COVID-19

This page is being reviewed for updates. The Washington State Department of Health has updated its guidance for what to do if you are sick with COVID-19 or were exposed to COVID-19. This page may have content that is inconsistent with the new guidance.

Macluumaadka Leenka Khadka Tooska ah ee COVID-19

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan COVID-19, wac 1-800-525-0127 kadibna riix lambarka 7 aad. Marka ay kaa qabtaan wicitaanka taleefanka, sheeg/dheh luuqadaada (Soomaali) si aad u hesho adeegyada tarjumaada luuqada. Leenka khadka tooska waxaa la heli karaa Isniinta lagasoo bilaabo 6 a.m. illaa 10 p.m., iyo Talaadada illaa Axada (iyo maalmaha fasaxa ciida lagu jiro) 6 a.m. ilaa 6 p.m.

Guriga xanuun dartii maka soo bixi la'dahay mana u baahan tahay talaallka COVID-19?

Waxaa jira saddex siyaabood oo la isku diiwaangeliyo.

Taxadar samee, WA - Ku noolaanshaha Nolol Wanaagsan oo Badqab leh Inta lagu jiro COVID-19

Waan ognahay in COVID-19 uu sii jiri doono mustaqbalka dhow. Waa muhiim inaan fahanno sida aan nolosheena u wadanayno anagoo haddana nafteena, ehelkeena, iyo bulshadeena ilaalinayna badqabkooda sida ugu amaansan ee macquulka ah. Sidee ayaan sidaas u samayn karnaa? Anagoo adeegsanayna dhammaan agabka aan baranay ilaa hadda: qaadashada talaalka iyo kuurada xoojinta ah, isbaaris iyo joogista guriga haddii aan jiran nahay ama qof qaba caabuqa nala joogay, ku xirashada maaskaro goobaha dadwaynaha, iyo ka fogaanshaha dadka kale.

Halkaan ayaad ka helaysaa waxa aad u baahan tahay inaad ogaato xili aan sii galayno heer cusub oo kamid ah nolosha la noolaanshaha COVID-19 ee bulshadeena.

Talaabo Qaad, Taxadar Samee

Decorative

Qaado tallaalka iyo Kuurada Xoojinta ah

Talaallada COVID-19 iyo kuurooyinka xoojinta ah ayaa ah difaaca koowaad ee kahortagaaya caabuqa iyo xanuunka daran.

Xog badan ka ogoow

Decorative

Baro Xiliga aad Isbaarayso

Yaree khatarta faafinta COVID-19 adoo isbaaraaya haddii aad xanuunsan tahay, aad ka qaybgalayso kulan balaaran, ama aad la joogtay qof qaba COVID-19.

Xog badan ka ogoow

Decorative

Xiro Maaskaro

Xirashada maaskaro ayaa la xaqiijiyay inay yarayso faafitaanka COVID-19 walina qasab ayay ka tahay goobaha qaar.

Xog badan ka ogoow

 

Haddii aad qabto COVID-19 hadda

Akhri Tilmaamihii ugu Danbeeyay

Joog guriga oo ka dheeroow dadka kale, oo raac tilmaamaha keli-yeelida ee ugu danbeeyay.

Xog badan ka ogoow

Qaado Daawada

La xariir dhakhtarkaaga si loo hubiyo dookhyadaada daawada.

Xog badan ka ogoow

Raadso Taageerada si aad u Bogsooto

Hel cuntooyin guriga laguugu keeno, daryeelka ilmaha, iyo adeegyada kale inta aad kasoo bogsanayso caabuqa COVID-19.

Xog badan ka ogoow

COVID-ka Raaga

Dadka qaba COVID-19 ayaa lahaan kara astaamo socda asbuucyo ilaa sanado kadib caabuqa. Kahortag COVID-ka raaga adoo kahortagaaya caabuqa COVID-19.

Xog badan ka ogoow

Macluumaad Dheeraad ah

Astaamaha, calaamadaha iyo kahortagga COVID-19

Astaamaha COVID-19 ugu weyn waa sidaan soo socoto:

  • Qufac, neef yari ama dhibaato dhanka neefsiga ah, qandho, qarqaryo, murqo xanuun, dhuun xanuun, luminta dhadhanka ama urka oo cusub. Astaamaha kale ee aan badnayn waxaa kamid ah lalabo, matag, ama shuban.
  • Wac lambarka 911 haddii aad aragto calaamadaha digniinta xaaladaha degdegga ah ee COVID-19 ee soo socda:
    • Neefta oo adkaata
    • Xanuun ama cadaadis joogta ah oo kaa saaran xabadka
    • Wareer degdega ah
    • Aan awoodin in uu tooso ama uu soo jeedo
    • Barax ah, maqaar midab buluug ah, ama bishimo, ama cidii jiifka, waxay ku xirantahay midabka maqaarka
  • Waa kuwee kooxaha dadka ah ee khatarta ugu jira?
    • Dadka waawayn, dadka da' kasta ee qaba dhibaatooyinka caafimaad, iyo haweenka uurka leh ayaa khatar wayn ugu jiri kara inay xanuun xun ka qaadaan cudurka COVID-19.

Sidee ayaan aniga ama qoyskeyga ooga difaaci/ilaalin karaa?

  • Qaado talaalka iyo kuurooyinka xoojinta ah marka aad u qalanto.
  • Guriga iska joog haddii aad xanuunsan tahay.
  • Xiro maaskaro oo ka fogoow dadka lix fiid (labo mitir) marka aad aado goobaha dadwaynaha ee la buuxo.
  • Ka fogoow goobaha dadka badan ay iskugu yimaadaan iyo meelaha aan lahayn hawo fiican.
  • Si joogto ah udhaq gacmahaada ama isticmaal daawada/jeermis dilaha gacmaha.
  • Ku dabool qufacaaga iyo hindhisadaada xusulka ama tiish.
  • Ha taaban wajigaada, afkaada, sankaada ama indhahaada.
  • Nadiifi dusha meelaha gurigaaga.
  • Haddii aad qabto calaamadaha COVID-19, utag dakhtarkaaga.
U booqo dukaamada iyo goobaha dadweynaha si badbaado badan leh

Waxaa jira waxyaabo badan oo aad xasuusnaan karto si aad naftaada iyo dadka kale u difaacdo kahor iyo kadib marka aad banaanka aado iyo inta aad ka maqan tahay guriga.

Kahor inta aadan kabixin guriga:

  • Intaa inta ugu badan ee suuragalka ah, ha aadin dukaan ama goob kale oo ay dadku iskugu imaadaan haddii aad xanuunsan tahay. Ka codso qof kamid ah qoyska ama saaxiib inuu alaabta kuusoo qaado.
  • Iskuday inaad habka oonleenka aad kudalbato raashinka, daawooyinka. iyo alaabaha kale si laguugu keeno gurigaada.
  • Iskuday inaad aado dukaanka waqtiyada firaaqada ah oo ay dad badani joogin, haddii ay suurtagal tahay.
  • Dhaq gacmahaada kahor intaadan guriga ka bixin

Inta aad joogto gudaha goobaha dadku buuxaan:

  • Xiro maaskaro daboolaya sankaaga iyo afkaaga.
  • Kafogoow/Ujirso dadka kale ugu yaraan lix fiit (ama labo mitir) oo udhexeyso adiga iyo dadka kale, ayna ku jirto leenka lacag bixinta markaa taagan tahay.
  • Dabool afkaaga iyo sankaaga markaad qufacayso ama hindhisayso.
  • Ha taaban wajigaaga.
  • Haddii aad dukaameysi u baxdo, isticmaal daawada jeermiska disha ee gacmaha ama tirtirayaasha jeermis dilaha ah si aad ugu nadiifisid gacanka/meesha la qabsado marki lajiidayo gaariga ama dambiishaada lagu dukaameysto.

Marka aad guriga ku laabato:

  • Dhaq gafuur xirkaaga oo geli meel amaan ah. Iskatuur afxirka la tuuri karo.
  • Gacma dhaqo/farxalo.
  • Raac tallaabooyinka badbaadada cuntada. Haku darin jeermis dile agabka cuntada. Dhaq miraha iyo khudaarta sidi caadiga ahayd.
Haweenka uurka leh, ilmaha yaryar iyo COVID-19

Waxa Ay Tahay Inaad Ogaato haddii aad uur leedahay

  • Haweenka uurka leh ama dhawaan uurka yeeshay waxa ay halis dheeraad ah ugu jiraan inay xanuun aad udaran ka qaadaan COVID-19 marka loo barbardhigo haweenka aan uurka lahayn.
  • Dadka uu kudhaco cudurka COVID-19 inta ay uurka yihiin waxa ay sidoo kale halis dheeraad ah ugu jiraan inay ilmo dhicis ah dhallaan (inuu canugu dhasho kahor 37 asbuuc ee uu kudhalan jiray) iyo dilan, waxaana laga yaabaa inay halis dheeraad ah ugu jiraan dhibaatooyinka kale ee uurka.
  • Dadka uurka leh ama dhawaan yeeshay uurka iyo dadka ay la kulmaan waa inay qaadaan tallaabooyinkaan si ay ooga caawiyaan inay isaga ilaaliyaan faafinta cudurka COVID-19:
    • Qaado tallaalka oona kadib qaado tallaalka xoojinta ah.
    • Xiro afxirka.
    • Ka fogoow/ujirso lix fiit dadka kale, kana fogoow goobaha dadka badan ay iskugu yimaadaan iyo meelaha aan lahayn hawo fiican.
    • Isbaar si aad uga fogaato ku faafinta cudurka dadka kale.
    • Si joogto ah u farxalo oo kudabool qufacaaga iyo hindhisadaada xusulka ama tiish.
    • Si joogto ah u nadiifi oo daawada jeermis dilaha kubuufi gurigaada.
    • La soco caafimaadkaada maalin walbo.
    • Inay wacaan dhakhtarkooda isla markiiba haddii ay wax walaac ah ka qabaan uurkooda, haddii ay xanuusadaan, ama haddii ay umaleynayaan in laga yaabo inay qabaan cudurka COVID-19.

Uurka iyo tallaalka COVID-19

  • Tallaalka looga hortago COVID-19 waxaa lagula talinayaa haweenka uurka leh, haweenka naaska nuujinayo/ilmo nuujinayo, kuwa raba inay hadda uur qaadaan, ama laga yaabo inay uur yeeshaan mustaqbalka.
  • Cadaynta la xariirta badqabka iyo waxtarka talaalka ka dhanka COVID-19 inta aad uurka leedahay ayaa sii kordhaysa. Xogta waxa ay soo jeedineysaa in faa'iidooyinka laga helo qaadashada tallaalka COVID-19 ay ka miisaan culus yihiin khatar kasta oo la yaqaano ama suurtagal ah oo laga yaabo inay ka dhalato tallaalka xilliga uurka.
  • Dadka uurka leh waa inay qaataan kuurada xoojinta ah ee talaalka COVID-19 marka ay u qalmaan.
  • Talaallada COVID-19 ma keenaan caabuqa COVID-19, xataa dadka uurka leh ama ilmahooda.
  • Hadda majirto wax caddeyn ah oo muujineyso in wax tallaal ah, oo ay kujiraan tallaalada COVID-19, ay sababaan dhibaatooyinka madhaleysnimada haweenka ama ragga.
  • Uur ma leedahay mana qabtaa su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan tallaalka COVID-19? Lahadal dhakhtarkaaga ama la xariir MotherToBaby, kuwaas oo khuburadoodu diyaar u yihiin inay kaaga jawaabaan su'aalaha taleefoon ama wada sheekeysi qoraal ah. Adeegaan bilaashka, ee qarsoodiga ah waxaa la heli karaa Isniinta ilaa Jimcaha, 8 a.m. illaa 5 p.m. Booqo MotherToBaby (Ingiriis iyo Isbaanish) si aad toos ula sheekeysato ama iimayl udir, ama ka wac lambarka 1-866-626-6847 (kaliya lagu heli karo luuqadaha Ingiriiska iyo Isbaanishka).

Sida loo daryeelo ilmaha dhawaan dhashay haddii uu qabo COVID-19

  • Inta badan ilmaha dhawaan ay dhaleen haweenka qabay cudurka COVID-19 inti ay uurka lahaayeen maqabaan ilmahaas cudurka COVID-19 marka ay dhashaan.
  • Inta badan ilmaha dhawaan dhashay oo laga helay COVID-19 ma lahayn astaamo ama waxa ay lahaayeen astaamo fudud waa ayna kabogsadeen/fiicnaadeen. Warbixinnada ayaa muujinaaya in ilmaha dhashay qaarkood ay qaadaan xanuun daran oo ka dhasha COVID-19.
  • Haddii aad kujirtid iskaliyeelida/isgo'doominta COVID-19 oo aadna haysato ilmo dhawaan dhashay, samee/qaad taxadarooyinka soo socdo illaa mudadaada iskeli-yeelida ay kadhamaato:
    • Joog guriga si aad ooga fogaato dadka kale ee aan kula noolayn.
    • Iska go'doomi (ka fogoow) xubnaha kale ee qoyska kuwaas oo aanan qabin cudurka oona ku xiro afxirka goobaha lawada wadaagayo/lawada isticmaalayo.
    • Raadso daryeel bixiye caafimaad qaba kaasoo qaatay talaalka buuxa aana khatar dheeraad ah ugu jirin xanuunka si uu u daryeelo ilmahaaga dhashay. Haddii ay suurtagal tahay, iska lis caanaha naaska si uu daryeel bixiye kale uu usiiyo canuga. Haddii aad ilmaha siiso caanaha masaasada, ka codso daryeele caafimaad qaba inuu diyaarsho.
    • Raac taxadarooyinka lagula taliyey haddii aad u baahan tahay inaad adiga daryeesho canugaada dhawaan dhashay kahor inta aysan dhammaan muddadaada isgo'doominta, oo ay kamid yihiin xirashada afxirka marka aad quudineyso ama aad hayso ilmahaada.
    • Ka fiiri ilmahaada dhawaan dhashay astaamaha COVID-19.
  • Caddeynta hadda jirta waxa ay muujineysaa in caanaha naaska aysan u badneyn inay ugudbiyaan fayraska ilmaha dhashay. Cilmi baaris dhawaan la sameeyey ayaa muujineyso in haweenka laga tallaalay cudurka COVID-19 ay ugudbiyaan ilmahooda unugyada difaaca jirka ayagoo umarinayo caanaha naaska. Haddii aad qabto COVID-19 oo aad go'aansato inaad naas nuujiso:
    • Farxalo kahor intaadan ilmaha naas nuujin.
    • Maaskaro xiro inta aad ilmaha nuujinayso ama naaska u dhigayso iyo markasta oo aad wax ka yar lix fiid (labo mitir) u jirto ilmahaaga.

Laynka Gurmadka Perinatal Support Washington ayay heli karaan dhammaan waalidiinta cusub iyo kuwa ilmo dhali doona, ama ehelkooda, mar kasta oo ay u baahan yihiin xogta iyo taageerada caafimaadka dhimirka. Ka wac Laynka Gurmadka Perinatal Support Washington lambarka 1-888-404-7763 ama booqo webseedka Perinatal Support (Ingiriis keliya). Fariin qoraal ama iimeel u dir warmline@perinatalsupport.org.

Waa muhiim inaad hesho caawimaad. Wac laynka gurmadka Isniin ilaa Jimco 9 a.m.ilaa 4:30 p.m. (kaliya lagu heli karo luuqadaha Ingiriiska iyo Isbaanishka). Xiliyada fiidkii iyo maalmaha fasaxa asbuuca fadlan fariin noo reeb kadibna qof ayaa wicitaanka kugusoo celin doona 1-12 saacadood gudahood. Laynka gurmadka waxaa ka shaqeeya shaqaalaha bulshada, baxnaaniyaal ruqsad leh, ama waalidiin khibrad u leh niyad jabka ama walaaca umusha.

Daryeel naftaada iyo qoyskaada

Washington Listens:Haddii aad ubaahato inaad qof kala hadasho walaaca uu keenay COVID-19, ka wac Washington Listens lambarka 1-833-681-0211. Mar kasta waxaa jooga qof kula hadlayo Isniin illaa Jimco laga bilaabo 9 a.m. illaa 9 p.m., iyo maalmaha dhamaadka asbuuca laga bilaabo 9 a.m. illaa 6 p.m. Helitaanka adeegyada dadka dhagoolka ee TTY iyo adeegyada luuqada ayaa la heli doonaa. Xog dheeraad ah ayaa laga heli karaa Bogga Caafimaadka Dhimirka iyo Faya Qabka Dhimirka (Ingiriis Keliya).

  • Si fiican ula soco xaalada hadda jirta ee musiibada cudurka iyo tallooyinka dheeraadka ah oo wato xogta laga helaayo warbaahinta la isku hallayn karo, hay'adaha caafimaadka dadweynaha iyo kuwa maxalliga ah, iyo cusbooneysiimaha laga helaayo webseetyada caafimaadka bulshada.
  • Sameyso liiska ilaha bulshada, sida lambarada taleefoonka, webseetyada iyo akoonada baraha bulshada. Waxaad kudarsan kartaa lambarada khadka tooska ee iskuulada, dhakhaatiirta, ururada caafimaadka bulshada, adeegyada bulshada, xarumaha bulshada ee caafimaadka dhimirka, iyo laymanka tooska ah.
  • Qoyska iyo saaxiibada kula xariir taleefoonka ama adigoo isticmaalayo adeegyada onleenka/khadka.
  • Keyd sameyso oo hayso sahayda caafimaadka ee aasaasiga ah (sida saabuunta, gacma dhaqayaasha jeermis dilaha ah, tiish, heerkulbeeg/qalabka kuleelka ama qandhada lagu cabiro, daawooyinka yareeyo qandhada, iyo agabka COVID-19 la isaga baaro ee guriga).
  • Iskuday inaad haysato sahayda daawooyinka adiga iyo xubnaha qoyskaada aad sida joogtada ah uqaadataan.

Taageer xubnaha dhallinta ah ee qoyskaaga

  • Raadso taageerada iyo xariirka joogtada ah ee saaxiibadaada iyo qoyskaada adiga oo kula hadlaayo taleefoon, fariin qoraal, iimayl, ama baraha bulshada.
  • Haddii warka ay ka helitaanka cudurka ay dhibaan carruurta, ha hilmaamin inaad nasiino siiso. La hadal carruurta si aad ugu kala caddeysid xog kasta oo laga yaabo inay ka helaan interneetka ama ilaha kale ee laga helo xogaha.
  • Xoogga saar taageerida carruurta adiga oo kudhiiri galinaayo inay su'aalo kuweydiiyaan adiga oona ka caawinaayo inay fahmaan xaalada hadda taagan.
  • Kala hadal dareemada qabto qabaan oona ku ixtiraam.
  • Ka caawi inay ku soo bandhigaan dareenkooda sawiradda iyo hawlaha kale.
  • Sii kalsooni iyo dulqaad kabadan sida caadiga ahayd.