Ilaha loogu talagalay Qoysaska ay Saameynta Kasoo Gaadhay Yaraanshaha Caanaha Ilmaha

Yaraanshaha caanaha ilmaha ee wadanka dhan ayaa culeys ku keentay qoysas badan. Ilahaan waxay ka caawin karaan qoysaska isku dayaya inay helaan cunto ka caawisa nafaqada dhallaankooda. Xogta hoose waxay kasoo baxday American Academy of Pediatrics (AAP, Akadeemiyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Carruurta) (lifaaqa oo kuqoran Af-Ingiriis), the U.S. Department of Health and Human Services (Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka) (lifaaqa oo kuqoran Af-Ingiriis), barnaamijka Washington ee waaxda Women, Infants, and Children (Haweenka, Dhallaanka, iyo Carruurta), the Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada)) (lifaaqa oo kuqoran Af-Ingiriis), iyo the U.S. Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawada ee Maraykanka) (lifaaqa oo kuqoran Af-Ingiriis).

Maxay tahay inaan sameeyo haddii aanan u heli karin canugeyga caanaha ilmaha?

Dhakhtarka canugaada, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka ayaa ah isha ugu wanaagsan ee laga helo macluumaadka ku saabsan nafaqada canugaada. Fadlan iyaga la xidhiidh haddii aad wax walaacyo ah aad qabtid.

Haddii aad kujirtid WIC:

  • La xidhiidh rugtaada caafimaadka deegaanka ee WIC (lifaaqa oo kuqoran Af-Ingiriis) si aad u ogaato waxa aad sameyn karto si aad u heshid caanaha ilmaha ee canugaada. WIC waxa ay hadda bixisaa noocyo dheeraad ah oo caanaha ilmaha ah si ay dookhyo badan u siiso qoysaska.
  • Haddii aadan gaadhi karin rugtaada caafimaadka ee deegaanka, ka wac xafiiska WIC ee gobolka 1-800-841-1410 Isniin ilaa Jimco, 8:00 am – 5:00 pm.
  • Ka hubi bogga webseed WIC ee Washington (kuqoran Af-Ingiriis) si aad u hesho macluumaad dheerad ah oo ku saabsan caanaha ilmaha ee ay oggoshahay WIC.

Gunnooyinka Cuntada Aasaasiga ah (Basic Food) ee Supplemental Nutrition Assistance Program (SNAP, Barnaamijka Kaalmada Nafaqada ee Dheeraadka ah) ayaa loo isticmaali karaa in caanaha ilmaha looga iibsado dukaamo kala duwan, oo ay kujiraan dukaamada daawooyinka. Waxaad isticmaali kartaa gunnooyinkasi aad si toos ah wax ugu soo iibsato ama oonleen. Si aad u ogaatid inaad u qalanto SNAP, booqo bogga webseedka Parenthelp123 (kuqoran Af-Ingiriis) ama wac 1-800-322-2588.

Dhammaan qoysaska kale:

  • Waxa ay ka hubin karaan dukaamada yaryarka iyo dukaamada daawooyinka ama waxa ay ka iibsan karaan oonleenka magaca nooca dukaamada iyo farmashiyada.
  • Waxa ay soo saarayaasha si toos ah kala xidhiidhi karaan:
    • Isticmaal MyGerber Baby Expert (Khabiirka Ilmaha ee MyGerber) ee Gerber (Af-Ingiriisi ah) si aad ula xidhiidho la taliyaha nafaqada ama naas nuujinta ee ruqsada leh adigoo kula xidhiidhaya taleefan, farriin qoraal ah, aalada Facebook Messenger, wada sheekeysiga shabakada, ama wicitaan muuqaal ah. Waxa ay kaa caawin karaan inaad hesho caanaha ilmaha oo lamid ah oo laga yaabo in si sahlan lagu heli karo.
    • Ka wac khadka caawimada macaamiisha ee Abbott: 1-800-986-8540
    • Isticmaal foomka codsiga degdegga ah ee badeecada ee Abbott (kuqoran Af-Ingiriis): Weydii Dhakhtarka hooyada iyo dhallaanka ama dhakhtarka canugaada, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka inaad gudbiso codsiga degdega ah ee badeecada adigoo isticmaalaya Abbott.
    • Ka wac khadka adeegga macaamiisha ee Mead Johnson/Reckitt: 1-800 BABY-123 (222-9123)
  • Ka hubi ilaha bulshada:
    • Ka hel Community Action Agency (CAA, Wakaalada Waxqabadka Bulshada) ee kuugu dhow (Af-Ingiriisi ah). CAA-ga kugu dheggan ayaa ku siin kara caanaha ilmaha ama kugu xiri kara wakaaladaha deegaanka ee ay u yaalaan caanaha ilmaha.
    • Ka wac United Way 2-1-1 (Af-Ingiriisi ah): wac 2–1-1 si laguugu xiro khabiirka ilaha bulshada ee jooga United Way. Waxaa laga yaabaa inay kugu caawin karaan inaad hesho bakhaarada cuntada iyo meelaha kale ee aad kaheli karto caanaha iyo cuntada ilmaha oo qiimo jaban ama lacag la'aan ah.
    • Wac bangigaaga cuntada deeqda ee deegaanka (Af-Ingiriisi ah) si aad u weydiiso inay caanaha ilmaha u yaalaan.
    • Weydii dhakhtarka, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka ee canugaada wixi kusaabsan caanaha lagu deeqay. Adigoo wata warqad dhakhtar, waxaad heli kartaa caanaha naaska oo lagu deeqay oo ammaan ah oo aad kaheleyso Northwest Mother’s Milka Bank (Af-Ingiriisi ah).
  • Iyadoo lagu jiro xaaladaan degdega ah, American Academy of Pediatrics (Akadeemiyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Carruurta) waxay leedahay waa CAADI in ilmaha badankooda loo wareejiyo caana kasta oo la heli karo, oo ay kujiraan noocyada dukaamada yaala, marka laga reebo in canagaagu ubaahan yahay caano gaar ah. Haddii canugaagu qaato caano gaar ah oo si weyn loo kala gooyey (Af-Ingiriisi ah) ama caanaha barotiinada kusaleysan sida Elecare, weydii dhakhtarka canugaada, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka wixi kusaabsan dookhyada kale.
  • Weydii Dhakhtarka hooyada iyo dhallaanka ama dhakhtarka canugaada, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka haddii ay hayaan saambalada caanaha ilmaha oo ay ku siin karaan.a
Biyo ma lagu dari karaa caanaha ilmaha si ay muddo kuu hayaan?

Maya. Waa inaad had iyo jeer aad raacdaa tilmaamaha ku qoran baakada dusheeda, iyo macluumaadka ay ku siiyaan dhakhtarka canugaada, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka. Caanaha ilmaha ee la barxay waa halis waxayna sababi karaan in canugaada uusan helin nafaqo ku filan. Taasoo sababi karta dhibaatooyinka caafimaad darrada oo halis ah.

Guriga maku sameysan karaa caanaha ilmaha?

American Academy of Pediatrics ayaa si xooggan kaga digaya inaad iskaa u sameysato caanaha ilmaha. Caanaha guriga lagu sameeyo ma ahan kuwo badqab ah oo mana siinayaan canugaada nafaqo ku filan. Qaar kamid ah dhimashada dhallaanka ayaa lala xiriiriyey caanaha ilmaha ee guryaha lagu sameeyo.

Ma heli karaa caanaha ilmaha oo lasoo dhoofiyey?

U.S. Food and Drug Administration (FDA) ayaa qaaday tallaabooyinka lagu kordhinayo sahayda caanaha ilmaha ee dibadda laga soo dhaafiyo. Bishi Maayo 16 keeda, FDA ayaa sheegtay badeecadaha dibada laga keeno ee buuxiya heerarka badqabka iyo nafaqada in toddobaadyada nagu soo food leh la keeni karo Mareykanka (Af-Ingiriisi ah).

Ma siin karaa caanaha loogu talagalay ilmaha socodka gaaray canugeyga dhallaanka ah?

American Academy of Pediatrics (AAP) maku talinayaan caanaha loogu talagalay ilmaha socodka gaaray in la siiyo ilmaha dhallaanka ah. Laakiin AAP waxay sheegeysaa haddii aadan dookh kale haysan, caanaha loogu talagalay ilmaha socodka gaaray inay badbaado u tahaysocodka gaaray inay badbaado u tahay in dhawr maalmood la siiyo ilmaha dhallaanka ah ee ku dhow halka sano.

Caanaha loogu talagalay ilmaha dhiciska ah ma siin karaa canugeyga bilaha buuxa kudhashay?

American Academy of Pediatrics (AAP) waxay sheegeysaa caanaha loo sameeyey ilmaha dhiciska kudhasha in sidoo kale la siin karo ilmaha sidka buuxa kudhasha ilaa muddo dhawr toddobaad ah haddii aysan jirin wax kale oo la heli karo.

Caanaha lo'da ma siin karaa canugeyga halki aan kasiin lahaa caana booraha ilmaha?

American Academy of Pediatrics waxay sheegeysaa in ilmaha dhallaanka ee ka weyn 6 billood ee qaata caana ilmaha ee caadiga ah (kuwo gaar ah aanan ahayn), caanaha lo'da ayaa noqon kara ikhtiyaar muddo gaaban (wax aanan ka badneyn hal toddobaad). Kooxdu waxay sheegeen inaysan fiicneyn,  waana inaan la siin wax ka badan hal asbuuc. Marka aad siineyso caanaha lo'da, waxaa muhiim ah inaad xaqiijiso in dhallaankaagu helayo maadada ayroonka ee kujirta caanaha oo ku filan si looga hortago dhiig la'aan (Af-Ingiriisi ah). Sidoo kale waa muhiim inaad cunugaaga siiso cuntooyin ay ka buuxaan ayroon, sida hilibka cuntada ilmaha ah ee qasacadeysan ama boorashka ayroonka leh. Haddii aad u baahan tahay inaad cunugaaga siiso caanaha lo’da muddo asbuuc inta lagu jiro muddada xadidaada, kala hadal dhakhtarka cunugaaga, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka.

Ma siin karaa canugeyga caanaha ariga?

Caanaha ariga looma fasixin ilmaha ku nool Mareykanka. Haseyeeshee, wadamada qaar ayaa u fasaxay caanaha ilmaha ee laga sameeyo caanaha riyaha. U.S. Food and Drug Administration ayaa laga yaabaa inay tixgeliyaan inay u oggolaadaan badeecooyinkaan in la keeno wadanka inta lagu jiro caano yaraanshahaan.

Ma siin karaa canugeyga caanaha laga sameeyey dhirta?
  • American Academy of Pediatrics (AAP) maku talinayaan badalka caanaha ee dhallaanka kayar hal sano ama kuwa ubaahan caano gaar ah. AAP waxay sheegeysaa in marka lagu jiro xaaladaha degdega ah, inaad siin karto caanaha soyga canugaada ku dhow halka sano illaa dhawr maalmood, laakiin caanaha soyga waa in lagu daraa maadada barotiinka iyo kaalshiyamka. Xaqiiji inaad dib ugu celiso caanaha ilmaha sida ugu dhakhsiyaha badan marki markale la heli karo.
  • Ha siinin canugaada caanaha yicibta ama caanaha kale ee dhirta laga sameeyo. Inta badan ma siinayaan canugaada barotiin ama macdan ku filan.
  • Kala hadal dhakhtarka cunugaaga, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka haddii aad ka fakareyso inaad isticmaasho caanaha laga sameeyo dhirta.
Canugeygu wuxuu ubaahan yahay caano gaar ah oo ay dib ula noqotay Abbott. Maxay tahay inaan sameeyo?

U.S. Food and Drug Administration ayaa sheegtay inay oggolaan doonto Abbott inay sii deyso qaar kamid ah caanaha gaarka ah iyo kuwa dheefshiidka (lifaaq Af-Ingiriisi ah) oo ka imaanayo warshada shirkadda ee kutaala Sturgis, Michigan marka lagu jiro xaaladaha qaarkood. Haddii canugaadu ubaahan yahay mid kamid ah caanahaas, weydii dhakhtarka, kalkaalisada, ama rugta caafimaadka ee canugaada wixi kusaabsan helitaanka badeecada.

Suuragal ma tahay inaan bilaabo naas-nuujinta haddii aan canugeyga ku quudinayey caanaha ilmaha?

Naas nuujinta kadib marki in muddo ah laga joojiyey ama bilaabidda naas nuujinta kadib marki aan wali horay loo naas nuujin waa suuragal, laakiin waxay qaadaneysaa waqti iyo dadaal. La Leche League International ayaa haysa ilaha kusaabsan sida sahayda caanaha kor loogu qaado.