Foomamka Cabashada

Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) waxay aqbashaa cabashooyinka la xariira dhakhaatiirta iyo xarumaha aan siinay aqoonsiyada iyo xarumaha caafimaadka ee shaqeeya ruqsad la'aanta. 

Haddii aad cabasho ka gudbineyso dhakhtar, fadlan ku dar:

  • Cabasho gaar ah oo aad kusoo darayso faahfaahinta ugu badan ee macquulka ah
  • Magaca dhakhtarka oo buuxa  
  • Ciwaanka goobta xarunta caafimaadku ku taalo

Haddii aad soo gudbineyso cabasho la xariira xarun ku dar:

  • Cabasho gaar ah oo aad kusoo darayso faahfaahinta ugu badan ee macquulka ah
  • Magaca xarunta
  • Ciwaanka xarunta

Aqoonsi ma siino noocyada xarumahaan soo socda mana eegno cabashooyinka la xariira:

Si aad cabasho u gudbiso, fadlan hoos ka hel foomamka cabashada. Si aad ugu codsato dukumiinti qaab kale ah, wac 1-800-525-0127 ama buuxi online feedback form. Macaamiisha dhagoolka ah ama dadka maqalka adag, fadlan waa inay wacaan 711 (Khadka Xiriirka Washington).

Si aad ugu codsato foomka cabashada luuqad aan hoos ku qorneyn, fadlan naga soo wac lambarkaan 360-236-2620. Intaas waxaa dheer, waxaad soo gudbin kartaa cabasho ka dhan ah dhakhtar adoo noogu soo diraya iimaylkaan hsqacomplaintintake@doh.wa.gov ama boostada 

Hubinta Tayada Nidaamyada Caafimaadka
P.O. Box 47857
Olympia, WA 98504-7857

Foomamka Xarunta, Kooxaha Kalkaalisada iyo Xirfadleyda Daryeelka Caafimaadka

Foomamka La-talinta Agabyada Caafimaadka

Foomka Cabashada Kalkaalisada Xirfadlayda ah

Foomka Cabashada Kaaliyaha Dhakhtarka iyo Xarunta Caafimaadka