Care Connect Washington

Haddii lagaa helay COVID-19 oo aadna ubaahan tahay cunto ama kaalmo kale inta aad kujirto iskarantiilka, fadlan khadka tooska ah ee macluumaadka COVID-19 ee gobolka kawac 1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.

Care Connect Washington waa barnaamij cunto iyo baahiyaha kale ee lama huraanka ah lagu siinayo dadka ah labaadaan midood in laga helay cudurka COVID-19 ama lasoo gaarsiiyey/udhawaadeen oo ayna ubaahan yihiin taageero si ay isu keli yeelaan ama isugu karantiilaan guriga. Department of Health ee gobolka, oo kaashaneysa maamullada caafimaadka ee maxalliga ah iyo la hawl-galayaashooda, waxa ay u fulinayaan Care Connect Washington si gobol-gobol ah. Gobol kasta waxa uu la shaqeynayaa bulshada si uu ugu xiro dadka adeegyada ay xaqa u leeyihiin, sida daawo keenida, daryeelka caafimaadka, ka caawinta codsashada shaqada, ku xirida wakaaladaha guriyeynta maxalliga ah, kuwa bixiya cuntada tabarucaada ah, daryeelka bixiyaasha carruurta iyo in ka badan. Caawinta waxaa la sameeyaa ayadoo loo eegayo baahida meesha ka jirta.

Si ay ugu suurtagasho dadka kujiro iskali yeeliyada ama karantiilka in ay joogaan guriga, Care Connect Washington ayaa bixisa waxyaabaha noocaan ah sida agabka daryeelka shakhsiyeed, xirmooyinka cuntada aanan qurmin, iyo dalabyada cuntada fareeshka ah oo loogu geynaayo guryahooda. Haddii baahiyo kale oo muhiim ah lasoo ogaado, sida kaalmo dhaqaale oo lagu bixiyo biilasha, isku xiraha daryeelka maxalliga ayaa ka caawiyo dadka inay codsadaan khayraadka maxalliga ama adeegyada laga yaabo inay xaq u leeyihiin, ama iyaga siinaayo kaalmo toos ah oo lagu bixinaayo biilasha sida kirada, deynta, iyo adeegyada. Markii iskali yeelida ama karantiilku dhamaado, isku xiraha daryeelka ayaa ku xiri kara dadka adeegyada maxalliga ee muddada dheeraadka ah si ay ooga taageeraan baahiyaha caafimaad iyo bulsho ee socdo. Care Connect Washington waxa ay xogta dadka ay u baahan yihiin ku siisaa luuqada ay rabaan.

Haddii lagaa helay COVID-19 oo aadna ubaahan tahay cunto ama kaalmo kale si aad guriga isugu go'doomiso, kala xariir laynka khadka xogta COVID-19   -1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa. Saacadaha laynka khadka la helo waa:

  • 6 a.m. illaa 10 p.m., Isniinta
  • 6 a.m. illaa 6 pm., Talaadada ilaa Axada iyo maalmaha fasaxyada gobolka (kaliya ku qoran Af-Ingiriis)

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Care Connect regions map with services in these counties: Grays Harbor, Mason, Thurston, Pacific, Wahkiakum, Lewis, Cowlitz, Clark, Skamania, Clickitat, Yakima, Benton, Franklin, Adams, Lincoln, Ferry, Stevens, Pend Oreille, Spokane, King, Pierce, Snohomish, Skagit, Whatcom

Hannaanka Heer Gobolka ah ee Gargaarka COVID-19

Department of Health ee gobolka, oo kaashaneysa maamullada caafimaadka ee maxalliga ah iyo la hawl-galayaashooda, waxa ay u fulinayaan Care Connect Washington si gobol-gobol ah. Gobol kasta waxa uu la shaqeynayaa la-hawlgalayaasha kusaleysan bulshada si uu ugu xiro dadka adeegyada ay xaqa u leeyihiin, sida daawo keenida, daryeelka caafimaadka, ka caawinta codsashada shaqada, ku xirida wakaaladaha guriyeynta maxalliga ah, kuwa bixiya cuntada tabarucaada ah, daryeel bixiyaasha carruurta iyo in ka badan.

Halkee Ayaa Laga Helayaa Adeegyada?

Adeegyada waxaa laga heli karaa qeybo badan oo gobolka ah, iyada oo la siinayo dadka aqbala/oggolaada iney isku kali yeelaan ama isku karantiilaan guriga laakiin ubaahan in la caawiyo si ay u sameeyaan sidaas.

Gobolka Bariga

Better Health Together (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sidii Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Adams, Ferry, Lincoln, Pend Oreille, Spokane, iyo Stevens.

King County

Department Of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) ayaa u adeega sidii Care Connect Washington Hub gudaha King County iyo WithinReach (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa bixiya adeegyada isku xira daryeelka.

Gobolka Bartamaha Waqooyi

DOH waxa ay hadda iskudubaridaysaa adeegyada loogu talagalay gobolkaan. Dhaqangalaayo Abriil 1, 2022, Action Health Partners (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) waxa ay u adeegi doonaan sidii Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Chelan, Douglas, Grant iyo Okanogan.

Gobolka Waqooyiga

North Sound Accountable Community of Health (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sidii Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Island, San Juan, Skagit, Snohomish, iyo Whatcom.

Gobolka Waqooyi Galbeed

DOH waxa ay hadda iskudubaridaysaa adeegyada loogu talagalay gobolkaan ayadoo adeegyada laga helaayo Clallam County.

Pierce County

Elevate Health (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sidii Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada Pierce County.

Gobolka Bartamaha Koonfurta

Providence St. Mary (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sidii Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Kittitas, Walla Walla, Whitman, Columbia, Garfield, Asotin, Yakima, Benton iyo Franklin.

Gobolka Koonfur Galbeed

Southwest Washington Accountable Community of Health (SWACH) (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sida Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Clark, Klickitat, iyo Skamania.

Gobolka Galbeedka

Cascade Pacific Action Alliance’s Community CarePort (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) ayaa u adeegaya sida Care Connect Washington Hub oo siinaayo adeegyada degmooyinka Cowlitz, Wahkiakum, Pacific, Grays Harbor, Mason, Thurston, iyo Lewis.

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Mala ii heli karaa aniga adeegyada Care Connect Washington?

Waxaad uqalantaa adeegyada haddii lagaa helay COVID-19 oo aadna si firfircoon aad isugu go'doomineyso guriga. Haddii aad udhawaatay qof laga helay caabuqa oo aadna isku karantiileyso guriga waad uqalmi kartaa adeegga.

Wac Khadka Tooska ah ee Macluumaadka COVID-19 ee Gobolka 1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa. 

  • 6 a.m. illaa 10 p.m., Isniinta
  • 6 a.m. illaa 6 p.m., Talaadada ilaa Axada iyo maalmaha fasaxyada gobolka

Iskudubaridaha daryeelka maxalliga ayaa kula soo xariiri doono si loo soosaaro qorsho daryeel oo daboolayo baahiyahaaga inta lagu jiro iskali yeelida. Markii iskali yeelidaadu dhamaado, isku xirahaada daryeelka ayaa kugu xiri doono taageerada isku xirka daryeelka ee mudada dheer, haddii loo baahdo.

Caawin noocee ah ayaan filan karaa?

Isku xirahaada maxalliga ah waxa uu tilmaami doonaa khayraadka maxalliga ee laguu heli karo in lagugu caawiyo marki aad kujirtid iskali yeelida ama isku karantiilka guriga.Waxa ay sidoo kale ka caawiyaan qeybinta cuntada, sahayda, iyo ka kaalmeynta dhaqaale ee kirada, deynta, iyo adeegyada biilasha haddii khayraadka maxalliga aanan la heli karin marki aad kujirtid iskali yeelida ama isku karantiilka guriga. Isku xirahaada daryeelka waxa uu sidoo kale kugu xiri karaa adeegyada aad ubaahan tahay oo ay kamid yihiin adeegyada daawo keenida, daryeelka caafimaadka, ka caawinta codsashada shaqada, iyo in ka badan. Adeegyada kale waxaa kujiri kara ku xirida wakaaladaha guriyeynta maxalliga ah, kuwa bixiya cuntada tabarucaada ah, xarumaha daryeelka caafimaadka, daryeelka waayeelada, bixiyayaasha caafimaadka habdhaqanka, bixiyayaasha daryeelka carruurta, iyo adeegyada kale ee ku saleysan bulshada oo dhaqan ahaan ah kuwo ku habboon. Adeegyadu waa ay ku kala duwanaan karaan gobalada.Markii iskali yeelida ama karantiilku dhamaado, isku xirahaada daryeelka ayaa kugu xiri kara adeegyada gobolka ee muddada dheeraadka ah si ay kaaga caawiyaan baahiyaha socdo. Care Connect Washington waxa ay xogta aad u baahan tahay kugu siin doonaan luuqada aad rabto.

Xaq ma uleeyahay Care Connect Washington?

Waxa aad xaq uyeelaneysaa haddii:

  • Lagaa helay COVID-19 ama aad u dhawaatay qof laga helay; oo aadna
  • Aad isku kali yeeleyso ama aad isku karantiileyso guriga.

Adeegyada ay bixiso Care Connect Washington waxa ay dadka xaqa u leh ku heli karaan si bilaash ah. Caawinta waxaa la sameyn doonaa iyadoo loo eegayo baahida meesha ka jirta.

Halkee laga heli karaa adeegyada Care Connect Washington?

Department of Health ee gobolka, oo kaashaneysa maamullada caafimaadka ee maxalliga ah iyo la hawl-galayaashooda, waxa ay u fulinayaan Care Connect Washington si gobol ahaan ah. Halkaan waxaa ku sawiran khariidada oo muujinayo meesha hadda laga heli karo adeegyada:

Care Connect regions map with services in these counties: Grays Harbor, Mason, Thurston, Pacific, Wahkiakum, Lewis, Cowlitz, Clark, Skamania, Clickitat, Yakima, Benton, Franklin, Adams, Lincoln, Ferry, Stevens, Pend Oreille, Spokane, King, Pierce, Snohomish, Skagit, Whatcom
Meeqa ayaa la gadayaa?

Wax lacag ah lagaagama qaadi doono adeegaan. Care Connect Washington ayaa maamulka federaalka ka heshay lacagaha lagu taageerayo ka jawaabida COVID-19 ee gobolka Washington dhexdiisa.

Illaa in intee la'eg ayey qaadan doontaa inaan ku helo caawinta?

Xiriiriyahaada daryeelka gobolka waxa uu isku dayi doonaa dadaal kasta oo lagugu soo gaarsiinayo caawimaad maalin gudaheeda kadib marka uu helo soo gudbinta.

Maku qasbanahay inaan wali kusii jiro iskali yeelida ama iskarantiilka inta ay iisocoto qaadashada kaalmada?

Haa. Iskali yeelida iyo iskarantiilku waa hababka ugu muhiimsan ee loo adeegsado in looga fogaado ku faafinta COVID-19 ee dariskeena, saaxiibadeena, qoyska, iyo dadka aan isla shaqeyno—iyo in cudurka lagu yareeyo gaaritaankiisa ballaaran ee saamaynta xun ku yeelanayo bulshadeena. Haddii aad ubaahato caawin kadib marka ay mudada iskali yeelida ama iskarantiilka ay dhamaato, isku xirahaaada daryeelka gobolka ayaa kugu xiri kara adeegyada muddada dheer oo kaa caawinaya baahiyaha caafimaad iyo bulsho ee socdo.

Waa maxay farqiga u dhexeeya isgo'doominta/iskali yeelida iyo karantiilka?

Iskaliyeelida/Isgo'doominta: Haddii lagaa helo COVID-19, aad leedahay astaamaha, ama aad sugeyso natiijooyinka baaritanka, waxaad ubaahan tahay inaad isgo'doomiso si aad ooga fogaato faafinta xanuunkaada.

Karantiilka:  Haddii lagu soo gaarsiiyey/udhawaatay COVID-19 laakiin aadan lahayn astaamaha, waxaa laga yaabaa inaad ubaahato inaad iskarantiisho, ayadoo loo eegayo xaaladaada tallaalka. Tani waxaad ooga fogaaneysaa faafinta fayriska kahor inta aadan ogaan inaad xanuunsan tahay.

Raac hagisti ugu danbeysay (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) oo katimid CDC (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) iyo DOH (kaliya ku qoran Af-Ingiriis) oo ku saabsan inta ay tahay inay sii socoto karantiilkaada.

Maxay tahay inaan sameeyo haddii astaamahayga COVID-19 ay kasii daraan?

Si degdeg ah u raadso caawimaad caafimaad haddii astaamahaaga ay ka sii daraan. Haddii uu qof isku arko mid kamid ah calaamadaha soosocda, ha raadsado gargaar caafimaad oo degdeg ah isla markiiba:

  • Neefta oo kugu adkaata
  • Xanuun joogto ah ama cadaadis kaa saaran xabadka
  • Wareer cusub
  • Aan awoodin in uu tooso ama uu soo jeedo
  • Bishimaha ama wajiga oo buluug noqda

*Kani ma ahan liis dhammeystiran. Fadlan wac dhakhtarkaaga wixii la xariira astaamo kasta oo daran ama walaac kugu abuuraayo.)

Haddii aad qabto xaalad caafimaad oo degdeg ah oo aad u baahan tahay inaad wacdo 911, u sheeg soo diraha in laga yaabo inaad qabto COVID-19. Haddii ay suurtagal tahay, gasho gafuur xir wajiga ka hor intaan adeegga gurmadka caafimaadku kusoo gaarin.

Illaa muddo intee la'eg ayey iisoconayaan adeegyada Care Connect Washington?

Iskudubaridahaaga daryeelka gobolka ayaa ku caawin doono illaa 21 maalmood. Xaaladaha qaarkood, isku xirahaada daryeelka ayaa kugu xiri kara adeegyada muddada dheeraadka ah si ay kaaga caawiyaan baahiyaha caafimaad iyo bulsho ee socdo.

Sidee ayey u shaqeysaa Care Connect Washington?

Care Connect Washington waa wajihid/hab uu gobolku taageero, oo xarun u ah deegaanka daryeelka la isku dubariday.

Washington State Department of Health waxa ay maamushaa jawaab ka bixinta isuduwidda daryeelka gobolka, bixisaa taageerooyinka shaqaaleynta iyo tababarka, waxa ay isku xirtaa ilaha khayraadka maxalliga iyo kuwa gobolka oo dhan ah, waxa ayna si waxtar leh u adeegsataa natiijooyinka ayadoo maamulaysa ilaha khayraadka halka meel la iskugu geeyey, sida maalgelinta iyo kaabayaasha farsamada.

Gobolada si gaar ah waxa ay soo aqoonsadaan oo ayna shaqaale bulshada kusaleysa geeyaan si ay u bixiyaan caawin uguna xiraan dadka ilaha adeegyada maxalliga ah si ay u taageeraan in lagu guuleysto iskali yeelida iyo karantiilka. Goboladu waxa ay la shaqeeyaan ganacsatada maxalliga ah si ay u bixiyaan badeecadaha iyo adeegyada loo baahan yahay, iyaga oo gacan ka geysanaya soo kabashada dhaqaalaha maxalliga ah.

Isku duwayaasha daryeelka waxaa loo xilsaaray inay qiimeeyaan, taageeraan, oo ayna la socdaan baahiyaha gaarka ah ee caafimaadka iyo bulshada ee qof kasta oo ayna sameeyaan Qorshe Hawleedka Daryeelka COVID. Barnaamijku waxa uu ku xiraa dadka ilaha adeegyada luuqadooda ay rabaan markasta oo suurgal tahay waxa ayna la socdaan inta ay socoto hawsha si ay u xaqiijiyaan in dadka la siiyey taageero.

Sidee ayaad u xafidi/ilaalin doontaan xogteyda?

Isku xirahaada daryeelka ayaa hubin doono xogta ay soo gaarsiiyaan khadka caawinta xogta COVID-19 waxa ayna weydiiyaan baahiyahaaga. Xog kasta oo aad la wadaagto iskuduwahaaga daryeelka waxa ay ahaaneysaa qarsoodi/mid qarsoodi ah. Shaqaalaha bixiyo adeegyada isku xirka daryeelka iyo Department of Health waxa ay u adeegsan doonaan macluumaadka inay ku aqoonsadaan adeegyada muhiimka ah ee laga yaabo inaad ubaahato. Ma la wadaagi doonaan dad kale xogta caafimaadka shakhsiga ama gaarka ah.

Sidee ayey Care Connect Washington ooga hortagtaa faafitaanka COVID-19?

Dadka ku hela caawinta daboolida baahiyaha muhiimka ah ee caafimaadka iyo bulshada waxaa aad u suurtagal ah inay si guul leh u dhammeystiraan iskali yeelida iyo karantiilka guriga. Iyada oo la xaqiijinayo in dadka laga helay COVID-19 ama uu soo gaarsiiyey qofkale oo laga helay cudurka in ay kujiraan iskali yeelida iyo karantiilka guriga, Care Connect Washington waxa ay yareyn karaan faafitaanka COVID-19 waxa ay korna uqaadi karaan soo kabashada dhaqaalaha. Sababtoo ah nidaamku waxa uu diirada saarayaa dadka qaba baahiyaha caafimaad iyo bulsho oo ka dhigayo kuwo aad ugu nugul COVID-19, waxa ay gacan ka geysan kartaa inay wax kaqabato sinnaan la'aanta caafimaadka iyo taageerada bulshooyinka uu sida ba'an usaameeyey COVID-19.

Who do I contact if I know someone who needs support from Care Connect Washington?

Haddii adiga ama qof aad garaneyso si weyn iskugu kali yeelaayo ama isku karantiilayo guriga una baahan yahay caawin, la xariir Khadka Tooska ah ee Macluumaadka COVID-19 ee Gobolka.

Khadka Tooska ah ee Macluumaadka COVID-19 ee Gobolka: Garaac 1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.

  • 6 a.m. illaa 10 p.m., Isniinta
  • 6 a.m. illaa 6 p.m., Talaadada ilaa Axada iyo maalmaha fasaxyada gobolka
Adeegyada ay bixiso Care Connect Washington maku jiraan adeegyada habdhaqanka caafimaadka?

Haa! Isku xirahaada daryeelka ayaa kaa caawin kara inaad hesho adeegyada caafimaadka habdhaqanka ee kajira bulshadaada dhexdeeda.

Adeegyada taageerada iskuduwidda daryeelka ma heli karaan xubnaha Tribal Nations (Qowmiyadaha Asalka Ameerikaanka ah)?

Haa. Si aad wax dheeraad ah u ogaato, iimayl udir COVID19.CareCoordination@doh.wa.gov ama wac 564-999-1565.

Ma jiraan adeegyada tarjumaada?

Haa. Marka aad ka wacdo Khadka Tooska ah ee Macluumaadka COVID-19 ee Gobolka 1-800-525-0127 oo aad riixdo #, caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.

Marka lagugu xiro iskudubaridaha daryeelka, Care Connect Washington waxa ay xogta aad u baahan tahay kugu siin doonaan luuqada aad rabto.

Ilaha

  • Bogga laga helayo Ilaha iyo Talooyinka: Kahel macluumaadka ku saabsan afxirka, karantiilka, daryeel bixinta loogu talagalay qoysaska, soo gaarista COVID-19, astaamaha, iyo in kabadan. Waxaad u habbayn kartaa waxyaalaha luuqada aad rabto.