Jadeecada

Kiisaska Hadda jira

Kiisaska Jadeecada iyo Wararka Gobolka Washington (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Khariidadda Soo-gaadhista


Jadeecada, oo sidoo kale loo yaqaan rubeola, waa cudur fayras ah oo aad u faafa oo uu keeno fayraska jadeecada. Waxay ahaan jirtay awal cudur carruurta ku dhaca oo caan ah, laakiin hadda si badbaado leh ayaa looga hortagi karaa tallaal. (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Calaamadaha Jadeecada 

  • Qandho aad u sareysa
  • Qufac
  • Duufka sanka
  • Indho casaan ah, oo ilmaynaaya
  • Finanku ayaa caadi ahaan ku xiga 3-5 maalmood kadib, kuwaas oo ka bilaabma madaxa kuna faafa jidhka.

Dhibaatooyinka Jadeecada 

Dadka badankood way ka bogsadaan jadeecada, laakiin qaarkood waxay yeelan karaan dhibaatooyin halis ah. Jadeecadu waxay sababi kartaa caabuq dhegaha ah, oof-wareen, ama barar maskaxda ah. Carruurta yaryar iyo dadka difaaca jirkoodu daciif yahay ayaa u badan inay la kulmaan dhibaatooyin ka dhasha jadeecada.

Sida Jadeecadu u Faafto 

Jadeecadu waa fayras aad u faafa. Waxay ku faaftaa qof ilaa qof kale marka qof cudurka qaba uu qufaco, hindhiso, ama uu meel u dhow ka hadlo. Fayrasku wuxuu ku sii jiri karaa hawada ama meelaha dushooda ilaa 2 saacadood kadib marka qofka cudurka qaba uu ka tago aagga. Taas macnaheedu waxa weeye inaad jadeeco qaadi karto adigoo galaya qol uu dhawaan ka baxay qof qaba jadeeco. 

Yaa Halis ku Jira

Qof kasta oo aan qaadan tallaalka jadeecada wuxuu halis ugu jiraa inuu qaado jadeeco haddii ay soo gaarto. Dadka qaar waxay halis sare ugu jiraan dhibaatooyinka jadeecada, oo ay ku jiraan:

  • Carruurta da'doodu ka yar tahay 12 bilood iyo carruurta yaryar ee aan la tallaalin.
  • Dadka uurka leh ee aan la tallaalin iyo ilmahooda aan dhalan.
  • Dadka difaaca jirkoodu daciif yahay, ha ahaato cudur ama daaweyn caafimaad awgeed. 

Sida Jadeecadu u Faafto

Jadeecadu waa fayras aad u faafa. Waxay ku faaftaa qof ilaa qof kale marka qof cudurka qaba uu qufaco, hindhiso, ama uu meel u dhow ka hadlo. Fayrasku wuxuu ku sii jiri karaa hawada ama meelaha dushooda ilaa 2 saacadood kadib marka qofka cudurka qaba uu ka tago aagga. Taas macnaheedu waxa weeye inaad jadeeco qaadi karto adigoo galaya qol uu dhawaan ka baxay qof qaba jadeeco.

Hubi Goobaha Soo-gaadhista Jadeecada

Goobaha Dadweynaha ee ay ku faafto Jadeecadu ee Khariidadda Gobolka Washington (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) waxay muujinaysaa goobaha dadweynaha halkaas oo ay booqdeen dadkii jadeecadu ku dhacday iyagoo cudurka qaba. Goobaha xanuunku ku faafay waxaa lagu calaamadeeyay khariidadda gobolka oo leh dhibco oranji ah, iyadoo faahfaahinta goob kasta lagu muujiyay dhinaca midig. Khariidadu waxay soo bandhigaysaa taariikhaha faafitaanka, waqtiyada, iyo cinwaanada goob kasta. Isdiiwaangeli si aad u hesho ogeysiisyada iimaylka (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) si aad u hesho xogta faafitaanka ee la soo sheegay.

Haddii Aad La Kulantay Jadeeco

Haddii aad joogtay goob cudurku ku faafay waqtiga iyo taariikhda ku xusan khariidadda, ama qof kula nool oo aad saa'id ugu dhawayd oo laga helay jadeeco, raac tallaabooyin ka hortag ah si aad u ilaaliso caafimaadkaaga oo aad u xaddido faafitaanka jadeecada.

  • Isla markiiba wac dhakhtarkaaga daryeelka caafimaadka ama xafiiska caafimaadka dadweynaha ee deegaanka (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) si aad dib ugu eegto diiwaannadaada tallaalka. Tallaalka jadeecada waa habka ugu wanaagsan ee aad naftaada, qoyskaaga, iyo bulshadaadaba ku ilaalin karto.
  • Haddii aadan difaac lahayn ama aadan hubin xaaladda tallaalkaaga, waa inaad guriga joogtaa 21 maalmood kadib marka aad la kulanto cudurka oo aad iska ilaalisaa inaad la kulanto dadka kale inta aad la soconayso astaamaha jadeecada.

Haddii Ay Kugu Soo Baxaan Calaamadaha Jadeecada

Haddii adiga ama qoyskaagu aad la xanuunsataan calaamadaha jadeecada, oo ay ku jiraan qandho sare, qufac, duufka sanka, iyo indho casaad, oo ay ku xigaan finan 21 maalmood gudahood kadib markuu kugu dhacay, isla markiiba wac dhakhtarkaaga ama bixiyaha daryeelka caafimaadka. Ha tagin xafiiska daryeelka caafimaadka adigoon marka hore soo wicin. Wicitaan hore ayaa ka hortagaaya in dadka kale xanuunku ku faafo.

Haddii jadeecada la xaqiijiyo, waxaa lagu farayaa inaad guriga joogtid, iska ilaaliso aadista shaqada, dugsiga, daryeelka carruurta, isu imaatinka bulshada, iyo gaadiidka dadweynaha ilaa 4 maalmood kadib marka finanku soo baxaan, haddii aadan u baahnayn daryeel caafimaad.

Tallaalku waa Difaaca ugu Fiican

Tallaalka MMR (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) wuxuu ka hortagaa 3 cudur: jadeeco, qaamo-qashiir, iyo rubella. Tallaal la mid ah, MMRV, ayaa sidoo kale ka hortaga varicella (busbuska). Tallaalku waa difaaca ugu xooggan uguna badbaadada badan ee ka dhanka ah jadeecada. Hal kuuro ayaa ilaalin kara qiyaastii 93 ka mid ah 100 qof, laba kuurana waxay difaacaan qiyaastii 97 ka mid ah 100 qof. Dadka la tallaalay waxay gacan ka geystaan xakamaynta iyo joojinta faafitaanka jadeecada, taasoo ilaalisa dadka khatarta ugu jira. Waxaan tan ugu yeernaa "xasaanadda bulshada."

Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan tallaalka jadeecada, la hadal dhakhtarkaaga, farmashiistahaaga, ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Carruurta da'doodu tahay 18 sano ama ka yar waxay heli karaan tallaallada caadiga ah iyagoon wax kharash ah ku bixin iyagoo booqanaya bixiye caafimaad oo ka qayb qaadanaya Barnaamijka Tallaalka Carruurta ee gobolka. Isticmaal Khariidadda Tallaalka (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) si aad u hesho bixiyeyaasha u qalma.

Haweeney midab madow oo xiran xijaab buluug xigeen ah ayaa hoos eegaysa ayadoo si qurux badan ugu dhoolacadaynaysa ilmo kujira kolayga caruurta lagu xambaaro oo guduudan oo jirkeeda qaybta hore ku xiran, taasoo muujinaysa hooyo iyo ilmaheeda oo suuq dhex socda. Jaantusku wuxuu sheegayaa: Dhakhaatiirteenu waxay aaminsan yihiin in talaalka jadeecadu uu na ilaalinayo.

Hubi Inaad Ka Tallaalan Tahay Jadeecada

  • Ka hel diiwaannadaada tallaalka xafiiska dhakhtarkaaga, farmashiiga, ama bixiyaha ku tallaalay.
  • Iska diiwaan geli MyIR Mobile (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) si aad dib ugu eegto taariikhda tallaalka adiga iyo qoyskaaga oo aad u hesho xasuusin ku saabsan tallaallada mustaqbalka.
  • La xiriir Xafiiska Tallaalka si aad u hesho diiwaankaaga adoo wacaya 360-236-3595 ama 1-866-397-0337. Wixii caawimaad luuqadeed ah, wac 1-800-525-0127.

Ilaha Dadweynaha

Warbixino Macluumaadeed

Buug gacmeedka Xogta Aasaasiga ah ee Cudurka Jadeecada (PDF)

Jadeecadu Maaha Kaliya Firiiric Yaryar, Minnesota Department of Health (PDF)

Xaashida Xaqiiqooyinka Ku saabsan Jadeecada, Minnesota Department of Health (PDF)

Sidee bey jadeecadu u faafi-og tahay? Xariiq majaajillo ah, King County (PDF)

Macluumaadka Dillaaca Cudurka Jadeecada ee Qoysaska (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Buug-yaraha Ma halis ayaad ugu jirtaa jadeecada? (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Buug-yaraha Ka ilaali qoyskaaga iyo bulshadaada Jadeecada (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Tallaalka Jadeecada: Warqadda Ilaalinta ugu Fiican (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Jadeecadu Maaha Finan Yaryar oo keliya, Warsidaha, CDC (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Dugsiga

Shuruudaha Tallaalka Dugsiga iyo Daryeelka Carruurta (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) - Shuruudaha tallaalka waxaa lagu heli karaa luuqado badan.

Xogta Tallaalka Dugsiga (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Talaalka

Muuqaalka Ogeysiiska Tallaalka Jadeecada Adeegga Dadweynaha, Ethnomed UW, YouTube

Bayaanka Macluumaadka Tallaalka MMR, CDC (PDF)

Tallaalka Jadeecada, Qaamo-qashiirka, Rubella) (MMR) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Su'aalaha Badanaa La isweydiiyo ee ku Saabsan Tallaalka MMR (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Badbaadada Tallaalka (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Qorshe Safar - Jadeecada, CDC (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Kheyraadka Iskaashatada

Jadeecada - Xaalada Waajibka ah In La soo sheego (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya) - Shuruudaha iyo tilmaamaha warbixinta caafimaadka ee bixiyaha daryeelka caafimaadka, shaybaarka, iyo maamulka deegaanka.

Tilmaamaha Xakamaynta Cudurrada Faafa ee Shaqaalaha Dugsiga (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Diyaargarowga Jadeecada ee Dugsiyada (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)

Diyaargarowga Jadeecada ee Daryeelka Carruurta iyo Waxbarashada Dhallaanka (PDF) (Ku qoran Af-Ingiriis oo Kaliya)