COVID-KA Raaga

Waa maxay COVID-KA Raaga?

Dadka uu kudhacay caabuqa COVID-19 waxay sii dareemi karaan calaamadaha iyo saamaynta muddada dheer ee kadambeeyo marka uu kudhaco caabuqa, ayaa loo yaqaanaa “COVID-KA Raaga” ama “Xanuunada kadambeeyo caabuqa COVID”. Wali wax badan lagama yaqaan caabuqa COVID-ka raaga. Waxaan sii wadaynaa inaan wax kasii barano caabuqa COVID-ka raaga inta cilmi barista ay kusocoto.

Astaamaha Caabuqa COVID-KA Raaga

Dadka qaba caabuqa COVID-KA Raaga waxa ay yeelan karaan calaamado kala duwan kuwaas oo ay qabi karaan toddobaadyo, bilo ama sanado kadib qaadista caabuqa.

Astaamaha waxaa kamid ah laakiin aanay ku koobneyn:

  • Dareemidda daal, gaar ahaan kadib marka aad maskixiyan ama jismi ahaan ushaqayso
  • Qandho
  • Neefta oo adkaata
  • Qufac
  • Xabad xanuun
  • Isbeddel kuyimaada urta iyo/ama dhadhanka
  • Fakarka oo adkaada ama in diiradda wax la saaro ama "humaag maskaxda ah"
  • Madax xanuun
  • Calool xanuun
  • Caado wareerka dumarka

Yaa uu ku dhici karaa COVID-KA Raaga?

Qofkasta oo uu kudhacay COVID-19 waa uu ku dhici karaa COVID-KA Raaga. Waxa uu aad ugu badan yahay dadka qabay astaamaha daran ee caabuqa COVID-19, gaar ahaan kuwa ubaahday in isbitaal la dhigo. Dadka dareemay xanuunada hababka gubashada ee kala duwan intii ay qabeen ama kadib marki uu kudhacay caabuqa COVID-19 ayaa khatar weyn ugu jiri kara COVID-KA raaga.  Dumarka, dadka wawayn, dadka lanool xaaladaha caafimaad iyo dadka aan tallaalka qaadan ayaa u muuqda inay aad ugu badan tahay inuu kudhaco caabuqa COVID-KA raaga. Dadka uu kudhacay caabuqa COVID-19 dhawr goor ayaa sidoo kale halis ugu jiri kara xaalado caafimaad darro oo dheeri ah oo kujiro caabuqa COVID-KA raaga.  

Kahortagista COVID-KA Raaga

Kahortagista caabuqa COVID-19 ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo COVID-KA raga. Ka ilaali naftaada iyo dadka kalaba caabuqa COVID-19 adiga oo dhaqaya gacmahaaga, kuxiranaya waji-xirka meelaha bulshada kubadan tahay, joogaya gurigaaga marka aad la il-darantahay caabuqa, qaadanayana tallaalada laamaha caafimadka kutaliyeen iyo kuurooyinka xoojiya tallaaka.

Shakhsiyaadka tallaalka qaba oo hadana uu kudhacay caabuqa COVID-19 waxaa laga yaaba inay yartahay halista ay ugu jiraan inuu kudhaco COVID-ka raaga marka loo eego kuwa aanan qabin tallaalka.

Wax ka ogow iska tallaalida COVID-19

Ogaanshaha caabuqa COVID-KA Raaga

Waa ay adkaan kartaa in la ogaado caabuqa COVID-KA Raaga. Way ku adkaan kartaa bukaanada inay sharaxaan calaamadaha. Ma jiro tijaabo sheybaar ama daraasad sawireed oo lagu ogaado caabuqa. Tijaabooyinka caafimaad waxa ay muujin karaan natiijo caadi ah xitaa haddii bukaanku qabo caabuqa COVID-KA Raaga.

Dadka qaar ee soo sheega calaamadaha COVID-KA Raaga ma muujin calaamadaha caabuqa COVID-19 lagamana helin caabuqa COVID-19 markii hore ee ay bukeen. Tani waxa ay adkaynaysaa in la xaqiijiyo in ay qabeen caabuqa COVID-19 waxayna hor istaagi kartaa ama dib u dhigi kartaa ogaanshaha COVID-KA Raaga. Waa muhiim inaad iska baadho caabuqa COVID-19 marka ugu horreysa ee aad xanuusato si aad hadhow uga caawiso ogaanshaha danbe ee caabuqa COVID-KA Raaga.

Talooyinka bukaanka: Ballamaha Bixiyaha Daryeelka Caafimaadka ee Xaaladaha COVID-ka Dib (kuqoran Af-Ingiriis)

Xaaladaha Caafimaad ee Cusub iyo kuwi Horay Usii Jiray

Caabuqa COVID-19 waxa uu saameyn ku yeelan karaa habdhisyada kala duwan ee xubnaha jirka waxa uuna mararka qaar kicin karaa xaalado unugyada difaaca ay weerar kuqaadaan unugyada caafimaadka qaba ee jirka oo laga yaabo inay door ka ciyaaraan COVID-KA raaga Xaaladaha unugyada difaaca ay weerar kuqaadaan unugyada caafimaadka qaba ee jirka waxa ay dhici karaan marka habka difaaca jirka uu ku keeno barar gubasho leh ama dhaawaca unugyada jirka ee ay saameynta soo gaartay. Arrintaan waxa ay kadhigan tahay dadka uu kudhacay caabuqa COVID-19 waxa ay u badan tahay in ay haleelaan walaacyo caafimaad oo cusub sida cudurka macaanka ama xanuunada wadnaha.  Xaaladihi caafimaad ee sii jiray sida cudurka macaanka iyo xanuunada wadnaha ayaa sidoo kale ka sii dari kara caabuqa COVID-19 ka dib.

COVID-KA Raaga iyo Xuquuqda Naafada

COVID-KA Raaga waxa uu sababi karaa naafanimo jireed iyo mid maskaxeed waxaana loo tixgeliyaa naafanimo marka loo eego Americans with Disabilities Act (ADA, Xeerka Ameerikaanka Naafada ah). Dadka la il-daran caabuqa COVID-KA raaga waxaa si sharci ah looga ilaaliyaa takoorka naafanimada ku saleysan. Waxaa laga yaabaa inay xaq u yeeshaan in isbedello macquul ah loogu sameeyo ganacsiyada, gobolka iyo dawladaha hoose si loogu fududeeyo caqabadaha la xiriira COVID-ka raaga.

Tilmaanta kusaabsan “COVID-KA Raaga” ka Naafanimo ahaan sida hoos timaada ADA (ku qoran Af-Ingiriis)

COVID-KA Raaga iyo Uurka

Haweenka uurka leh ama dhawaan uurka yeeshay waxay u badan yihiin inay aad ula xanuunsadaan caabuqa COVID-19. COVID-19 wuxuu sababi karaa dhibaatooyin saameeya uurka iyo dhallaanka soo koraaya.

Wali wax badan lagama yaqaan sida caabuqa COVID-ka raaga uu u saameyn karo uurka. National Institutes of Health (NIH, Machadyada Caafimaadka Qaranka) (ku qoran Af-Ingiriis) waxa ay samayn doonaan daraasad 4 sano ah oo ku saabsan saamaynta muddada dheer ah ee caabuqa COVID-19 kuleeyahay haweenka uu kudhacay COVID-19 markii ay uurka lahaayeen, iyo ubadkooda.

COVID-KA Raaga iyo Dhallinyarada

Dhallinyarada ayaa sidoo kale la xanuunsan kara COVID-KA raaga Dhalinyarada dareemaya calaamadaha COVID-KA raaga sida daalka iyo feejignaanta oo ku adag ayaa laga yaabaa in ay ku adkaato ka qaybgalka waxbarashada dugsiga iyo hawlaha kale. Carruurta yaryar ayaa ay ku adkaan kartaa inay soo tabiyaan astaamahooda.

Carruurta qaba COVID-KA raaga ayaa xaq u yeelan kara waxbarasho gaar ah, dhowrid ama adeegyada la xariira sida hoos timaada 2 Sharci oo federaalka ah (ku qoran Af-Ingiriis).

Ka tallaalidda dhalinyarada caabuqa COVID-19 ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo caabuqa COVID-KA raaga ee dhalinyarada.

Wax badan kabaro tallaalidda dhallinyarada.

Macluumaad loogu talagay Dhakhaatiirta