Dib Usoo Celinta Degdega Ah Ee Caanaha Ilmaha

Mead Johnson Nutrition waxay soo saartay in dib loo soo celiyo caanaha ilmaha ee Nutramigen Powder ee kujirta gasacadaha 12.6 iyo 19.8oz. Majirto badeeco kale oo Mead Jonson soo saarto oo ay saamaysay.

Caanaha dib loo soo celinayo waxaa kamid ah:

  • Lambarrada xirmooyinka:
    • ZL3FHG (gasacadaha 12.6 oz)
    • ZL3FMH (gasacadaha 12.6 oz)
    • ZL3FPE (gasacadaha 12.6 oz)
    • ZL3FQD (gasacadaha 12.6 oz)
    • ZL3FRW (gasacadaha 19.8 oz)
    • ZL3FXJ (gasacadaha 12.6 oz)
  • Koodhka Universal Product Code (UPC, Koodhka Caalamiga ah ee Alaabta):
    • 300871239418
    • 300871239456
  • Taariikhda kama danbaysta ah ee la isticmaali karo: 1 Jan 2025

Eeg lambarka gasacadaha caanaha:

  • Haddii uu yahay kuwo dib loo soo celiyay, HA siin canuggaaga caanaha.
  • Ku calaamadee dhammaan qasacyada dib u celintooda la amray "Ha Isticmaalin (Do Not Use)".
  • Hayso gasacadaha dib loo celinayo si caano laguugu beddelo.

Sida loo beddesho caanaha dib loo celinaayo:

Iskuday inaad caanaha ilmaha ku celiso dukaanka:

  • Dukaan kasta waxaa gaar ah u ah dookhyada ay ku siin karaan.
  • Dukaannada qaarkood ayaa kaa qaban kara caanaha ilmaha ee dib loo celinaayo kuuna badalaaya, kusiinaya foojar aad isticmaali karto, ama lacagtaadii kuu celinaya. Haddii dookhaan jiro, waxaad u adeegsan kartaa kaarkaas ama lacagta laguu celiyay inaad ku iibsato caanaha ilmaha ee nooc kasta oo aad rabto.
  • Haddii uusan dukaanku kuu beddelayn caanaha ilmaha eeg lambarka 2 ee hoose.

Wac Rugtaada caafimaadka ee WIC:

  • Fiiri nooca caanaha ilmaha ee WIC ee laga helo dukaanadaada;
  • Wac goobta caafimaadka si aad uga badalato caanaha ilmaha ee aad u baahan tahay;
  • Haddii aadan heli karin goobtaada caafimaadka, ka wac mas'uuliyiinta gobolka lambarkan 1-800-841-1410
    Isniinta ilaa Jimcaha 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo.

Kala xiriiir Mead Johnson lambarka 866-534-9986 ama iimaylka consumer.relations@rb.com waxayna kaa caawin doonaan hubinta in badeecadu ay saamaysay iyo in kale. La xiriir adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad qabto wax walaac ah.