Daaweynta COVID-19

Dadka laga helo caabuqa COVID-19 oo halis weyn ugu jira inay aad ula xanuunsadaan ayaa ka faa'iideysan kara dabiibka (daawooyinka) COVID-19 ee la heli karo. Daaweyntaan waxay gacan ka geysan kartaa inay kahortagto xanuun daran, isbitaal dhigis, iyo in loo dhinto COVID-19. Isla markiiba kala hadal dhakhtarkaaga haddii lagaa helo caabuqa oo halis weyn aad ugu jirto maadaama daaweynta loo baahan yahay in la bilaabo goorhore si ay si wanaagsan wax u qabtaan. Dhakhtarkaaga wuxuu kaa caawin doonaa go'aaminta xulashada daawooyinka COVID-19 ee adiga kugu habboon.

Daaweynta/daawooyinka COVID-19 ma ahan baddalka kahortagga. Waxaa weli lagu talinayaa in qofkasta oo u qalma inuu qaato tallaalka oo uuna qaadaa tallaabooyinka kale ee looga hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Waa maxay Daawooyinka Diffaaca Jirka ee Halka Unug?

Unugyada difaaca jirka waa borotiino uu jirka dadku sameeyo si uu ula dagaalo fayrasyada, sida fayraska keena COVID-19. Unugyada difaaca jirka ee lagu sameeyo sheybaarka waxa ay inta badan u dhaqmaan sida unugyada difaaca jirka ee dabiiciga ah si ay u xadidaan tirada fayraska kujira jirkaaga. Waxaa loo yaqaanaa Daawooyinka Diffaaca Jirka ee Halka Unug. Haddii aad khatar ugu jirto xanuunka daran ee COVID-19 lagaana helay caabuqa COVID-19 ama aad la joogtay qof laga helay caabuqa, waxaad u baahan kartaa daawada difaaca jirka ee halka unug (mAb). Waxaad u qalmi kartaa daawada mAb (bebtelovimab) si lagaaga daaweeyo COVID-19 ayadoo ku xiran da'daada, taariikhda caafimaadka, iyo muddada aad qabtay astaamaha xanuunka.

Waa maxay Daawada Kahortagga Kahor Soogaadhista Caabuqa COVID-19?

Daawada Kahortagga Kahor Soogaadhista Caabuqa (PrEP) waa daawo loo sameeyay inay fayraska kahor istaagto inuu gaaro uuna galo unugyada jirka qofka. Si ka duwan daawooyinka kale ee diffaaca jirka ee halka unug ee hadda la heli karo, Evusheld waa unug difaaca jirka ah oo muddo dheer shaqeynaayo oo loo fasaxay in loo isticmaalo kaliya in looga hortago ama looga ilaaliyo qofka kahor inta aanan lasoo gaarsiinin caabuqa COVID-19. Evusheld looguma talagalin in lagu daaweeyo astaamaha uu keenay caabuqa COVID-19 mana loo siiyo kadib u dhawaanshaha qof qaba caabuqa COVID-19; waxaa dadka loo siiyaa in looga hortago caabuqa kahor inta uusan soo gaarin.

Waa maxay Daawada Kahortagga Fayraska ee Afka laga qaato?

Daawada kahortagga fayraska ee afka laga qaato ayaa ka caawinaysa jirkaaga inuu la dagaalamo COVID-19 asagoo ka joojinaaya fayraska SARS-CoV-2 (oo ah fayraska keena COVID-19) inuu ku laba jibaarmo jirkaaga dhexdiisa, asagoo yaraynaaya cadadka fayraska ee ku jira jirkaaga, ama caawinaaya nidaamka difaaca jirkaaga. Markaad daawada qaadato, waxaad dareemi kartaa astaamaha daran oo yar waxaana yaraan kara suurtagalnimada ah in xanuunkaagu kasii daro aadna u baahato in isbitaal lagu dhigo. Daaweynta kahortagga fayraska ee loogu talagalay COVID-19 ayaa loo helayaa bukaanada qaba astaamaha fudud ama kuwa dhex-dhexaadka ah, ee aan isbitaalka kujirin, oo qabay astaamaha muddo shan maalmood ah ama kayar, oo halis weyna ugu jira inuu kudhaco xanuunka daran.

Waa maxay Daawada Kahortagga Fayraska ee Xididada (IV) laga qaato?

Remdesivir (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) waa daawo kahortagga fayraska loo soosaaray oo ay oggolaadeen Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka) oo aan hadda aysan qeybin Washington State Department of Health (WADOH, Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington). Waxa ay u shaqeysaa iyadoo ka xireysa fayraska inuu isdhaldhalo (mid lamid ah uu katarmo). Remdesivir waa cirbad lagu durayo xididka oo ku soconaysa mudo (hab xidid ka siin ah), kaas oo loo yaqaano faleembada IV.

Remdesivir waxaa loo fasaxay in lagu daaweeyo dadka waaweyn iyo carruurta ee aanan isbitaalka la jiifin kuwaas oo halis weyn ugu jira inuu kudhaco caabuqa daran ee COVID-19. Markii ay ahayd bishi Abriil 25, 2022, FDA ayaa ballaarisay oggolaanshahaan si loogu daro carruurta jirta ugu yaraan 28 maalmood oo uu miisaankoodu yahay ugu yaraan 3 kg (qiyaas ahaan 6.6 pounds) oo halis sarena ugu jira inuu ku dhaco xanuunka daran, taasoo kadhigeysa remdesivir daawadi ugu horreysay ee ay FDA u oggolaatay carruurta kayar da'da 12 sano.

Remdesivir waa in la bilaabaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah, iyo toddobo maalmood gudahooda markii ay astaamaha soo bilowdaan, marka waxaa muhiim ah in dadka halista weyn ugu jira inay la xidhiidhaan dhakhtarkooda haddii ay qabaan astaamaha oo laga helo caabuqa COVID-19. Daaweynta waxaa loo siiyaa si taxane ah oo ah saddex faleembo IV, oo la siiyo halmar muddo saddex maalmood oo isku xigo.

Dhammaan xarumaha daryeelka caafimaadka ma siin karaan bukaan socodka daawada remdesivir – bukaanadu waa inay la hadlaan dhakhtarkooda si ay u ogaadaan haddii laga yaabo inay tahay xulasho daaweyn oo suurtagal ah.

Remdesivir waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu daaweeyo bukaanada isbitaalka lala jiifiyey xanuunka aadka u daran ee uu keenay caabuqa COVID-19. Haddii isbitaalka laguu jiifiyo caabuqa COVID-19 awgiisa, dhakhtarkaaga ayaa go'aamin doona haddii remdesivir ama daawooyinka kale loo baahan yahay.

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Sidee ayey mAbs u caawiyaan dadka qaba COVID-19?

Daawenta MAb ee uu u oggolaaday U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka) si loogu isticmaalo xaaladaha degdega ah ayaa ka caawin kara dadka ugu jira halista daran (kuqoran oo kaliya Af-Ingiriis iyo Isbaanish) ee qaba astaamaha halista ah ee xanuunka:

  • Inay yareyso suurtagalnimada ah in isbitaal lagu dhigo
  • Inaad si degdeg ah aad ooga soo bogsato caabuqa COVID-19
Yaa qaadan kara daawada mAb?

MAbs waxaa loogu talagalay:

  • Dadka laga helay caabuqa COVID-19
  • Dadka leh astaamaha fudud ama dhexdhexaadka ah ee xanuunka muddo 10 maalmood ah ama kayar
  • Dadka halista weyn ugu jira inay si aad ah ula xanuunsadaan
Ma qaadan karaa tallaalka COVID kadib marka aan qaato daawada difaaca jirka ee halka unug ah?

Haddii aad qaadatay daawada difaaca jirka ee la qaato (daawada difaaca jirka ee halka unug ah ama dheecaanka dhiigga ee laga soo qaaday dadka kasoo bogsaday xanuunka) kadib caabuqa COVID-19, waad qaadan kartaa tallaalka COVID-19 waqti kasta oo ay mudo u dhaxeyso kadib markaad dhammeysato daawada.Shakhsiyaadka loogama sii baahno inay sugaan 90 maalmood kadib marki ay dhammaato qaadashadooda daawada difaaca jirka ee la qaato.

Wixi su'aala ah oo kusaabsan uqalmitaanka daawada difaaca jirka ee la qaato, kala tasho daryeel bixiyahaaga.

Sidee ayaan ku muujin karaa inaan qaatay daawada difaaca jirka ee halka unug ah?

Bixiyaha caafimaadka ee bixiyey daawada mAb ayaa ku siin kara dukumiintiyada tilmaamaya marki aad qaadatay daawada.

Yaa uqalma inuu qaato daawooyinka kahortagga fayraska ee Afka laga qaato?

Paxlovid: Bukaannada dadka waawayn iyo carruurta (12 sano jirka ah iyo kuwa kasii weyn oo miisaankoodu yahay ugu yaraan 88 pounds/40 kg) ee halista weyn ugu jira inuu ku noqdo caabuqa COVID-19 xanuun daran, oo ay kujirto isbitaal jiifin ama dhimasho.

Molnupiravir: Dadka waawayn ee halista weyn ugu jira inuu ku noqdo caabuqa COVID-19 xanuun daran, oo ay kujirto isbitaal jiifin ama dhimasho, iyo kuwa ikhtiyaarka daawada caabuqa COVID-19 baddalkeeda ay u oggolaatay Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka) inaysan heli karin ama caafimaad ahaan aysan ugu habbooneyn.

Daaweynta ma daboolayaa caymiska Medicaid/Children's Health Insurance Program (CHIP)?

Haa. Medicaid/Children's Health Insurance Program (CHIP, Barnaamijka Caymiska Caafimaadka Carruurta) waxay dabooleysaa khidmada siinta (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) daawooyinka mAbs. Khidmadda siinta daawada waa khidmadda uu dhakhtarku qaato si uu kuusiiyo daawada. Inta badan daawooyinka mAbs, qiimaha daawada lafteeda waxaa bixiya dawlada dhexe.

Haddii aan caymis lahayn, wali ma qaadan karaa daawada caabuqa COVID-19?

Daawooyinka caabuqa COVID-19 oo ay soo iibisay dawladda dhexe waxaa lagu siiyaa bukaanada si bilaash ah. Hase yeeshee, bixiyayaasha ayaa qaadan kara khidmada bixinta, daaweynta iyo siinta taas oo ay dabooli karaan barnaamijyada caymiska, bukaanada ama dawladda dhexe. Si aad u ogaatid nooca caymiska ee la heli karo marka aad raadsaneyso daaweynta, fadlan kala tasho daryeel bixiyahaaga.

Shaqsiyaadka aanan sharciyeysneyn ma qaadan karaan daawada caabuqa COVID-19?

Shaqsiyaadka aanan sharciyeysneyn waxa ay caymis ka qaadan karaan Alien Emergency Medical Program (Barnaamijka Caafimaadka Degdegga ah ee Dadka Ajanabiga) (ku qoran Af-Ingiriis oo kaliya) ee:

  • Xaaladaha degdega ah ee uqalma si loogu daro qiimeynta iyo daaweynta caabuqa COVID-19. 
  • Goobaha baaritaanka iyo daaweynta si loogu daro xafiiska, rugta caafimaadka, ama daryeelka caafimaadka ee habka fogaan araga ah.
  • Adeegyada la oggolaaday. Shakhsiyaadka laga helo caabuqa COVID-19 ayaa laga yaabaa in laga daboolo daawooyinka iyo adeegyada neef-mareenka. Natiijooyinka suuragalka ah in laga helo COVID-19 waxaa laga yaabaa in la daboolo booqashooyinka dabagal ah iyo daawooyinka.

Sida loo codsado AEM

Dadka waaweyn ee jira da'da 19 sano illaa 64 sano:

Dadka waaweyn ee jira da'da 65 sano ama kaweyn, araga la', naafo ah, ama ubaahan adeegyada daryeelka muddada dheer ah:

Hel Daawada caabuqa COVID-19

Barnaamijka Test to Treat (Isbaar si laguu Daaweeyo) ayaa ku siin kara si dhakhsa ah, oo sahal lagu helayo daawooyinka naf badbaadinta ah ee caabuqa COVID-19. Haddii lagaa helo caabuqa, waxaad u tagi kartaa daryeel bixiye caafimaad (adoo ugu tagaayo xarun ama kula kulmaaya qaab oonleen ah), oo haddii aad u qalantana, soo qaado daawada caabuqa ee afka laga qaato hana laguu qoro daawadaas—adigoo dhammaan kuhaynaya hal goob.

Booqo meeleeyaha goobta Test to Treat ama wac 1-800-232-0233 (TTY 1-888-720-7489) si laguugu caawiyo Af-Ingiriisi, Isbaanish, iyo in kabadan 150 luuqadood oo kale. Xarunta wicitaanka waxay furan tahay laga bilaabo 8am illaa saqdhexe ET, 7 maalmood toddobaadkiiba, waxayna kaa caawin doontaa helitaanka goobta kuugu dhaw.

Khayraadka loogu talagalay Shakhsiyaadka Aan Lahayn Caymiska

Shakhsiyaadka aan lahayn caymiska ee ubaahan daawooyinka COVID-19 ama in laga daboolo daryeel kale ee caafimaad waxa ay gali karaan:

Shakhsiyaadka aanan caymiska lahayn waxa ay sidoo kale adeegyada ka raadsan karaan qaar badan oo kamid ah rugaha caafimaadka ee qayb ka ah Xarumaha Takhasuska Caafimaadka ee heer Federaal (FQHCs) ee soo socda: 

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo helitaanka goobta daawada laga qaato? Wac 1-800-232-0233 (TTY 888-720-7489) si aad u hesho goobta Test to Treat (kaliya ah Af-Ingiriisi).

Ilo Dheeraad ah

Leenka khadka caawimada gobolka ee COVID-19 ayaa diyaar kuu ah in lagaaga jawaabo haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah. Macluumaadka kusaabsan leenka khadka caawimada ayaa laga helayaa bogga Nalasoo Xidhiidh.

Si aad u hesho waxbadan oo kusaabsan daawooyinka caabuqa COVID-19, booqo bogga Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Daawooyinka caabuqa COVID-19.