Si degdeg ah loola wadaagi karo bulshada: Maarso 9, 2026 (26-032-Somali)
Xidhiidhka: Waaxda Isgaarsiinta DOH
Tallaalka MMR (Jadeecada, Qaamo-qashiirka, Rubellada) ayaa weli ah habka ugu fiican ee lagu joojin karo faafitaanka jadeecada
OLYMPIA – Cudurka jadeecada ayaa weli ah dhibaato caafimaad oo halis ah oo ka jirta Washington iyo guud ahaan dalka. The Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka Gobolka Washington) (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) ayaa xaqiijisay 26 kiis oo jadeeco ah (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) sanadkan laga helay afar degmo, tani oo ah koror marka loo eego seddex kiis oo laga soo sheegay hal degmo markay ahayd Janaayo 16 (ku qoran luqadaha Ingiriisiga iyo Isbaanishka).
26-da kiis ee jadeecada ee la soo sheegay labada bilood ee ugu horeeya 2026 waxay ka badan yihiin laba jeer 12-kii kiis ee laga soo sheegay gobolka oo dhan sanadkii 2025. In ka badan kala bar kiisaska jadeecada ee Washington sanadkan 2026 waxay la xiriiraan faafitaan ay isku xigxigaan oo seddex kiis ama wax ka badan ah. Marka la eego, sanadkii 2025 wax faafitaan oo jadeeco ah lama soo sheegin.
Guud ahaan dalka, kiisaska gudaha Maraykanka waxay hadda dhaafeen 1,100 kiis oo jadeeco ah (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) sanadkan 2026. Kororkan wuxuu muujinayaa soo noqoshada cudurka jadeecada kaas oo lagu dhawaaqay in laga ciribtiray Maraykanka sanadkii 2000.
Ku dhowaad 80% kiisaska jadeecada ee sanadkan laga soo sheegay Washington waxay ku dhaceen carruur, oo ay ku jiraan 16 kiis oo carruur da’doodu u dhaxayso 5–17 iyo afar kiis oo carruur da’doodu ka yar tahay 5 sano. Kiisaska la xaqiijiyay waxaa laga helay Snohomish County (14 kiis), Clark County (8 kiis), Stevens County (3 kiis), iyo Kittitas County (1 kiis). Dhammaan kiisaska jadeecada waxay ku dhaceen dadka aan la tallaalin (24 kiis) ama aan la garanayn xaaladdooda tallaaleed (2 kiis).
"Tallaalka MMR wuxuu badbaadiyaa nolosha waana difaaca ugu fiican ee aan kaga hortagno jadeecada," ayuu yiri Dr. Tao Sheng Kwan-Gett, Sarkaalka Caafimaadka Gobolka, DOH.
"In kasta oo jadeecada lagu dhawaaqay in laga ciribtiray Maraykanka 26 sano ka hor, haddana waxaan aragnaa kiisaska oo sii kordhaya kuwaas oo la xiriira faafitaanno ka dhacay gobollo kale, gaar ahaan qoysaska aan la tallaalin. Ma ogaan kartid goorta ama meesha qoyskaaga uu ka qaadi karo cudurka jadeecada, sidaas darteed hubi in qof walba qaato tallaalka ugu dambeeyay ee MMR, oo ka mid ah tallaalada sida ugu fiican loo baaray."
Ku Saabsan Jadeecada
Jadeecada (lagu heli karo luuqado badan) waa cudur si fudud u faafa wuxuuna ku faafo hawada marka qof cudurka qaba qufaco, hindhiso, neefsado, ama hadlo. Fayrasku wuxuu hawada ku jiri karaa ilaa laba saacadood, taas oo ka dhigan in dadka ay qaadi karaan cudurka xitaa ka dib marka qofka xanuunsan uu meesha ka tago.
Calaamadaha cudurka badanaa waxay soo ifbaxaan 7–21 maalmood ka dib marka qofku qaado cudurka waxaana ka mid ah calaamadaha:
- Qandho heer sare ah, qufac, iyo sanka oo dareere iyo diif ka socdaan.
- Indho guduudan oo ilmo ka socdaan.
- Finan ka bilaabma wajiga kuna fida jirka oo dhan
Jadeecada waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo nafta halis gelin kara sida oof-wareen iyo barar maskaxda ah, gaar ahaan ku dhaca dhallaanka iyo carruurta yaryar. Sanadkii 2025 waxaa Maraykanka laga soo sheegay seddex dhimasho oo ay sababtay cudurka jadeecada.
Baaritaannada Socda iyo Tallaabooyinka Wax ka qabashada
DOH waxay sii wadaysaa inay si dhow ula shaqayso ururada qabiilada iyo hay’adaha caafimaadka deegaanka si ay uga caawiyaan baaritaanka kiisaska, fududeeyaan baaritaanka shaybaarka, bixiyaan tallaalka MMR, iyo inay sameeyaan wacyigelin bulshada si ay u bixiyaan waxbarasho ku saabsan ka hortagga jadeecada isla markaana ay uga caawiyaan meelaha gaarka ah sida dugsiyada inay isu diyaariyaan ka jawaab celinta kiisaska jadeecada ee suurtagalka ah.
Sanadkan DOH waxay bilowday samaynta falanqaynta hidde-sideyaasha buuxa ee kiisaska jadeecada ee lagu xaqiijiyay shaybaarka. Baaritaanka hidde-sideyaashu waxay muujisaa “faraha hidde-sideed” ee fayraska, taas oo ka caawisa dhakhaatiirta iyo saynisyahannada inay ogaadaan in kiisasku isku xiran yihiin ama ay ka yimaadeen ilo kala duwan. Falanqaynta hadda jirta waxay muujinaysaa in kiisaska cudurka jadeecada ee Washington sanadkan 2026 ay ka yimaadeen ilo kala duwan oo ka baxsan gobolka.
Kahortagga: Tallaalka MMR
Tallaalka jadeecada, qaamo-qashiirka, iyo rubellada (MMR) (ku qoran luqadaha Ingiriisiga iyo Isbaanishka) waa mid badbaado leh oo aad waxtar u leh. Hal qiyaas waxay waxtar leedahay 93%, laba qiyaasna waxay waxtar leeyihiin 97%. Qaadashada tallaalka MMR way ka badbaado badan tahay marka la barbardhigo qaadista cudurka jadeecada, waxayna ilaalisaa qoyskaaga iyo bulshadaada. Carruurtu badanaa waxay qaataan tallaalka MMR marka ay gaaraan 1 sano jir iyo mar kale marka ay gaaraan 4 sano jir, laakiin waxaa
jira tilmaamo gaar ah (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) oo loogu talagalay dadka ku nool ama u safraya meelaha uu ka jiro faafitaanka cudurka, oo ay ku jiraan carruurta ka yar 1 sano. Dadka waaweyn ee aan la tallaalin sidoo kale way qaadan karaan tallaalka MMR. Inta badan dadka qaada cudurka jadeecada ma aha kuwo la tallaalay.
Ilaha Tallaalka
Tallaallo bilaash ah ama qiimo jaban leh ayaa lagu heli karaa:
- Childhood Vaccine Program (Barnaamijka Tallaalka Carruurta) (lagu heli karo luuqadda Ingiriisiga), oo bixiya tallaallo bilaash ah oo loogu talagalay carruurta aan lahayn caymis, haysta caymis xaddidan, ama ku jira Medicaid.
- Adult Vaccine Program (Barnaamijka Tallaalka Dadka Waaweyn) (ku qoran luuqadda Ingiriisiga), oo bixiya tallaallo loogu talagalay dadka waaweyn ee da’doodu tahay 19 sano iyo kuwa ka sii weyn ee aan lahayn caymis ama leh caymis xaddidan
- Washington Apple Health (Medicaid) (ku qoran luqadaha Ingiriisiga iyo Isbaanishka), oo daboola tallaallada lagu taliyay iyada oo aan wax kharash ah laga qaadin dadka deggan Washington ee u qalma.
Si aad u aragto tirada kiisaska hadda jira, meelaha laga yaabo in cudurka laga qaado, iyo macluumaadka ka hortagga, booqo mareegta howlaha jadeecada ee DOH (ku qoran luuqadda Ingiriisiga).
Mareegteenna (ku qoran luuqadda Ingiriisiga) waa il aad ka heli karto macluumaad caafimaad oo muhiim ah. Hel akhbaaraha cusub adigoo nagala soconaya baraha bulshada (ku qoran luqadaha Ingiriisiga iyo Isbaanishka).
###