WA ogeysiisyada gaadhista abka casriga ah

WA Notify (Aalada Ogeysiiska ee WA) (oo sidoo kale loo yaqaan Aalada Ogeysiiska Soo-gaadhista Caabuqa ee Washington) waa aalad bilaash ah oo aad ku dari karto taleefankaaga casriga ah si aad uga digto isticmaaleyaasha aalada ee suurtagalka ah inuu soo gaaray COVID-19. Gebi ahaanba waa qarsoodi, ma uruuriyo ama mana wadaago wax macluumaad shakhsiyeed ah, mana raadraaco meesha aad aado.

Sidee ayaan WA Notify ugu shubayaa taleefankayga?

Apple logo

Markaad isticmaalayso iPhone, ka fur Exposure Notifications qaybta Settings (sitinka):

  • Gal Settings
  • Hoos ugu deg Exposure Notifications
  • Guji “Turn On Exposure Notifications”
  • Dooro Maraykanka
  • Dooro Washington
Android logo

Markaad isticmaalayso Android:

Taleefanada Android ama iPhone ah, waxaad iskaan garaysaa koodhka QR ama waxaad WA Notify ku dartaa taleefankaaga haddii aad isticmaalayso aaladda moobilka.

WA Notify QR code

Sidee ayay u shaqaysaa?

Markaad furato WA Notify, taleefankaaga ayaa la wadaagaaya koodhadh isku dhafan, oo qarsoodi ah taleefannada dadka kuu dhawdhaw ee ay sidoo kale u furan tahay aalada WA Notify. Qalabka waxa uu isticmaalaa tignoolajiyada Tamarta Hoose ee Bluetooth-ka ee ilaalinaysa macluumaadka qarsoodiga ah si uu isugu wareejiyo koodhyadan iyadoon la muujin wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan. Haddii qof kale oo isticmaala WA Notify oo aad dhawaan agtagtay ama u dhowaatay isla markaana laga helo COVID-19 uuna raaco tillaabooyinka sida qarsoodiga ah loogu ogeysiiyo dadka kale, waxaad heli doontaa digniin. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad hesho daryeelka aad u baahan tahay si dhakhso ah waxayna gacan ka gaysanaysaa kahortaga inaad caabuqa COVID-19 qaadsiiso dadka kale ee kuu dhawdhaw.

Algorithm-ka/Hadraaca ayaa kadhigaaya xisaabta in ay aqoonsato dhacdooyinka laga yaabo in ay suurtagal tahay gudbinta COVID-19 kuwa jooga masaafo ammaan ah ama ku filan oo aan u baahnayn in dignin lasiiyo. WA Notify ayaa ku soo wargelin doonta oo kaliya haddii ay suurtogal tahay in aad qaaday caabuqa. Markaa in aadan helin digniin waa aqbaar wanaagsan.

WA Notify waxaa sidoo kale lagu heli karaa in ka badan 30 luuqadood.

WA Notify Flow Chart in Somali - Click to Read as PDF

Sidee ayaa loo difaacayaa sirtayda?

WA Notify waxaa lagu dhisay tignooloojiyada Ogaysiiska Qaadista Caabuqa oo ay sameeyeen Google iyo Apple, taasoo loogu talagalay in lagu difaaco xogta isticmaalaha. Aalada waxay u shaqeysaa si qarsoodi ah iyada oo aan uruurin ama daaha ka qaadin meesha aad joogto ama macluumaadka shakhsiyeed. WA Notify uma baahna inay ogaato cidda aad tahay ama meesha aad joogto si ay aalada ugu shaqeyso sida ugu fiican. Adiga oo isticmaalaya kaliya qarxayada yaryar ee Bluetooth-ka, baytarigaaga ma saameyneyso.

Ka qaybgalkaagu waa ikhtiyaari gabi ahaanba. Isticmaalayaashu waxay ka qaybgeli karaan ama ka bixi karaan aalada markay doonaan. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida qarsoodiga isticmaalaha loo ilaaliyo, eeg Siyaasadda Qarsoodiga Macluumaadka ee WA Notify.

Maxay u egyihiin farriimaha qoraalka iyo ogeysiisyada?

Waxaa jira labo nooc oo ogeysiin ah oo laga yaabo inaa hesho. Kuwa tijaabada boositifka noqdo waxay heli doonaan farriinta qoraalka ah ee linkiga xaqiiqsashada ah iyo/ama ogeysiinta shaashada kaaga soobaxeyso. WA Notify isticmaalayaasha kuwaas oo udhawaaday waxay heli doonaan ogeysiinta udhawaanshaha caabuqa. Baro wax badan oo ku saabsan ogeysiisyadaan iyo arag sida ay u eg yihiin.

Sidee aalada WA Notify waxtar u leedahay?

Daraasado ayaa lagu ogaaday in hadba dadka ugu badan ee isticmaala aaladaha digniin bixinta ee soo-gaarista caabuqa, ayay faa'iidaduna u weyn tahay. Tijaabooyin laga qaaday saddex degmo oo katirsan Gobalka Washington ayaa muujinaaya in haddii tiro yar oo dadka kamid ah ay isticmaalaan WA Notify ay yarayn doonto caabuqa iyo dhimashada. Markaan is tallaalno oo aan xirano maaskaro, waxaan badbaadin karnaa noolal. Maadaama aan dib u bilownay dhacdooyinka qof ahaan looga xaadiro, WA Notify waa lakab bixisa ilaalin dheeraad ah. Waa shay kale oo aad samayn karto si aad u ilaaliso naftaada iyo dadka kugu xeeranba.

Sida loogu wargaliyo dadka kale haddii aad baaritaanka iskaga hesho caabuqa COVID-19

Isticmaalayaasha WA Notify ee isticmaala qalabka is-baarida (sidoo kale loo yaqaan qalabka baaritaanka guriga) oo ay baaritaanka ku ogaadaan inay qabaan COVID-19 waxay codsan karaan koodh xaqiijin ah si ay markaa si qarsoodi ah ugu wargeliyaan isticmaalayaasha kale ee WA Notify ee laga yaabo inay qaadeen COVID-19.

Apple logo

Haddii aad isticmaalayso iPhone:

  • Gal qaybta Settings (Settings-ka) kadibna fur Exposure Notifications (Ogaysiisyada La joogista Qof Caabuqa qaba).
  • Dooro “Share a COVID-19 Diagnosis (La wadaag Natiijada COVID-19 lagaa helay).”
  • Dooro “Continue (Siiwad).”
  • Haddii aad aragto meel aad gelin karto koodh, dooro “Didn’t get a code (Ma heli koodhka)? Booqo webseedka WA State Dept. of Health (Waaxda Caafimaadka Gobalka Washington).” Haddii aadan arkin meel aad gelin karto koodhkaaga, u gudub tallaabada xigta.
  • Geli lambarka taleefanka aaladaada adeegsata WA Notify iyo taariikhda lagaa helay caabuqa COVID-19.
  • Dooro “Continue (Siiwad).”
Android logo

Markaad isticmaalayso Android:

  • Fur WA Notify kadibna dooro “Share your test result to help stop the spread of COVID-19 (Nala wadaag natiijada baaristaada si aad nooga caawiso joojinta faafiyaanka COVID-19)”.
  • Dooro “Continue (Siiwad)” kadibna dooro “I need a code (Waxaan u baahan nahay koodh).”
  • Geli lambarka taleefanka aaladaada adeegsata WA Notify iyo taariikhda lagaa helay caabuqa COVID-19.
  • Dooro “Send Code (Dir koodhka)”.

Taleefanada Android ama iPhone ah, iskaan gareey koodhka QR ama codso koodhka xaqiijinta haddii aad isticmaalayso aalada moobilka.

Image
For Android or iPhone, scan the QR code to notify others if you test positive for COVID-19 with a self-test

Waxad heli doontaa ogaysiis soo boodaaya iyo fariin qoraal oo wadata lifaaqa xaqiijintaada. Waxaa kaliya ubaahantahay inaad furto ogeysiinta ama aad kudhufato lifaaqa kujira farriinta qoraalka si aad u raacdo tallaabooyinka kujira WA Notify si uu si qarsoodi ah ugu digo adeegsadayaasha kale suurtagalnimada udhawaanshaha caabuqa.

Haddii aadan awoodin inaad ka codsato koodhka xaqiijinta WA Notify, waa inaad wacdaa laynka tooska ah ee gobalku u sameeyay COVID-19, 1-800-525-0127, kadibna riixdaa #, aad u sheegtaa shaqaalaha laynka inaad isticmaasho aalada WA Notify. Shaqaalaha khadka caawimaada ayaa ku siin kara lifaaqa xaqiijinta oo aad u adeegsan karto in aad udigto adeegsadayaasha kale ee WA Notify in ay cudurka la kulmeen.

Sida looga soo warbixiyo natiijooyinkaaga is-baaritaanka COVID-19 ee togan

Dadka isticmaala qalabka is-baaritaanka (sidoo kale loo yaqaan qalabka baaritaanka guriga) oo isla markaana natiijada baaritaankooda COVID-19 ay noqoto mid togan, waxay natiijooyinka togan uga warbixin karaan Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka), oo ka baxsan ablikeeshinka WA Notify. Wixii ku saabsan tilmaamooyinka hadda jira ee ku saabsan sida looga warbixiyo natiijada togan ee baaritaanka, tixraac Bogga Baaritaanka COVID-19 ee DOH.

Qalabyada is-baaritaanka waxaa sidoo kale laga heli karaa Say Yes (Haa Dheh)! COVID Test (Baaritaanka COVID).

Tilmaamooyin dheeraad ah ayaa laga heli karaa qeybta macluumaadka Waxa la sameeyo haddii baaritaan lagu ogaado inaad qabto COVID-19 ee DOH.

Fadlan ogoow: WA Notify waa aalad loogu talagalay ogeysiinta la kulmitaanka cudurka. Ablikeeshinka looguma talagalin in isticmaalayaashu ay DOH ugu gudbiyaan natiijooyinkooda baaritaanka. In natiijooyinka looga warbixiyo DOH way ka baxsan tahay nidaamka ablikeeshinka WA Notify.

Maxaan ugu baahanahay labadaba dabagalka dadka la joogay qofka caabuqa qaba iyo abka WA Notify?

Dabagalka dadka la joogay qofka qaba caabuqa ayaa ahayd talaabo caafimaadka bulshada oo waxtar lahayd tobanaan sano. WA Notify waxay si qarsoodi ah u taageeraysaa shaqadaan. Waa kan tusaale: Haddii lagaa helo COVID-19, Saraakiisha caafimaadka dadwaynaha ayaa kusoo wici kara kuna waydiin kara dadka dhawaan kula joogay. Ma magacaabi kartid qof aadan aqoon oo aad baska is ag fadhideen. Haddii labadiinaba aad isticmaashaan WA Notify, qofka aan la aqoon ee baska ayaa si qarsoodi ah loogu wargalin karaa qaadista caabuqa suurtagalka ah oo wuxuuna qaadi tallaabooyinka looga hortagaayo in COVID-19 uu ku faafo saaxiibadood iyo qoyskooda. Si la mid ah tallaalada iyo xirashada maaskaraha, mid kastaa wuxuu ka geystaa joojinta faafitaanka COVID-19, marka la isku daro aad ayay waxtar u leeyihiin.

Ma khasab baa inaan sii isticmaalo WA Notify mise waan iska damin karaa?

Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof kasta inuu sii wado isticmaalka WA Notify ee talefankiisa oo uusan damin. Maadaama ay xannibaadihii la fududeeyey oo hawluhu dib u bilaabmeen, WA Notify waa hab sahlan oo aad ku heli karto ilaalin/difaac dheeraad ah.

Miyaan u baahanahay WA Notify Haddii marhore la i tallaalay?

Haa! Gobolka Washington waxa uu la tacaali doonaa COVID-19 in muddo ah. Waxaan wali wax badan ka baranaynaa fayraska, tusaale ahaan muddada ay tallaaladu waxtar yeelan karaan iyo sida ugu wanaagsan ee tallaaladu dadka uga difaaci karaan noocyada cusub ee COVID-19. Xitaa haddii ay khatartu ay tahay mid aad ugu yar dadka la tallaalay, waxaan ognahay in shakhsiyaadka sida buuxda u tallaalan ay weli qaadi karaan oo ay faafin karaan COVID-19. Sidoo kale, waxaan ognahay inay jiraan shaqsiyaad aan weli la tallaalin. Sababahaan oo dhan awgood, waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dadka degan Washington inay ka shaqeysiiyaan aaladooda WA Notify ee telefoonadooda - si ay gacan uga gaystaan joojinta faafitaanka COVID-19.

Ma dooneysaa in aad ku caawiso wax ku saabsan faafinta hadalkan WA Notify (Barnaamijka Ogeysiinta La kulanka Qof Qaba cudurka)?

Kala soco WA Notify aaladeena ee fariimaha baraha bulshada, boodhadhka, xayeysiinta talafashinka iyo raadiyaha, iyo kuwa badan. Sidoo kale, u sheeg asxaabtaada iyo qoyskaaga. Hadba dadka ugu badan ee isticmaala WA Notify, ayaa ugu wanaagsan in aalada ay gacan ka geysato ilaalinta naftaada iyo bulshadaada.

Su'aalaha kale ee inta badan la isweydiiyo

Sidee ayaan oga ogaan karaa taariikhda aan u dhawaaday qof qaba caabuqa WA Notify (Ablikeeshinka Ogeysiiska Udhawaanshaha Cudurka ee Washington)?

Haddii aad isticmaalayso iPhone:

  1. Gal Settings (Setinka)
  2. Dooro Exposure Notifications (Ogeysiiska Udhawaanshaha Caabuqa) ama kagal Exposure Notifications (Ogeysiiska Udhawaanshaha Caabuqa) Qeybta Wax Laga Baaro
  3. Saadaasha/qiyaasta taariikhdaada suurtogalka ah ee laga yaabo in caabuqu uu ku soo gaaray ayaa lagu muujin doonaa qeybta "You may have been exposed to COVID-19 (Waxaa laga yaabaa inaad la kulantay COVID-19)" hoosteeda

Haddii aad isticmaalayso taleefan ah Android:

  1. Fur ablikeeshinka WA Notify
  2. Dooro See Details (Eeg Faahfaahinta) oo kahooseysa “Possible exposure reported (U dhawaanshaha suurtagalka ah ee lasoo tabiyey)”
  3. Saadaasha/qiyaasta taariikhdaada suurtogalka ah ee laga yaabo inaad qaaday caabuqa ayaa lagu muujin doonaa qeybta “Possible Exposure Date (Taariikhda Suurtogalka ah ee Soo-gaarista Caabuqa)” hoosteeda
Ma heshay farriin iyo/ama ogeysiin ka timid Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Gobalka Washington uqaabilsan Caafimaadka)? Sabab?

DOH waxay farriin qoraal ah iyo/ama ogeysiinta shaashada kaaga soobaxeyso udirtaa lambarada taleefanada ay adeegsadeen dadki dhawaan laga helay COVID-19. sidaa darteed isticmaalayaasha WA Notify ayaa si dhaqsi leh oo qarsoodi ah digniin ugu diri isticmaalayaasha kale ee qaadista caabuqa suurtagalka ah. Baro wax badan oo ku saabsan ogeysiisyadaan iyo arag sida ay u eg yihiin.

Haddii aad hesho fariin qoraal ah iyo ogeysiis labadaba, waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad taabato ogeysiiska ama aad gujiso linkiga fariinta qoraalka isla markaana aad raacdo tillaabooyinka WA Notify si aad si qarsoodi ah ugu digto isticmaaleyaasha kale ee suurtogalka ah inay iyaguna qaadeen caabuqa.

Waxaan helay ogeysiis ku saabsan in xogtayda WA Notify aan ugu deeqo hay'ada caafimaadka dadweynaha. Sabab?

DOH waxay doonaysaa inay ogaato sida wanaagsan ee WA Notify u shaqaynayso si aanu u samayno wixii horumar/wanaajin ah ee loogu baahan yahay aalada. Haddii aad oggolaato inaad nala wadaagto xogtaada WA Notify, qarsoodiga macluumaadkaaga ayaa weli si buuxda loo ilaaliyaa. Ma jiro macluumaad shaqsiyadeed oo la uruurinaayo ama la wadaagayo mana jiri doonto qaab laguugu aqoonsan karo. Kaliya DOH ayaa heli karta xogtaan waxaana lagu isticmaali karaa kaliya heer gobol.

Haddii isticmaalayaasha WA Notify ay oggolaadaan inay wadaagaan xogtooda, waa maxay xogta la uruurinayo?

Haddii aad ogolaato inaad nala wadaagto xogtaada, qarsoodiga macluumaadkaaga ayaa weli si buuxda loo ilaaliyaa. Ma jiro macluumaad shaqsiyadeed oo la uruurinaayo ama cid lala wadaagayo sidaas darteed ma jiri doonto qaab laguugu aqoonsan karo. Kaliya DOH ayaa arki karta xogtan heerka-gobolka ah, oo ay ka mid yihiin:

  • Tirada dadka oggol inay xogtooda ku wadaagaan WA Notify. Tani waxay naga caawinaysaa inaan ogaanno waxa ay ka kooban tahay muunadeena.
  • Tirada Exposure Notifications cudurka ee ay heleen isticmaalayaasha WA Notify. Tani waxay naga caawineysaa inaan aragno isbaddellada faafitaanka COVID-19.
  • Tirada dadka gujinaya ogeysiiska muujinaya in qofka uu soo gaadhay cudurka. Tani waxay naga caawineysaa inaan sahaminno sida ay dadku u doonayaan inay tixgeliyaan/raacaan tallooyinka waaxda caafimaadka dadweynaha.
  • Tirada dadka ka agdhowaa qof iska baaray oo laga helay cudurka COVID-19, laakiin aan aad ugu dhowayn ama muddo aan dheereyn oo aan ku filnayn la joogey si loogu diro ogeysiiska soo gaadhista cudurka. Tani waxay naga caawineysaa inaan tixgelinno in algorithm-ka lagu go'aamiyo in qofku soo gaadhay cudurka ee aalada WA Notify ay tahay in wax laga baddelo.
Markii aan WA Notify ee ku jira taleefankayga aan ka shaqeeysiiyo, ma inaan badhanka "Availability Alerts (Digniinta Helitaanka)" shido oo aan demiyo miyaa?

Deminta way fiicantahay. In kastoo lagu taliyo in la shido haddii aad u safarto meel ka baxsan gobolka Washington waqti aad u badan. Marka Availability Alerts (Ogeysiinta/Digniinada Helitaanka) ay kuu daaran yihiin, waxaad heli kartaa ogeysiin/digniin markaad u safarto meel kale oo lagu isticmaalo aalad digniin bixin oo la mid ah WA Notify. Haddii aad qabto iPhone, waxaad ku darsan kartaa gobollo badan laakiin hal gobol oo kaliya ayaad ka shaqeysiin kartaa halkii marba. Uma baahnid inaad ka saarto gobol si aad uga shaqeeysiiso mid cusub. Haddii aad qabto talefan Android ah, waxaad ablikeeshinada digniin bixinta ee la midka ah WA Notify kala degi kartaa gobollo badan, laakiin hal ablikeeshin oo isticmaasha tignoolajiyada ku habboon WA Notify ayaa shaqayn kara halkii marba.

Ma qasab baa inaan Oggolaado isticmaalka WA Notify?

Haa. Isticmaalka WA Notify waa bilaash waana ikhtiyaari. Waad ka saari kartaa aaladaada markaad doonto. Si arrintan loo sameeyo, waxaad si fudud u damisaa aalada kuugu jirta iPhone ama ablikeeshinka gebi ahaanba ka tirtir taleefanka Android-ka ah. Marka aad ka baxdo, dhammaan koodhyada randhomka ah ee talefanku ka kaydiyay isticmaalayaasha kale waa la tirtiri doonaa lamana soo celin karo.

Aalada WA Notify ma mid dabagal ku sameeysaa dadka kula joogay?

Maya. WA Notify ma daba gasho ama ma raadraacdo macluumaadka ku saabsan dadka aad u dhowaatay, sidaas darteedna ma samaynayso "raadraacitaanka xiriirka/dadka aad la kulantay." Raadinta dadka kula joogay ayaa tilmaamaysa qof kasta oo laga helay cudurka COVID-19 oo laga yaabo inuu qaaday caabuqa. Aaladu ma uruuriso ama mana wadaagto wax macluumaad shakhsiyeed ah, sidaas darteedna suurtogal ma aha in qofna uu ogaado cidda aad la xiriirtay/u dhowaatay.

Waa maxay "qaadista caabuqu"?

Ku soo-gaarista/u-bayla noqoshada caabuqa waxay dhacdaa marka aad waqti ku qaadato meel u dhow isticmaale kale oo isticmaala WA Notify kaas oo baaritaan kadib la ogaaday inuu qabo caabuqa COVID-19. Si loo ogaado soogaarista, WA Notify ayaa isticmaala habraaca xisaabinta lagu ogaanaayo dhacdooyinka laga yaabo in ay suurtagal tahay u gudbinta COVID-19 dadka jooga masaafo ammaan ah ama ku filan oo aan u baahnayn in dignin lasiiyo. WA Notify ayaa kaliya ogeysiiska soogaarista kuu soo diri doona haddii la macaamilkaaga isticmaale kale uu aad kuugu dhow yahay oo muddo kufilan oo dheer la qaadatay taasi oo buuxineysa shuruudaha DOH ay rumeysan tahay inay jirto halista weyn ee isugudbinta caabuqa COVID-19. Qaab-xisaabeedkan waxaa wax ka bedeli kara saraakiisha caafimaadka dadweynaha.

Maxaa dhacaaya haddii WA Notify ii sheegto in laga yaabo inaan caabuqa qaaday?

Haddii WA Notify ay ogaato in laga yaabo inaad qaaday caabuqa, ogaysiis kuugusoo dhacaaya taleefankaaga ayaa kugu hagaaya webseedka aad ka helayso xog ku saabsan waxa ay tahay inaad samayso tallaabada xigta. Tan waxaa ku jira sida iyo meesha aad iska baarayso, xog ku saabsan dhawrista badqabka adigga iyo dadka kula jooga, iyo xog ka jawaabaysa su'aalahaaga. Waa muhiim inaad akhrido aadna raacdo tilmaamaha ku qoran webseedka si taxadar leh.

Dadku ma ogaan doonaan haddii la iga helo COVID-19?

Maya. WA Notify cidna lama wadaago xog adigga kugu saabsan. Marka qof uu helo ogeysiis ku saabsan u-bayla noqoshada/soo-gaarista suurtagalka ah ee caabuqa, waxay ogaan doonaan oo keliya in qof ay goordhow u dhowaadeen/agtageen laga helay COVID-19. Ma ogaan doonaan qofka uu yahay ama meesha ay ka dhacday u-bayla noqoshada/soo-gaarista caabuqa.

Ma lacag ayaa la iiga rabaa WA Notify?

Maya. WA Notify waa lacag la'aan.

Sidee ayay aalada WA Notify u caawinaysaa gobalka Washington?

Daraasad ay samaysay University of Washington (Ingiriis keliya ah) waxay ogaatay in hadba sida ay u badan yihiin dadka isticmaala aaladaha digniin bixinta soo-gaarista caabuqa, ay faa'iidaduna u weyn tahay. Natiijooyinka waxay muujiyeen in WA Notify ay badbaadisay qiyaastii 40 illaa 115 nafood waxayna u badan tahay in ay ka hortagtay qiyaastii 5,500 kiisas oo COVID-19 ah afartii bilood ee ugu horreysay ee la adeegsanayey. Xogta tijaabooyinkeeda waxay muujinayaan in xitaa tiro yar oo dad ah oo adeegsanaya WA Notify waxayna yareyn doonaan caabuqyada COVID-19 iyo dhimashada, WA Notify taas oo aalad aad u fiican oo looga hortago faafitaanka COVID-19.

WA Notify ma shaqaynaysaa haddii aan u safro meel ka baxsan gobalka?

Haa. Haddii aad u safarto gobol leh ablikeeshan isticmaala tignoolajiyad la mid ah kan Google/Apple (Kaliya Kuqoran Af-Ingiriis), taleefankaagu waxa uu sii wadi doonaa inuu koodhyada ramdhomka ah la wadaago isticmaalayaasha gobolkaas. Looma baahna inaad wax ka bedesho setting-ka taleefankaaga casriga ah. Haddii aad ka maqnaato Washington muddo badan, waa inaad hubisaa dookhyada kuu furan ee gobalkaaga cusub si aad u hesho taageerada iyo digniinaha maxaliga ah.

Muddo intee le'eg ayuu abka WA Notify ku qaataa ogaysiinta dadka kale ee isticmaala?

Isticmaalayaasha laga yaabo inuu ka qaaday caabuqa COVID-19 isticmaale kale ayaa heli doona ogeysiis 24 saacadood gudahood kadib markii adeegsadaha COVID-bositiifku raaco tallaabooyinka ku jira WA Notify si qarsoodi ah ugu digo isticmaaleyaasha kale ee WA Notify.

Ma suurtagal baa inaan helo dhawr digniinood oo ay iisoo dirto WA Notify?

Isticmaalayaasha baaritaankoodu noqdo mid togan waxaa laga yaabaa inay helaan ogeysiis iyo fariin qoraal ah labadaba. Isticmaalayaasha laga yaabo in marar badan u bayla noqdeen caabuqa waxaa la ogeysiin doonaa u bayla noqosho kasta oo cusub.

Sidee ayaan ugu sheegayaa WA Notify haddii markaas la iga helay COVID?

Haddii baaritaankaada uu noqdo mid togan oo qof ka socda DOH ama maamulka caafimaadka dadweynaha ee deegaankaaga ay kula soo xiriiraan, waxay ku weydiin doonaan inaad isticmaalayso WA Notify. Haddii aad tahay, waxay kuu soo diri doonaan lifaaqa xaqiijinta iyo/ama ogeysiin waxayna kaa caawin doonaan inaad raacdo tillaabooyinka si aad ugu gasho WA Notify. Linkiga ama ogeysiinta kuma xirna macluumaadkaaga shaqsiyeed. DOH sidoo kale waxay fariin qoraal ah iyo/ama digniin u soo dirtaa lambarada teleefanka ee dadka dhawaan laga helay COVID-19.

DOH ma lahan qaab ay ku ogaato cidda heli doonta ogeysiisyada WA Notify marka aad raacdo tillaabooyinka. Ogeysiiska qaadista caabuqa kuma jiri doonaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan. Dadka badan oo si qarsoodi ah u xaqiijiya natiijooyinkooda WA Notify, ayaa ah sida ugu fiican aan uga hortagi karno faafitaanka COVID-19.

Haddii baaritaankaaga uu noqdo mid togan oo aad weli u baahan tahay inaad si qarsoodi ah u xaqiijiso natiijadaada WA Notify, tixraac “Sida dadka kale loo ogeysiiyo haddii aad iska baarto iskana hesho COVID-19” qaybta sare ee boggan si aad uga hesho tillaabooyinka lagu codsanayo koodka xaqiijinta si markaa si qarsoodi ah loogu ogeysiiyo isticmaaleyaasha kale ee WA Notify ee laga yaabo inay qaadeen caabuqa.

Ma jiraa wax aan u baahanahay inaan sameeyo kadib markaan ku daro WA Notify taleefankayga?

Talaabo dheeraad ah waxaa kaliya lagaa rabaa haddii:

  1. Lagaa helay COVID-19, ama
  2. Aad hesho ogaysiiska ah inaad la joogtay qof caabuqa qaba.

Haddii baaritaankaaga uu noqdo mid togan, oo qof ka socda DOH ama maamulka caafimaadka dadweynaha ee deegaankaaga uu kula soo xiriiro, waxay ku weydiin doonaan inaad isticmaalayso WA Notify. Haddii aad tahay, waxay kuu soo diri doonaan lifaaqa xaqiijinta iyo/ama ogeysiin waxayna kaa caawin doonaan inaad raacdo tillaabooyinka si aad ugu gasho WA Notify. Lifaaqa ama ogeysiiska kuma xirna macluumaadkaaga shaqsiyeed. DOH ma laha hab ay ku ogaato qofka uu ku wargelin doono abku xog ku saabsan qaadista caabuqa. Ogeysiiska qaadista caabuqa kuma jiri doonaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan. Dadka badan oo si qarsoodi ah u xaqiijiya natiijooyinkooda WA Notify, ayaa ah sida ugu fiican aan uga hortagi karno faafitaanka COVID-19.

Haddii baaritaankaaga uu noqdo mid togan oo aad u baahan tahay koodhka xaqiijinta, tixraac “Sida dadka kale loo ogeysiiyo haddii aad iska baarto iskana hesho COVID-19 adigoo isticmaalaya qalabka is-baaritaanka” qaybta sare ee boggan si aad uga hesho tillaabooyinka lagu codsanayo koodka xaqiijinta si markaa si qarsoodi ah loogu ogeysiiyo isticmaaleyaasha kale ee WA Notify ee laga yaabo inay qaadeen caabuqa.

Haddii aan isticmaalo WA Notify ma dhuuqaysaa dabka taleefankayga ama khadka interneetka simikaarka?

Maya. Waxaa loo sameeyay inay saamayn yar ku yeelato khadkaaga interneetka iyo dabka taleefankaaga ayadoo isticmaasha tignooloojiyada Bluetooth Low Energy.

Maxay ugu egtahay in ablikeeshinka WA Notify uu isticmaalaayo batari badan?

Dhab ahaantii, sidaas maaha. Isticmaalka baytariga aaladdaada waxay muujineysaa boqolkiiba inta batteriga la isticmaalo maalin kasta oo ay ku jiraan inta uu isticmaalo ablikeeshinka WA Notify. Inta badan ablikeeshinada iyo aaladaha ma shaqeeyaan habeenkii. WA Notify sidoo kale sidaas ma sameeyo, laakiin wuxuu hubiyaa koodhyada random-ka dhawrkii saacadoodba mar si uu u raadiyo isticmaale baaritaankiisa yahay mid togan si uu kuugu wargeliyo wixii u bayla noqosho ah oo suurtagal ah. Sidaas darteed, tusaale ahaan, haddii ablikeeshino kale aanan shaqeynin intaad jiiftid, WA Notify ayaa noqon doonta ablikeeshinka isticmaalay dabka bateriga boqolkiiba inta ugu badan muddadaas. Taas macnaheedu maaha in WA Notify ay isticmaalayso batari badan - kaliya boqolkiiba qeybta ugu sareysa ee tirada yar ee batteriga la isticmaalo.

Ma u baahanahay inaan mar kasta daaro Bluetooth ka si WA Notify u shaqeeyo?

Haa. WA Notify waxay adeegsataa Bluetooth Low Energy, marka Bluetooth ku waa inuu markasta u furnaadaa si aaladu usoo qabato dadka kale ee kuusoo dhawaada.

Ma qasab baa inaan aalada WA Notify u furo taleefankayga si ay u shaqayso?

Maya. WA Notify wuxuu ku shaqayn doonaa maskaxda taleefankaaga.

WA Notify maku shaqeeyaa taleefannada casriga ah ee hore?

dadka isticmaala iPhone waxay isticmaali karaan WA Notify haddii nidaamka ku shaqeeya taleefankaaga uu yahay:

  • iOS Nooca 13.7 ama mid ka dambeeyey (kuwa isticmaala iPhone 6s, 6s Plus, SE ama ka cusub)
  • iOS nooca 12.5 (kuwa isticmaala iPhone 6, 6 plus, 5s)

Dadka isticmaala Android ka waxay adeegsan karaan WA Notify haddii Android kaagu casriga ah ku shaqaynaayo aalada Bluetooth Low Energy nuqulka Android kuna yahay 6 (API 23) ama ka badan.

Ma qasab baa inaan jiro 18 si aan u isticmaalo WA Notify?

Maya. WA Notify ma yaqaano ama ma hubiyo da'daada.

Aaladaan ma shaqayn doontaa haddii aan taleefanka u dhiibo qof kale?

Wa Notify ma sheegi karto qofka isticmaalaaya taleefan waqtiga taleefanku u dhawaa qof caabuqa qaba. Haddii aad talefan cid kale wadaagtaan, qof kasta oo taleefanka isticmaalaha waa inuu raacaa tilmaamaha caafimaadka dadwaynaha haddii WA Notify sheegto in laga yaabo inaad la joogtay qof qaba COVID-19.

Waxaan helay ogeysiis iyo / ama qoraal, laakiin qofka la baaray wuxuu ahaa qoyska ama xubin reerka ah. Maxay tahay inaan sameeyo?

WA Notify isticmaalaha laga helay cudurka waa inuu raacaa tillaabooyinka si qarsoodi ah ugu digo dadka kale ee laga yaabo in ay soo qaadeen, markaa waa in aad iska indho tirtaa qoraal kasta ama ogeysiisyada aan adiga lagugu talagalin.

Haddii qoyskaaga ama xubin ka tirsan qoyskaaga uu yahay mid isticmaala aalada WA Notify, uuna baaritaankiisa noqdo mid togan, oo ay welina u baahan yihiin inay xaqiijiyaan natiijadooda WA Notify, waxay raaci karaan tallaabooyinka qeybta “Sida dadka kale loo ogeysiiyo haddii aad iska baarto iskana hesho COVID-19 adigoo isticmaalaya qalabka is-baaritaanka” ee boggan.

WA Notify ma ku shaqeeyaa aaladaha sida iPad ama saacadaha casriga ah?

Maya. Nidaamka Ogeysiinta U-bayla Noqoshada/Soo-gaarista Caabuqa waxa si gaar ah loogu talagalay taleefannada casriga ah lagumana talagalin iPad-yada ama tablet-yada.

Muxuu gobalka Washington samaynayaa si uu ugu fududeeyo helitaanka tignooloojiyadaan dadka aan haysan taleefannada casriga ah?

WA Notify maaha aalada kaliya oo gacanta ka gaysanaysa kahortaga faafida COVID-19. Dabagalka dadka la joogay qofka caabuqa qaba iyo dadaalo kale ayaa faa'iido u leh qof kasta oo degan Washington, xataa haddii aysan haysan taleefan casri ah. Tallaallada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu joojin karo faafitaanka COVID-19, iyo xirashada maskarooyinka, kala fogaanshaha jirka, xaddidida baaxada kulamada ayaa ah qaabab kale oo qof walba uu gacan uga geysan karo joojinta faafitaanka COVID-19.

Lifeline program (Barnaamijka khadka-nolosha) ee dawladda federaalka wuxuu bixiyaa deynta biilka taleefanka bil kasta kuwa u qalma. Qaar ka mid ah kaqeybgalayaasha adeegga fiila-la'aanta ah ayaa laga yaabaa inay sidoo kale bixiyaan taleefanada casriga ah oo bilaash ah Xog badan oo ku saabsan barnaamijka, kuwaa soo u qalma, sida loo codsado iyo kaqeybgalka bixiyeyaasha fiila-la'aanta ah (Ingiriiska oo kaliya).

Washington waxay kusoo saartay WA Notify in ka badan 30 luuqadood, markaa maxaan ugu arkaa kaliya Ingiriiska iyo Isbaanishka Bakhaarka Barnaamijyada Google Play?

WA Notify waxay ku shaqeysaa luqadda lagu hagaajiyey taleefanka isticmaalaha. Waxa jira keliya hal nooc oo WA Notify ah, laakiin wixii soo booditaan ah – ogeysiisyada u bayla noqoshada caabuqa, tusaale ahaan - waxay ku soo bixi doonaan luqadda isticmaaluhu doorbido oo gaaraya in ka badan 30 luqadood.

Waqti intee le'eg ayaan haystaa si aan u taabto ogeysiiska ama aan ku furto linkiga xaqiijinta?

Waxaad haysataa 24 saacadood kadib markii aad hesho ogeysiiska ama farriin Qoraalka ah si aad u raacdo tallaabooyinka lagu ogeysiinayo dadka kale ee WA Notify. Haddii aadan awoodin inaad taabato ogeysiiska ama aad gujiso linkiga xaqiijinta wakhtigaas, waxaad codsan kartaa koodhka xaqiijinta ee WA Notify adiga oo raacaya tillaabooyinka ku jira qeybta “Sida dadka kale loo ogeysiiyo haddii aad iska baarto iskana hesho COVID-19 adigoo isticmaalaya qalabka is-baaritaanka” ee boggan. Waxaad sidoo kale codsan kartaa linkiga xaqiijinta marka qof ka socda DOH ama maamulka caafimaadka dadweynaha ee degaankaaga uu kaala soo xiriiro natiijadaada baaritaanka COVID-19.

Maxay Washington u dooratay aaladaan?

Washington waxay samaysay koox kormeer dawladeed ah, oo ay ku jiraan khubarada amniga iyo xoriyada madaniga ah iyo xubno ka tirsan bulshooyin oo dhowr ah, si ay dib ugu eegaan nidaamka digniin bixinta ee Google/Apple. Kooxdu waxay ku taliyeen in la dhaqangeliyo iyadoo lagu salaynayo isku halaynta la xaqiijiyay ee aalada, ilaalinta xogta ee adag iyo isticmaalka gobollada kale.