Tallaalka COVID-19

Iyadoo la raacaayo tallaabada sharciga Food and Drugs Administration (FDA, Maamulka Daawooyinka iyo Cuntada), Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada) waxay ku talisay in tallaalada mRNA ee COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024 la siiyo qof kasta oo jira 6 billood iyo wixii ka weyn tallaalkaas oo bar-tilmaameedsada nooc-hoosaadka omicron oo ah XBB .1.5.Tallaalada laba-geesoodka ah ee COVID-19 hadda lagama oggola ama lagama helo Maraykanka. Tallooyinka cusub ee COVID-19 waa sida soo socota:

Maxaan ubaahanahay in aan ogaado si aan u helo tallaalka COVID-19?

Sideen ku qaataa tallaalka (Ingiriisi ah)?

Booqo Meeleeyaha Goobta Tallaalka si aad u hesho ama aad u qabsato balan.

Waxaad sidoo kale lambarkaada ZIP kudiri kartaa 438-829 (GET VAX) si aad u ogaato goobaha tallaalka kuu dhow.

Ma kharash ayaa la iska qaadayaa tallaalada COVID-19?

Intii lagu jiray musiibada COVID-19, dawladda federaalka ee Maraykanku waxay iibsatay dhammaan tallaallada COVID-19 bilaashna uga dhigtay qof kasta oo tallaalada doonaya. Hadda oo COVID-19 xaaladdii degdega ahayd ee caafimaadka dadweynuhu ay dhammaatay, tallaallada COVID-19 ayaa la filayaa inay raacaan dariiq la mid ah kan tallaallada kale, taas oo macnaheedu yahay inay si toos ah u iibsan doonaan rugaha caafimaadka iyo isbitaallada dadka waaweyn. Tallaalada COVID-19 wali waa la heli karaa, laakiin waxaa laga yaabaa inay ku kici karaan lacag dadka waaweyn qaarkood si ay u qaataan.

Sida tallaalada kale oo kale, tallaalada COVID-19 waxay u badan tahay inay dabooli doonaan qorshayaasha caymiska badankooda. Tallaalada COVID-19 waxaa si bilaash ah ku sii heli doona dhammaan carruurta ku nool gobolka Washington ilaa ay ka gaarayaan dhalashadooda 19aad iyadoo loo sii marayo barnaamijka Tallaalada loogu talagalay Carruurta> (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya). Waxa kale oo jira barnaamijyo loogu talagalay dadka waaweyn oo ka caawin kara daboolida kharashka tallaalka haddii aanay lahayn caymis caafimaad ama qorshahoodu aanu daboolin tallaalka. Booqo HHS.gov (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) si aad u hesho macluumaad dheerad ah oo ku saabsan barnaamijyadaan.

Tallaalada COVID-19 waxay sii ahaan doonaan kuwo dadka oo dhan ay ku helaan si bilaash ah, ilaa inta sahayda tallaalada federaalka soo iibisay ay taasho.

Waa maxay Bridge access program?

The Bridge Access Program (Barnaamijka Tallaal Bixinta) wuxuu si ku meelgaar ah tallaallada COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024 kharash la'aan ku siiya dadka waaweyn ee da'doodu tahay 19 iyo wixii ka weyn ee aan lahayn caymis caafimaad, iyo dadka waaweyn ee caymiskoodu aanu daboolin dhammaan kharashyada COVID-19, wuxuu barnaamijka soconayaa illaa Diseembar 2024.  Si aad u hesho goobta farmashiye ka qaybqaadanaya barnaamijkaan, booqo www.Vaccines.gov (ku qoran Ingiriis iyo Isbaanish kaliya).

Waa maxay Bridge access program? Mise weli ma heli karaa tallaalka COVID-19 haddii aanan caymis lahayn?

Toddobaadkii hore Health and Human Services (HHS) waxay ku dhawaaqday Bridge Access Program ee Tallaalada iyo Daawaynta COVID-19 iyada oo loo marayo CDC. Barnaamijka Tallaal Bixinta waxaa loogu talagalay in lagu joogteeyo qaadashada ballaaran ee tallaallada COVID-19 ee malaayiinta Maraykanka ah oo aan haysan caymis. Barnaamijkani waxa uu sii waday si lacag la'aan ah u gaaritaanka dad lagu qiyaasay 25-30 milyan oo dad waaweyn ah kuwaas oo seegi lahaa qaadashada tallaalka COVID-19 maadaama hadda qaybinta tallaaladu lagu wareejiyay suuqa ganacsiga.

Waa kuwee tallaalada COVID-19 ee hadda la helo?

Saddex tallaal ayaa la ansixiyay in degdeg loo isticmaalo ama waxaa si buuxda u fasaxay U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawada Maraykanka). Tallaaladaan ayaa hadda laga bixiyaa gobolka Washington. Waxaad la socotaa (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) tallaalkaaga COVID-19 ee ugu dambeeyey haddii aad qaadatay kuuradi ugu dambeysay ee ay CDC kugula talisay.

Tallaalka Pfizer-BioNTech ee COVID-19 (Comirnaty):

Tallaalka Pfizer-BioNTech COVID-19 ee loogu talagalay carruurta jirta 6 bilood ilaa 4 sano waa taxane saddex qiyaasood ah, 2-da kuuro ee ugu horeeya waxaa la bixiyayaa muddo u dhaxaysa 21 maalmood halka kuurada saddexaadna la bixiyo ugu yaraan 8 toddobaad kadib markii la qaatay qiyaasta labaad.

Tallaalka Pfizer-BioNTech COVID-19 ee loogu talagalay 5 jirka iyo wixii ka weyn waa hal qiyaas oo la cusboonaysiiyay 2023-2024.

Talaalka Moderna ee COVID-19 (Spikevax):

Tallaalka Moderna COVID-19 ee loogu talagalay 6 bilood – 4 sano jirka waa laba qiyaasood oo taxana ah, oo la bixiyo muddo u dhaxaysa hal bil. 

Tallaalka Moderna COVID-19 ee loogu talagalay 5 sano jirka iyo wixii ka weyn waa hal qiyaas oo la cusboonaysiiyay 2023-2024.

Novavax Tallaalka COVID-19:

Shakhsiyaadka da'doodu tahay 12 sano iyo wixii ka weyn ee hore loogu tallaalay tallaalka COVID-19 (kuwaas oo aan lagu tallaalin tallaalka mRNA COVID-19 ee dhowaan la cusboonaysiiyay) waxay tixgelin karaan qaadashada 1 qiyaas oo ah tallaalka Novavax COVID-19 ee 2023-2024, Kahortag ah, ugu yaraan 2 bilood kadib tan iyo markay qaateen qiyaastoodii ugu dambaysay ee tallaalka COVID-19.

Shakhsiyaadka da'doodu tahay 12 sano iyo wixii ka weyn ee aan la tallaalin waxay tixgelin karaan qaadashada 2 kuuro oo ah tallaalka Novavax COVID-19 ee 2023-2024, Kahortag ah, oo u kala dhaxeeya 3 toddobaad.

Haddii aan ka daaho qaadashada kuuradeyda labaad, miyaan ubaahanahay inaan dib usoo bilaabo wareega tallaalka (Imgiriisi ah)?

Maya. Haddii aad ka daahdo qaadashada kuuradaada labaad ma ubaahanid inaad dib usoo bilawdo wareegi tallaalka.

Qaado kuurada labaad sida ugu dhakhsaha badan marka la dhaafo tirada maalmaha lagu taliyey laga soo bilaabo qaadashadi kuuradaadi koobaad.

Waxaa muhiim ah inaad qaadato labada kuuro intay rabto hakugu qaadato qaadashada kuurada labaad.

Haddii aad tahay qof difaaca jirkiisu liito oo aadna uqalanto kuuro dheeraad ah, waa inaad sugtaa ugu yaraan 28 maalmood kadib qaadashadaada kuurada labaad.

Ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 haddii aan leeyahay uur, ama aan qorsheynayo inaan uur qaado?

Haa, xogta ayaa muujinaysa in tallaallada COVID-19 ay yihiin kuwo badqab u leh haweenka uurka leh. Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) (Webseed kaliya ah Ingiriis), American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG, Kulliyadda Dhakhaatiirta Kutakhasusay Taranka iyo Dhalmada Haweenka ee Mareykanka) (Webseed kaliya ah Ingiriis), iyo Society for Maternal-Fetal Medicine (SMFM, Bulshada Daaweynta Hooyada-Uurka) (Kaliya ah Ingiriisi) ayaa ku talinaaya in talaalka COVID-19 la siiyo haweenka uurka leh, ilmaha nuujinaaya, ama qorshaynaaya inay uur yeeshaan. Daraasadaha qaarkood ayaa muujinaaya haddii aad tallaal qabto, canugaada xitaa wuxuu helayaa unugyada difaaca jirka oo ka dhan ah COVID-19 oo uu kuhelaayo uurka iyo nuujinta. Haweenka uurka leh ee aan la tallaalin oo uu kudhaco COVID-19 ayaa halis ugu jira khatarada dhibaatooyinka sida dhalmada hore ama dhicisnimada. Intaa waxaa dheer, dadka uu kudhaco COVID-19 marka ay uur leeyihiin waxay labo ilaa seddex jeer ayey ubadan tahay in ay ubaahdaan kaalmo nololeed oo horumarsan iyo tuubooyinka neefsashada.

Si aad u hesho ilo dheeraad ah oo kusaabsan qaadashada tallaalka caabuqa COVID-19 markii aad uur leedahay iyo naasnuujinta, Fadlan ka eeg xogtii ugu dambeysay webseedka Hal Tallaal, Labo Naf.

Ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 marka aan qaato tallaalada kale ee caadi ahaan la qaato (Imgiriisi ah)?

Haa. Advisory Committee on Immunization Practices (ACIP, Guddiga Latalinta ee Kudhaqanka Talaalka) ayaa badalay talooyinkooda marka ay taariikhdu ahayd May 12, 2021. Waxaad hadda qaadan kartaa tallaalka COVID-19 isla marka aad qaadato tallaalada kale.

Uma baahnid inaad jadwal usameyso canugaada tallaalada la iska rabo iskuulka (Kaliya ah Ingiriisi) ama tallaalada kale ee lagu taliyo ee goonida ka ah tallaalka COVID-19. Ballanta tallaalka COVID-19 waa fursad kale uu canugaada kuheleyo dhammaan tallaalada lagu taliyey.

Waa maxay kaarka diiwaanka tallaalka?

Waa inaad heshaa warqada kaarka tallaalka marka aad qaadato kuuradaada koobaad ee tallaalka COVID-19. Kaadhkaan ayaa kuusheegi doona nooca tallaalka aad qaadatay (Comirnaty/Pfizer-BioNTech, Spikevax/Moderna, ama Johnson & Johnson) iyo taariikhda aad qaadatay.

Haddii aad qaadatay tallaalka Comirnaty/Pfizer-BioNTech ama Spikevax/Moderna tallaal, bixiyahaaga waa in uu kuu qabtaa ballanta kuuradaada labaad marka aad joogto goobta aad ka qaadanayso kuuradaada koobaad. Hayso kaadhkaan si tallaal bixiyahaaga uu ubuuxiyo kadib qaadashadaada kuurada labaad.

Haddii aad qaadato kuuro dheeraad ah ama kuuro xoojin ah, waa inaad sidoo kale u qaadataa kaarka diiwaanka tallaalka ballantaada. Bixiyahaaga tallaalka ayaa diiwaangelin doona garoojada.

Halkaan waxaa ku yaal tallooyin waxtar leh oo ay tahay in maskaxda lagu hayo marka laga hadlayo maareynta kaadhkaaga tallaalka:

  • Hayso kaadhkaada tallaalka inta udhaxayso qaadashada kuurooyinkaada iyo kadiba.
  • Ka qaad sawirro xagga hore iyo xagga danbe ee kaadhkaaga si aad u haysato koobi dijitaal ah.
  • Tixgeli inaad iimayl ahaan ugu soo dirto iimaylkaaga, adigoo usamaynaya album, ama aad astaan ku darto sawirka si aad si fudud markale ugu hesho.
  • Kalabax koobi haddii aad rabto mid aad iska wadwadato.

Weli waxaad qaadan kartaa kuuradaada labaad ee tallaalka xitaa haddii aadan keenin kaadhkaaga tallaalka markaa timaado ballantaada. Weydii bixiyahaaga tallaalka si uu u eego nooca (magaca) tallaalka aad qaadatay kuuradaadi koobaad si loo xaqiijiyo inaad markale qaadato isla nooci. Haddii uu kaa lumo kaadhkaagi tallaalka, gal MyIR (My Immunization Registry (Diiwaanka Tallaalkayga)) (Kaliya ah Ingiriisi) si looga baaro diiwaankaaga tallaalka ee COVID-19, oo kadibna kaqaado iskiriinshot ama sawirka macluumaadka. Haddii aadan lahayn ciwaan, waxaad iska diiwaan gelin kartaa MyIR waqti walba.

Fadlan maanka kuhay in ka xaqiijinta diiwaanadaada MyIR laga yaabo inaysan dhakhso noqon, helitaankeedana hadda waxa uu ku xadidan yahay kaliya luuqadda Ingiriisiga. Caawimada taleefanka tooska ah ayaa la heli karaa in lagaaga caawiyo MyIRmobile ama su'aalaha diiwaanka tallaalka adigoo kawacaya Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) COVID-19 leenka khadka 833-VAX-HELP ama kula xiriiraya iimeel waiisrecords@doh.wa.gov.

Badqabka iyo Waxtarka

Maxaan u qaadanayaa tallaalka COVID-19?

Gabi ahaanba waa ikhtiyaarkaaga inaad qaadato talaalka COVID-19 iyo in kale, laakiin waxaan u baahan nahay in dadka ugu badan ee macquulka ah ay talaalka qaataan si aan meesha oga saarno aafadaan. Way ku adkaan doontaa fayraska COVID-19 inuu faafo marka dad badan oo bulshada ay helaan difaac ka dhan ah – ayagoo qaatay talaalka ama uu dhawaan caabuqu haleelay. Hadba intay sareeyaan tirada dadka qaata talaalka, ayay yaraanaysaa dadka uu caabuqu ku dhaco.

Tallaalada COVID-19 waxa uu kuu ilaalin karaa qaabab badan:

  • Wuxuu si wayn u yareeyaa fursada ah inaad aad u xanuunsato marka uu COVID-19 kugu dhaco
  • Qaadashada tallaalka buuxa waxey yareeysaa in isbitaalka lagu dhigo waxayna hoos u dhigtaa halista ah inaad u dhimato COVID-19
  • Tallaalada waxay kordhiyaan tirada dadka bulshada kujira ee difaacooda ilaalsan yahay, taas oo adkeyneysa in xanuunku sii faafo
  • Khabiirada waxay sii wadaan barashada awooda tallaalka ee ah in ay ka celiso dadka in ay u gudbiyaan caabuqa dadka kale.

Markii si buuxda laguu tallaalo, wali waa macquul inuu kugu dhaco COVID-19, laakiin way ka halis yartahay inaadan is tallaalin

Dadka aan qaadan talaalka wali waxaa ku dhici kara fayraska waxayna ku faafin karaan dadka kale. Dadka qaar ma qaadan karaan talaalka sababo caafimaad awgood, arintaan ayaana ka dhigaysa kuwo si gaar ah ugu nugul COVID-19. Haddii aadan talaalka qaadan, waxaad sidoo kale khatar wayn ugu jirtaa in isbitaal lagu dhigo ama aad u dhimato nooca fayraska cusub ee COVID-19 (Webseed kaliya ah Ingiriis).Qaadashada tallaalka waxay kacaawineysaa inay ilaaliso adiga iyo qoyskaada, dariska, iyo bulshada.

Maxaan uqaadanayaa tallaalka COVID-19 haddii dadka badankooda kabadbaadaan cudurka?

Dhimashada ma ahan kaliya khatarta uu leeyahay COVID-19. Dad badan oo uu ku dhacay COVID-19 ayaa dareema xanuun yar keliya. Hasa yeeshee, fayraska ayaa ah midaan gabi ahaanba la qiyaasi karin, waxaana og nahay in qaar kamid ah noocyada fayraska cusub ee COVID-19 (Webseed kaliya ah Ingiriis) ay u badan tahay inay xanuun daran kugu ridaan. Dadka qaar ayaa aad ugu jiran kara ama u dhiman kara COVID-19, xataa da'yarta aan qabin xanuunnada caafimaad ee xun. Dadka kale, oo loo yaqaano "dadka uu COVID muddo dheer hayo" ayaa qaadi kara cilado socon kara bilo saamayna kara tayada noloshooda. Sidoo kale ma naqaano wali dhammaan ciladaha muddada fog ee ka imaan kara COVID-19 maadaama uu yahay fayras cusub. Qaadashada talaalka ayaa ah difaaceena ugu fiic an ee kahortaga fayraska. Haddii xitaa aad yartahay oo aadna caafimaad qabto, waa in aad heshaa tallaalka COVID-19.

Waa maxay nooca cusub ee COVID-19?

Fayrasyada ayaa noocyo badan yeesha (isbedela) marka ay ugudbayaam qof ilaa qofkale. 'Nooc' ayaa ah fayras xoog iskubadalay. Qaar kamid ah noocyada ayaa baaba'a waqti kadib qaarna wey sii socdaan inay kufaafaan bulshada dhexdeeda.

Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) (Webseed kaliya ah Ingiriis) ayaa tilmaama noocyada fayraska ee khuseeya. Hadda, dhawr nooc ayaa khuseeya sababtoo ah waxay kufaafaan si dhakhsa ah oo aad ufudud, ayagoo sababaya caabuqyo badan oo COVID-19 ah.

Tallaalka COVID-19 ma kahortagaa noocyada kala duwan?

Tallaalada COVID-19 ee hadda aan ku hayno gudaha Mareykanka waxay si wanaagsan ugu shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xanuunka daran, isbitaal dhigista, iyo dhimashada, xitaa ka dhanka ah noocyada. Si kastaba ha noqotee, khubarada caafimaadka dadweynaha waxay arkayaan difaaca la dhimay ee lagaga hortagaayo xannunada fudud iyo dhex-dhexaadka ah ee COVID-19, gaar ahaan dadyowga khatarta sare ugu jira.

Xoojiyayaasha tallaalka ee la cusbooneysiiyey waxaa loo sameeyey inay gacan kageystaan xoojinta difaaca jirka iyo inay si wanaagsan uga ilaaliyaan faraca caabuqa Omicron. Waa muhiim in la qaato dhammaan kuurooyinka lagu taliyey ee la heli karo si loo helo ilaalinta ugu wanaagsan.

Tallaalku waa habka ugu fiican ee difaaco adiga, kuwaad jeceshahay, iyo bulshadaada. Caymiska sare ee tallaalka wuxuu yareyn doonaa faafitaanka fayraska wuxuuna gacan kagaysan doonaa noocyada cusub ee fayraska inay soo ifbaxaan.

Sideen ku ogaaneynaa in tallaaladu badqab yihiin?

Si loo xaqiijiyo in tallaalada caabuqa COVID-19 ay yihiin kuwo badqab leh, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) waxay ballaarisay oo ay xoojisay awooda wadanka uu u leeyahay inuu la socdo badqabka tallaaka. Sidaa awgeed, khuburada kuxeeldheer badqabka tallaalka ayaa la socon kara oona ogaan kara arrimaha laga yaabo inaanan lagu ogaanin inti la sameynayey tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka caabuqa COVID-19.

Waa maxay waxa ka socda tallaalka Johnson & Johnson?

Laga bilaabo Diseembar 2021, Washington State Department of Health, (DOH, Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington) waxay kugula talineysaa inaad doorato inaad qaadato tallaalka mRNA COVID-19 (Pfizer-BioNTech ama Moderna) badelka tallaalka hal cirbad ah ee Johnson & Johnson (J&J).

Cusboonaysiintan waxay daba socotaa hagitaanka ay soo saartay Centers for Disease Control and Prevention (Xarumaha loogu talagalay Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) ka dib markii xog cusub la soo bandhigay oo ku saabsan laba xaaladood oo dhif ah kadib qaadashada tallaalka J&J.

Xaaladahaan waxay la xiriiraan oo kaliya tallaalka J&J COVID-19, ma ahan tallaalada Pfizer ama Moderna. Loogu talagalay dadka hadda raadsanaayo qaadashada tallaalka COVID-19, DOH waxay kula talineysaa tallaallada Moderna iyo Pfizer. Si kastaba ha noqotee, tallaalka J&J weli waa la heli karaa haddii aadan awoodin ama aadan dooneyn inaad qaadato tallaaladaan midkood. Fadlan la xiriir bixiye daryeel caafimaad si aad ugala hadasho wax ku saabsan xulashooyinkaaga.

Haddii aad qaadatay tallaalka J&J COVID-19 intii lagu guda jiray saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ama aad qorshaynayso inaad qaadato tallaalka J&J COVID-19, ogoow calaamadaha digniinta ee ka mid ah nooca xinjirowga dhiigga ee ay sababto TTS. Waxaa ka mid ah madax xanuun daran, calool xanuun, lug xanuun, iyo/ama neef-qabashada. Haddii aad dareento wax kamid ah astaamahaan, fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan u raadso daryeel caafimaad.

Waa wax caadi ah inaad dareento xanuun fudud illaa mid dhexe, ayna ku jiraan qandho, madax xanuun, daal, iyo xanuunka kala goyska/muruqa, inta lagu jiro asbuuca koobaad kadib markaad hesho talaalka COVID-19. Ciladahaan ayaa caadiyan billoowda saddex maalmood gudahood kadib markaad hesho talaalka waxayna soconayaan keliya maalmo kooban.

Maxay ka dhigan tahay marka uu tallaalku haysto oggolaanshaha FDA?

Oggolaanshaha buuxa, FDA waxay dib-u-eegtaa xogta waqti muddo dheer ah marka loo eego ufasixidda adeegsiga xaaladda degdegga ah. Tallaal in lasiiyo oggolaansho buuxa, xogtu waa in ay muujisaa badqab heersare ah, waxtarka, iyo xakameynta tayada ee soosaarka tallaalka.

Oggolaanshaha isticmaalka degdegga ah (EUA) waxay u oggolaaneysaa FDA in ay sameyso daawo laheli karo inta lagu jiro xaaladda gurmadka degdegga ah kahor inta aan lasiin ruqsad buuxda. Ujeedada iyo EUA waa in la xaqiijiyaa in dadka qaadan karaan tallaalo nolosha badbaadiya kahor baaritaanka waqtiga-fog ee xogta. Hase yeeshee, EUA wali waxa ay ubaahan tahay inay dib-u-eegis xoog leh kusameyso xogta caafimaadka—waqti muddo gaaban ah. Wixi EUA ah oo ay bixisay FDA waxaa si dheeraad usii baara Scientific Safety Review Workgroup (Koox -hawleedka Dib -u -eegista Badbaadada Sayniska), oo qeyb ka ah Western States Pact (Heshiisyada Gobolada Galbeedka) (Kaliya ah Ingiriisi).

Waa maxay Western States Pact?

Koox-hawleedkan ayaa bixiya dabool kale oo dib-u-eegis khibradeed ah ee ku aadan badqabka tallaalka. Guddiga waxaa kujira khuburo ay magacaabeen dhammaan gobolada xubnaha ka ah, iyo saynisyahano qaran ahaan la aqoonsan yahay oo khibrad u leh xagga tallaalka iyo caafimaadka dadweynaha. Si ay isku dubarid iyo wada shaqayn ula sameeyan wadamada galbeedka marka lagu dhawaaqay in COVID-19 uu yahay masiibo caafimaad, golahaan ayaa akhriyay dhammaan xogta dadwayne ee la heli karo oo la socda dib u eegista federlka ee afarta talaal ee aan hadda ku haysano gobalka Washington. Inta aan galayno wajiga soo kabashada ee aafada, Western States Pact (Sharciga Goballada Galmeedka) ayaa la baabi'iyay, dhammaan ogolaanshaha adeegsiga talaalka ee goballada galbeedka ayay go'aaminaysaa U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawada) iyo talooyinka talaalka ayaa ka imaanaaya Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Kahortaga iyo Xakameynta Cudurka).

Akhri natiijooyinka Western States Scientific Safety Review Workgroup:

Sidee ayuu tallaalka COVID-19 ugu shaqayn doonaa jirkayga?

Ka daawo muuqaalkaan sida tallaaladu ushaqeeyaan jirkaada (Webseed kaliya ah Ingiriis).

tallaalada mRNA (Tallaalada COVID-19 ee Pfizer iyo Moderna)

Labo kamid ah tallaalada hadda laheli karo waxaa layiraahdaa tallaalada farriinsidaha RNA (mRNA).

talaalka mRNA ayaa baraya unugyada jirkaaga inay sameeyaan unugyo aan dhibaato lahayn oo barootiinka korona fayras. Nidaamkaaga difaaca jirka ayaa arkaaya barootiinada aan horay uga mid ahayn, kadibna jirkaaga ayaa bilaabaaya inuu sameeyo difaacyada jirka. Difaacyadaan jirka ayaa xasuusta sida loola dagaalamo COVID-19 haddii caabuq kugu dhaco mustaqbalka. Marka lagu talaalo, waxaad dhisaysaa difaac ka dhan ah COVID-19 adoon qabin cudurka. Marka ay shaqadeeda qabsato, mRNA ayaa si dhakhsa ah u burbureysa jirkana waa uu iska nadiifiyaa maalmo yar gudahood.

Tallaalada unugyada fayraska (tallaalada COVID-19 ee Johnson & Johnson)

Mid kamid ah tallaalada COVID-19 waxaa la yiraahdaa tallaalka unugyada fayraska.

Talaallada unugyada fayraska waxaa laga sameeyaa nooc la daciifiyay oo fayras ah (fayras ka duwan kan keena COVID-19). Talaaladaan ayaa baraya unugyada jirkaaga inay sameeyaan unugyo aan dhibaato lahayn oo barootiinka korona fayras. Nidaamkaaga difaaca jirka ayaa arkaaya barootiinada aan horay uga mid ahayn, kadibna wuxuu bilaabaaya inuu sameeyo difaacyada jirka. Jirkaaga ayaa baranaaya sida lagaaga difaacaayo caabuqa mustaqbalka ee COVID-19, adoon xanuunsan.

Talaalka fayraska ee aan hayno ayaa hal kuuro leh. Waxay qaadanaysaa ku dhawaad labo asbuuc kadib kuuradaada labaad si aad u hesho difaac buuxa.

Tallaalada unugyo hoosaadka barotiinka caabuqa (Talaalka Novavax COVID-19)

Mid kamid ah talaallada COVID-19 ee ay oggolaatay Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka) waa tallaalka unugyo hoosaadka barotiinka caabuqa. Tallaalada unugyo hoosaadka barutiinka caabuqa waxaa kujira qeybo laga keenay fayraska (barotiino) keena COVID-19 (oo laga sameeyey iyada oo aan la isticmaalin wax fayras ah oo nool) oo waxyar lagu daro tallaalka si ay gacan ooga geystaan inuu tallaalka si fiican ugu shaqeeyo jirka dhexdiisa. Marka habka nidaamka difaaca jirkaagu garto sida looga jawaabo kororka barotiinka, markaa kadib jirkaagu waxa uu awoodi doonaa inuu si dhakhsaha ah ugu jawaabo fayraska dhabta ah oo uu kaa ilaaliyo caabuqa COVID-19. Tallaalada unugyo hoosaadka ma ka keeni karaan caabuqa fayraska keena COVID-19 mana la falgalaan Hidda-sidaheena DNA-ga.

Tallaalka unugyo hoosaadka fayraska ee laheli karo waa tallaal labo-kuuro qaadasho ah. Caadiyan waxay qaadanaysaa ku dhawaad labo asbuuc kadib kuuradaada labaad si aad u hesho difaac buuxa.

Mararka qaar tallaalka ayaa keeni kara qandho fudud ama astaamaha sida hargabka, laakiin maaha kuwo dhibaato leh.

Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, eeg khayraadkan: Sawirada tallaalada COVID-19 and Tallaalada COVID-19: Waxa ay tahay inaad ogaato.

Marka dad badan oo bulshada kamid ah uu jirkoodu iska difaaci karo korona fayraska, markaas fayrasku ma helaayo meel uu galo. Tani waxay ka dhigan tahay inaan joojin karno faafida caabuqa si dhakhso ah aana usii dhawaano cirib tirka aafadaan.

Sidee loo sameeyaa tallaalada COVID-19?

Kani waa muuqaal gaaban oo sharaxaya sida tallaalka COVID loo sameeyo. (Kaliya ah Ingiriisi)

Waa maxay tallaal mRNA ah?

Farriinsidaha RNA, ama tallaalka mRNA waa nooc cusub oo tallaal ah. tallaalada mRNA ayaa baraya unugyada jirkaaga sida loo sameeyo unugyo aan dhibaato lahayn oo barootiinka korona fayraska ah. Barotiinka fayraska ayaa ah waxa aad ku arkeyso korka karoonofayriska. Nidaamka difaaca jirkaaga ayaa arkaaya barootiinada aan horay uga mid ahayn halkaa kadibna jirkaaga wuxuu bilaabaaya inuu dhiso jwaab difaac oo uuna sameeyo difaacyada jirka. Tani waxay lamid tahay waxa dhacaya marki uu nagu dhaco "si dabiici ah" caabuqa COVID-19. Marka ay shaqadeeda qabsato, mRNA ayaa si dhakhsa ah u burbureysa jirkana waa uu iska nadiifiyaa maalmo yar gudahood.

In kasta oo aan horay usoo adeegsanay mRNA ee noocyada kale oo daryeelka caafimaadku iyo xannaanada xoolaha, sameynta tallaallada iyadoo la adeegsanayo habkaan ayaa aad ugu weyn xagga sayniska waxaana laga yaabaa inay la macno tahay tallaallada mustaqbalka in si fudud loo sameyn karo.

Waxaad ka akhrin doontaa waxbadan oo ku saabsan sida tallaalada mRNA ushaqeeyaan webseedka CDC. (Kaliya ah Ingiriisi)

Waa maxay tallaalka unugyada fayraska?

Tallaalka noocaan ah ayaa isticmaala nooc la daciifiyey oo fayras kale ah "dulinka" kaas oo siinaya unugyadaada tilmaamaha. Dulinka ayaa galaya unug wuxuuna u adeegsanayaa mashiinka in uu ku abuuro cad aan dhiblahayn oo ah barotiinka COVID-19. Unuga ayaa kusoo bandhigaya barotiinka oogadiisa, nidaamka difaaca jirkaagana wuxuu arakayaa inuu meeshaa katirsaneyn. Nidaamka difaaca jirkaaga ayaa bilaabi doona inuu sameeyo unugyada difaaca jirka waxayna kashaqeysiiyaan unugyada si ay ula dagaalamaan waxa ay umaleeyaan inay tahay caabuq. Jirkaaga ayaa baranaaya sida lagaaga difaacaayo caabuqa mustaqbalka ee COVID-19, adoon xanuunsan.

Waa maxay tallaalka unugyo hoosaadka barutiinka caabuqa?

Mid kamid ah talaallada COVID-19 ee ay oggolaatay Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka) waa tallaalka unugyo hoosaadka barotiinka caabuqa. Tallaalada unugyo hoosaadka barutiinka caabuqa waxaa kujira qeybo laga keenay fayraska (barotiino) keena COVID-19 (oo laga sameeyey iyada oo aan la isticmaalin wax fayras ah oo nool) oo waxyar lagu daro tallaalka si ay gacan ooga geystaan inuu tallaalka si fiican ugu shaqeeyo jirka dhexdiisa. Marka habka nidaamka difaaca jirkaagu garto sida looga jawaabo kororka barotiinka, markaa kadib jirkaagu waxa uu awoodi doonaa inuu si dhakhsaha ah ugu jawaabo fayraska dhabta ah oo uu kaa ilaaliyo caabuqa COVID-19. Tallaalada unugyo hoosaadka ma ka keeni karaan caabuqa fayraska keena COVID-19 mana la falgalaan Hidda-sidaheena DNA-ga.

Waa maxay difaac xoojiye?

Difaac xoojiyaha kujira Novavax waa qadarka yarka lagu daray ee loogu talagalay inay gacan kageystaan xoojinta jawaab bixinta unugyada difaaca jirka.

Waa maxay maadooyinka ku jira talaallada?

Maadooyinka ku jira tallaalada COVID-19 waa kuwo caadi u ah talaallada. Waxaa ku jira maadooyinka saxda ah ee mRNA ama adenovirus wax laga badelay oo ay la socdaan maadooyin kale sida dufan, cusbo, iyo sonkor oo difaacaaya maadada falgalka samaynaysa, kana caawinaaya inay jirka si fiican ugu shaqayso, difaacaayana talaalka inta la kaydinaayo iyo marka la dhoofinaayo.

Tallaalka Novavax COVID-19 waa tallaal ku saleysan unugyo hoosaadka barotiinka caabuqa oo ka kooban walxo lagu daray, oo ay wehliyaan dufan iyo sokor si ay gacan ooga geystaan inuu tallaalka si fiican ugu shaqeeyo jirka dhexdiisa. Tallaalku ma isticmaalo mRNA.

Tallaalada Pfizer, Moderna, Novavax iyo Johnson and Johnson Maku jiraan unugyo dadeed ah (oo ay ku jiraan unugyada ilmaha uurka ku jira), fayraska COVID-19, leexada caanaha, ilaaliyaasha, ama maadooyinka kale ee noolaha ayna ku jiraan maadooyinka hilibka khaansiirka ama gelatin. Tallaalada laguma koriyo ukumaha dhexdooda mana kujiraan wax waxsoosaarka ukun ah

Eeg S&J; bogga webseedka ee Isbitaalka Carruurta ee Philadelphiaebpage (Ingiriisi ah) macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan maadooyinka kujira. Waxaad sidoo kale arki kartaa liiska buuxa ee maadooyinka ku jira xaashiyaha xaqiiqada ee Pfizer, Moderna, Novavax iyo Johnson & Johnson.

Talaalka Johnson & Johnson ma waxaa ku jiro cad ilmo uur ku jira lagasoo qaaday.?

Talaalka Johnson & Johnson COVID-19 waxaa lagu abuuray isla tiknoolajiyad lamid ah kuwa tallaalada kale loo isticmaalo. Tallaalka kuma jiraan qaybo ka mid ah uurjiifka ama unugyada uurjiifka. Hal qayb oo kamid ah talaalka ayaa ka kooban koobiyada shaybaarka lagu sameeyay ee unugyada asal ahaan ka yimid qaybo lagasoo doortay ilmo la iskasoo riday oo dhacday 35 sano kahor. Markaas kadib, laymanka unugyada talaalladaan waxaa lagu hayaa shaybaarka mana jirto ilo dheeraad ah oo laga soo qaaday ilmo uur kujiro si loo sameeyo tallaaladan. Tan ayaa noqon karta xog ku cusub dadka qaar. Hase yeeshee, talaallada sida bus-buska, jadeecada, iyo cagaarshoowga A ayaa loo sameeyay isla qaabkaas.

Talaallada COVID-19 miyey sababaan ma dhalaysnimo?

Ma jirto caddayn saynis oo sheegaysa in talaalladu keenaan ma dhalaysnimo ama dhalmo days. Marka talaalladu galaan jirkaaga, wuxuu kala shaqeeyaa habka difaaca jirka si loo abuuro difaacyada la dagaalamaaya korona fayraska. Shaqadaan wax saamayn ah kuma lahan unugyadaada dhalmada.

Centers for Disease Control and Prevention (CDC) (Webseed kaliya ah Ingiriisi), American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG) (Ingiriisi ah), iyo Society for Maternal-Fetal Medicine (SMFM) (Ingiriisi ah) ayaa ku talinaaya in talaalka COVID-19 la siiyo haweenka uurka leh, ilmaha nuujinaaya, ama qorshaynaaya inay uur yeeshaan. Dad badan oo qaatay talaalka ka dhanka ah COVID-19 ayaa talaalka kadib uur yeeshay ama dhalay ilmo caafimaad qaba.

Hadda majirto wax caddeyn muujineysa in wax tallaal ah, oo ay kujiraan tallaalada COVID-19, ay sababaan dhibaatooyinka madhaleysnimada ragga. Daraasad yar oo dhawaan lagu sameeyey 45 rag caafimaad qaba (Ingiriisi ah) kuwaas oo qaatay tallaalka COVID-19 ee mRNA (sida, Pfizer-BioNTech ama Moderna) ayaa laga eegay astaamaha shahwada, sida tiradda iyo dhaqdhaqaaqa, kahor iyo kadib tallaalka. Cilmi baarayaashu ma aysan helin isbadello wax ku ool ah ee kujira astaamahan tallaalka kadib.

Qandho xanuun ka imaaneyso ayaa lala xiriiriyey iyadoo leh hoos udhac muddo gaaban ah soosaaritaanka shahwada ragga caafimaadka qaba. Inkastoo qandhadu ay noqon karto waxyeelo kumeel gaar ah ee tallaalka COVID-19, majirto caddeyn hadda jirta in qandhada tallaalka COVID kadib ay saameyneyso soosaarka shahwada.

Ka eeg CDC Macluumaad ku saabsan tallaalada COVID-19 ee dadka raba inay awlaad yeeshaan (Webseed kaliya ah Ingiriis) wixii xog dheeraad ah. Waxaad sidoo kale eegi kartaa Bogga tallaalada COVID-19 ee CDC (Webseed kaliya ah Ingiriis) xaqiiqooyinka ku saabsan tallaalada.

Astaamo noocee ah ayaa caadi iska ah kadib qaadashada tallaalka?

Sida tallaalada kale ee caadiga ah, Waxyeelooyinka ugu badan ee tallaalka waxaa ka mid ah meesha la durey oo xanuunta, daal, madax xanuun, iyo murqo xanuun.

Astaamahaan ayaa calaamad u ah in tallaalku uu shaqeynayo. Tijaabooyinka Pfizer iyo Moderna, saameynta kadhalata tallaalka ayaa dhaca badanaa labo maalmood gudahood markaad qaadato talaalka kadib, waxayna siijiraan ku dawaad hal maalin. Saameynta kadhalata tallaalka ayaa u badan kadib kuurada labaad marka loo fiirsho kuurada koobaad. Tijaabooyinka caafimaadka Johnson & Johnson, saameynta kadhalata tallaalka ayaa sii jirta celcelis ahaan hal ilaa labo maalmood.

Dhammaan saddexda tallaal, dadka kaweyn 55 sano ayey aad uyartahay iney soo tabiyaan saameynta kadhalata tallaalka marka la barbar dhigo dadka yaryarka ah.

Waxaa laga yaabaa inaa ku aragto onlaynka ama baraha bulshada kutiri kuteenooyin kusaabsan saameynta waxyeelada kadhalata tallaalka. Xaqiiji marwalba oo aad aragto sheegasho ku saabsan waxyeelada kadhalata tallaalka inaad hubiso meesha lagasoo xigtay sheegashadaas.

Maxaa dhacaya haddii aan xanuunsado kadib qaadashada tallaalka COVID-19?

Sida tallaalada kale ee caadiga ah, tallaalka COVID-19 ayaa sidoo kale wato waxyeelo kadhalata, sida garab xanuun, qandho, madax xanuun, ama daal ka dib markaad qaadato tallaalka. Kuwaani waa calaamado muujinaaya in tallaalka uu shaqeynayo. Ka ogow wax dheeraad ah oo kusaabsan waxyeelada suurtagalka ah inay ka imaado kadib qaadashada tallaalka COVID-19.

Haddii aad xanuusato kadib qaadashada tallaalka, waa inaad kuwargelisaa dhacdada xun Vaccine Adverse Event Reporting System (VAERS, Nidaamka Warbixinta Dhacdada Xun ee Tallaalka). (Webseed kaliya ah Ingiriis). "Dhacdo xun" waa wax kasta oo dhibaato caafimaad ah ama saameyn waxyeelo oo dhaca kadib tallaalka. Wixii xog dheeraad ah oo kusaabsan VAERS, ka eeg "Waa maxay VAERS?" hoos

Waa maxay VAERS?

VAERS waa nidaam digniin hore ah oo ay hogaamiyaan Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) iyo Maamulka Cuntada iyo Daawada (FDA). VAERS ayaa ka caawin karta ogaanshaha dhibaatooyinka laga yaabo inay la xiriirto tallaalka.

Qofkasta (bixiyaha daryeelka caafimaadka, bukaanka, xanaaneeyaha) ayaa udiri kara ka warbixi falcelinta xun ee VAERS. (Webseed kaliya ah Ingiriis)

Nidaamku waxa uu leeyahay xadidaad. Warbixinta VAERS kama dhigna in tallaalku uu sababay falcelinta ama natiijada. Waxay kaliya kadhigan tahay in tallaalku kahorreeyey.

VAERS ayaa loo aasaasay inay ka caawiso saynisyahanada inay oggaadaan isbadallada iyo sababaha ay tahay inay kubaaraan dhibaato suuragal ah. Ma aha liiska natiijooyin tallaal oo lasoo xaqiijiyey.

Markaad warbixin ugudbiso VAERS, waxaa ka caawineysaa CDC iyo FDA inay aqoonsadaan walaacyada caafimaadka suurtagalka ah oo ayna xaqiijiyaan in tallaaladu badqab yihiin. Haddii wax arrin ah soo baxdo, waxay kaqaadayaan tallaabo waxayna ogeysiinayaan bixiyayaasha daryeelka caafimaadka wax kusaabsan arrimo suuragal ah.

Ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 haddii uu horay iigu dhacay COVID-19?

Haa, Advisory Committee on Immunization Practices (ACIP, Guddiga La-talinta Dhaqamada Talaalka) waxa uu kula talinayaa qof kasta oo horey u qabay COVID-19 inuu qaato tallaalka.

Xogta ayaa muujineysa inay tahay wax aan caadi aheyn in markale qofku qaado cudurka COVID-19 90 maalmood gudahood kadib markii cudurka uu kugu dhacay, sidaa darteed waxaad yeelan kartaa xoogaa difaac ah (oo loo yaqaanno difaaca jirka ee dabiiciga ah). Si kastaba ha noqotee, ma naqaano inta uu difaaca jirka ee dabiiciga ahi shaqeyn karo.

Dadka hadda qaba COVID-19 waa inay sugaan tallaalka illaa ay ka bogsoonayaan oo muddadooda karantiilkuna ka dhamaanayso.

Dadka dhawaan la joogay dadka qaba COVID-19 waa inay sugaan talaalka illaa muddadooda karantiilku ka dhamaanayso, haddii ay si ammaan leh uga fogaan karaan dadka kale. Haddii ay jirto khatar wayn oo ah inay dadka kale ku ridaan caabuqa, waa la talaali karaa inta lagu jiro muddada karantiilka si looga hortago faafida cudurka.

Fadlan naga tixraac bogga Takoorka iyo Karantiilka loogu talagalay caabuqa COVID-19 si aad ooga hesho tilmaamaha loogu talagalay takoorka iyo karantiilka.

Ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 haddii aan dareemay falcelin xasaasiyad tallaalki hore?

Tallaalku waa in aan lasiin dadka leh taariikh layaqaan oo ah falcelin xasaasiyad oo halis ah, sida alarjiga, kulahaa kuuro hore ee mRNA ama tallaalka unugyada, ama nooc kamid ah maadooyinka kujira Pfizer-BioNTech/Comirnaty, Moderna/Spikevax, Novavax ama Johnson & Johnson–Janssen ee tallaalada COVID-19.

Dadka kuyeeshay falcelin daran oo xasaasiyad ah tallaalada kale ama daawooyinka la isku duro ayaa laga yaabaa inay wali qaataan tallaalka.Hase yeeshee, bixiyayaasha tallaalku waa inay sameeyaan qiimeynta halista oo ayna katala bixiyaan halisaha suuragalka ah. Hadii bukaanku go'aansado inuu qaato tallaalka, bixiyaha tallaalku waa inuu fiirshaa 30 daqiiqo si uu ula socdo arrimaha ku saabsan falcelin degdeg ah.

The Advisory Committee on Immunization Practices (ACIP, Guddiga Latalinta ee Kudhaqanka Talaalka) waxay kutalinayaan in bixiyayaasha tallaalku ay fiirshaan dhammaan bukaanada kale ugu yaraan 15 daqiiqo kadib qaadashada tallaalka si loola socdo falcelinta xasaasiyadda. Ka eeg ACIP tixgelinnada caafimaad ee kumeelgaarka ah ee tallaallada mRNA (Ingiriisi) wixii xog dheeraad ah.

Dugsiyada iyo Daryeellada Carruurta

Ma qaadan karaan tallaalka dadka kayar da'doodu 18 sano?

Waqti xaadirkan, tallaalka Pfizer-BioNTech (Pfizer) iyo noocyada tallaalka Moderna ee COVID-19 ayaa loo oggolaaday carruurta da'doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn. Tallaalka Novavax ayay heli karaan 12+ sano jirka sida ku cad EUA.

Dhallinyarada jirta 17 sano ayaa ugu baahan kara oggolaansho waalidka ama mas'uulka (kaliya ah Ingiriisi) si ay uqaataan tallaalka, ilaa ay yihiin kuwo sharci ahaan xor ah. Booqo bogga mareegteena ee ku saabsan Vaccinating Youth (Tallaalida Dhallinta) haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah.

Ka hubi xarunta tallaalka caafimaadka shuruudahooda muujinta caddeynta taladii waalidka ama sharci ahaan xor yihiin.

Gobolku miyuu ubaahan yahay tallaalka COVID-19 ee soo galida iskuulka K-12?

Washington State Board of Health (Guddiga Caafimaadka Gobolka Washington), ma aha Department of Health (Waaxda Caafimaadka), ayaa awood u leh inay shuruudaha tallaalka u sameeyaan carruurta ku jira dugsiyada K-12 Revised Code of Washigton (RCW, Xeerka La Cusbooneysiiyey ee Washington) 28A.210.140. Ma jirto shuruud la xiriirta tallaalka COVID-19 ee loogu talagalay dugsiyada ama xarumaha xannaanada carruurta wakhti xaadirkaan.

Canugeyga ma qaadan karaa tallaalada kale marka uu qaadanayo tallaalka COVID-19?

Dadka ayaa hadda qaadan kara tallaalka COVID-19 14 maalmood gudahood qaadashada tallaalada kale, oo ay kujiraan isla maalintaaba.

Ma waxaa jiri doona wax dabacsanaan ah oo la xiriirta shuruudaha tallaalka iskuulka ee sanad dugsiyeedka 2023-2024 marka loo eego aafada COVID-19?

Guddiga Caafimaadka Gobolka ayaa go'aamiya haddii ay tahay in la sameeyo wax kabadalid la xiriirta shuruudaha tallaalka iskuulka. Haddeertaan, shuruudaha tallaalka iskuulka ayaa sidiisa ahaan doona. Caruurta waxaa looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudaha kahor inta aysan xaadirin maalinta koobaad ee iskuulka.

Nolosha tallaalka kadib

Goorma ayaa la ii qaddarinayaa inaan la socdo tallaalka COVID-19 ee ugu dambeeyey?

Waxaad la socotaa (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) tallaalkaaga COVID-19 ee ugu dambeeyey haddii aad qaadatay kuuradi ugu dambeysay ee ay CDC kugula talisay.

Maxay kadhigan tahay in si buuxdo tallaalka loo qaatay?

Waxaad la socotaa tallaaladi ugu dambeeyey ee caabuqa COVID-19 haddii aad dhammeystirtay taxanaha wareegyada koowaad ee tallaalka COVID-19 oo aadna qaadatay kuurada xoojinta tallaalka ee ugu dambeysay ee ay kugula talisay CDC.

Miyaan ubaahanahay inaan tuso cadeynta tallaalka?

Waxaa laga yaabaa in lagaaga baahdo inaad caddeyso iska tallaalidaada COVID-19 goobaha tallaalka qaarkood, mehradaha ganacsiga dhexdooda ama markaad joogto munaasabadaha qaarkood.

Marka kadhigo warqadda kaarka tallaalka sida warqad dhalasho ama dukumiinti rasmi ah! Sawir kaqaad kadibna ku kaydi guriga. Akhri waxbadan oo ku saabsan kaararka iyo diiwaanada tallaalka.

Kawaran haddii aanan la socon tallaaladeydi udambeeyey ee caabuqa COVID-19?

Haddii aadan weli la socon tallaaladaadi udambeeyey ee caabuqa COVID-19:

  • Soo hel tallaalka COVID-19 oo lacag la’aan ah oo kuugu dhow!
  • Tixgeli xirashada maaskaro si fiican kuula eg markaad joogto goobaha gudaha ah ee dadweynaha.
  • Iska baar COVID-19 haddii aad isku aragto astaamo.
  • Haddii aad safarto, iskabaar caabuqa COVID-19 kahor iyo kadib safritaanka.
Wali miyaan u xanuunsan karaa COVID-19 kadib markaa is-tallaalo kadib?

Tallaaladu waa kuwo waxtar aad uleh, laakiin ma ahan 100%. Haddii aad isku aragto astaamaha COVID-19-oo kale, (webseed kaliya ah Ingiriisi) waa inaa ka fogaataa dadka kale oona la xiriirtaa daryeel bixiyahaaga caafimaadka. Waxaa laga yaabaa inay kutaliyaan baaritaanka COVID-19.

Wixii macluumaadka baaritaanka COVID-19, fadlan booqo Macluumaadka baaritaanka.

Maxay tahay inaan sameeyo haddii la isoo gaarsiiyey caabuqa COVID-19?

Fadlan naga tixraac bogga Takoorka iyo Karantiilka loogu talagalay caabuqa COVID-19 si aad ooga hesho tilmaamaha loogu talagalay takoorka iyo karantiilka.

Sidee ayaan ku maareyn karaa istareeska iyo walaaca la xiriira COVID-19?

Waxa aan fahansanahay in aafadu saameyn karo caafimaadkaaga maskaxda iyo jirkaba, Kaligaa ma tihid.. Dad badan oo kusugan Washington waxay latacaalayaan istareeska iyo walaaca la xiriira dhibaatada shaqo ama dhaqaale, xirnaanshaha iskuulka, takoorka bulshada, walaaca caafimaadka, murugada iyo khasaaraha, iyo wax badan oo kale. Tan waxaa ku jira walaaca kusoo kordhay kunoqoshada hawlaha dadweynaha.

Halkaan waxaa aad ka helaysaa dhawr kheyraad oo kaa caawin kara inaad maareyso istareeska iyo walaaca:

Khayraad iyo Macluumaad Dheeraada

Khayraadka COVID-19 ee kooxaha gaarka ah

Caruurta iyo Dhalinyarada

Naas nuujinta iyo/ama shaqsiyaadka Uurka leh

Soo galootiga iyo qaxootiga

Gurijoog

Kheyraad gaar ah ee bulshada oo dheeraad ah ayaa laga heli karaa bogga Kaqeyb qaadashada iyo Sinnaanta Tallaalka (kaliya ah Ingiriisi)

Su'aalahayga loogama jawaabin halkaan. Sidee ayaan kuheli karaa wax dheeraad ah?

Su'aalaha guud waxaa loo diri karaa covid.vaccine@doh.wa.gov.