Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo Baaritaanka COVID-19 ee Dugsiyada

This page is being reviewed for updates. The Washington State Department of Health has updated its guidance for what to do if you are sick with COVID-19 or were exposed to COVID-19. This page may have content that is inconsistent with the new guidance.

Ku Saabsan Baaritaanka COVID-19 ee Dugsiyada

Yaa bixinaya kharashka Baaritaanka Dugsiyada?

Department Of Health (DOH, Waaxda Caafimadka) ee Gobolka Washington ayaa bixinaysa kharashaadka si ay dugsiyada u qabtaan baaritaanada lagu ogaanayo cudurka iyada oo la adeegsanahayo lacagaha laga helo Deeqda Gargaarka ee Maraykanka iyo Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada). Kheyradkani waxaa heli karaan dhamaan dugsiyada ka qaybqaadanaya barnaamijka.

Ilmahayga ma khasab baa in la baaro?

Maya. Ka qaybqaadashadu waa mid gabi ahaan ikhtiyaari ah. Xulashada ardayda (iyada oo ay ogolyihiin waalidka/masuulka) in ay ka qayb qaataan baritaanada dugsiga lagu qabanahayo haddii uu dugsigoodu bixiyo.

Haddii ay dugsiyadu qorshaynayaan inay dugsiga dhexdiisa ku bixiyaan baaritanka, sidee ayay u baarayaan?

Dugsiyadu waxay (oo Af-Ingiriis ah) la xiriiri karaan Iskuduwaha Educational Service District  (ESD, Adeegga Waxbarashada Degmada) si ay u weydiiyaan wixii su'aalo ama tillaabooyin ah oo ku saabsan agabka baaritaanka. Su'aalaha dalbashada agabka aya waxaa sidoo kale lagu diri karaa COVIDtestingsupport@doh.wa.gov si loo helo wixii caawimaad ah. Dugsiyada ayaa heli doonan agabyada baaritaanka ee lacag la'aanta ah kuwaas oo lagu codsan karo isla  barta dalabaadka ee DOH (oo Af-Ingiriis ah).

Macluumaadkee ayay dugsiyada iyo waaxaha caafimaadku ururin doonaan? Sidee aya loo ilaaliyaa qarsoodinimada xogta?

Inta ay socoto hawsha, dhammaan macluumaadka caafimaadka waxa loo xafidaa si sir ah oo qarsodi ah iyada oo la eegayo Health Insurance Portability and Accountability Act (HIPAA, Xeerka Qaadashada iyo La Xisaabtanka Caymiska Caafimaadka) iyo Family
Educational Rights and Privacy Act (FERPA, Xuquuqda Waxbarashada Qoyska iyo Sharciga Qarsoodinimada Xogta). Degmada dugsiga waa inay haysataa Foomka Oggolaanshaha HIPAA oo saxiixan ee carruurta aan qaan-gaarin si ay u hirgeliyaan barnaamijka baaritaanka. Tallaabadan ayaa loo baahan yahay sababtoo ah dugsigu wuxuu shaybaarka ka heli doonaa

macluumaadka caafimaadka gaarka ah ee ku saabsan carruurta aan qaan-gaarin (ardayda).
Qaadaha baaritanka waxa uu ururin karaa xogta sida maclumaadka iyo ogolaanshaha waalidka/masuulka. Qaaduhu waxa laga yaabaa inuu warbixino kooban siiyo degmada dugsigaaga, taasoo tusinaysa wadarta tirada baaritaanada loo baahan yahay, tirada baaritanada la sameeyay, heerka cudur laga helay, iyo wadarta tirada cudur laga helay.

Qaar ka mid ah maamulayaasha iyo shaqaalaha degmadaada ayaa la ogeysiin doonaa haddii ay jirto natiijo baaritaan oo cudur laga helay. Xubnaha shaqaalaha ee degmada ayaa markaas sii eegi doona natiijooyinka baaritaanka shakhsi ahaaneed waxayna bilaabi doonaan habraaca dilaacida cudurada.
 

Ku Saabsan Baaritaanada

Waa maxay noocyada baaritaanada COVID-19 ee ay dugsiyadu heli karaan si ay u dalbadaan?

Baaritaanada antigen-ka degdega ah ee lagu sameeyo goobta.
Baaritaanada Antigen-ka ee Guriga ee OTC waxaa lagu isticmaali karaa guriga ama goobta. Dugsiyadu waxay samaysan karaan sharciyo ayaga u gaar ah oo ku saabsan isticmaalka baaritanka OTC waxayna kala tashan karaan maxkamada caafimaadka ee deegaankooda (eeg Hagaha Iska-baarista COVID-19 ee Dugsiyada K-12 ee DOH (oo Af-Ingiriis ah) si aad u hesho wixii faahfaahin ah).

Suufafka sanka miyay ammaan yihiin? Xitaa hadii baaritaanka uu yahay mid ku celis ah?

Haa. Suufafka sanka gebi ahaanba waa ammaan, xitaa hadii marar badan la isticmaalo, sida baaritaanka toddobaadlaha ah. Baro wax badan oo ku saabsan badbaadada suufka sanka (oo Af-Ingiriis ah), oo ay ku jiraan su'aalaha iyo jawaabaha caadiga ah.

Sidee ayaa agabyada baarista antigen-ka looga qubi karaa dugsiga? Miya loo arkaa qashin khatar leh?

Maya, agabyada baaritaanka antigen-ka ee la isticmaalay looma tixgalinayo qashin khatar leh. Xirmooyinka baaritaanka Antigen-ka waxaa loo qubi karaa si la mid ah sida qashinka caadiga ah iyadoo la raacayo digniinta soo socota: Hubi in lagu rido qashinka caagad balastig ah iyo in caagada balaastigga ah la xiro kahor intaan la qubin. Caagada qashinka waa in la dhigaa meel aanay dadka kale si bareer ah uga heli karin.

Baaritaanka degdega ah ee antigen-ka falanqeeyayaasha elektiroonigga ah, sida Falanqeeyaha Baaritanka BD Veritor, waxa laga yaabaa in lagu qubo qashinka guud iyadoo la raacayo tilmaamaha soo saaraha iyo shuruudaha khuseeya iyo/ama degmada maxaliga ah ee ku saabsan qashin-qubka.

Diyaarinta Goobtaada Baaritaanka COVID-19

Sidee ayuu u shaqeeyaa barnaamijka baaritaanka ogaanshaha?

Macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda, iyo suurtogalnimada xubnaha qoyskooda, ee muujiya wax calaamado ah ama uu soo gaarey caabuqa COVID- 19 waxa loo gudbin doonaa goobta baaritaanka (oo ay suurtagal tahay in dhulka dugsiga ay noqon karto).

Muunadaha ayaa inta badan laga soo qaadaa suufka sanka ee dheecanka si loo baaro. Suufka sanka ee dheecanka maahan nooca "maskaxda wax ka qabta", ama suufka sanka la galiyo. Suufku wuxu galaa nus-inji oo keliya oo ah daloolaha sanka oo dhan, wuxuu sameeya wareegyo, waxaana la dhigayaa, dhinaca hoose, ee tuubada ururinta. Food and Drug Administrtion (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka) waxay haysaa liiska baaritanada antigen-ka oo ay EUA-ansixisay, oo ay ka midka yihiin xiriirada tilmaamaha ku habboon isticmaalka (oo loo soo gaabiyo "IFU").

Waa maxay shatiga ka dhaafitaanka CLIA/Goobta Baaritaanka Caafimaadka (MTS)? Miyaan u baahanahay mid?

Haddii dugsigaagua uu bixiyo baaritaanka antigen-ka degdega ah, shatiga ka dhaafitaanka CLIA/MTS ayaa loo baahan yahay. Eeg Tilmaamaha Aasasyada bogga Hubinta Tayada Shaybaarka (oo Af-Ingiriis ah) iyo Iska-Baarista COVID-19 (Af-Ingiriis) si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

Miyaan bixinaa baaritaanka calaamado la'aanta ah (oo sidoo kale loo yaqaano baarista) hordhaca ah? Sababtee loo sameeyaa sababteese loo samaynayn?

Baaritaanka hordhaca ah ee calaamado la'aanta ah waa istaraatijiyad baaritaan taasoo dadka si joogto ah loo baaro loona ogaado caabuqyada dadka aan muujinayn wax astaamo ah. Si ay u noqoto mid wax ku ool ah, istaraatiijiyadani waxay u baahan tahay in loo fuliyo si joogto ah (ilaa laba jeer toddobaadkii, taas oo ku xidhan heerka cudurka ee bulshada ku xeeran) oo ay leedahay ka qaybqaadasho aad u sarreeya.

CDC gabi ahaanba kuma talinayso baaritaanka hordhaca joogtada ah ee dugsiyada K-12. Waxaa laga yaabaa inay jiraan xaalado gaar ah oo uu baaritaanka hordhaca ah uu weli faa'iido yeelan karo, sida xilliga uu caabuq dillaaco ama marka laga soo laabto fasaxyada dugsiga. Eeg Hagaha Is-baarista COVID-19 ee Dugsiyada K-12 ee DOH (oo Af-Ingiriis ah) si aad u hesho wixii faahfaahin ah). Kala tasho LHJ (Xukunka Caafimaadka Deegaanka) wixi talooyin oo dheerad ah ee ku saabsan baarista hordhaca ah oo arag Hagaha Iska-baarista COVID-19 ee Dugsiyada K-12 ee DOH wixii macluumaad dheeraad ah.

Baaritanada Antigen-ka, oo ay ku jiraan baaritaanada shakhsi ahaaneed ee lasoo iibsado, ama baaritaanada la isku daray ayaa guud ahaan ugu fiican hordhaca sababta oo ah si fudud ayaa loogu bixiyaa cabir ahaan. Baaritanada Antigen-ka waxay natiijooyin kugu siin karnan muddo la eg 20 daqiiqo.

Halkee iyo goorma ayuu baaritaanku dhacayaa?

Goobaha baaritanada COVID-19 waxay ku kala duwanaan doonaan degmada dugsiga. Degmooyinka qaar ayaa goob baaritaan ka diyaariyaan dugsi kasta, halka degmooyinka kalena ay isticmaalaan goob dhexe oo u adeegta dhowr dugsi. Goobaha baaritanku waxay u shaqayn karaan si joogto ah ama kaliya wakhti go'an, sida afar saacadood subax kasta, saacadaha qadada, ama Isniinta ilaa Khamiista. Waa muhiim in laga dhigo goobaha baaritanku ka dhacayo meelo leh albaabo laga soo galo oo gaar u ah ama ka duwan kuwa caadiga ah ee ardayda iyo shaqaalaha ay isticmaalan. Iskuduwaha Degmada Adeegga Waxbarashadaada ayaa kaa caawin kara inaad qiimeyso meelaha ugu fiican ee laga dhigi karo goobtaada baaritaanka. Dugsiyada qaar ayaa laga yaabaa inay siiyaan ardayda iyo shaqaalaha qalabka baaritaanada degdega ah lagu qaado si ay baaritaanka uga qaadaan meelo ka baxsan goobta

Hagaajinta Goobtaada Baaritaanka COVID-19

Yaa qaadi kara baaritaanka COVID-19?

Bishii Meey 11, 2023, kadib markii xaaladdii degdega ahayd ee caafimaadka dadweynaha ee federaalku dhamaatay, nidaamkii jiray ee u oggolaanayay maamulka inay baaritaanada- daryeelka (POC) ay sameeyan shaqaalaha aan caafimaadka ahayn ayaa dhacay. Hadda laga bilaabo, kaliya kalkaaliyeyaasha diiwaangashan (RNs), shaqaalaha ay kalkaaliyeyaasha diiwaangashan u igmadeen, ama kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee shatiga haysta (LPNs) ayaa hawl ka qaban kara goobta baaritaanada POC.

Dugsiyada aan lahayn RN (kalkaaliyeyaasha diiwaangashan), fursadada ugu fiican waxay noqon kartaa inay bixiyaan keliya Baaritaanada OTC-ga ee guriga lagu sameeyo. Xubin kasta oo shaqaalaha ka mid ah ayaa u dhiibi kara baaritaanada OTC ee guriga ku qaada ardayda iyo shaqaalaha si shakhsi ahaan ama iskood u iskood u isticmaalo.

Waa maxay qalabka badbadada shakhsi ahaaneed (sida waji-xirka iyo galoofyada) ay maamulayaasha baaritanku u baahan yihiin inay xirtaan?

Marka aad muunad ka qaadayso arday, raac Hagaha DOH (oo Af-Ingiriis ah) adiga oo xiranaya waji-xirka N95 ama wax u dhigma ama neefsiyeyaal heer sare ah, ilaaliyaha indhaha, galoofyada, iyo goono. Fadlan sidoo kale dib u eeg hagida Labor & Industries (L&I, Shaqada  & Warshadaha)  (oo Af-Ingiriis ah) maadaama dugsiyada sidoo kale looga baahan yahay inay raacaan hagitaankooda shaqo-bixiye ahaan.

Waa maxay qalabka badbadada shakhsi ahaaneed (sida waji-xirka iyo galoofyada) ay kormeerayaasha baaritanku ay u baahan yihiin inay xirtaan?

Marka aad kormeerayso ardayda marka ay iskooda isku maamulayaan muunad ururinta, raac Hagaha CDC (oo Af-Ingiriis ah). Isticmaal galoofyo nadiif ah marka aad u dhiibayso suufka ardayga, shaqaalaha, ama xubnaha qoyska si ay deean iskaga soo tiraan. Ka fogow ugu yaraan masaafo dhan 6 fiit, sababtoo ah waa wax caadi ah in ardaydu ay qufacaan ama hindhisaan inta lagu jiro baaritanka. Xiro waji-xir si fiican kula eg. Waji-xirka N95 iyo badbaadadha indhaha sidaas looguma baahna.

Halkeen ka heli karaa qalabka badbaadadaa shakhsi haaneed (PPE)?

Washington Office of Superintendent of Public Instruction (OSPI, Xafiiska Washington ee Kormeeraha Waxbarashada Dadweynaha), ESD-yada, iyo degmooyinka dugsiyadu ayaa xaq u leh inay ka dalbadaan qalabka badbaadadha shakhsi ahaaneed (PPE) iyada oo loo marayo
dowlada marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah ee aan caadiga ahayn, sida marka agabyada aysan yaalin iyada oo loo marayo silsiladaha agabka joogtada ah, marka daahitaanka badeecada ay keento heer qalabka badbaadadha shakhsi ahaaneed (PPE) ee yaalo aanu ku filnayn, iyo mararka ay timaado baahiyo degdeg ah oo aan siyaabo kale wax looga qaban karin.

Sida loo helo qalabka badbaadada shakhsi ahaaneed (PPE):

  • Codsiyada qalabka badbaadada shakhsi ahaaneed (PPE) ee ESD-yada iyo degmooyinka dugsigu waa in lagu meeleeyaa hay'adda maaraynta xaaladaha degdegga ah ee deegaanka.
  • Wakaaladaha wadanka (sida OSPI) iyo qabaa'ilada federaalku aqoonsan yahay waxay si toos ah uga dalban karaan Washington State Emergency Operations Center (SEOC, Xarunta Hawlgallada Degdegga ah ee Gobolka Washington).

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codsiyada qalabka badbaadada shakhsi ahaaneed (PPE) waxaa laga heli karaa websaydka DOH ee qalabka badbaadadha shakhsi ahaaneed  (PPE) (oo Af-Ingiriis ah) ama hadii aad iimayl u dirto ppe@doh.wa.gov.

Maaraynta COVID-19

Waa maxay natiijooyinka aan u baahanahay inaan ka warbixiyo? Yaan warbixinta u gudbiyaa?

Baaritaanada antigen-ka degdega ah. Natiijooyinka togan ee ka soo baxa baaritaanada antigen-ka ee degdega ah ee lagu sameeyo dugsiga waa in lagu wargeliyaa waxda caafimaadka dadweynaha sida uu dhigayo sharciga Gobolka Washington (Washington Administrative Code (WAC, Sharciga Maamulka Washington 246-101-101)). Dugsiyadu waa inay isticmaalaan SimpleReport si ay uga warbixiyaan natiijooyinkan baaritaanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan ka warbixinta natiijooyinka baaritanka, eeg Warbixinta Baaritaanka-Daryeelka COVID-19 ee Dugsiyada K-12 (oo Af-Ingiriis ah).

DOH-da Washington ugama baahna dugsiyadu inay soo sheegaan kiisaska laga helay cudur ee lagu aqoonsaday baaritaanada guriga. Dugsiyadu waxaa looga baahan yahay inay la shaqeeyaan xukuumada caafimaadka ee deegaankooda marka ay sameynayaan baaritaannada kiisaska, cudurrada dillaaca, iyo marka la shakisan yahay in ay cudurro dillaceen kuwas oo la xiriira dugsiga (WAC 246-101-420), oo ay ku jirto ka warbixinta kiisaska cudurrka laga helay.

Dhammaan cudurrada dillaaca, iyo kuwa looga shakisan yahay inay ka dillaaceen bulshada dugsiga waa in lagu wargeliyaa xukuumada caafimaadka ee deegaanka sida waafaqsan sharciga Gobolka Washington (WAC 246-101-420). Wixii macluumaad dheeraad ah iyo sharaxaada buuxda ee COVID-19 ee dugsiyada K-12, eeg Hagaha ka hortagga iyo ka  jawaabista COIVD-19 ee Dugsiyada K-12 iyo Xannaanada Carruurta (oo Af- ingiriis ah).
Dugsiyada waxaa lagu dhiirigelinayaa inay la shaqeeyaan xukuumada caafimaadka ee deegaankooda si ay u taageeraan xeeladaha lagu yaraynayo COVID-19.

Waa maxay astaamaha COVID-19?

Liiska astaamaha ee CDC (oo Af-Ingiriis & Af-Isbaanish) waxaa ka mid ah qandho (in ka badan 100.4° F), qufac, neefta oo kugu dhegta ama neefsashada oo kugu adkaata, dareenka dhadhanka ama urta oo ka luma, daal, madax-xanuun, murqo ama jir xanuun, cune xanuun, ciriiri ama diif, lallabbo ama matag, ama shuban (2 ama ka badan saxaro dabacsan 24 saacadood gudahood.)

Maxaa dhacaya haddii arday ama xubin ka mid ah shaqaalaha ay yimaadan dugsiga iyagoo qaba astaamaha cudurka?

Si loo yareeyo khatarta suurtagalka ah ee lagu faafin karo fayraska dadka kale ee dugsiga jooga, arday ama xubin shaqaale ah oo dugsiga yimaadda isagoo leh astaamaha COVID-19 waa in laga codsadaa inuu guriga isku karantiilo isla markaana lagula taliyo in laga baaro COVID-19. Dugsiyadu waxay isticmaali karaan Go'aanka COVID-19 ee Goobaha Guud ee Dadweynaha iyo Daryeelka Aan Caafimaadka ahayn (oo Af-Ingiriis ah) si ay u hagaan tillaabooyinka xiga, oo ay ku jiraan sida loo maareeyo xaaladaha u baylah noqoshada. Fadlan sidoo kale dib u eeg hagida L&I (oo Af-Ingiriis ah) maadaama dugsiyada sidoo kale looga baahan yahay inay raacaan hagitaankooda shaqo-bixiye ahaan.

Maxaa dhacaya marka xubin ka tirsan bulshada dugsigu uu baaritaankiisa noqdo mid togan? Ka waran natiijooyinka baaritaanka ee noqda kuwo taban?

Cuddur kasta oo faafay ama looga shakisan yahay inuu faafo ayaa loo sheegi doonaa maamulka caafimaadka deegaankaaga, waxaana laga yaabaa in baarista kiiska iyo raadraaca xiriirka la bilaabo si looga ilaaliyo bulshada loogana hortago faafitaan kale. Natiijo kasta
oo qofka cudurka looga helo baaritaannada lagu samayay dugsiga waa in lagu wargeliyaa maamulka caafimaadka deegaanka. Waxaa jiri kara mararka qaar oo loo baahan yahay raadraacida xiriirada, sida marka uu cuddur dillaaco. Kala hadal xukumada caafimaadka deegaankaaga wixii tafaasiil ah, oo tixraac Hagaha ka hortagga iyo ka jawaab celinta COVID-19 ee Dugsiyada K-12 iyo Xannaanada caruurta (oo Af-Ingiriis ah) si aad u hesho macluumaadka ku saabsan xeeladaha lagu yaraynayo COVID-19 iyo ka jawaab celinta cuddurka dillaacay.

Degmada dugsigaaga iyo xukuumada caafimadka deegaanka ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay kuu gudbiyaan xaruumo kaa caawin kara fasaxa jirada ee mushaharka leh, caymiska shaqo la'aanta ee ku meel gaadhka ah, keenista cuntada, taageerada caafimaadka dhimirka, iyo adeegyada kale inta lagu jiro gooniyenta iyo karantiilka. Hubi Care Connect Washington si aad uga hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

Baaritaanada Guriga Lagu Sameeyo

FIIRO GAAR AH: Baaritaanada guriga-lagu sameeyo waxaa sidoo kale loo yaqaanaa qalabyada baaritaanada ee dukaamada laga soo iibsado ama baaritaanada OTC.

Sidee ayay tahay in Baaritaanada guriga lagu sameeyo loogu isticmaalo dugsiyada?

Dugsiyada iyo daryeel-bixiyeyaasha carruurta waxaa laga yaabaa inay u isticmaalaan iyo/ama ku bixiyaan baaritaanada shakhsi ahaaned ee COVID-19 siyaabo kala duwan (oo Af-Ingiriis ah), iyadoo ay ku xiran tahay haddii xaruntu leedahay Goobta Baaritanka Caafimaadka/shatiga CLIA. Baaritaanada guriga lagu sameeyo waxaa loo isticmaali karaa siyaabaha soo socda:

  • Baaritaanka ogaanshaha cudurka
  • Kuwa u bayla-noqday cuddurka
  • Baaritaanka goobta ama qoysaska guriga loogu diray si loogu qaado baaritaanka dhabta ah ee guriga, kaas oo faa'iido u yeelan kara ku noqoshada dugsiga kadib marka laga soo laabto fasaxa, tusaale ahaan.

Wixii macluumaad dheeraad ah booqo Hagida baaritaanka shakhsi-ahaaneed ee DOH COVID-19 ee Dugsiyada K-12 (oo Af-Ingiriis ah). Daawo fidyowgan tilmaamayo sida loo  isticmaalo iHealth (oo Af-Ingiriis ah), baaritaanka OTC.

Dugsiyadu miyay u baahan yihiin inay ka warbixiyaan natiijooyinka baaritaanada guriga?

Baaritaanada OTC ee ay sameeyan dugsiyadu, ee hoos yimaada Rugta baaritaanka Caafimaadka/Shatiga CLIA, ayaa loo tixgaliyaa baaritaanada daryeelka (POC) waana in laga soo warbixiyaa iyadoo la isticmaalayo SimpleReport. Dugsiyadu waa in aanay isticmaalin SimpleReport si ay uga warbixiyaan natiijooyinka baaritaanka OTC ee ardayda ama shaqaalaha si madax-banaan isku baaray guriga. Waa inay ardayga, waalidka, ama masuulka raacaan Tilmaanta iska baarista cudurka ee Department Of Health (DOH, Waaxda  Caafimadka) ee COVID-19 (oo Af-Ingiriis ah), taasi oo ay ku jiraan talaabooyinka xiga ka dib baaritaanka cuddurka laga helay iyo ikhtiyaarada lagu soo wargaliyo natiijada.

Tilmaamaha Iska-Baarista COVID-19 (oo Af-Ingiriis ah) iyo Booga Warbixinta Baaritaanka Barta- Daryeelka ee Department Of Health (DOH, Waaxda Caafimadka) (oo Af-Ingiriis ah) aya laga heli macluumaad dheeraad ah. Su'aal kasta oo ka timaada goobaha baaritaanka, ama dugsiyada soo gudbinaya xogta, waa in lagu jiheeyaa Unugga Ilaalinta ee  doh-surv@doh.wa.gov.

Sidee aya loo keydiyaa Baaritaanada guriga lagu sameeyo? Ma jirtaa shuruud ku aadan heerkulka loo baahan yahay?

Baaritaandu waa in lagu kaydiyaa gudaha heerkulka caadiga ah ee agagaarka 59-86°F. Haddii baaritaanku lagu keeno heerkul kulul ama mid qabow ah, u ogolow xirmooyinka baaritaanka inay gaaraan heerkulka kaydinta adiga oo ka tagaya iyada oo aan la furin heerkulka qolka laba saacadood ama ka badan kahor intaan la isticmaalin. Booqo Baaritaanada Guriga-daxdiisa ee Ogaanshaha COVID-19: Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo  (FAQ) (oo Af-Ingiriis & Isbaanish ah) si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

Dugsiyadu ma isticmaali karaan baaritaanada antigen-ka degdega ah ee wakhtigoodu dhacay?

Taariikhda dhicitaanka ku daabacan baaritaankaaga antigen-ka degdega ah waxaa laga yaabaa inaysan sax ahayn. Baaritaanadu waxay sii heli karaan, taariikh dhicitaan oo cusub ama la kordhiyey maadaama xogta waxqabadka dheeraadka ah ay diyaar u tahay FDA. FDA waxa ay haysaa liiska la ogol yahay ee qalabyada baaritaanada ee lagu soo iibsan karo  dukaamada kuwaas oo leh tafaasiisha cusub iyo cimriga qalab kasta oo baaritaaneed, oo lagu qoray lambarka tirada (oo ku daabacan baakadaha).
Bishii Meey 11, 2023, Xarumaha Medicare iyo Adeegyada Medicaid waxay soo saareen qoraal soo afjaray oggolaanshaha shaybaarada inay isticmaalaan shaybaarada COVID-19 ee dhacay. Haddii ay taariikha baaritaanadaadu ay dhaceen, DOH waxay ku talinaysaa in la tuuro baaritaanadas marka aad alaabtaada ku buuxiso baaritaano cusub oo aan dhicin. Si aad u dalbato baaritaano cusub, fadlan la xiriir Iskuduwaha ESD (oo Af-Ingiriis ah) ama COVIDtestingsupport@doh.wa.gov si aad u hesho caawimaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga.