Su'aalaha inta badan la isweydiiyo
Raadi Goob Baaritaan oo Aniga ii Dhaw (Af-ingiriis ku qoran)
Dadka soo iibsada qalabka baaritaanka oona baaritaankooda laga helo natiijo ah inay cudurka qabaan ah waa inay wacaan khadka caawimaada COVID-19 ee gobolka, 1-800-525-0127 kadibna riixaan #, isla marka ay helaan natiijada caabuqa. Khadka Caawimaada waxaa la heli karaa Isniinta lagasoo bilaabo 6 a.m. illaa 10 p.m., iyo Talaadada illaa Axada (iyo maalmaha fasaxa ciida lagu jiro) 6 a.m. ilaa 6 p.m. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.
Sababta Aad isku Baareyso
Baaritaanka waxaa uu badbaadiyaa nolosha. Baaritaanka waxaa uu u oggolaanayaa dadka inay ku dhaqmaan taxaddaro, sida iskarantiilida, waqti ku habboon si loo joojiyo faafitaanka ka dhanka ah fayraska; dadka cudurka qaba oo aan weli astaamo lahayn way faafin karaan fayraska. Baaritaanka waxaa uu sidoo kale ka caawiyaa saraakiisha caafimaadka dadwaynaha inay aqoonsadaan oo ay ka falceliyaan dilaacida, iyo inay la socdaan noocyada cusub ee fayraska. Baaritaanka waa agab muhiim ah oo ka caawinaaya dib u bilaabista hawlihii caadiga ahaa.
Cilmi baarayaal ka socda University of Washington iyo Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) waxay ogaadeen in baaritaanka COVID-19 iyo dabagalka loo adeegsado WA Notify (Ogeysiska WA) ay u badan tahay inay ka hortagto qiyaastii illaa 6,000 kiis laga bilaabo Diseembar 2020 illaa Maarso 2021.
Goorta la Isbaaro
Isbaar markaad jiran tahay. COVID-19 ayaa leh heerarka kaladuwan ee astaamaha (oo ku qoran Ingiriis), marka haddii aadan caafimaad dareemayn, waxaa ugu fiican inaad isbaarto sida ugu dhakhsaha badan.
Isbaar marka aad la joogtay qof laga helay caabuqa COVID-19. Isbaar isla markaba haddii aad isku aragto astaamaha fayraska. Haddii aadan lahayn astaamaha, sug shan maalmood kadib markaad qofka la joogtay kadibna isbaar.
Ganacsiyada iyo goobaha munaasabadaha ee Washington ku yaala ayaa lahaan kara shuruudaha baaritaanka iyo/ama talaalka kahor intaan qofku gelin goobta ama munaasabada. Xili hore wac ama ka fiiri webseedkooda kahor intaadan booqan.
Waxaad u baahan kartaa inaad isbaarto kahor iyo/ama kadib markaad safarto. Fiiri tusmadii ugu danbaysay ee socdaalka ee Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakameynta iyo Kahortaga Cudurada) (oo ku qoran Ingiriis)
Markaad la kulmayso koox dad ah, gaar ahaana dadka khatarta ugu jira xanuun daran ama aan qaadan talaaladooda buuxa ee COVID-19 (oo ku qoran Ingiriis).
Meesha la Iska Baaro
Mareegta Department of Health ee Gobolka WA waxa uu hayaa tilmaamaha goobaha baaritaanka ee laga heli karo gobol kasta, oo leh saacadaha shaqada iyo shuruudaha. Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha baaritaanka, wac 2-1-1. Xirmooyinka baaritaanka ee laga soo ibsado farmashiyaha ayaa sidoo kale diyaar ku ah dalabka iyo farmashiyaha ku habboon si loogu baaro guriga gudihiisa.
Qarashka
Bixiyeyaasha caymiska ayaa hadda u soo celin doona qoysaska illaa siddeed tijaabo bil kasta. Xog badan oggoow oo ku saabsan lacag dib ugu celinta caymiska (oo ku qoran Ingiriis).
Ma jiraan wax kharash ah oo jeebkaaga ka baxaya oo loogu talagalay baaritaanada lagu sameeyo gobolka ama goobaha baaritaanka uu gobolku taageero. Baaritaano badan, gaar ahaan loogu talagalay dadka la kulma calaamadaha, waxaa lagu dallaci karaa caymiska ama ay kabi karaan Department of Health.
Waxaad sidoo kale iibsan kartaa baaritaanka guriga lagu sameeyo ood ka helayso tafaariiqleeyda iyo farmashiyaasha maxaliga ah ama kuwa oonleenka ah. Looma baahna wax caymis ama warqada dhakhtar u qoro ah.
Noocyada Baaritaanada
Baaritaanka hadda la heli karo waxaa ka mid ah baaritaanada antigen-ka degdega ah, baaritaanada molecular (labadaba shaybaarka ku salaysan iyo goobta daryeelka), iyo xoogaa is-baarida guriga. Bixinta baaritaano kasta oo gaar ah way kala duwan yihiin ayadoo loo eegayo baahida iyo awoodda wax soo saaraha.
Baaritaanada COVID-19: Maxay iiga dhigan tahay? (PDF)
Sida Loo Qaado Tijaabada Guriga lagu Sameeyo
Waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha ku jira kiishada baaritaannada degdega ah ee guriga lagu sameeyo si aad u hesho natiijooyinka ugu saxan. Dhowr shirkadood ayaa sidoo kale bixiya tilmaamo muuqaalo ah. Si aad u hesho dhaqamada ugu wanaagsan ee dheeraadka ah, baar tallooyinka CDC ee loogu talagalay tijaabada guriga lagu sameeyo (oo ku qoran Ingiriis).
Baaritaanka beenta ah ee sheegaaya inaadan cudurka qabin ayaa ka dhaca baaritaannada degdega ah. Qaar kamid ah kiishadaha baaritaanka waxaa ku jiri kara labo baaritaan (waa inaad raacdaa tilmaamaha ku qoran bokiska marka aad isbaareyso).
Si aad u hesho wax badan oo ku saabsan sida tijaabada u shaqeeyso, booqo boggeena su'aalaha inta badan la iska weydiiyo tijaabada.
Sida Baaritaanka uu U Shaqeeyo
Baaritaanka intiisa badan waxaa lagu sameeyaa suufka la geliyo sanka. Baaritaanada qaarkood waxaa lagu sameyn karaa ayadoo la uruurinayo candhuufta. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa bogga su'aalaha inta badan la iska weydiiyo baaritaanka.
Goorta ay tahay in la karantiilo ama la go'doomiyo
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad iskarantiisho ama isgo'doomiso ka hor inta aadan tijaabadaada qaadan iyo ka dib markaad hesho natiijadaada. Tani waxay ku xirnaan doontaa xaaladaada tallaalka iyo haddii aad calaamado ay kaa muuqdaan. Hagitaankii ugu danbeeyey ee CDC ayaa tan lagu kala dhig-dhigay iyo tusaalayaasheeda (oo ku qoran Ingiriis). Waxaad sidoo kale raaci kartaa hagaheena loogu talagalay dadka calaamadaha leh iyo/ama u bayla noqday COVID-19.
Dabagal
Guriga joog ilaa inta suurtagalka ah haddii aad leedahay calaamado. Haddii baaritaanka lagaaga helo COVID-19, warka wanaagsan waxaa waaye inay jiraan tallaabooyin aad qaadi karto si aad ugu caawiso naftaada iyo kuwa kaleba u badqabkooda. Xog dheeraad ah waxaa laga heli karaa halkaan: Waxa aad sameyneyso haddii lagaa helo cudurka.