Cudurka Fayraska Ebola iyo Cudurka Fayraska Marburg

Waa maxay Cudurka Fayraska Ebola iyo Cudurka Fayraska Marburg?

Cudurka Fayraska Ebola (EVD) iyo Cudurka Marburg (MVD) labaduba waa cuduro xunxun oo dhif ah oo ka dhasha fayrasyo kala duwan. Waxay ku jiraan koox cuduro ah oo la yiraahdo Hemorrhagic Fevers (VHFs).

Inkasta oo kuwaani yihiin labo cudur oo kala duwan oo ka dhasha fayrasyo kala duwan, haddana cudurka ay sababaan waa isku mid. Sabab la xiriirta tan, qaabka xanuunnadaan ay u maareeyaan dhakhaatiirta caafimaadka iyo waaxda caafimaadka dadwaynaha waa isku mid.

Sidee cuduradaan ku faafaan?

Waxaad qaadi kartaa EVD iyo MVD haddii dheecaanka jidhka qof qaba (ama u dhintay midkood cuduradaan uu gaaro indhahaaga, sankaaga, afkaaga, ama maqaarkaaga dhaawaca ah.

Dheecaannada jidhku waa:

  • Dhiiga
  • Candhuuf (xaaqada)
  • Dhididka
  • Kaadida (ilaaqda)
  • Saxarada (xaarka)
  • Matagga (hunqaacada)
  • Caanaha naaska
  • Xabka Mandheerta (xabka ku xeeran ilmaha ku jira caloosha)
  • Shahwada

Dheecaannada ayaa wali sababa kara cudurka xitaa haddii ay qalalan yihiin.

Dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka (sida kalkaalisooyinka iyo dhakhaatiirta), xubnaha qoyska ee kuu dhowdhow ee daryeelaaya qaraabada xanuunsan, iyo dadka ka qaybgala hawlaha ayaa khatarta ugu badan ku jira.

Ma jiro ku dhawaad wax khatar ah oo ku dhacaysa dadka aan daryeelin ama aan taaban qof la xanuunsan EVD ama MVD.

Waa maxay astaamaha cuduradaan?

Ma jirto wax astaan ah oo keliya lagu garto cuduradaan. Inaad la xanuusato EVD ama MVD waxaa ku jiri kara:

  • Qandho
  • Madax xanuun ama jidh xanuun
  • Finan
  • Daciifnimo ama daal
  • Cune xanuun
  • Shuban (shuban-biyood)
  • Matagga (hunqaacada)
  • Calool xanuun
  • Dhiigbax ama nabar aadan garanayn

Daawo ama talaallo noocee ah ayaa la heli karaa?

Ma jiro talaal ka hortagi akra MVD mana jirto daawo dawaynaysa dadka qaba xanuunka. Waxaa jira talaal si looga hortago noocyada EVD, laakiin talaalka waxaa heli kara keliya shaqaalaha caafimaadka ee ay u badan tahay inay daryeelaan bukaanka EVD. Sidoo kale waxaa jira daawooyin lagu daweeyo qaarkood noocyada EVD. Dadka la xanuunsan EVD ama MVD waa inay wali qaataan daryeel caafimaad. Fursadaha ka badbaadista ayaa ah kuwo aad u wanaagsan marka qofku helo daryeel xili hore.

Ka waran haddii aan u safro wadan uu ka jiro EVD ama MVD?

Halis miyaan ku jiraa?

Waxaa jira keliya dhawr wadan oo uu ka dilaacay EVD ama MVD. Hase yeeshee, xataa haddii aad u safarto wadamadaan, waxay u badan tahay inaadan qaadin midkoodna cudurada ilaa inaad taabato maahee dheecaanka qof la xanuunsan ama u dhintay midkood cudurada. Waxaad ku jirtaa khatar badan haddii aad:

  • Ka shaqeyso goobaha caafimaadka (sida kalkaalisooyinka iyo dhakhaatiirta)
  • Daryeesho xubnaha qoyskaaga ama qaraabada jiran
  • Ka qaybgasho hawlaha tacsida ama aaska

Maxaan samayn karaa si aan uga hortago EVD ama MVD?

Iska ilaali taabshada dadka xanuunsan iskana ilaali inaad taabato dhiiga ama dheeaanka jidhka qof kale. Si joogto ah u farxalo adoo adeegsanaaya saabuun iyo biyo. Ha taaban jidhka dadka dhintay inta lagu jiro hawlaha tacsida ama aaska. 

Maxaan sameeyaa ka dib safarka?

Haddii aad u safarto aag uu ka dilaacay EVD ama MVD, iska eeg astaamaha (si gaar ah qandhadada) 21 maalmood kadib marka aad wadanka ka soo tagto. Haddii aad biloowdo inaad xanuun dareento, iska ilaali inaad taabato dadka kale oo wac waaxda caafimaadka dadwaynaha ee deegaankaaga (Ingiriis keliya). Haddii aad raadsanayso daryeel caafimaad, u sheeg isla markaba safarkaaga.