Xogta markii u danbaysay waxaa la cusbooneysiiyay 12/09/2022

Tallaalka COVID-19 waxaa heli kara dadka da'doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn.
Booqo Aalada Muujisa Goobta talaalka (Vaccine Locator) si aad u hesho una qabsato balan adoo adeegsanaaya nidaamka shaandheynta si aad u aragto xarumaha caafimaadka ee carruurta siiya talaalka.
Guriga maku xaniban tahay mana u baahan tahay Talaalka COVID-19? Buuxi foom oonleen ah ahna ammaan si aad noogu sheegto in adiga ama qof aad taqaan uu guriga ku xaniban yahay. Jawaabahaaga waxay noo oggolaanayaan inaan shaqsiyaadka kuxirno Kooxaha Talaalka Wareega iyo/ama Degmada.
Caawimaad ma u baahan tahay? Wac 1-833-VAX-HELP (833-829-4357), kadibna riix #. Waxaa la heli karaa caawimaada luuqada. Sidoo kale waxaad lambarka boostada kusoo diri kartaa 438-829 (GET VAX) ama 822-862 (VACUNA) si ay u helaan xarumaha talaalka ee kuu dhaw.
Badqabka iyo Waxtarka Tallaalka
Qaadashada canugaada ee tallaalka ka dhanka ah COVID-19 waxa uu:
- Ka caawin karaa hoos udhigidda halista kasoo gaareysa COVID-19
- Yareyn karaa fursadii ay si aad ah ula xanuunsan lahaayeen, haddii uu ku dhaco COVID-19
- Yareyn karaa fursadii in isbitaalka la dhigo waxa uuna hoos u dhigaa halista ah in ay u dhintaan COVID-19
- Ka caawiyaa kahortagidda inuu kudhaco noocyada cusub ee COVID-19
- Kordhiyaa tirada dadka ka dhawrsan inuu kudhaco COVID-19 —taas oo adkeyneysa in xanuunku sii faafo
- Yareeyaa carqaladeynta waxbarashada tooska ah iyo waxqabadyada isaga oo ka caawinaya xakameynta isugudbinta COVID-19 ee bulshada dhexdeeda

Oggolaanshaha Tallaalka
Tallaalka Pfizer ayaa loo heli karaa ilmaha da'doodu udhaxeyso 6 bilood-11 sano si ah Emergency Use Authorization (EUA, Oggolaanshaha U-Adeegsiga Xaaladaha Degdegga), waxaana si buuxda loogu fasaxay kuwa jira 12+. Tallaalka Moderna wuxuu diyaar u yahay carruurta da'doodu tahay 6 bilood - 17 sano sida hoos timaada Emergency Use Authorization (EUA, Oggolaanshaha Isticmaalka Degdegga ah). Tallaalka Novavax ayay heli karaan 12+ sano jirka sida ku cad EUA.
EUA waxa ay u oggolaaneysaa Food and Drug Administration (FDA, Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka) inay sameyso tallaal diyaar u ah marki lagu jiro xaalad degdeg ah oo lagu dhawaaqay kahor inta aan si buuxda rukhsad loogu siin. Ujeedada oggolaanshaha u-adeegsiga xaaladaha degdegga ah waa in la xaqiijiyaa in dadka qaadan karaan tallaalo nolosha badbaadiya kahor falanqeynta wakhtiga-fog ee xogta. EUA wali waxa ay ubaahan tahay inay dib-u-eegis xoog leh kusameyso xogta caafimaadka—wakhti muddo gaaban ah.
Wixi EUA ah oo ay bixisay FDA waxaa si dheeraad usii baara Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) ee kuwa uqaabilsan Advisory Committee on Immunization Practices (Guddiga La-talinta ee Habdhaqanka Tallaalka) (kaliya ah Ingiriisi) iyo Western States Scientific Safety Review Workgroup (Koox -hawleedka Dib -u -eegista Badbaadada Sayniska ee Gobolada Galbeedka).
Su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan Waalidiinta iyo Mas'uuliyiinta
- Maxaan ooga walaacayaa inuu canugeygu kudhaco COVID-19?
-
Tan iyo billoowgii musiibada caabuqa, in ka badan 15 milyan oo caruur ah oo kunool Mareykanka ayuu ku dhacay COVID-19. Noocyada cusub ee COVID-19 ayaa aad halis ugu ah kuna faafa dhalinyarada marka loo barbardhigo noocyadii asalka ahaa waxayna noocyadaan cusub ee COVID-19 sababeen isbitaal dhigis aad u sareysa oo xagga dhalinyerada ah.
Iyadoo COVID-19 uu khafiif u yahay carruuta marka loo eego dadka waaweyn, haddana caruurta ayaa sidoo kale aad ula xanuunsan kara oona ku faafin kara saaxiibadooda iyo qoyskooda kuwaas oo difaaca jirkoodu liito ama siyaabo kale u nugul.
Carruurta uu kudhaco COVID-19 ayaa yeelan kara “COVID-19 daba dheeraaday” ama astaamaha joogtada ah kuwaas oo ay badanaa kujiraan maskax falluuq, daal, madax xannuun, cajis iyo neef qaadashada oo ku adkaata. Tallaalku waa habka ugu fiican ee looga dhigayo carruurta kuwa caafimaad qaba oo badbaadsan.
Carruurta uu kudhaco COVID-19 waxaa laga yaabaa in ay halis weyn ugu jiraan Multisystem Inflammatory Syndrome (MIS-C, Caabuqa habdhisyada kala duwan ee jirka carruurta) (webseed kaliya ah Af-Ingiriisi). MIS-C waa xaalad halkaasoo qeybaha kala duwan ee xubnaha jirka ay noqon karaan kuwa leh caabuq, oo ay ku jiraan wadnaha, sambabada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha, ama xubnaha mindhicirada caloosha. Iyadoo wali aan la ogeyn waxa sababa MIS-C, carruur badan oo qaba MIS-C ayaa qabay COVID-19, ama ka agdhawaa qof qaba COVID-19. MIS-C ayaa halis noqon kara, xitaa dhimasho keeni kara, laakiin badanaa carruurta laga helay xaaladaan ayaa kasoo boqsaday markii ay heleen daryeel caafimaad.
- Tallaal miyaa looga baahan yahay ardada K-12 ee gelitaanka dugsiga?
-
Washington State Board of Health (Guddiga Caafimaadka Gobolka Washington), ma aha Department of Health (Waaxda Caafimaadka), ayaa awood u leh inay shuruudaha tallaalka u sameeyaan carruurta ku jira dugsiyada K-12 Revised Code of Washigton (RCW, Xeerka La Cusbooneysiiyey ee Washington) 28A.210.140. Ma jirto shuruud la xiriirta tallaalka COVID-19 ee loogu talagalay dugsiyada ama xarumaha xannaanada carruurta wakhti xaadirkaan.
- Ma inaan bixiyaa kharashka tallaaka?
-
Maya, Canugaadu waxa uu ku heleyaa tallaalku si bilaash ah. Dowladda federaalka ayaa bixisa kharashka buuxa ee tallaalka.
Haddii aad leedahay caymiska caafimaadka dawliga ah ama mid gaar ah, bixiyahaaga adeegga tallaalka ayaa kharash dul saarayo si dib loogu magdhabo khidmadda maamulidda tallaalka. Haddii aadan lahayn daboolid caymis, dawlada federaalka ah ayaa bixisa barnaamij oo bixin doona kharashka bixiyaha tallaalka si laguu siiyo tallaalkaada.
Waa in aan lagaa qaadin kharash jeebkaada ah ama waa inaadan warqad biil ah ka helin adeeg-bixiyahaaga khidmadda maamulidda tallaalka COVID-19, Tani waxay sidoo kale khuseysaa dadka qaba caymiska gaarka ah, Apple Health (Medicaid), qaba Medicare, ama aan caymis ku jirin.
- Waa maxay waxyeelada badanaa ka dhalata qaadashada tallaalka COVID-19 ee carruurta?
-
Khatarada caafimaadka ee soo gaaraya carruurta haddii uu kudhaco COVID-19 ayaa aad ooga badan halista waxyeelada kasoo gaarta qaadashada tallaalka.
Sida tallaalada kale, waxyeelooyinka ugu badan ee tallaalka waxaa ka mid ah meesha la durey oo xanuunta, daal, madax xanuun, iyo murqo xanuun. Astaamahaan badanaa waa kuwa iska fudud.
Tijaabooyinka Caafimaadka (kaliya ah Ingiriisi) carruur badan ayaa soo tabisay in saameynta ka dhalata tallaalka kadib kuurada labaad ay kabadan tahay marka loo fiirsho kuurada koobaad Waxyeelada kadhalata tallaalka waa mid guud ahaan udhaxeysay khafiif illaa dhex-dhexaad xagga halis ahaanta waxa ayna dhaceen labo maalmood gudahood kadib qaadashada tallaalka, inta badana waxa ay ku baaba'een hal maalin ilaa labo maalmood gudahood.
- Waa maxay maadooyinka ku jira tallaalka mRNA?
-
Maadooyinka ku jira tallaalka mRNA waa kuwo caadi u ah talaallada. Talaalku waxaa ka kooban yahay maadooyinka firfircoon ah ee mRNA oo ay la socdaan maadooyin kale sida dufan, cusbo, iyo sonkor oo difaacaaya maadada falgalka samaynaysa, kana caawinaaya inay jirka si fiican ugu shaqayso, difaacaayana tallaalka inta la kaydinaayo iyo marka la safrinaayo.
Tallaalka mRNA maku jiro wax kamid ah jir dadeed (oo ay ku jiraan unugyada ilmaha uurka ku jira), fayraska COVID-19, leexada caanaha, waxyaabaha cuntada qurmidda kadhawra, ama maadooyinka kale ee noolaha ayna ku jiraan maadooyinka hilibka khaansiirka ama gelatin. Tallaalada laguma koriyo ukumaha dhexdooda mana kujiraan wax waxsoosaar ukun ah.
Eeg tan bogga webseedka ee Children's Hospital of Philadelphia (Isbitaalka Carruurta ee Philadelphia) (kaliya ah Ingiriisi) haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan maadooyinka kujira.
- Waakee nooca tallaalka uu canugaygu qaadan karo?
-
Waqti xaadirkan, tallaalka Pfizer-BioNTech (Pfizer) iyo noocyada tallaalka Moderna ee COVID-19 ayaa loo oggolaaday carruurta da'doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn. Tallaalka Novavax ayay heli karaan 12+ sano jirka sida ku cad EUA.
- Cunugayga miyuu u baahan doonaa garoojada xoojinta ah?
-
Haa, kuurada xoojinta ah ee talaalka bivalent mRNA ayaa lagu talinayaa 2 bilood kadib kuurada ugu danbaysa si dadka jira 6 bilood iyo ka wayn u helaan difaac buuxa. Tallaalka COVID-19 ee Pfizer ee carruurta jiraa 6 bilood-4 sano ayaa hadda lagu darayaa kuurooyinka monovalent Pfizer iyo hal kuurada bivalent Pfizer. Carruurta jira 6 bilood-4 sano ee aan wali bilaabin taxaneyaasha aasaasiga ah ee 3 kuuro ee Pfizer ama aan weli qaadan kuurada saddexaad ee taxaneyaashooda aasaasiga ah ayaa hadda qaadan doona taxaneyasha cusub ee Pfizer. Carruurta jira 6 bilood-4 sano ee horey u dhamaystay taxaneyaasha 3 kuuro ee aasaasiga ah ee Pfizer ayaan u qalmi doonin kuurooyinka dheeriga ah ama xoojinta ah waqti xaadirkaan
- Immisa kuuro ayuu canugeyga u baahanyahay?
-
Dhammaan carruurta waxaa lagula talinayaa inay qaataan ugu yaraan 2 qaadasho/kuuro oo tallaalka ah.
- Carruurta da'doodu tahay 6 bilood - 4 sano waxay helayaan 3 qiyaasood/doos oo taxanaha tallaalka Pfizer ah ama 2 qiyaasood/doos oo taxanaha tallaalka Moderna ah
- Carruurta da'doodu u dhaxayso 5-11 waxay helayaan 2 qiyaasood/doos oo taxanaha tallaalka aasaasiga ah
- Carruurta da'doodu u dhaxayso 12-17 waxay helayaan 2 qiyaasood/doos oo taxanaha tallaalka aasaasiga ah
Carruurta la siiyay 2 qiyaasood/doos oo taxanaha tallaalka ah oo si dhexdhexaad ah ama si daran daciif uga ah habdhiska difaaca jirka waa inay qaataan qiyaas/doos dheeraad ah 28 maalmood ka dib marka ay qaataan tallaalkooda 2aad oo dhammaan carruurta 6 bilood+ ah waa inay qaataan qiyaas/doos xoojin ah.
Fadlan dib u eeg tilmaamaha Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) dadka difaaca jirkoodu liito ama booqo webseedka DOH..
- Yaan kala hadlayaa haddii aan qabo su'aalo kusaabsan tallaalka?
-
Kala hadal dhakhtarka daryeelka canugaaga ama bixiye caafimaad oo la aamini karo, kala hadal shaqaale qaabilsan caafimaadka bulshada, ama ka akhri macluumaadka kusaabsan halkaan www.CovidVaccineWA.org.
- Halkee ayaan geyn karaa canugeyga si uu uqaato tallaalka?
-
Gobolka Washington waxa uu si bilaash ah ku bixiyaa dhammaan tallaalada lagu taliyey ee loogu talagalay carruurta illaa da'da 18 sano. Weydii daryeelaha canuugaaga ama rugtaada caafimaadka joogtada ah haddii ay bixiyaan tallaalka COVID-19.
Qoysaska aan durba haysan daryeel-bixiye caafimaad waxay wici karaan khadka caawinta ee Help Me Grow WA 1-800-322-2588 ama waxay booqan karaan websaydka ParentHelp123.org si ay u helaan daryeel-bixiye caafimaad, rug caafimaad, ama macluumaad kale oo la xiriira caafimaadka. Adeegaan waa lacag la'aan iyo caawimaada luuqadeedna waa la heli karaa.
Waxaad sidoo kale booqan kartaa VaccineLocator.doh.wa.gov oo aadna isticmaali kartaa filtarka si aad u aragto liiska meelaha kuugu dhow ee laga helo tallaalka carruurta.
- Canugeygu ma qaadan karaa tallaalka COVID-19 markii uu qaato tallaalada kale sida kan hergabka?
-
Haa. Canugaadu waxa uu qaadan karaa tallaalka COVID-19 isla marka uu qaato tallaalada kale.
Uma baahnid inaad jadwal usameyso canugaada tallaalada la iska rabo iskuulka (kaliya ah Ingiriisi) ama tallaalada kale ee lagu taliyo ee goonida ka ah tallaalka COVID-19. Ballanta tallaalka COVID-19 waa fursad kale uu canugaada kuheleyo dhammaan tallaalada lagu taliyey.
- Miyaa looga baahnaan doonaa canugeyga tallaalka COVID-19 si uu ooga qeyb galo daryeelka carruurta ama xerooyinka maalintii ah?
-
Washington State Board of Health (kaliya ah Ingiriisi) ayaa go'aamiya nooca tallaalada looga baahan yahay iskuulada iyo xarumaha daryeellka caruurta. Majiro iskuul ama daryeelka carruurta oo shardi kadhigaayo tallaalka COVID-19 wakhtigaan.
Kaamamka/xerooyinka maalintii ah, ka hubi ururka maamulaya kaamka si aad u ogaato shuruudahooda waxa ay yihiin.
- Sideen ku ogaan karnaa in tallaaladu yihiin kuwo badbaado iyo waxtar u leh carruurta?
-
Si loo xaqiijiyo in tallaalada caabuqa COVID-19 ay yihiin kuwo badqab leh, Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada) waxay ballaarisay oo ay xoojisay awooda wadanka uu u leeyahay inuu la socdo badqabka tallaaka. Sidaa awgeed, khuburada ku xeeldheer badqabka tallaalka ayaa la socon kara isla markaana ogaan kara arrimaha laga yaabo inaanan lagu ogaanin intii la sameynayey tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka caabuqa COVID-19.
Pfizer
Carruurta da'doodu tahay 6 bilood - 4 sano
- Ku dhawaad 4,500 carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 4 sano ayaa ka qaybqaatay tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka Pfizer COVID-19. Jawaab-celinta difaaca jirka ee kooxda da'daan marka la siiyey taxanaha tallaalka ee 3-da qiyaasood/doos ah waxay la mid ahayd jawaab-celinta difaaca ee ka qaybgalayaasha da'da weyn. Majirin waxyeellooyin gaar ah oo halis ah oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.
Carruurta jirta 5-11 sano
- Qiyaas ahaantii 3,100 oo ah carruur jirta 5 illaa 11 sano ayaa qaatay tallaaka Pfizer ee COVID-19 inti lagu jiray tijaabooyinka caafimaadka. Majirin waxyeello ka dhalatay oo halis eheed oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.
- Jawaab celinta difaaca jirka ee carruurta da'doodu udhaxeyso 5 illaa 11 sano waxay la mid ahaayeen kuwa da'doodu udhaxeyso 16 illaa 25 sano.
- Tallaalka ayaa kudhawaad 91% waxtar u lahaa kahortagidda COVID-19 ee carruurta jira 5 illaa 11 sano.
Carruurta jirta 12-15 sano
- 2,260 oo ah kaqeyb qaatayaasha jiro 12 ilaa 15 sano ayaa iska diiwaangeliyey tijaabada caafimaadka ee ah habka xakameynta isku barbardhigidda waxyeellada lahayn ee ooga socota si aan kala sooc lahayn gudaha Mareykanka.
- Kuwaan waxaa kamid ah, 1,131 oo ah kaqeyb galayaasha qaangaarka ah ayaa qaatay tallaalka halka 1,129 ay qaateen tijaabada ah milanka cusbada. In kabadan kala bar kaqeybgalayaasha ayaa lala socday badqabkooda ugu yaraan labo billood kadib qaadashadooda kuurada labaad.
Moderna
Carruurta da'doodu tahay 6 bilood - 5 sano
- Ku dhawaad 6,300 ka qaybgalayaal ah oo ay da’adoodu u dhaxayso 6 bilood ilaa wax ka yar 6 sano ayaa ka qaybqaatay tijaabada caafimaad ee tallaalka Moderna COVID-19. Tallaalku wuxuu 50% waxtar u lahaa ka-hortagga COVID-19 ee kooxdan da'dan ah. Majirin waxyeellooyin gaar ah oo halis ah oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.
Carruurta da’adoodu tahay 6-11 sano
- Ku dhawaad 4,000 oo ka qaybgalayaal ah oo da'doodu u dhaxayso 6-11 sano ayaa ka qaybqaatay tijaabada caafimaad ee tallaalka Moderna COVID-19. Jawaab celinta difaaca ee kooxda da'dan ee tallaalka waxay la mid ahayd jawaab-celinta difaaca ee dadka waaweyn. Majirin waxyeellooyin gaar ah oo halis ah oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.
Carruurta da’adoodu 12-17 sano
- Ku dhawaad 3,700 kaqeybgalayaal oo da’adoodu u dhaxayso 12-17 sano ayaa ka qaybqaatay tijaabada caafimaad ee tallaalka Moderna COVID-19. Tallaalku wuxuu 93% waxtar u lahaa ka-hortagga COVID-19 ee kooxdan. Majirin waxyeellooyin gaar ah oo halis ah oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.
Novavax
Carruurta da’adoodu 12-17 sano
- Ku dhawaad 2,200 kaqeybgalayaal oo da’adoodu u dhaxayso 12-17 sano ayaa ka qaybqaatay tijaabada caafimaad ee tallaalka Novavax COVID-19. Tallaalku wuxuu 78% waxtar u lahaa ka-hortagga COVID-19 ee kooxdan. Majirin waxyeellooyin gaar ah oo halis ah oo lagu ogaaday daraasada gudaheeda, taasoo wali socota.