Somali

Su'aalaha inta badan la isweydiiyo

Sababta Aad isku Baareyso

Baaritaanka waxaa uu badbaadiyaa nolosha. Baaritaanka waxaa uu u oggolaanayaa dadka inay ku dhaqmaan taxaddaro, sida iskarantiilida, waqti ku habboon si loo joojiyo faafitaanka ka dhanka ah fayraska; dadka cudurka qaba oo aan weli calaamado lahayn way faafin karaan fayraska. Baaritaanka waxaa uu sidoo kale ka caawiyaa saraakiisha caafimaadka dadwaynaha inay aqoonsadaan oo ay ka falceliyaan dilaacida, iyo inay la socdaan noocyada cusub ee fayraska. Baaritaanka waa agab muhiim ah oo ka caawinaaya dib u bilaabista hawlihii caadiga ahaa.

Cilmi baarayaal ka socda University of Washington iyo Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) waxay ogaadeen in baaritaanka COVID-19 iyo dabagalka loo adeegsado WA Notify (Ogeysiska WA) ay u badan tahay inay ka hortagto qiyaastii illaa 6,000 kiis laga bilaabo Diseembar 2020 illaa Maarso 2021.

Goorta la Isbaaro

Raadso baaritaan haddii aad leedahay calaamadaha COVID-19 ama aad xiriir dhow la yeelatay qof laga yaabo inuu qabo COVID-19. Waa inaad sida ugu dhakhsaha badan isku baartaa haddii aad leedahay calaamado, ama 3-5 maalmood ka dib u bayla noqosha laga shakisan yahay, xitaa haddii aadan isku arkin wax calaamado ah.

Meesha la Iska Baaro

Mareegta Department of Health ee Gobolka WA waxa uu hayaa tilmaamaha goobaha baaritaanka (Af-ingiriis ku qoran) ee laga heli karo gobol kasta, oo leh saacadaha shaqada iyo shuruudaha. Hadaad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan goobaha baaritaanka, wac 2-1-1. Xirmooyinka baaritaanka ee laga soo ibsado farmashiyaha ayaa sidoo kale diyaar ku ah dalabka iyo farmashiyaha ku habboon si loogu baaro guriga gudihiisa.

Raadi Goob Baaritaan oo Aniga ii Dhaw (Af-ingiriis ku qoran)

Noocyada Baaritaanada

Baaritaanka hadda la heli karo waxaa ka mid ah baaritaanada antigen-ka degdega ah, baaritaanada molecular (labadaba shaybaarka ku salaysan iyo goobta daryeelka), iyo xoogaa is-baarida guriga. Bixinta baaritaano kasta oo gaar ah way kala duwan tahay ayadoo loo eegayo baahida iyo awoodda wax soo saaraha.

Qarashka

Ma jiraan wax kharash ah oo jeebkaaga ka baxaya oo loogu talagalay baaritaanada lagu sameeyo gobolka ama goobaha baaritaanka uu gobolku taageero. Baaritaano badan, gaar ahaan loogu talagalay dadka la kulma calaamadaha, waxaa lagu dallaci karaa caymiska ama ay kabi karaan Department of Health. Goobaha baaritaanka ee qarashka ku dallaca adeega waxa lagu muujiyey tilmaamaha dhexdiisa. Baaritaanka safarka badankiisa laguma daboolin caymiska ama barnaamijyada uu gobolku taageero.

Sida Baaritaanka uu U Shaqeeyo

Baaritaanka intiisa badan waxaa lagu sameeyaa suufka la geliyo sanka. Baaritaanada qaarkood waxaa lagu sameyn karaa ayadoo la ururinayo candhuufta. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa bogga su'aalaha inta badan la iska weydiiyo baaritaanka.

Dabagal

Guriga joog ilaa inta suurtagalka ah haddii aad leedahay calaamado. Haddii lagaa helo cudurka, iskarantiil (sida waafaqsan habraaca DOH/CDC Xarumaha Loogu talagalay Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (Centers for Disease Control and Prevention) oo ka raadso caawimaad adigoo u maraayo Care Connect.