Baaritaanka COVID-19 ee Dugsiyaada

This page is being reviewed for updates. The Washington State Department of Health has updated its guidance for what to do if you are sick with COVID-19 or were exposed to COVID-19. This page may have content that is inconsistent with the new guidance.

Dugsiyadu waa kuwa ugu horeeya ee og muhiimadda ay leedahay in fasaladu ahaadaan kuwo ammaan ah oo caafimaad qaba si ardaydu diiradda u saaraan waxbarashadooda. Intii lagu jiray cudurkii safmarka ahaa, barnaamijkii Learn to Return (Baro si aad Usoo laabato) (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) ayaa ahaa xalka gobalkeena oo dhan kajiray si dugsiyada looga caawiyo sidii ay isugu diyaarin lahaayeen una dhaqangalin lahaayeen dadaalada baaritaanka COVID-19. Inkasta oo barnaamijkii uu dhammaaday, dugsiyadu waxay wali heli karaan agabyada baaritaanka ee ka caawinaya inay xakameeyaan faafitaanka cudurka kana hortagaan carqaladayn ku timaadda nolosha dugsiga.

Waxa u diyaarsan dugsiyada gobolka Washington

Baaritaano bilaash ah – Deapartment Of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) waxay sii wadi doontaa in ay dugsiyada siiso agabyada baaritaanka oo bilaash ah. Labadaba baaritaanada ee goobaha la iska baaro iyo kuwa guriga loo qaato ayaa la heli doonaa.

Taageero - Degmooyinka Adeegyada Waxbarashada waxay bixin karaan kaalmada dugsiga la siiyo waxayna ka caawin karaan ka jawaabista su'aalaha aad qabto ee ku saabsan baaritaanka COVID-19 ee dugsiga.

Dhammaadka barnaamijka Learn to Return (Baro si aad Usoo laabato), adeegyadaan soo socda lama heli karo: magdhowga kaalmada shaqaalaha oo la siin jiray shaqaalaha ku howlan baaritaanka iyo yaraynta COVID-19, Sanduukha Taageerida, oo ah kaalmo 1:1 ah oo ka imaanaysa maamuleyaasha barnaamijka Caafimaadka Guud iyo kaalmada dibadda ee shaqaalaha ay siiyaan adeegayaal dibadda ah.

Nala soo xiriir

Si aad wax uga ogaato baaritaanada la dalbado, fadlan la xiriir covidtestingsupport@doh.wa.gov.

Haddii aad qabto su'aalo guud oo ku saabsan baaritaanada dugsiga ka dhaca, fadlan la xiriir isuduwaha gobolkaaga ee Educational Service District (ESD, Degmada Adeegga Waxbarashada) (Ingiriisi kaliya).