Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo | Baaritaanka COVID-19

Helitaanka agabyada baaritaanka

Xagee ayaan ka heli karaa agabka baaritaanka COVID-19?

Fadlan dooro ikhtiyaarada soosocda:

Haddii aad u bahaantahay caawimaad ah inaad hesho goob kuu dhaw oo aad iska tallaasho, ka hubi waaxda caafimaadka maxalliga ama degmada (webseet Af-Ingiriis ku qoran). Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-800-525-0127 kadibna riix #. Marka ay kaa qabtaan wicitaanka taleefanka, sheeg/dheh luuqadaada (Soomaali) si aad u hesho adeegyada tarjumaada luuqada.

Ma heli kari khadka interneetka / Webseetka luuqadeyda kuma qorno. Sidee ayaan ooga dalban karaa agabka la isku baaro oo lacag la'aan ah gudaha ablikeeshinka WA?

Fadlan wac 1-800-525-0127, kadibna riix #. Caawimaada luuqadda ayaa la heli karaa. Xarunta wicitaanka ayaa kuu dalbeyso baddalkaada/wakiil kaa ah ayagoo adeegsanaayo ablikeeshinka WA iyo madalada oonleenka ah ee federaalka.

Goormee ayaan heli doonaa agabka la isku baaro oo lacag la'aan ah?

Agabka la isku baaro oo lagu codsaday labada barnaamij midkood (Say YES! COVID Test (Dheh HAA! Baaritaanka COVID) ama Federal Program (Barnaamijka Federaalka)) waxaa inta badan lagu keeni doonaa muddo 1-2 asbuuc gudahooda ah marka la dalbado.

Webseetku waxa uu sheegayaa in agabka baaritaanka yaalay uu ka dhammaaday dukaanka. Goorma ayaa la heli doonaa?

Nasiib darro, ma hayno taariikhda saxda ah marka agabka la isku baaro la keeni doono dukaanka maadaama dib udhaca uu sababay baahiyaha iskuxirnaanshaha sahayda qaranka. Fadlan si joogto ah dib oga hubi halkaan sayyescovidhometest.org (webseet Af-Ingiriis ku qoran). Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga!

Haddii aad ubaahan tahay baaritaan degdeg ah, fadlan isticmaal dookhyada ku taxan meesha kahooseyso su'aasha, ‘Xagee ayaan ka heli karaa baaritaanka COVID-19?'.

Kadib marki aan raacay dhammaan ikhtiyaaradi baaritaanka ee la igula taliyey, wali meelna kama heli karo agabka baaritaanka. Maxay tahay inaan sameeyo haddii aan umaleeyo inaan qabo COVID-19?

Baaritaanka guud

Cidda ay tahay iney isbaarto?

Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) waxa ay ku talineysaa baaritaanka qofkasta oo leh astaamaha waafaqsan cudurka COVID-19.

DOH waxa ay sidoo kale ku talineysaa baaritaanka dadka ay suurtagalka tahay in lasoo gaarsiiyey, sida udhawaanshaha dhaw ee kiisaska cudurka, ama kuwa lasoo gaarsiiyey/udhawaaday xaaladaha cudur dillaaca.

Maxaa dhacaya haddii la iga helo cudurka?

Raac hagitaanadii ugu danbeeyey ee Centers for Disease Control and Prevention (CDC, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada) iyo tilmaamaha DOH oo isku go'doomi/isku kali yeel guriga, meel kafog dadka kale. Dhammaan udhawaanshaha dhaw ee cudurka waa in la karantiilaa.

Si aad usoo sheegto baaritaanka guriga la isaga baaro qof looga helay cudurka oo uuna uhelo qofka adeegyada daryeelka caafimaadka, fadlan ka wac Khadka Tooska COVID-19 ee Gobolka Washington 1-800-525-0127. Caawimaada luuqada ayaa la heli karaa.

Haddii aad horay ula soo dagtay/download-gareysay WA Notify (Ablikeeshinka Ogeysiiska Soogaarista/Udhawaanshaha Cudurka ee Washington) ama aad ka furatay taleefankaada casriga ah, waxaad ablikeeshinkaan u isticmaali kartaa inaad sidoo kale kusoo sheegto qof laga helay cudurka.

Xog dheeraad ah waxaa laga heli karaa halkaan: Waxa aad sameyneyso haddii lagaa helo cudurka.