Tallaalka COVID-19

Haayada CDC waxay ku talinaysaa (Ingiriis keliya) qof kasta oo jira 6 bilood iyo kawayn waa inuu qaataa talaalka cusub ee COVID-19 2023-2024. 

 

Febraayo 28deeda, 2024 - Centers for Disease Control and Prevention (CDC) (Ingiriis keliya) waxay ku talinaysaa in dadka waawayn ee jira 65 sano iyo ka wayn ay qaataan kuurada dheeriga ah ee cusub ee talaalka COVID-19 2023-2024. Soo jeedintu waxay qiraysaa kororka khatarta cudurka xun ee ay COVID-19 ka qaadi karaan waayeelka, iyo xogta hadda la heli karo ee ku aadan waxtarka talaalka.

Dadka qaatay tallaalka cusub waa ay yar tahay khatartooda xanuunka, isbitaal dhigista, iyo inay u dhintaan COVID-19 marka loo eego dadka aan talaalka qaadan ama aan qaadan kuurada ay ku talinayso Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada).

Su'aalaha inta badan la isweydiiyo

Maxaan u qaadanayaa tallaalka COVID-19?

Tallaalada COVID-19 waxa uu kuu ilaalin karaa qaabab badan:

  • Wuxuu si wayn u yareeyaa fursada ah inaad aad u xanuunsato marka uu COVID-19 kugu dhaco
  • Qaadashada tallaalka buuxa waxey yareeysaa in isbitaalka lagu dhigo waxayna hoos u dhigtaa halista ah inaad u dhimato COVID-19
  • Qaadashayinkii ugu danbeeyay ee COVID-19 ayaa hoos u dhigaysa fursadaha aad ku qaadi karto COVID-ka muddada dheer (keliya Ingiriis iyo Isbaanish).
  • Tallaalada waxay kordhiyaan tirada dadka bulshada kujira ee difaacooda ilaalsan yahay, taas oo adkeyneysa in xanuunku sii faafo
  • Khabiirada waxay sii wadaan barashada awooda tallaalka ee ah in ay ka celiso dadka in ay u gudbiyaan caabuqa dadka kale. lada COVID-19 bilaashna uga dhigtay qof kasta oo tallaalada doonaya. Hadda oo COVID-19 xaaladdii degdega ahayd ee caafimaadka dadweynuhu ay dhammaatay, tallaallada COVID-19 ayaa la filayaa inay raacaan dariiq la mid ah kan tallaallada kale, taas oo macnaheedu yahay inay si toos ah u iibsan doonaan rugaha caafimaadka iyo isbitaallada dadka waaweyn. da kuurooTallaalada COVID-19 wali waa la heli karaa, laakiin waxaa laga yaabaa inay ku kici karaan lacag dadka waaweyn qaarkood si ay u qaataan.

Dadka aan qaadan talaalka wali waxaa ku dhici kara fayraska waxayna ku faafin karaan dadka kale. Dadka qaar ma qaadan karaan talaalka sababo caafimaad awgood, arintaan ayaana ka dhigaysa kuwo si gaar ah ugu nugul COVID-19. Haddii aadan talaalka qaadan, waxaad sidoo kale khatar wayn ugu jirtaa in isbitaal lagu dhigo ama aad u dhimato nooca fayraska cusub ee COVID-19 (Webseed kaliya ah Ingiriis).Qaadashada tallaalka waxay kacaawineysaa inay ilaaliso adiga iyo qoyskaada, dariska, iyo bulshada.

Xagee ayaan ka helayaa talaalka? 

Ka hel talaal  Vaccine Locator (Helaha Talaalka) ama Vaccines.gov (keliya Ingiriis iyo Isbaanish).

Ma kharash ayaa la iska qaadayaa tallaalada COVID-19?

Sida tallaalada kale oo kale, tallaalada COVID-19 waxay u badan tahay inay dabooli doonaan qorshayaasha caymiska badankooda. Tallaalada COVID-19 waxaa si bilaash ah ku sii heli doona dhammaan carruurta ku nool gobolka Washington ilaa ay ka gaarayaan dhalashadooda 19aad iyadoo loo sii marayo barnaamijka Tallaalada loogu talagalay Carruurta (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya). Waxa kale oo jira barnaamijyo loogu talagalay dadka waaweyn oo ka caawin kara daboolida kharashka tallaalka haddii aanay lahayn caymis caafimaad ama qorshahoodu aanu daboolin tallaalka. Booqo HHS.gov (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) si aad u hesho macluumaad dheerad ah oo ku saabsan barnaamijyadaan.

Waa maxay Bridge access program? Ma heli karaa tallaalka COVID-19 haddii aanan caymis lahayn?

Bridge Access Program (Barnaamijka Tallaal Bixinta) (Ingiriis keliya) wuxuu si ku meelgaar ah tallaallada COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024 kharash la'aan ku siiyaa qiyaastii 25-30 milyan oo dadka waaweyn ah oo da'doodu tahay 19 iyo ka weyn ee aan lahayn caymis caafimaad, iyo dadka aan caymiskoodu daboolayn dhammaan kharashyada COVID-19, illaa Diseembar 2024.

Si aad u hesho goobta farmashiye ka qaybqaadanaya barnaamijkaan, booqo www.Vaccines.gov.

Yaa qaadanayo kuurada dheeraadka ah ee tallaalka COVID-19? 

Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada) waxay ku talinaysaa qof kasta oo jira 6 billood iyo wixii ka weyn inuu helo ugu yaraan hal qiyaas/kuuro oo ah tallaalka COVID-19 ee la cusboonaysiiyay 2023-2024. 

  • Carruurta da'doodu tahay 6 bilood-4 sano jir waxaa laga yaabaa inay u baahdaan inay qaataan qiyaaso/doosas badan iyadoo ku xiran tirada qiyaasaha/doosaska ee ay hore u soo qaateen. 
  • Dadka jira 65 sano iyo ka wayn waa inay qaataan kuurada dheeraadka ah ee talaalka COVID-19 ee 2023-2024 ugu yaraan afar bilood kadib kuuradoodii hore. 
  • Dadka qaar oo nidaamkooda difaaca jirku liito ayaa u qalmi kara kuurooyin dheeraad ah.Fadlan dib u eeg tilmaamaha CDC (keliya Ingiriis iyo Isbaanish).
Goorma ayaa la ii qaddarinayaa inaan la socdo tallaalka COVID-19 ee ugu dambeeyey? 

Waxaad la socotaa (keliya Ingiriis iyo Isbaanish) tallaalkaaga COVID-19 ee ugu dambeeyey haddii aad qaadatay kuuradi ugu dambeysay ee ay CDC kugula talisay.

Maxaa dhacaya haddii aan xanuunsado kadib qaadashada tallaalka COVID-19?

Sida tallaalada kale ee caadiga ah, tallaalka COVID-19 ayaa sidoo kale wato waxyeelo kadhalata, sida garab xanuun, qandho, madax xanuun, ama daal ka dib markaad qaadato tallaalka. Kuwaani waa calaamado muujinaaya in tallaalka uu shaqeynayo. Ka ogow wax dheeraad ah oo kusaabsan waxyeelada suurtagalka ah inay ka imaado kadib qaadashada tallaalka COVID-19.

Haddii aad xanuusato kadib qaadashada tallaalka, waa inaad kuwargelisaa dhacdada xun Vaccine Adverse Event Reporting System (VAERS, Nidaamka Warbixinta Dhacdada Xun ee Tallaalka). (Webseed kaliya ah Ingiriis). "Dhacdo xun" waa wax kasta oo dhibaato caafimaad ah ama saameyn waxyeelo oo dhaca kadib tallaalka. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Vaccine Adverse Event Reporting System (VAERS, Nidaamka Ka Warbixinta Xaaladaha Xun ee Talaalka) iyo badqabka talaalka, booqo webseedka Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) ee Badqabka tallaalka (keliya Ingiriis iyo Isbaanish).

Ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 marka aan qaato tallaalada kale ee caadi ahaan la qaato (Imgiriisi ah)? 

Haa. Advisory Committee on Immunization Practices (ACIP, Guddiga Latalinta ee Kudhaqanka Talaalka) ayaa badalay talooyinkooda marka ay taariikhdu ahayd May 12, 2021. Waxaad hadda qaadan kartaa tallaalka COVID-19 isla marka aad qaadato tallaalada kale.

Uma baahnid inaad jadwal usameyso canugaada tallaalada la iska rabo iskuulka (Kaliya ah Ingiriisi) ama tallaalada kale ee lagu taliyo ee goonida ka ah tallaalka COVID-19. Ballanta tallaalka COVID-19 waa fursad kale uu canugaada kuheleyo dhammaan tallaalada lagu taliyey.

NMa qaadan karaa tallaalka COVID-19 haddii aan leeyahay uur, ama aan qorsheynayo inaan uur qaado?

Haa, xogta ayaa muujinaysa in tallaallada COVID-19 ay yihiin kuwo badqab u leh haweenka uurka leh. Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) (Webseed kaliya ah Ingiriis), American College of Obstetricians and Gynecologists (ACOG, Kulliyadda Dhakhaatiirta Kutakhasusay Taranka iyo Dhalmada Haweenka ee Mareykanka) (Webseed kaliya ah Ingiriis), iyo Society for Maternal-Fetal Medicine (SMFM, Bulshada Daaweynta Hooyada-Uurka) (Kaliya ah Ingiriisi) ayaa ku talinaaya in talaalka COVID-19 la siiyo haweenka uurka leh, ilmaha nuujinaaya, ama qorshaynaaya inay uur yeeshaan. Daraasadaha qaarkood ayaa muujinaaya haddii aad tallaal qabto, canugaada xitaa wuxuu helayaa unugyada difaaca jirka oo ka dhan ah COVID-19 oo uu kuhelaayo uurka iyo nuujinta. Haweenka uurka leh ee aan la tallaalin oo uu kudhaco COVID-19 ayaa halis ugu jira khatarada dhibaatooyinka sida dhalmada hore ama dhicisnimada. Intaa waxaa dheer, dadka uu kudhaco COVID-19 marka ay uur leeyihiin waxay labo ilaa seddex jeer ayey ubadan tahay in ay ubaahdaan kaalmo nololeed oo horumarsan iyo tuubooyinka neefsashada. Si aad u hesho ilo dheeraad ah oo kusaabsan qaadashada tallaalka caabuqa COVID-19 markii aad uur leedahay iyo naasnuujinta, Fadlan ka eeg xogtii ugu dambeysay webseedka Hal Tallaal, Labo Naf

Ma qaadan karaan tallaalka dadka kayar da'doodu 18 sano?

Waqti xaadirkan, tallaalka Pfizer-BioNTech (Pfizer) iyo noocyada tallaalka Moderna ee COVID-19 ayaa loo oggolaaday carruurta da'doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn.  Tallaalka Novavax ayay heli karaan 12+ sano jirka sida ku cad EUA.

Dhallinyarada jirta 17 sano ayaa ugu baahan kara oggolaansho waalidka ama mas'uulka (kaliya ah Ingiriisi) si ay uqaataan tallaalka, ilaa ay yihiin kuwo sharci ahaan xor ah. 

Ka hubi xarunta tallaalka caafimaadka shuruudahooda muujinta caddeynta taladii waalidka ama sharci ahaan xor yihiin.

Maxaan ooga walaacayaa inuu canugeygu kudhaco COVID-19?

Tan iyo billoowgii musiibada caabuqa, in ka badan 15 milyan oo caruur ah oo kunool Mareykanka ayuu ku dhacay COVID-19. Noocyada kala duwan, cusub ee COVID-19 ayaa hadda mas'uul ka ah inta badan caabuqyada iyo dadka isbitaalada la dhigayo ee gudaha Mareykanka. 

Iyadoo COVID-19 uu khafiif u yahay carruuta marka loo eego dadka waaweyn, haddana caruurta ayaa sidoo kale aad ula xanuunsan kara oona ku faafin kara saaxiibadooda iyo qoyskooda kuwaas oo difaaca jirkoodu liito ama siyaabo kale u nugul. Kala bar dhimashooyinka carruurta ee COVID-19 ee laga soo wariyay Mareykanka waxay ahaayeen carruur aan qabin xaalado caafimaad oo daba-dheeraaday.

Carruurta uu kudhaco COVID-19 ayaa yeelan kara “COVID-19 daba dheeraaday” ama astaamaha joogtada ah kuwaas oo ay badanaa kujiraan maskax falluuq, daal, madax xannuun, cajis iyo neef qaadashada oo ku adkaata. Tallaalku waa habka ugu fiican ee looga dhigayo carruurta kuwa caafimaad qaba oo badbaadsan.

Carruurta uu kudhaco COVID-19 waxaa laga yaabaa in ay halis weyn ugu jiraan Multisystem Inflammatory Syndrome (MIS-C, Caabuqa habdhisyada kala duwan ee jirka carruurta) (webseed kaliya ah Af-Ingiriisi). MIS-C waa xaalad halkaasoo qeybaha kala duwan ee xubnaha jirka ay noqon karaan kuwa leh caabuq, oo ay ku jiraan wadnaha, sambabada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha, ama xubnaha mindhicirada caloosha. Iyadoo wali aan la ogeyn waxa sababa MIS-C, carruur badan oo qaba MIS-C ayaa qabay COVID-19, ama ka agdhawaa qof qaba COVID-19. MIS-C ayaa halis noqon kara, xitaa dhimasho keeni kara, laakiin badanaa carruurta laga helay xaaladaan ayaa kasoo boqsaday markii ay heleen daryeel caafimaad.

Sideen ku ogaan karnaa in tallaaladu yihiin kuwo badbaado iyo waxtar u leh carruurta?

Si loo xaqiijiyo in tallaalada caabuqa COVID-19 ay yihiin kuwo badqab leh, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) waxay ballaarisay oo ay xoojisay awooda wadanka uu u leeyahay inuu la socdo badqabka tallaaka. Sidaa awgeed, khuburada ku xeeldheer badqabka tallaalka ayaa la socon kara isla markaana ogaan kara arrimaha laga yaabo inaanan lagu ogaanin intii la sameynayey tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka caabuqa COVID-19.

Khayraadka COVID-19 ee kooxaha gaarka ah

Caruurta iyo Dhalinyarada 
Naas nuujinta iyo/ama shaqsiyaadka Uurka leh 
Soo galootiga iyo qaxootiga

Kheyraad gaar ah ee bulshada oo dheeraad ah ayaa laga heli karaa bogga Kaqeyb qaadashada iyo Sinnaanta Tallaalka (kaliya ah Ingiriisi)

Su'aalo ma qabtaa?

Su'aalahayga loogama jawaabin halkaan. Sidee ayaan kuheli karaa wax dheeraad ah?

Su'aalaha guud waxaa loo diri karaa covid.vaccine@doh.wa.gov.