada, munaasaabada iyo goobaha shaqada ayaa u baahan caddeeynta tallaalka COVID-19. Noocyada soo socda ee caddaynta ayaa laga aqbalayaa Washington. Goobaha qaar ayaa keliya aqbali kara hal nooc oo kamid ah liiska hoose.

Ilaali xeerarka qolka una diyaar garoow xili hore si aad u keento caddaynta lagaa rabo.

Kaarka diiwaanka CDC ee talaalka COVID-19

  • Dukumiintiyada asalka ah, koobiyada ama sawirada ku jira aalada moobeelka ayaa ah Kuwo la aqbali karo.
  • Talaalka buuxa ayaa la aqoonsadaa labo asbuuc kadib marka la qoro kuurada ugu danbaysa:
    • Johnson & Johnson: Hal kuuro, ayaa la siinayaa da'daha 18 sano iyo ka wayn
    • Moderna: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 28 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 6 bilood iyo ka wayn
    • Novavax: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 21 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 12 sano iyo ka wayn
    • Pfizer: Saddex qiyaasood/doos ayaa la siiyaa carruurta 6 bilood ilaa 4 sano jir ah. Labada qiyaasood ee ugu horreeya waa in la qaataa muddo u dhaxaysa 21 maalmood oo qiyaasta/dooska saddexaadna waa in la qaataa 8 toddobaad ka dib marka la qaatay qiyaasta labaad.
    • Pfizer: Labo kuuro oo loo dhaxaysiinaayo 21 maalmood ayaa la siinayaa da'daha 5 sano iyo ka wayn
COVID-19 Vaccination Record Card Sample

Halkan waxaa ku yaal talooyin waxtar leh oo ay tahay in maskaxda lagu hayo marka laga hadlayo maareynta kaarkaaga tallaalka:

Shahaadada Gobalka Washington ee Talaalka COVID-19 ama Koodhadhka QR

Certificate of COVID-19 Vaccination - Sample

Sambalka A:
Caddaynta Talaalka COVID-19. Waxaa laga heli karaa MyIRmobile.com.
WA verify SMART Health Card QR code - Sample

Sambalka B:
Koodhka QR ee WAverify.org
QR Code Endorsed Partner App. - Sample

Sambalka C:
Koodhka QR oo lagusoo bandhigay ablikeeshinka moobilka iskaashade la aqbalay. (Ababka ayaa kala duwanaan kara)

Daabacaada Nidaamka Xogta Talaalka ee Gobalka Washington

  • Foomamka Certificate of Immunization Status (CIS, Shahaadada Xaalada Talaalka) oo lagasoo daabacay Washington State Immunization Information System.
  • Qoraallada gacanta lagu qoray looma arkaayo kuwo sax ah ilaa inuu saxiixo maahee dhakhtarku.
Certificate of Immunization - Sample

Maxaa kale oo loo qaadan karaa diiwaanka rasmiga ah ee talaalka COVID-19?

  • Foomka diiwaanka caafimaadka elektarooniga ah ee la oggolaaday oo kasoo baxay dhakhtarka

Wixii su'aalo ah oo ku saabsan diiwaannada talaalka, wac 1-800-525-0127, kadibna riix #