Monkeypox (MPV)

Caabuqa mpox virus wuxuu keeni karaa xanuun wato finan iyo calaamado kale. Inta badan lagama helo Mareykanka, laakiin waxaa hadda jira dillaaca caabuqa mpox oo kiisaskiisa ay ku faafayaan gudaha gobolka Washington iyo guud ahaan dalka, iyo sidoo kale wadamo kale.

mpox waxa uu qofka qofkale oga gudbi karaa nooc kasta oo isku dhawaansho dhaw ah, haddii jirkoodu istaabto, iyada oo aanan loo eegin cidda uu galmo kahelo qofka, aqoonsiga jinsiga, ama da'da, oo ay kujiraan ilmaha. Qofkasta waa uu kudhici karaa caabuqa mpox. mpox waxa uu sidoo kale kudhex faafi karaa xayawaanada iyo xayaawaduna waxay ku faafin karaan dadka.

Xog badan ka ogoow

Wac 1-833-829-CAAWIMAADA Haddii aad qabto su'aalo kusaabsan arrimaha halisa ah ee ku saabsan mpox, talaalada, baaritaanada, ama daaweynta. Caawimaad luuqadeed ayaa lagu heli karaa 240 luuqadood.

Ayadoo loo maraayo iskaashiga socda ee lala leeyahay Washington 211, adeeggaan waxaa la heli karaa laga bilaabo 6:00 a.m. illaa 10:00 p.m. Isniinta, iyo 6:00 a.m. illaa 6p.m. Taaladada ilaa Axada iyo maalmaha fasaxa ah ee la oggol yahay. Dadka wicitaanka ka jawaabaha ma awoodi doonaan inay jadwal u sameeyaan ballamaha tallaalka.

Dadka dhagoolka ah, maqalkoodu culus yahay, iyo dadka isticmaalaha TTY: Adeegso adeegga relay ee aad doonayso ama wac 711 kadibna 1-833-829-4357 (CAAWIMAAD).

 Fiiri xogta tifaftiran iyo macluumaadka talaalka cudurka monkeypox ee ka dillaacay gobolka Washington. Macluumaadkaan waxaa la cusbooneysiiyaa Isniin, Arbaco, iyo Jimce kasta.

Khariidadaha iyo tirada kiisaska Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada)

Tirada kiisaska ee gobolka Washington

Updated September 20, 2023 at 10 a.m. PT

Actualizado 9/20/2023 10 a.m. PT

تم التحديث الساعة 10 صباحًا يوم 20 سبتمبر 2023 بتوقيت المحيط الهادئ

更新于太平洋标准时间 2023 年 9 月 20 日上午 10:00

更新于太平洋标准时间 2023 年 9 月 20 日上午 10:00

បានធ្វើបច្ចុប្បន្នភាពនៅថ្ងៃទី 20 ខែកញ្ញា ឆ្នាំ 2023 វេលាម៉ោង 10:00 ព្រឹក PST

2023년 9월 20 일 오전 10:00 PST에 업데이트됨

20 ਸਤੰਬਰ, 2023 ਨੂੰ ਸਵੇਰੇ 10:00 ਵਜੇ PST ਨੂੰ ਅੱਪਡੇਟ ਕੀਤਾ ਗਿਆ

Обновлено 20 сентября 2023 г., 10:00 по тихоокеанскому времени.

La cusbooneysiiyay September 20, 2023 10:00 AM PST

Ang update ay September 20, 2023 nang 10:00 am PST

Оновлено 20 вересня 2023 р. о 10:00 за тихоокеанським стандартним часом

Cập nhật vào ngày 20 tháng 9 năm 2023, 10:00 sáng PST

CountyCondadoعدد الحالات郡县郡縣ខោនធី​카운티ਕਾਉਂਟੀОкругDegmadaCountyОкругQuận Number of casesCantidad de casosالمقاطعة病例数病例數ចំនួនករណីឆ្លង감염 사례 수 ਮਾਮਲਿਆਂ ਦੀ ਗਿਣਤੀ Количество случаевTirada kiisaskaBilang ng kasoКількість випадківSố ca nhiễm
Benton <10
Chelan <10
Clallam <10
Clark 14
Cowlitz <10
Grant <10
Grays Harbor <10
Island <10
King 536
Kitsap <10
Kittitas <10
Lewis <10
Mason <10
Pierce 61
Skagit <10
Snohomish 41
Spokane 10
Thurston <10
Walla Walla <10
Whatcom <10
Yakima <10
Total casesCasos totalesإجمالي الحالات病例总数病例總數ករណីឆ្លងសរុប총 감염 사례 수ਕੁੱਲ ਮਾਮਲੇВсего случаевWadarta guud ee kiisaskaKabuuang bilang ng kasoУсього випадків зараженняTổng số ca nhiễm 700

Soo dagso Xaashiyooyinka xogta

Xaashida xogta oo ku socota qaniisiinta, labo galmoodlaha, iyo ragga kale ee u galmooda ragga kale (PDF)

Furuqa Daanyeerka - Waxa aad U baahan Tahay inaad Ogaato (PDF)


picture of monkeypox rash on the palm of a hand
picture of monkeypox rash on a wrist
picture of monkeypox rash on a thumb

 

picture of monkeypox rash on a person's back

Jawaabaha Su'aalaha Badanaa La iswaydiiyo

Ku saabsan caabuqa mpox

Sidee ayuu ku faafaa caabuqa mpox?

Gudbinta caabuqa mpox waxa ay u baahan tahay in la taabto qof leh astaamaha caabuqa. La macaamilka kooban ee aan ku lug lahayn taabashada jirka iyo la macaamilka daryeelka caafimaadka ee lagu sameeyo qalabka ilaalinta ee ku haboon ma ahan khatar sare.

Fayraska mpox waxa uu qofka uga qaadi karaa qofka kale:

  • Taabashada tooska ah marka qofku taabto maqaarka ama dheecaanada jirka ee qofka qaba cudurka (oo ay kujirto istaabashada galmada).
  • Taabashada sheeyaasha uu soo gaaray fayraska (sida gogosha ama dharka).
  • Dhibcaha kayimaada neefsashada inta lagu jiro istaabashada tooska ah iyo istaabashada dheer ee fool-ka-foolka ah.

Dadka qaba caabuqa mpox ee la xaqiijiyey ayaa faafin kara isla marka ay yeeshaan astaamaha cudurka waa ayna sii faafiyaan ilaa qolfaha saaran finanka ay kasoo daataan. Qofka qaba caabuqa mpox waa inuu iska keli-yeelaa dadka kale ilaa qolfaha saaran finanka ay kasoo daataan.

Bani'aadamka waxa ay sidoo kale kasoo qaadi karaan cudurka mpox taabashada xayawaanada caabuqa qaba.

Waa maxay astaamaha fayriska?

mpox wuxuu keeni karaa astaamo kala duwan oo ay kujiraan, qandho, madax-xanuun, qanjir barar, oo ay ka dambeeyaan finan kasoo bixi kara meel kasta oo jirka kamid ah. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan dareemin wax astaamo ah kahor inta aysan bilaaban finanka Cudur dillaaca hadda jira, dad badan oo uu kudhacay waxa ay boogo ku leeyihiin agagaarka xubnaha taranka ama dabada. Dadka qaarkood waxa ay bilowgi hore xanuun ka dareemeen qeybta dabada, iyagoo leh ama aanan lahayn astaamo kale sida qandho ama madax-xanuun.

Caadi ahaan finanka waxa ay isku badalaan nabaro kuuskuusan, kadibna waxaa ka buuxsama dheecaan. Finanka waxaa ugu dambeyntii fuula qolfo, qolfahana waa ay kasii daataan. Sida caadiga ah, finanka waxa ay inta badan kasoo baxaan wajiga, cududaha, lugaha, iyo gacmaha. Hase yeeshee, haddii qofka uu caabuqa kasoo qaaday galmo, finanka waxaa laga yaabaa kaliya in ay kasoo baxaan qeybta xubnaha taranka ama dabada.

Muddada caabuqa (laga bilaabo waqtiga soogaarista cudurka ilaa bilaabashada astaamaha caabuqa) ee mpox ayaa badanaa ah 7-14 maalmood laakiin waxa ay u dhaxeyn kartaa 5-21 maalmood.

Dadka intooda badan waxa ay kasoo bogsadaan muddo 2-4 toddobaad gudahooda ah inkastoo boogaha ay ka tagi karaan nabarro. Cudurku waxa uu noqon karaa mid halis ah, gaar ahaan haddii uu ku dhaco dadka difaaca jirkoodu liito, carruurta, iyo haweenka uurka leh.

Dadka leh astaamaha caabuqa mpox waa inay la xariiraan dhakhtarkooda aasaasiga ah ama rugtooda caafimaadka. Booqashada ka hor, waa inay u sheegaan dhakhtarka ama rugta caafimaadka inay isaga shakisan yihiin mpox, una sheegaan inay dhawaan u dhawaadeen qof leh finankooda oo kale ama laga helay mpox. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Yaa halis ugu jira?

Qofkasta waa uu kudhici karaa mpox, laakiin dadka qaar ayaa halis weyn ugu jira. mpox waxa uu ugu horreyn ku fidaa istaabashada dhaw ee jirka (istaabashada maqaar iyo maqaar). Waxa uu sidoo kale ku faafi karaa dhibcaha kasoo faniina marka la neefsanaayo inta lagu jiro istaabashada dhaw ee muddada dheer ee waji-ka-waji ah, laakiin hawada la isuguma gudbiyo masaafada fog. La macaamilka kooban ee aan ku lug lahayn taabashada jirka iyo la macaamilka daryeelka caafimaadka ee lagu sameeyo qalabka ilaalinta ee ku habboon ayaa guud ahaan loo arkaa khatar hoose.

Qofkasta oo galmo sameeya ayaa halis ugu jira, halistana waxa ay sii korortaa mar kasta oo lamaanayaal badan galmo lala sameeyo.

Arrimaha kale ee halista ah (ku qoran Af-Ingiriiis) waxaa kujiri kara u safritaanka goobaha uu ku faafayo caabuqa mpox; istaabashada dhaw, ee aan galmada ahayn oo la taabto qof qaba cudurka; ama taabashada xoolaha xanuunsan. Si aad ooga ilaaliso naftaada iyo dadka kale mpox ama caabuqyada kale ee galmada lagu kala qaado, DOH waxa ay ku talineysaa:

  • Isticmaalka hababka galmada ee badbaadada leh iyo yareynta waxyeellada (ku qoran Af-Ingiriiis) sida yareynta tirada lammaanayaasha aad galmada la yeelaneyso. 
  • Ka fogaanshaha galmo lala yeesho qofkasta oo leh dhaawacyo furan, boogo, ama finan.
  • Ka fogaanshaha taabashada maqaarka jirka qof kale ee lala yeesho qofkasta oo leh dhaawacyo furan, boogo, ama finan, ama qofki qaba mpox.
Maxaa loo baahan yahay in la sameeyo si mpox looga xakameeyo gudaha gobolka Washington?

Xakameynta dillaaca cudurka waa suurtagal. mpox waxa inta badan la iskugu gudbiyaa istaabashada, maqaarka jirka, waa ayna yartahay in la isugu gudbiyo hawada.

  • Waxaa qasab inagu ah inaan joojino isugudbinta shakhsi-ka-shakhsiga ah, waxaana ubaahanahay inaan xaqiijino inaan kahortagno ugudbinta cudurka xoolaha la dhaqdo iyo duur joogta.
  • Caafimaadka dadweynaha ayaa gacan kageysan doonta xakameynta cudurkan iyadoo si dhakhsa ah u aqoonsanaysa kiisaska, macluumaad siineysa dadweynaha, kana caawineysa dadka uu kudhaco inay ogaadaan waxa ay tahay inay sameeyaan.
  • Tallaalidda dadka uu soo gaaray caabuqa mpox iyo kuwa halista weyn ugu jira caabuqa ayaa ah xeelad kale oo muhiim ah oo lagu xakameynaayo.

Shakhsiyaadku waxa ay gacan kageysan karaan xakameynta faafitaanka cudurka iyaga oo raacaya tilmaamaha ka hortagga ee ku qoran boggan, (ku qoran Af-Ingiriiis) iyo qaadashada tallaalka haddii daryeel bixiyaha caafimaadka uu kuu tilmaamo in lagugula talinayo. 

Maxaa ay tahay inaad sameyso haddii lagu soo gaarsiiyo caabuqa mpox?

Haddii aad u dhawaatay qof la xaqiijiyey ama suuragal ay tahay inuu qabay caabuqa mpox, qaadashada tallaalka isla markiiba ayaa kahortagi karta caabuqa. Isudhawaanshaha dhaw waxaa kamid noqon kara isla joogidda saacado badan, hab-isasiinta, laab-isgalinta, isdhunkashada, ama wadaagista sariirta ama dharka.

La xariir bixiyahaaga daryeelka caafimaadka ama waaxda caafimaadka maxalliga (ku qoran Af-Ingiriiis) si aad u hesho macluumaad haddii aad u maleyneyso in lagu soo gaarsiiyey cudurka. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Maxaa ay tahay inay dadku sameeyaan haddii ay u maleeyaan inay qabaan caabuqa mpox ama baaritaan looga helo caabuqa mpox?

Haddii uu kugu yaalo fin cusub ama aanan la garaneynin oo aadna u maleyneyso in taabasho, maqaarka jirka ah ay kaasoo gaartay qof qabay caabuqa mpox 21-ki maalmood ee lasoo dhaafay, la hadal dhakhtarkaaga caafimaadka ama rugta caafimaadka ee maxalliga ah si aad u ogaato inay tahay in lagu baaro ama in aad qaadato tallaalka. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Waxaad faafin kartaa caabuqa mpox laga bilaabo bilaabashada astaamaha caabuqa ilaa finanka ay si buuxdo bogsadaan, muddadaas oo qaadan karta labo ilaa afar toddobaad. Si aad isaga ilaaliso faafinta caabuqa:

  • Ka fogow dadka kale iyo xayawaanada (ku qoran Af-Ingiriiis) (xayawaanada naasleyda ah).
  • Ka xadid qoyska, saaxiibada, ama soo booqdayaasha kale inay u tagaan kuwa sida aadka looga rabo inay joogaan guriga.
  • Xiro maaskarada caafimaadka oo si fiican kuula eg marka aad isku dhawdihiin dadka kale ee jooga guriga.
  • Ha u oggolaan dadka kale inay taabtaan maqaarka jirkaaga, gaar ahaan meel kasta oo finan leh. Ka fakar xirashada gacmo-gashiyada la tuuri karo haddii aad boogo ku leedahay gacmaha oo aadna la nooshahay dad kale.
  • Iska joog guriga marka laga reebo inaad raadsanayso daryeel caafimaad. Haddii aad leedahay ballan caafimaad, wac xafiiska kahor inta aadan aadin si aad u ogaato inay jiraan habraacyo gaar ah oo lagaaga baahan yahay inaad raacdo.
  • Dabool boogaha oo ka ilaali dadka ilaa finanku ka baaba'ayaan, dhammaan qolfaha ay ka daadanayaan, maqaarka ka hooseeyana uu bogsanayo.
  • Dad hala wadaagin sariirta, shukumaanada, saxamada, ama maacuunta.
  • Had iyo jeer ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ama isticmaal jeermis dilayaasha laga sameeyey aalkolada, gaar ahaan kahor inta aadan wax cunin ama aadan taaban wajigaada iyo kadib marka aad isticmaasho suuliga.
  • Adiga un dhaqo dharkaaga iyo weelashaada.
  • Si joogto ah u nadiifi oo jeermiska ooga dil meelaha iyo sheeyaasha badanaa la taabto.
  • Qofkale u dir inuu qabto hawlaha xanaaneynta xayawaanada (xayawaanada naasleyda ah) sida kuwa guri jooga ah iyo xoolaha la dhaqdo.
  • Ka fogow isticmaalka taabshada ookiyaalayaasha indhaha si aad uga hortagto caabuq aan ula kac ahayn oo kuyimaada indhaha.
  • Iska ilaali inaad xiirto meelaha jirkaaga ay finanka kasoo bexeen.
  • Ha isticmaalin safarada ganacsiga (diyaarada, baska, tareenka/tareenka fudud, tagsiga, adeegyada gaadiidka la isla kireysto).
  • Ha dhunkan, hab ha-siinin, laabta hagalin, hala seexan, ama galmo hala sameyn dadka kale.

Haddii aad qabto caabuqa mpox oo si aad ah ula xanuunsaneyso, ama laga yaabo inay u badan tahay inaad si aad ah ula xanuunsatid, waxaa laga yaabaa inaad ubaahan tahay daawaynta ka hortagga fayraska. (ku qoran Af-Ingiriiis) Bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka hakuu waco waaxda caafimaadka maxalliga (ku qoran Af-Ingiriiis) si aad ooga hesho macluumaad.

Haddiiba aad horay uqabtay astaamaha caabuqa mpox, laguguma talinayo qaadashada tallaalka mpox. Weydii dhakhtarkaaga wixi kusaabsan daaweynta kahortagga fayraska. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Maxaa sababa mpox? Sidee ayuu kusoo gaaray bini'aadamka?

Caabuqa mpox waxaa la ogaaday sanadki 1958 marki labo cudur oo busbus u eg ay ka dillaaceen xero koox daanyeero ah loogu hayey in cilmi baaris lagu sameeyo. Kiiski ugu horreeyey oo banii'aadan laga helo waxaa la diiwaangeliyey sanadki 1970.

Inkasta oo magaciisa loo bixiyey “furuq-daanyeer,” hadana weli lama garanaayo meesha uu cudurka ka yimid. Hase yeeshee, jiirka Afrikaanka ah iyo noolayaasha aanan banii'aadanka ahayn (sida daanyeerada) ayaa laga yaabaa inay qaadaan fayraska oo ayna dadka qaadsiiyaan.

Dhawr sababood ayaan hadda u arkeynaa kiisaska badan ee caabuqa mpox.

  • Sababta ugu weyn waxa ay tahay in aanan weli laqaadan tallaalka kadhanka ah busbuska. Tallaalka busbuska waxaa kale oo uu dadka ka ilaalinayay caabuqa mpox. 
  • Kiisaska qaarkood ee caabuqa mpox ee waagi hore malaha waxaa lagu qaldi jiray cudurka busbuska, marka hadda waxaan u aragnaa iyadoo qeyb ahaan sabab u tahay baaritaanka saxda ah. 
  • Caalamka, kiisaska maaanta casriga ah ee caabuqa mpox waxaa inta badan ku lug leh safarada caalamiga ah ama soogaarista xoolaha dibedda laga keeno, dhaqamo maalmahan aad u badan marka loo eego waayihi hore.
Xoolaha, gaar ahaan kuwa rabaayadda ah ee la dhaqdo, ma kudhici karaa caabuqa mpox?

Xayawaanada naasleyda ah waa uu ku dhici karaa mpox. Waxaa halkaan kuyaalla sida looga hortagi karo ugudbinta fayraska ee xoolaha. (ku qoran Af-Ingiriiis)

mpox ma cudur dilaa ah baa?

Caabuqa mpox ee la aqoonsaday marki uu dillaacay 2022 nasiib wanaag waa dhif iyo naadir ah in loo dhinto.

  • Dadka habdhiska difaaca jirkoodu liito, carruurta kayar da'da 8 sano, dadka ay kusoo dhici jirtay cudurka canbaarta, iyo haweenka uurka leh ama kuwa naasnuujinaya ayaa laga yaabaa inay aad ula xanuunsadaan ama u dhintaan.
  • Inkasta oo caabuqa mpox uu yahay mid naadir ah inuu wax dilo, hadana astaamaha ayaa noqon kara kuwo aad u xanuun badan, dadkana waxa ay kaqaadi kaaraan nabarro raaga oo ay sababeen finanka.
  • Dillaaca cudurka ee hadda, waxaa Mareykanka ugu dhintay hal qof. Tiro dad yar ah ayaa u dhintay dalalka kale.
Haddii aad qabto caabuqa mpox, ma waxa aad ubaahan tahay inaad guriga iska joogto ama in aad aado isbitaal?

Haddii aad isaga shakido inaad qabto caabuqa mpox, isaga takoor dadka kale qol hal qof loogu talagalay haddiiba laheli karo oo isla markiiba la hadal dhakhtarka bixiya daryeelka caafimaadkaaga. Weydii haddii aad ubaahan tahay inaad aado xafiis caafimaad ama isbitaal. Waxaa muhiim ah inaad wacdo isla marka aad u maleyso inaad qabto astaamaha cudurka sababtoo ah daawooyinka kahortagga fayraska ayaa laga yaabaa in loo heli karo dadka halista weyn ugu jira inay si aad ah ula xanuunsadaan cudurka. Haddii lagu soo gaarsiiyey cudurka oo hadana aadan qabin astaamaha cudurka, waxaa laga yaabaa in lagu tallaalo. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Waa kuwee kooxaha dadka ah ee khatarta weyn ugu jira inuu kudhaco caabuqa aadka u daran?

Dadka habdhiska difaaca jirkoodu liito, carruurta kayar da'da 8 sano, dadka ay kusoo dhici jirtay cudurka canbaarta, iyo haweenka uurka leh ama naasnuujinaya ayaa laga yaabaa inay aad ula xanuunsadaan ama u dhintaan.

Haddii waagi hore aad qaadatay tallaalka busbuska, waxaa laga yaabaa inaad khatar yar ugu jirto caabuqa mpox. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in aanay nolosha oo dhan noqon. Inti lagu jiray sanadki 2003 marki uu dillacay cudurka mpox iyo inti lagu jiray marka uu hadda dillaacay caabuqa mpox, dad badan oo uu kudhacay cudurka mpox ayaa horay looga tallaalay busbuska toboneeyo sano kahor.

Inta lagu jiro jawaabta laga bixinayo dillaaca caabuqa mpox, tallaalka iyo tallaabooyinka kale ee caafimaad ayaa ah in lasiiyo dadka uqalma ee horay looga tallaalay busbuska.

Waa maxay qaar kamid ah tusaalooyinka finanka caabuqa mpox?

Boogaha caabuqa mpox (kuuskuusyada) inta badan waa kuwo canjir ah, oo leh dhibic ku taal nabarka dushiisa. Haddii uu kugu yaalo fin cusub ama aanan la garaneynin oo aadna u maleyneyso in taabasho, maqaarka jirka ah ay kaasoo gaartay qof qabay cudurka mpox 21-ki maalmood ee lasoo dhaafay, la hadal dhakhtarkaaga caafimaadka si aad u ogaato inay tahay in lagu baaro. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Monkeypox lesions
 
Images of monkeypox lesions

 

Baaritaanka

Sidee ayaan isku baari karaa

Haddii aad dareemayso astaamaha cudurka mpv, ama aad u dhawaatay qof cudurka furuq-daanyeerka laga helay 21-ki maalmood ee lasoo dhaafay, la xariir dhakhtar si uu u eego in ay tahay in lagu baaro iyo in kale.

Gobolka Washington maku yaro baaxadda awoodda lagu baarayo caabuqa mpox. Washington State Public Health Laboratory (PHL, Shaybaarka Caafimaadka Dadweynaha ee Gobolka Washington) ayaa awood u yeeshay inuu baaro kiis kasta oo laga shakiyo oo ay dhakhaatiirta caafimaadka gobolkeena usoo gudbiyeen waaxda caafimaadka maxalliga. Intaa waxaa dheer, sheybaarada ganacsiga ah ayaa hadda awood u leh inay baaraan caabuqa mpox. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Dhakhaatiirta iyo bixiyeyaasha kale ee caafimaadka maka dalbi karaan baaritaanka caabuqa mpox gudaha Washington?

Haa. Waxaa halkan ku yaalla sida uu u shaqeeyo baaritaanka gobolkeena:

  • Dadka leh astaamaha caabuqa mpox (oo ay kujiraan dadka finanka ku leh hal qeyb ama qeybo badan oo kamid ah jirka) waa inay booqdaan dhakhtar. Haddii dhakhtarka ka shakiyo caabuqa mpox, waxa uu dheecaan kaqaadi doonaa finka si loo baaro. Dhakhaatiirta waxaa laga yaabaa inay halmar isla baaraan xaaladaha kale ee caafimaad waxayna ubaahan karaan inay qaadaan dheecaano kala duwan. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)
  • Dheecaanadaan lasoo qaaday waxaa loo diraa sheybaarka si loo baaro. Dheecaanada waxaa la geyn karaa Washington State PHL ama sheybaarada kale ee caafimaadka ee kuyaalla deegaanka.
  • Haddii dheecaan laga helo cudurka, gobolka ama maamulka caafimaadka ee deegaanka ayaa bukaanka la xariiri doona. Waaxda caafimaadka dadweynaha ayaa kula talin doonta tallaabooyinka la qaadayo, oo ay kamidka yihiin haddii qofku ubaahan yahay inuu is-takooro, ama haddii uu u baahan yahay daawooyinka kahortagga fayraska. Waxa ay sidoo kale weydiin doonaan su'aalo si ay u ogaadaan haddii ay jiraan dad uu la kulmay bukaanka oo ubaahan tallaal, baaritaan, ama daaweyn.
Ma waxaa gabaabsi ah baaritaanka la heli karo?

Ma jirto gabaabsiga sahayda agabka wax lagu baarayo ee gudaha gobolka Washington.

Baaritaanka caabuqa mpox waxaa lagu sameeyaa Washington State Public Health Laboratories iyo sheybaaro caafimaad oo gaar ah.

Miyaynu hoos ugu dhigaynaa tirada kiisaska arrimo baaritaan awgood?

Waxa ay u badan tahay in dadka qaar uu kudhacay caabuqa mpox iyada oo aan la tirin. Kiisaska ayaa laga yaabaa inaanan laga aqoonsan gudaha Mareykanka iyo daafaha dunida iyada oo ay sabab u tahay xaaladaha aan caadiga ahayn ee uu soo bandhigayo cudurkan hadda dillaacay, ee ma ahan gabaabsiga kajira baaritaanka gudaha Mareykanka.

Soo bandhigidda caafimaad ee aan caadiga ahayn waxaa kamid ah astaamo kaduwan kuwi dhakhaatiirta ay horay ugu arkeen kiisaska, ay kamid yihiin finan kala duwan oo kuyaalo qeybo kala duwan oo jirka ah iyo iskugu gudbinta galmada, oo aan horay loo aqoon kahor cudurkan hadda dillaacay.

Ka eeg tirada hadda jirta: Khariidada Mareykanka ee 2022 & Tirada Kiisaska | Mpox | Busbuska | CDC(ku qoran Af-Ingiriiis)

Daawaynta

Waa maxay daaweynta la siinayo dadka qaba caabuqa mpox?

Dadka badankooda ayaa kasoo bogsada iyaga oo aan la daaweyn. Daawooyinka kahortagga fayraska ayaa loo heli karaa in lagu daaweeyo xaaladaha gaarka ah ee caabuqa mpox. Haddii astaamaha cudurka aanay bilaaban, tallaalka soogaarista kadib ah ayaa la dooran karaa. Tallaalka laqaato soogaarista kadib waxa uu yareyn karaa astaamaha ama waxa uu kahortagi karaa astaamaha cudurka.

Yaa ay tahay in la daaweeyo?

Qofkasta oo qaba xanuun daran, caabuq baahsan, halis weyn ugu jira inuu si aad ah ula xanuunsado, ama inuu caabuq kudhasho indhaha waa inuu weydiiyaa daryeel bixiyihiisa caafimaadka wixi kusaabsan in la daweeyo. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Dadka halista ugu jira caabuqa aadka udaran, waxaa ka mid ah:

  • Dadka habdhiska difaaca jirkoodu liito.
  • Carruurta kayar da'da 8 sano.
  • Dadka ay kusoo dhici jirtay cudurka canbaarta. 
  • Haweenka uurka leh ama naasnuujinaya.

Daawaynta waxa ay bilaaban kartaa kahor inta aanan la baarin qofka haddii si aad ah looga shakiyo caabuqa mpox oo uuna jiro caabuq aad u daran ama halis uu ugu jiro caabuqa aadka u daran. Maamulka caafimaadka maxalliga ayaa gacan kageysan kara helitaanka daawooyinka kahortagga fayraska.

Tallaalada looga hortagaayo caabuqa mpox

Ka warran tallaalka?

Si gacan looga geysto joojinta fiditaanka fayraska mpox, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Ka hortaga iyo Xakameynta Xanuunka) ayaa bixinaysa tallaalka loo yaqaano JYNNEOS ee gudaha Mareykanka. Si aad u hesho xogtii ugu danbeysay ee talaalka mpox, booqo Bogga xogta mpox..

Washington State Department of Health (DOH, Waaxda Gobalka Washington uqaabilsan Caafimaadka) ayaa ka shaqeynaysa si loo xaqiijiyo gaarsiinta tallaalka ilaa inta ugu badan ee dadka halista weyn ugu jira ee suuragalka ah. Si loo xaqiijiyo in tallaalka la gaarsiiyo dadka halista ugu jira caabuqa, waxaanu la shaqeyneynaa shuraakada Jaaliyadaha, maamullada caafimaadka deegaanka iyo lahawl-galayaasha bulshada si loo gaarsiiyo bulshooyinka u nugul loona xaqiijiyo helitaan siman.

Haddii aad aaminsan tahay inaad dhawaan aad ugu dhawaatay qof laga helay caabuqa mpox ayna tahay inaad qaadato talaal, fadlan la xariir dhakhtarkaaga. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)

Marki ay ahayd 9ka Ogoosto 2022, FDA ayaa fasaxday in tallaalka JYNNEOS loo isticmaalo xaaladaha degdegga ah (ku qoran Af-Ingiriiis) oo lasiiyo ilmaha kayar 18 sano. Tallaalka JYNNEOS waxaa horay loogu oggolaaday dadka jira da'da 18 sano iyo kaweyn.

Muxuu tallaalku qabtaa?

Dadka dhowaan la kulmay qof laga helay caabuqa mpox, tallaalku wuxuu yarayn karaa fursadda inuu ku dhaco caabuqa mpox. Tixgelinta Tallaalka Furuq-daanyeerka | Furuq-daanyeerka | Busbuska | CDC (ku qoran Af-Ingiriiis)

Labo tallaal oo hadda shatiga haysta, JYNNEOS (sidoo kalena loo yaqaano Imvamune ama Imvanex) iyo ACAM2000, ayaa laga heli karaa gudaha Mareykanka si looga hortago busbuska (oo ah nooc kamid ah fayraska furuqa).

  • Labaduba waxa ay gacan kageystaan inay dadka ka ilaaliyaan fayraska mpox, kaas oo sidoo kale ah fayraska furuqa. JYNNEOS ayaa sidoo kale ruqsad loo siiyey inuu gaar ahaan kahortago caabuqa mpox.
  • Tallaaladani waxaa laga heli karaa US Strategic National Stockpile Strategic National Stockpile (SNS, Kaydka Istaraatiijiyadda Qaranka ee Mareykanka).
  • Labadoodaba JYNNEOS iyo ACAM2000 waxaa la isticmaali karaa kahor iyo kadib soogaarista caabuqa mpox ee meelaha uu kadillaaco.
  • Waqti xaadirkan DOH ma bixiso tallaalka ACAM2000 iyada oo ay sabab u tahay waxyeellada aadka u weyn ee kadhasha qaadashadiisa.
  • Waxaa jira sahay ku filan oo ah tallaalka ACAM2000. Hase yeeshee, tallaalku waxa uu leeyahay waxyeello badan oo kadhasha qaadashadiisa waana in aanan loo isticmaalin dadka qaba xaaladaha caafimaad qaarkood, oo ay kujiraan habdhiska difaaca jirka ee liita, xaaladaha maqaarka jirka sida canbaarta, ama uurka.
  • Haddii aad qaadato tallaalka mpox, waa inaad weli wixi intaasi kadambeeyo aad kudhaqaaqdaa tallaabooyinka kahortagga, sida inaadan taaban maqaarka jirka ee qofka qaba caabuqa mpox. Laguuma arko inaad si buuxda u tallaalan tahay ilaa labo toddobaad ay kasoo wareegto marki aad qaadatay kuuradaadi labaad ee tallaalka JYNNEOS, waxaana laga yaabaa in tallaalku 100% uusan waxtar yeelan. Majirto xog ilaa hadda laga hayo waxtarka tallaaladaan ee cudurka hadda dillaacay.
Yaa uqalma in la tallaalo hadda?

Talaalka shaqsiyaadka la kulma qaybaha hoose waa in mudnaan la siiyaa xaddidaadaha sahayda talaalka.

  • Raga isku jinsiga ah iyo kuwa khaniisiinta ah iyo kuwa lab iyo dheddiga ah iyo shakhsiyaadka leh astaamaha khaniisnimada qarsoon ama badan, ama lammaane nimoon naaga ah 3 dii bilood ee la soo dhaafay.
  • Dadka isticmaalay daawada methamphetamine inta lagu jiray 3 dii billood ee lasoo dhaafay.
  • Dadka galmada ku badeshay lacagta, maandooriyaasha, ama ujeedooyin kale inta lagu jiray 3 dii billood ee lasoo dhaafay.
  • Dadka loo geystay xadgudubka galmada, ayadoon loo eegeyn jinsiga ama nooca galmada ay ka helaan.
  • Dadka la kulmay taabashada galmada ama maqaarkoodu taabtay qof kale oo qaba caabuqa mpox.

Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, eeg Tilmaamaha Isticmaalka Talaalka JYNNEOS

Yaa loo arkaa isudhawaansho dhaw?

Isudhawaanshaha dhaw waa qofka:

  • U dhawaaday qof qaba finan u muuqda caabuqa mpox ama qof laga helay mpox la xaqiijiyey ama suuragal ah. Tani waxaa kujiri kara taabashada dharka, gogosha, shukumaanada iwm. ee uu isticmaalay qof qaba caabuqa mpox.
  • Taabtay maqaarka jirka qof kujira shabakada bulshada la kulanta hawlaha cudurka mpox.
  • Taabtay xayawaan dhintay ama nool ama xayawaan qalaad oo kaliya laga helo Afrika ama isticmaalay alaab laga soo sameeyey xayawaanadaas (sida, hilibka ugaarta, kareemada, boomaatooyinka, budada, iwm.)
Intee in la'eg oo tallaal ah ayey dawladda federaalka u qoondaysay gobolka Washington?

Gobolka Washington waxaa loo qoondeeyey kumanaan koorso oo ah kuurada labada qaadasho ee tallaalka JYNNEOS.

  • Qoondayntaas, inta badan koorsooyinka waxaa marhoreba loo qeybiyey maamullada leh kiisaska la ogyahay iyo isudhawaanshaha dhaw.
  • Dawladda federaalku waxa ay u qoondayn doontaa tallaalo badan marka ay diyaar noqdaan.
Xagee ayaan ka heli karaa tallaalka?
  • Dadka loo aqoonsado inay u dhawaadeen kiisas la yaqaano oo cudurka ah waxa ay tallaalka kaqaadan karaan bixiyayaashooda adeegga caafimaadka. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)
  • Qaar kamid ah goobaha laga helo talaalka ayaa lagu qoray halkaan, Kani ma ahan liis dhammeystiran.
  • Bixiyayaasha daryeelka caafimaadka waxa ay la shaqeynayaan maamulladooda caafimaadka ee maxalliga ah si ay u helaan tallaalka.
  • Tallaalka JYNNEOS waa labo kuuro oo taxane ah oo kuurada koowaad la qaadanayo sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah kadib soogaarista cudurka, oo kuurada labaadna la qaadanayo 28 maalmood kadib. Waa inaad kuuradaada labaad kaqaadataa isla goobti aad kuuradaadi koowaad kaqaadatay. Waxaa laguu tixgelinayaa inaad si buuxda u tallaalan tahay labo toddobaad kadib marka aad qaadato kuuradaada labaad. Xitaa marka aad sida buuxda u tallaalan tahay, waa inaad sii waddaa dhaqamada kale ee badqabka iyo kahortagga ah sida inaadan taaban maqaarka jirka qof leh finan ama la xaqiijiyey ama suuragal ay tahay inuu qabo caabuqa mpox.
Miyay tahay in la tallaalo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka?

Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee aan hadda sameyn baaritaanka ogaanshaha caabuqa mpox hadda lagulama talinayo inay qaataan tallaalka.

Ma waxaa jiri doona goobo dad badan lagu tallaalayo?

Iyada oo aan sahay dheeraad ah laga helin CDC ama talo-soojeedinta ballaaran ee tallaalka, gobolka Washington wax qorshe ah uma hayo inuu qabto hawlo dad lagu tallaalayo rugaha tallaalka. DOH waxay si dhow ula shaqaynaysaa maamulada caafimaadka deegaanka iyo Iskaashatada caafimaadka qabaa'ilka si ay taageero ugu fidiyaan adeegyada tallaalka wareega si kor loogu qaado dadaalka.

Tallaalka COVID-19 ma kahortagaa caabuqa mpox?

Maya. Tallaaladu waxa ay u shaqeeyaan si kala duwan iyada oo ay ku xiran tahay fayraska ay bartilmaameedsanayaan. Tallaalka COVID-19 waxaa loo soosaaray inuu gacan kageysto kahortagga xanuunka daran iyo dhimashada katimaada caabuqa COVID-19. Kama hortago cudur kale, sida hergabka ama mpox. Kaliya tallaalada ruqsada haysta ee mpox iyo busbuska ayaa kahortaga caabuqa mpox.

Dadku ma u safri karaan wadanka dibadiisa iyaga oo aan qaadan tallaalka mpox?

Ma jirto xayiraad safar ama shuruud looga baahan yahay tallaalka mpox in lagu safro. Hase yeeshee, dalal badan ayaa ubaahan tallaalada kale kahor inta aadan safrin, marka kahubi waaxda caafimaadka deegaankaaga ama adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga inta aadan caalamka u safrin si aad u xaqiijiso inaad qaadatay dhammaan tallaalada aad u baahan tahay. Haddii aadan haysan dhakhtar, kahel mid halkaan. (ku qoran Af-Ingiriiis)