Stroke and Heart Attack Signs and Symptoms - Somali

English

Istarooga iyo wadna istaagga ayaa markasta ah xaalad degdeg ah. Laakiin ma taqaanaa in astaamaha istarooga iyo wadna istaagga?

Aqoontu waa awood. Badbaadi naf adoo baranaaya astaamaha iyo calaamadaha xanuunka, aqoonsanaaya markay dhacaan, kadibna wacaaya 911 si laguu caawiyo.

Istaroogga

  • Kabuubyada degdega ah ama daciifnimada wajiga, gacanta ama lugta, gaar ahaana geeska jirka
  • Wareer degdega ah ama dhibaato kaa haysata fahanka hadalka
  • Dhibaato degdeg ah oo dhanka araga ah ama labada indhood ba
  • Dhibaato degdeg ah oo kaa haysata socodka, dawakhsanaan, ama luminta dheeli tirnaanta ama isku xirnaanta
  • Madax xanuun daran oo degdeg ah oo aan la aqoon sababtiisa

Wadna istaagga

  • Xanuun ama culays kaa saaran xabadka
  • Madax dilaan, lalabo ama matag
  • Xanuunka daanka, qoorta ama dhabarka
  • Culays ama xanuun kaa saaran gacanta ama garabka
  • Neefta oo yaraata

Markaad isleedahay qof ayaa qabi kara istaroog ama wadna garaac, ha sugin. Wac 911 isla markiiba.Shaqaalaha adeegyada caafimaadka degdeg ah ayaa u tababaran aqoonsiga istarooga iyo wadna garaaca si dhakhso ahna u gayn kara qofka isbitaal. Xaaladahaan degdega ah ee caafimaadku waa kuwo la daawayn karo hadba inta la boobsiiyo daawaynta bukaanka, ayay u badan tahay inuu ku laabto gurigiisa iyo qoyskiisa iyo hawlihiisa caadiga ah.