988 Laynka Gumadka Isdilka iyo Masiibada

Wac, fariin qoraal ah u dir, ama la sheekayso laynka shaqaalaha 988 si laguugu xiro National Suicide Prevention Lifeline (NSPL, Laynka Qaran ee Kahortaga Isdilka) (Ingiriis). Waa qarsoodi, bilaash ah, wuxuuna shaqeeyaa 24/7/365.

Adeegyada waxaa lagu heli karaa af Isbaanish, oo ay la socdaan adeegyada turjumaada oo lagu bixinaayo in ka badan 250 luuqadood. Dadka dhagoolka ah, maqalkoodu culus yahay, iyo dadka isticmaalaha TTY: Adeegso adeegga relay ee aad doonayso ama wac 711 kadibna 1-800-273-8255.

Waxaad wici kartaa 988 haddii aad qabto:

  • Dareen ah inaad isdisho
  • Dhibaato caafimaadka dhimirka ah
  • Dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha
  • Nooc kasta oo kale oo xaalad degdeg ah

Waxaad sidoo kale wici kartaa 988 haddii aad ka cabsi qabto qof ehelkaaga ah oo u baahan gurmadka dhibaatada. 988 badal uma ahan xarumaha la waco marka masiibo jirto ee gobalka Washington. Waxaa intaas dheer shabakada adeeg bixiyaasha xarumaha masiibada ee gobalka. Lambarka tobanka god ah ee NSPL, 1-800-273-TALK (8255), ayaa wali shaqaynaaya si lamid ah 988.

Haddii aad qabto su'aalo ah oo ku saabsan barnaamijka 988, fadlan iimeel u dir 988ProgramInfo@doh.wa.gov. Ha adeegsan sanduuqaan haddii adiga ama qof aad taqaano u baahan yahay gurmad degdeg ah. Taas badelkeeda, wac, fariin qorala u dir, ama qof kala sheekayso 988.

Xog ku saabsan 988

  • Marka aad wacdo 988, waxaa lagugu xiri doonaa xarunta dhibaatooyinka degdega ah ee NSPL.
  • Waxaad ka wici kartaa, fariin qoraal uga diri kartaa, ama kala sheekaysan kartaa shaqaalaha 988 taleefankaaga, laynka khadkaaga, ama aaladaada codka dirta ee interneedka.
  • Lambarka 10 god ah ee NSPL ayaa wali shaqaynaaya. Waxaad wici kartaa midkood 1-800-273-TALK (8255) ama 988.
  • 988 waa adeeg qarsoodi ah, bilaash ah, oo la heli karo 24/7/365, kaasoo ku xiraaya dadka qaba dhibaatada caafimaadka dhimirka ama dareennada ah inay isdilaan lataliyaasha tababaran ee masiibooyinka. Dadka ka walaacsan qof ehelkooda ah oo laga yaabo inuu gurmad degdeg ah u baahan yahay ayaa sidoo kale wici kara 988.
  • Dadka la xariiraaya 988 lagama doonaayo inay bixiyaan wax xog shaqsi ah si ay u helaan adeegyada. Wicitaannada ayaa lala socon karaa ama la duubi karaa si loo xaqiijiyo tayada ama tababarka shaqaalaha. Nidaamka shabakada ayaa leh difaacyo kaladuwan oo lagu xalinaayo walaacyada ku aadan jabsiga sirta qofka.
  • Ma jiraan wax isbadello ah oo lagu sameeyay Shaqaalaha Gurmadka Masiibooyinka U xilsaaran iyo shaqaalaha gurmadka ee wareega ama shaqooyinka wax kamid ah adeeggyada kale ee gobalka ee masiibada.
  • Xarumaha gurmadka aafada ee NSPL ayaa sii shaqayn doona si waafaqsan xeerarka NSPL waxayna kugu xirayaan adeegyada 911 iyo adeegyada gurmadka aafada ee gobalka siday markasta samayn jireen.

Washington ayaa bilaabaysa Native and Strong Lifeline (Laynka Gurmadka Dadka dhaladka ah oo Xoog badan), kaasoo diirada saaraaya u adeegista dadka kasoo jeeda bulshooyinka Ameerikaanka iyo Alaska Dhaladka ah ee Washington kuwaasoo soo waca nidaamka 988. Laynka Native and Strong Lifeline waa adeeg ay bixiso Washington Indian Behavioral Health Hub (Xarunta Caafimaadka Dhimirka ee Hindida Washington) (Ingiriis). Xaruntu waa xarun xog bixin oo ka shaqaysa gobalka oo dhan si ay u buuxiso baahiyaha bulshada Qabiilada ayna iskugu dubarido wakaaladaha Qabiilka, xirfadleyaasha caafimaadka, isbitaallada, iyo barnaamijyada bukaan jiifka iyo bukaan socodka. Si aad u hesho xog dheeraad ah, fadlan booqo NativeAndStrong.org (Ingiriis) iyo National Suicide Prevention Lifeline (Ingiriis).

House Bill oo tirsigiisu yahay 1477 iyo abuurista nidaamka 988

Sanadkii 2020, Federal Communications Commission (FCC, Guddiga Isgaarsiinta ee Federaalka) ayaa abuuray National Suicide Hotline Designation Act (Sharciga Abuurista Laynka Qaran ee Kahortaga Isdilka). Sharciga ayaa ka dhigay 988 lambarka cusub, ee wadanka oo dhan, laynka 3da god ah oo ay fududdahay in la xasuusto marka la wacaayo , ama, fariin qoraal loo diraayo, ama lagala sheekaysanaayo dadka marka qof uu qabo dareen ah inuu nafta iska jaro ama dhibaato la xariira caafimaadka dhimirka.

Gobalka Washington, baarlamaanaka ayaa ansixiyay House Bill (Sharciga Baarlamaanka) oo tirsigiisu yahay 1477 (E2SHB 1477) (Ingiriis) si loo taageero barnaamijka 988. Wuxuu kor u qaaday uuna balaariyay gurmadka masiibada caafimaadka dhimirka iyo adeegyada kahortaga isdilka ee qof kasta oo ku nool Washington. E2SHB 1477 waxaa saxiixay Gudoomiye Governor Jay Inslee bishii Maayo 13, 2021. E2SHB 1477 waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Xarunta Wicitaanka Aafada iyo Sharciga Adeegyada Gurmadka Aafada.

E2SHB 1477 ayaa sidoo kale aasaasay Guddiga Crisis Response Improvement Strategy (CRIS, Xeelada Hormarinta Gurmadka Masiibada) iyo Gudiga Baaritaanka). Gudiyadaan ayaa abuuraaya tallooyin loo diraayo Gudoomiyaha gobalka iyo Baarlamaanka si looga caawiyo dhaqan gelinta lambarka 988 ee qaran iyo qaybaha sharciga E2SHB 1477. Haddii aad doonayso inaad ka qaybgasho adoo ah xubin kamid ah dadwaynaha, waxaad iska diiwaan gelin kartaa si aad uga qaybgasho kulan aadna usoo gudbiso taladaada dadwayne (Ingiriis).

Si aad u hesho faahfaahin buuxda, fadlan booqo Webseedka Gudiga Crisis Response Improvement Strategy (CRIS) (Ingiriis).

Xarumaha Wicitaanka Xaalada Degdega ah

Qariirada dhibtaada ee gobalka Washington oo degmooyinka ku calaamadaynaaya xarumaha gurmadka masiibada ee ka jawaabi doona wicitaannada ka yimaada dadka aagaas dagan.
Qariirada degmooyinka mid kasta oo kamid ah xarumaha gurmadka ee NSPL ka jawaabaan wicitaannada.

Washington waxay leedahay saddex xarumood oo gurmadka NSPL ah kuwaasoo ka jawaaba wicitaannada ka yimaada gobalka oo dhan.

  1. Volunteers of America of Western Washington
  2. Frontier Behavioral Health
  3. Crisis Connections

Wicitaankaaga waxaa lagu hagi doonaa mid kamid ah xarumahaan masiibada ayadoo laga eegaayo qariirada dhanka midig. Wicitaannada waxaa lagu hagaa furaha wicitaanka ee aagaaga.

Xarumaha gurmadka ayaa shaqaalaysiinaaya dad daryeel bixiya hadda! Haddii aad xiisaynayso xirfad shaqo oo aad caawinayso dadka masiibada qaba, shaqo ka codso xarunta masiibada ee NSPL (Ingiriis).

 

 SU'AALAHA BADANAA LA ISWAYDIIYO (FAQ)

Waa maxay National Suicide Prevention Lifeline (NSPL) barnaamijka 988 miyaase badalaaya?

NSPL waa shabakad qaran oo ka kooban xarumaha gurmadka dhibaatada ee maxaliga ah, kuwa madaxa banaan, iyo kuwa gobalku fangareeyo. Waxay u diyaarsan yihiin inay gurmad iyo caawimaad u fidiyaan dadka ku jira xaalada dareenka xun ama waajahaaya dareenno ah inay nafta iska qaadaan.

988 ma badelaayo lambarka taleefanka NSPL laakiin wuxuu siinayaa qaab kale, oo fudud oo dadku kula xariiri karaan xarumaha gurmadka aafada. Waxaad wici kartaa midkood 988 ama 1-800-273-TALK (8255) si lagugu xiro adeegga.

Maxaa dhacaaya marka aan waco 988?

Marka aad wacdo 988, dadka soo wacaaya ayaa marka koowaad maqlaaya fariin salaan ah inta wicitaankooda lagu xiraayo shabakada xarunta gurmadka aafada ee NSPL ee maxaliga ah (ayadoo ku xiran furaha aaga ee wacaha). La taliye u tababaran gurmadka aafada ayaa qabanaaya wicitaanka, dhagaysanaaya wacaha, fahmaaya sida dhibku u hayo, siinaaya taageero, lana wadaagaaya khayraad caawinaaya haddii loo baahdo. Haddii xarunta masiibada ee maxaliga ah aysan awoodin inay qabato wicitaanka, wacaha ayaa si otomaatig ah loogu xirayaa xarunta gurmadka qaran oo badel u ah tan deegaankiisa. NSPL ayaa bixinaaya adeegyada khadka taleefanka tooska ah ee gurmadka masiibada oo ku baxaaya Ingiriis iyo Isbaanish wuxuuna adeegsadaa Language Line Solutions si ay adeegyada turjumaada ugu bixiyaan in ka badan 250 luuqadood oo ay ku hadlaan dadka soo wacaaya 988.

Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan wicitaanka, ka fiiri sawir xogeedka 988 (Ingiriis). 

Goorma ayuu barnaamijka 988 noqday mid heer qaran ah?

Luulyo 16, 2022. Lambarka wicitaanka 988 ayaa laga heli karaa wadanka oo dhan.

Halgameyaasha ciidanka iyo xubnaha ciidanka ayaa la xariiri kara Veterans Crisis Line (Laynka Gurmadka Masiibada Ciidanka) (Ingiriis) ayagoo riixaaya 1 kadib markay wacaan ama fariin qorala u diraaya 988 (ama 1-800-273-TALK (8255)), kala sheekaysanaaya shaqaalaha oonleenka (Ingiriis), ama fariin qoraal u diraaya 838255.

Sidee ayuu laynka 988 uga duwan yahay 911?

988 waxaa loo sameeyay inuu kor u qaado helitaanka adeegyada gurmadka masiibada uuna gaarsiiyo heer ku filan baahiyaha daryeelka masiibada la xariirta isdilka iyo caafimaadka dhimirka ee kusoo badanaaya wadankeena. 988 ayaa fududaynaaya helitaanka shabakada NSPL iyo khayraadka gurmadka masiibada, kuwaasoo qayb ka ah barnaamijyada badqabka bulshada ee ay bixiyaan 911. Diirada 911 waa in la diro Emergency Medical Services (EMS, Shaqaalaha Gurmadka Degdega ah), Dab damiska, iyo booliiska marka loo baahdo.

Haddii aan waco 988, ma shaqaalaha gurmadka degdega ah, sida booliiska ama EMS, ayaa isla markaba lasoo dirayaa?

 Yoolka ugu muhiimsan ee 988 waa in taageero la siiyo dadka ku jira xaaladaha isdilka ah ama masiibada la xariirta caafimaadka dhimirka oo la siiyo xiliyada ay aadka ugu baahan yihiin, iyo qaab diirada saaraaya qofka masiibadu haysato.

Inta badan dadka caawimaada ka dalbanaaya 988 uma baahna caawimaado kale oo dheeraad ah waqti xaadirkaas. Waqti xaadirkaan, wax ka yar 2% kamid ah dadka soo waca NSPL ayaa u baahan adeegyada xaaladaha degdega ah, sida 911. Inkastoo cilado dhanka badqabka iyo caafimaadka ah ay qasbi karaan in gurmad laga codsado booliiska iyo/ama EMS (oo ay tahay marka qofka isdilaaya uu talaabada ku dhaqaaqo), gurmadka abaabulan ee 988 waxaa loogu talagalay inuu kor u qaado xasiloonida iyo daryeelka qofka sida ugu sahlan.

Wicitaanka aan u diro 988 ma waxaa loo gudbinayaa 911?

Boqolkiiba tiro yar oo wicitaannada 988 ayaa u baahan in la marsiiyo nidaamka 911 marka ay khatar degdeg ah ku jirto nolosha qof oo aan la yarayn karin inta wicitaanka lagu jiro. Markay xaaladahaan jiraan, la taliyaha masiibada ayaa xogta u sheegaaya 911 taasoo muhiim u ah badbaadinta nolosha qofka soo wacay.

Wicitaankayga 988 miyaa la duubi doonaa?

Salaanta 988 ayaa kuu sheegay in wicitaannada lala socon karo ama la duubi karo si loo xaqiijiyo tayada adeegga. Waxaa intaas sii dheer, xarumaha masiibada ee shabakada NSPL ayaa si madax banaan u adeegsan karta wicitaannada la duubo sababo tababar awgood, ayadoo ku xiran farsamooyinka ugu fiican ee xaruntu adeegsato.

Waa muhiim in sidoo kale la ogaado in dadka la xariiraaya 988 aan laga doonayn inay bixiyaan wax xog shaqsi ah si ay u helaan adeegyada. Maamulka Adeegyada Isticmaalka Substance Abuse and Mental Health Services Administration (Maandooriyaha iyo Caafimaadka Dhimirka) ayaa aqoosanaaya muhiimada iyo sharaxaada sirta marka qofku lasoo xariiro 988. Nidaamka shabakada ayaa leh difaacyo kaladuwan oo lagu xalinaayo walaacyada ku aadan jabsiga sirta qofka.

Laynka 988 ma lagu heli karaa walaacyada adeegsiga maandooriyaha?

Haa, waxaad wici kartaa 988 markaad qabto dhibka isticmaalka maandooriyaha, hase yeeshee, marka ay jirto xaalad degdeg ah oo iska badinta daroogada ah, wac 911 qofkana sii naloxone.

Yaa maalgeliya 988?

Aqalka hoose ayaa ansixiyay maal gelinta shaqaalaha ee Department of Health and Human Services (Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka) ayadoo lasoo marinaayo American rescue Plan and Department of health (Qorshaha Gurmadka ee Maraykanka), taasoo qayb kamid ah lacagta lagu taageero shaqaalaha 988.

Codsiyada Miisaaniyada ee madaxwaynaha ee Sanad miisaaniyadeedka 2022 ayaa lacag dheeraad ah siinaaya mashruuca NSPL qudhiisa iyo ilaha kale ee maal gelinta masiibada ee federaalka.

Heer gobal, marka lagu daro ilaha jira ee maal gelinta dawlada/gaarka loo leeyahay, National Suicide Hotline Designation Act (Sharciga Qoondada Laynka Gurmadka Qaran ee Kahortaga Isdilka oo soo baxay 2020 ayaa siinaaya goballada inay dhaqan gashaan qarashka isgaarsiinta gobalka oo cusub si loogu taageero shaqooyinka 988.

E2SHB 1477 waxaa sidoo kale lagu maalgashaa canshuurta laga qaado Hanaanka Taleefanka iyo Codadka Interneedka (VoIP) ee Washington.

Luuqadahee lagu baxshaa adeegyada 988?

Laynka Gurmadka Masiibada iyo Isdilka ee 988 ayaa hadda bixinaaya adeegyada khadka taleefanka tooska ah ee gurmadka masiibada oo ku baxaaya Ingiriis iyo Isbaanish wuxuuna adeegsadaa Language Line Solutions si ay adeegyada turjumaada ugu baxshaan in ka badan 250 luuqadood oo dheeraad ah. Fariin qoraalka iyo wada sheekaysiga ayaa hadda lagu heli karaa Ingiriis keliya.

Adeegga 988 ma caawinayaa dadka maqalkoodu culus yahay ama indhaha la'?

T988 ayaa hadda u adeegaaya dadka isticmaala TTY ayadoo loo maraaya midkood adeegga relay ee ay ku kalsoon yihiin ama wacaaya 711 kadib wacaaya 1-800-273-8255. 988 ayaa sidoo kale adeegyada ku bixinaaya fariin qoraal iyo wada sheekaysi. NSPL ayaa wada qorshe lagu balaarinaayo adeegga muuqaalka taleefanka si adeeg fiican loo siiyo dadka dhagoolka ah ama maqalkoodu culus yahay ee codsanaaya gurmadka 988.

Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhacaaya marka aad wacdo 988, booqo sawir xogeedkaan kasoo baxay NSPL (Ingiriis).

Substance Abuse and Mental Health Services Administration (SAMHSA, Maamulka Adeegyada Isticmaalka Maandooriyaha iyo Caafimaadka Dhimirka) (Ingiriis) waa wakaalada federaalka ee hogaanka haysa, ayadoo kaashanaysa Federal Communications Commission (FCC) (Ingiriis) iyo Department of Veterans Affairs (Waaxda Arimaha Hawlgabka Ciidanka) (Ingiriis). Vibrant Emotional Health  (Caafimaadka Shucuurta ee Habboon) (Ingiriis) ayaa ah Maamulaha Qaran ee NSPL iyo 988.

Ilaha